Home Blog Page 1482

Wasiirada Warfaafinta, Caafimaadka iyo Cadaaladda oo hortagay Golaha Shacabka

0

Wasiirada Warfaafinta, Caafimaadka  iyo Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku kulmay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Ajandaha xubnaha Golaha Shacabka ayaa la xiriiray Hindiso Sharciyeedyo horey wasaaradahaasi ay usoo gudbiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan ayaey xubnaha Golaha Shacabku ka dhageysteen warbixin ku aadan wax ka badalka Xeerka Saxaafadda oo wasaaraddu ay soo gudbisay kadib markii wadatashiyo kala duwan ay kala soo sameysay bahda warbaahinta.

Sidaasi oo kale  wasiiradda Caafimaadka iyo Cadaaladda, ayaa warbixino ku aadan Hindise sharciyeedka Caafimaadka oo ay soo gudbisay wasaaradda caafimaadka iyo Hindise sharciyeedka musuq maasuqa oo ay soo diyaarisay wasaaradda Cadaaladda hor geeyey Xubnaha Golaha shacabka.

Wixii warar ah ee kusoo kordha Halkaan kala soco.

Ciraaq oo guulo hor leh ka sheegatay dagaalka ay kula jirto Daacish

0

Baqdaad   (SONNA)- Ciidamadda Ciraaq ayaa guulo deg deg ah ka gaaray Xoreynta magaalada Al-Xuweyja, iyadoo dagaalkaasi oo galay maalintiisii labaad ay Ciidamadda Ciraaq kooxda Daacish ka xoreeyeen in ka badan 30-tuulo oo hoos taga magaaladaasi,iyagoo saddex jiho ka weeraray Argagixisada ku sugneyd magaalada Al-xuweyja.

Kooxda warfidiyeenka oo la socda ciidamada Ciraaq ayaa ku soo bandhigay barahooda in ciidamadda wadajirka ah ee dagaalkaasi ku wehliya ciidamada Ciraaq ay u suurta gashay  inay 30-tuulo ka xoreeyaan Daacish, iyada oo dhulka la xoreeyey lagu qiyaasay  in masaafadiisu dhan tahay 530-km oo isku weer ah.

Warfidiyeenku waxay intaa raaciyen in dagaalkaasi dhex maray ciidamadda Ciraaq iyo kooxda Daacish uu sababay dhimashada  tobaneeyo ka tirsan Daacish iyo burburinta saldhigyo ay kooxdaasi  ku dhuumaaleysanayeen, iyadoo dhanka kale diyaaradaha dagaalka ee Ciraaq hawada ka garaacayeen maleeshiyaadka ka tirsan Daacish.

 

Howlgalo Amaanka lagu xaqiijinayey oo xalay laga sameeyey Muqdisho

0

Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa Xalay Howlgalo Ka sameeyay xaafado katirsan degmada Yaaqshid ee gobalka Banaadir.

Howlgalka ayaa Ciidamadu waxa ay ka sameeyeen Xaafadda Juungal, Waxaana Ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga, si  looga hortago dhibaatooyinka ay bulshada u maleegayaan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidamadda ayaa la arkayey iyaga oo baaraya guryaha ku yaal Xaafadda Juungal, isla markaan si fiican ula dhaqmayey dadweynaha ku sugnaa deegaanka uu ka socday howlgalka.

Howlgala ayaa sidoo kale waxaa ka Qeyb qaadanayey maamulka degmada Yaaqshiid oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha degmadaas, iyo masuuliyiin kale.

Boqolaal qof oo u badan dhallinyaro ayaa lagu qabtay howlgalka, waxaana la isugu  keeney barxad ku taal xaafadda JuungaL ee degmadaas halka inta badan la sii daayay kadib markii lagu sameeyay bartaan.

Guddomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan oo la hadley warbaahinta howlgalka kadib, ayaa ka warbixiyay sida uu u dhacey howlgalkaasi isagoo ugu baaqey bulshada iney la shaqeyaan ciidamadda Amniga.

Ciidamadda Xasilinta caasimadda ayaa mudooyinkii dambe howlgalo lagu xaqiijinayo amniga kawaday degmooyinka gobalka Banaadir, kaasi oo lagu beegsanayey maleeyshiyaadka Al-shabaab.

W/D:- C/qaadir Fantastic

 

Shir hiigsiga Soomaaliya ee 2021 ayaa lagu daah furay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

0

Shirkani oo halku dhigiisa uu ahaa hiigsiga Soomaaliya ee 2021 ayaa lagu daah furay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Shirkani oo ay soo qaban qaabiyeen ururka Ka-Joog iyo guddi gaar ah oo ka shaqeynayaa horumarka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington,wakiilo ka socday aqalka cad ee loogu arimiyo Maraykanka iyo dhalinyaro wax ku baratay dalka Maraykanka

Waxaana shirkani lagu wadaa in uu socdo mudo laba Maalin ah ayaa lagu soo gaba gabayn doonaa jaamacada Minnesota.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Mareykanka Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiim u ah dadka Somaaliyeed isla markaana ay ka qeybgaleen dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka wax ku bartay

Madaxa ururka Isuroon Fartuun Weli oo ka mid ah aqoon yahanada shirkani ka hadlaya ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed door weyn ay ka qaadan karaan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wasiirada Warfaafinta, Caafimaadka iyo Cadaaladda oo hortagay Golaha Shacabka

0

Wasiirada Warfaafinta, Caafimaadka  iyo Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku kulmay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Ajandaha xubnaha Golaha Shacabka ayaa la xiriiray Hindiso Sharciyeedyo horey wasaaradahaasi ay usoo gudbiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan ayaey xubnaha Golaha Shacabku ka dhageysteen warbixin ku aadan wax ka badalka Xeerka Saxaafadda oo wasaaraddu ay soo gudbisay kadib markii wadatashiyo kala duwan ay kala soo sameysay bahda warbaahinta.

Sidaasi oo kale  wasiiradda Caafimaadka iyo Cadaaladda, ayaa warbixino ku aadan Hindise sharciyeedka Caafimaadka oo ay soo gudbisay wasaaradda caafimaadka iyo Hindise sharciyeedka musuq maasuqa oo ay soo diyaarisay wasaaradda Cadaaladda hor geeyey Xubnaha Golaha shacabka.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Saraakiisha Qaramada Midoobay ee ku sugan Xafiiska Beledweyne, waxaana kulanka looga hadlay xoojinta wax ka qabashada baahiyaha ka jira Hirshabelle iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta iyo dib u dhiska deegaannada Maamulka Hirshabelle.

Ugu horeyn Saraakiisha ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle waxa ay ugu hambalyeeyeen Mas’uuliyadda culus ee 16-kii bishaan loo doortay, waxaana ay muujiyeen sida diyaarka ay ugu yihiin la shaqeynta Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Madaxweynaha Cusub.

Saraakiisha ugu sareysa xafiiska Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne ayaa waxa ay faah faahin ka siiyeen Madaxweynaha Hirhshabeelle howlaha ay ka qabteen deegaannada Maamulka iyo waxyaabaha horyaalla in ay wax ka qabtaan oo ay ka mid yihiin horumarinta kaabayaasha Dowladda, Dib u dhiska Deegaanada, arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay sida lagama maarmaanka ay u tahay wanaajinta iyo xoojinta xiriirka kala dhexeeya Hey’adaha Qaramada Midoobay, waxaana uu ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Maamulka, isla markaana looga jawaabi lahaa baahiyaha deg dega ah ee soo food saara bulshada Hirshabelle.

Mudane Waare  oo sii hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in bulshada loo bandhigo waxqabad muuqda oo ay ku qanci karaan, taasina looga baahanyahay in xafiiska Qaramada Midoobay ee Beledweyne uu ka shaqeeyo fulinta Mashaariicyo horumarineed oo ay soo gudbin doonto Dowladda Hirshabelle, waxaana ay balanqaadeen Saraakiishaasi fulinta Waxyaabaha uu ka hadlay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday Jawi wanaagsan oo la isku fahmay waxyaabihii lagu balamayna sida ugu dhaqsiyaha badan loo fuliyo, sidoo kale waxa  ay isla garteen in la joogteeyo kulamada noocaani oo kale ah oo la isku xog wareysanayo.

Elman oo xaqiijisay saxiixa Maxamuud Meyman

0

Muqdisho (SONNA):- Naadiga kubadda cagta ee Elman oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalka ayaa rasmi ula wareegtay laacibka Maxamuud Cabdinuur Maxamed oo lagu naaneyso Meeyman.

“Saakay waxa uu yimid tababarka kooxda, kaddib heshiis uu la gaaray naadiga waxaa loo xeray lambarka 7-aad ee naadiga, waa xiddig weyn oo aan aaminsanahay inuu wax kusoo kordhin doonno weerarka kooxda Elman.” Kabtanka kooxda Elman Xasan Cali Rooble (Babaay), ayaa warkan u sheegay SONNA.

Lambarka toddobaad ee Elman, waxaa horay u xeran jiray Allaha u naxariisto Cumar Muumin Daahir Zimbabwe, kaas oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Francisco Madeira” Dhalinyarada katirsan Al-shabaab haka faaiideystaan fursadda Dowladda Soomaaliya oo haka soo baxaan Al-shabaab”

0

Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Caetano Madeira, faah faahiyey Dagaalka Dowladda Federaalka  iyo AMISOM ay kula jirtaan Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo halka ay marayaan Howlgalada xiligan socda.

Madeira ayaa muujiyey in si loo soo afjaro dagaalka Al-shabaab uu socdo qorshe weyn oo la xiriira sidii loo kordhin lahaa gulufka Argagixisada ka dhanka ah ee sida wadajirka ah ay u wadaan ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Dowladda Soomaaliya ayuu uga mahad celiyey doorka wanaagsan oo ay ka qaadaneyso howlgalada Socda, waxaana uu u jeediyey shacabka Soomaaliyeed in dowladda laga taageero dadaalada socda ee meesha looga saarayo kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

 

Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Caetano Madeira ayaa u jeediyey Dhalinyarada kamidka ah Maleeshiyaadka  Al-shabaab in ay ka faaiideystaan dadaalada nabadeed ee ay waddo dowladda oo ay kasoo goostaan Maleeshiyaadkaasi.

“Waxaan rabaa inaan muujiyo mahadcelinteyda iyo sida aan u aqoonsahay dadaalka dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay sameynayaan, waxa ugu muhiimsan ee salka ah Nabadda iyo xasiloonida waa nabadda, bixinta adeeg bulsho dib u heshiisiin, awood iyo qayraad qeybsi, iyo in wax laga qabto muranka dhuleed ee jira, lana xaqiijiyo ammaaka.” Ayuu yiri Madeira.

“Waxaan kaloo rabaa inaan ka mahadceliyo dadaalka Dowladda Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta xubnaha Al-shabaab ka mid ah ee falalka Argagixisada kula kaca dadkooda, oo ay joojiyaan falalkan kuna soo biiraan dadaalka Dowladdooda, bulshadooda iyo maamul goboleedyada, kaasi oo dib loogu soo celinayo nabada laguna hormarinayo dalka.

Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Caetano Madeira ayaa Maleeshiyaadka Al-shabaab si gaar ah ugu eedeeyey falalka ay kamidka yihiin Askareynta Caruurta oo uu tilmaamay in ay tahay dambi weyn oo ay galeen.

 

Waqooyiga Kuuriya oo waynaysa xiriirkii Ganacsi ee kala dhexeeyay Shiinaha

0

Shiinaha(SONNA) Xukuumadda Beijing  ayaa sheegtay in ay  xadidayso xiriirka dahnka ganacsiga shidaalka ee ay dowladda Waqooyiga Kuuriya kala dhexeeyo Shiinaha,Waxaa sidoo kale la joojinayaa iibka dharka ee dalkaasi Waqooyiga Kuuriya laga soo iibsado.

Wadamada Shiinaha  iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa waxa ka dhexeeya xiriir ballaaran oo dhanka ganacsiga ah,kaasi oo haatan u muuqda mid sii xumaanaya kadib markii Kuuriyadda Waqooyi lagu soo rogay xayiraado horleh.

Joojinta iibinta dharka ayaa xukuumada Waqooyiga Kuuriya waxay ku noqonaysaa dhabarjab weyn,taasi oo qeyb ka ah talaabooyinka la doonayo in lagu ciqaabo Xukumadda Pyongyang oo ku adkaysanaysa in ay sare u qaadayso Gantaaladeeda Nuclearka ah.

Shiinaha ayaa saaxiib soo jireen ah la ahaa Waqooyiga Kuuriya, balse tijaabooyinka hubka ee Pyongyang ayaa arrimahani sababay,kadib markii xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qm iyo golaha loo dhanyahay ay si isku mid ah u cambaareeyeen horumarinta barnaamijka Nuclearka ee Kuuriyada Waqooyi.

War ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga ee Shiinaha ayaa lagu sheegay in tilaabooyinkani ay hirgeli doonaa bisha Octobar kowdeeda.

Waqooyiga Kuuriya waxaa sidoo kale ay kala fogaanayaan wadanka Maraykanka oo weerar afka ah ay hadda isku hayaan,afar iyo labaatankii saacadood ee la soo dhaafay waxaa Dolwadda Kuuriyada Waqooyi ay sheegtay in aanay joojin doonin gantaalada Nuclearka ah,iyadoo hogaamiyaha wadankaasi uu si kulul u weeraray siyaasadda madaxweyne Donald Trumka Mareykanka.

Somalia iyo Suudan oo ka wada hadlay iskaashiga Ganacsi

0

Suudaan(SONNA) Uqeybsanaha Arrimaha Ganacsiga Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Cabdi Xakiim Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha guud ee Warshadda soo saarta dawada xoolaha ee Dalka Suudaan  Bashiir  Xasan Bashiir iyagoo ka wada hadlay sidii loo abuuri lahaa xiriir ganacsi oo labada dal dhexmara.

Kulankan ay wada qaateen labadan mas’uul ayaa waxey ugu wada hadleen sidii Xiriir ganacsi ay u yelan lahaayen Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan,waxaana Guddoomiyaha Guud ee Warshadda Bash Pharma uu sheegay inay aad u daneynayaan Maalgashi ay ku sameystan Dalka Soomaaliya,islamarkaane ay doonayan inay Daawoyanka ay soo saarta Warashadda ay u dhoofsadan Dalka Soomaaliya.

Sido kale madax Arrimaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaasi Suudaan ayaa asigana sheegay in madaxda Warshadda Bash Pharma oo dawooyinka Xoolaha soo saarta ay baahi gooni ah u qaban in xiriir ganacsi la sameeyan Soomaaliya.

Dhanka kale Cabdi Xakiim Luqmaan Xaaji Maxamed Madax Arrimaha Ganacsiga Safaaradda ee Soomaaliya ee Dalka Suudaan ayaa kulan muhiim ah la qaatay madaxa Shirkadda Kenana oo ah shirkad soo saarta Sonkorta,waxey kulanka ugu wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta Ganacsiga ee labada dowladood iyo inay Soomaaliya ka go’antahay inay wax la qabsadaan Walaalahooda Suudaan.

Madaxa Shirka Kenana ee Suudaan oo soo saarta Sonkorta AL-Nuur Ibraahim Maxamed ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay kaalin buuxda ka qaatan dhamaan dhaqdhaqaaqyada Ganacsi ee ka jira Soomaaliya.

Tan iyo burburkii Dowladdi dhexe ee Soomaaliya 1991 waxaa meesha ka maqnaa xiriiro badan oo dhanka ganacsiga uu dalka la lahaa hey’ado iyo Wadamo Caalamka ka tirsan,balse haatan ayaa waxaa la dareemayaa wax xoogaa horumar ah.