Wararkii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Dalka Kenya

Date:

Nairobi-(SONNA)-Golaha Dowladda dhexe u qaabilsan warbaahinta Kenya ee (MCK) ayaa ku baaqay in meesha laga saaro tabinta tooska ah ee shirarka jaraa’id oo uu tilmaamay kuwo xasaasi ah xilligaan.

Ku simaha madaxa fulinta ee Golaha MCK CEO David Omwoyo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in warbaahinta laga doonayo inay diiradda saarto waxyaabaha ku soo kordhaya howlaha doorashada ku celiska ah.

Dhanka kale Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee Dalka Kenya  IEBC Mr Wafula Chebukati ayaa sheegay in 50-degaan Baarlamaaneed laga codeeyay waloow 5,319 oo ah goobaha codbixinta anan laga soo gudbinin wax farriin ah, taasi oo uu ku micneeyay  inaysan codeyn ka dhicin ama ay saameysay cillad dhanka khadka ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in arrimo dhowr ah laga baaraandegay ka hor inta anan la shaacinin in doorashada madaxtinimo ee ku celiska ah ay maalinta sabtida ka dhaceyso ismaamulada kala ah Kisumu, Migori, Homa Bay iyo Siaya oo shalay laga soo tabiyay caqabado dhanka amaaanka ah.

Waxaa uu intaasi ku daray in haddii ay dibadbaxyada sii socdaan guddiga doorashooyinka uu qaadanayo go’aan la xariira maamul goboleedyadaasi iyo natiijada doorashooyinka.

Natiijada hor dhaca ah ayaa muujinaysa in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku hogaaminayo codadkii la dhiibtay 442,052 oo cod, halka Raila Odinga oo ah hogaamiyaha mucaaradka Nasa uu helay 6, 321 cod.

Raila Odinga, oo horay u shaaciyay inuu is bahaysigiisu qaaddacay doorashooyinka haddana loollanka loo adeegsanayo Magaciisa iyo Sawirradiisa.

Saaka oo Jimca ahna waxaa lasoo sheegayaa iney sii lixaadsanayaan rabshadaha ka socda goobaha ay mucaaradku ku xooggan yihiin halkaasi oo sida ay Boliisku sheegeen lagu dilay Afar Qof, halka tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...