Home Blog Page 1477

Wajigii 2aad ee Shirka Wada-tashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Furmay + Sawirro

0

Muqdisho(SONNA):–Wajigii labaad ee shirka wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad Goboleedyada dalka ayaa caawa si toos ah uga biloowday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah Shabaab,dib u eegista Dastuurka, dardargelinta hanaanka Federaalka, daadajinta hannaanka ka faaiidaysiga Khayraadka iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ayaa waxaa loo xil saaray guddi isku dhaf ah oo ka ka kala socda Dowladda Dhexe iyo dowlad Goboleedyada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Madaxda Dowlada Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa madasha shirka waxa ay ka jeediyeen khudbado ay ku muujinaayeen midnimada, horumarka  iyo iskaashiga dagaalka ka dhanka agagixisada.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi  Farmaajo ayaa sheegay in ay waaajib ku tahay madaxda qaran ee shirkan ka soo qayb galay in ay ka shaqeeyaan  midnimada iyo soo celinta rajada shacabka Soomaaliyeed, taasna ay asaas u tahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Alshabaab.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay musiibadii 14kii Oktoobar isaga oo ugu baaqay dhammaan shacab iyo dolwadba in laga shaqeeyo si aysan mar kale uga dhicin dalka dhacdo murugo u keenta carruurta, waalidka iyo guud ahaan Muwaadiniinta.

Kaddib khudbadaha Madaxda, waxaa kulan gaar ah yeeshay guddiyada isku dhafka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyaga oo ka wada hadlaaya sidii ay uga mira dhalin lahaayeen qorshayaasha ay isku afgarteen Madaxdu.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle oo booqday bukaanno ku jira Isbitaal Digfeer

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa maanta booqday isbitaalka Ordegan oo la dhigay qaar ka mid ah bukaanadii ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday Hotel Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa mid mid u booqday bukaanada dhaawaca qaba isagoo u qeybiyay lacag bukaanada dhaawaca ah.

Bukaanada uu booqday Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Muxumad Colaad Cabdi oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle, kaasoo ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday Hotel Naasahablood 2.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa u rajeeyay dhammaan bukaanada inuu Eebe caafimaad siiyo, waxaana booqashadiisa ku wehelinayay Siihayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Wasiirka Arrimaha gudaha oo faah faahiyay shirka wadatashiga (Dhageyso)

0

Muqdisho (SONNA) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Juxa ayaa faah faahin ka bixiyay shirka u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo Madaxda dowlad Goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka ah.

Wasiirka ayaa sheegay in qodobada shirka wadatashiga looga hadlayo ay ugu horeyso xoojinta wada shaqeynta iyo xalinta arrimaha taagan ee dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, dar dargelinta Nabadgelyada dalka iyo cirib tirka argagixisada Al-Shabaab, Horumarinta hanaanka Federaalka, dar dargelinta dib u eegista qabyo qoraalka dastuurka iyo abuuritaan hanaan wada jir ah oo arrintan looga shaqeyno, Barnaamijka la xiriira geeddi socodka doorashada hal qof iyo hal cod 2020 iyo sidii looga faa’iideysan lahaa mashaariicda.

Hoos ka dhageyso 

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo doorashada ku guuleystay

0

Kenya(SONNA) Uhuru Kenyatta ayaa helay 98.26 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, halka hogaamiyaha mucaaradka ee loolanka adag ku hayay uu helay 0.09 boqolkiiba. Laakiin Raila wuu qaadacay doorashada kamana qeybgalin,sida uu ku dhawaaqey Guddiga doorashada ee Kenya.

Guddiga doorashada ee Kenya ee IEBC ayaa sheegay in tirada dadka codeeyay ay ahayd boqolkiiba 39.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chabukati ayaa codsaday in aysan rabshado dhicin, qof kastana uu ka qeybgalo amniga iyo kala dambaynta.

Sidoo kale waxaa uu  tilmaamay in uu ka xun yahay dhibaatooyiinkii dhacay intuu khilaafka taagnaa iyo markii codeynta ay socotay.

Mucaaradka ugu wayn Kenya, NASA oo uu hoggaaminayo Raila Odinga ayaa horey u sheegay in aysan aqbali doonin natiijada ka soo baxdo doorashadan.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa ku adkaystay in doorashadan ay u diyaargaroobeen si ay u noqoto “mid xor iyo xalaal ah.”

Balse Mucaaradka ayaa sheegay in aan waxba laga qaban wixii ay ka cabanayeen ee ay diideen oo ka mid ahayd in guddiga uu dib u dhigo doorashada iyo in xubno ka mid ah shaqada laga ceyriyo.

 

Guddoomiye Jawaari oo shacabka Suudaan ugu hambalyeeyay cunqabateyntii uu Mareykanka ka qaaday”Sawirro”

0

Khartum(SONNA)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari  oo iminka ku sugan magaalada Khartum ayaa ugu hambalyeeyay Xukuumadda iyo shacabka suudaan cunaqabateyntii mudada dheer saarneyd oo ay dhawaan ka qaaday dowladda Mareykanka,taasi oo uu sheegay inay aad u farxad gelisay shacabka suudan.

Mudane Jawaari ayaa Tahniyadan ka sheegay khudbad uu maanta  ka jeediyay kalfadhi ay lahaayeen Baarlamaanka suudaan uuna shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaankaasi Prof Ibrahim Ahmed Omar,wuxuuna guddoomiye Jawaari khudbadiisa ku xusay inay shacbka labada dal sudan iyo Soomaaliya ay leeyihiin xiriir qota dheer  oo aad u xididideystay isla markaana labada dal  masaalix iyo dano wada jir ahna ay wadaagaan.

Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya waxa uu soo dhaweeyay dadaalka dowladda aaanu walaalaha nahay ee Suudan ay ugu jirto  xalinta ama wax ka qabashada mushkilada Soomaaliya ee dhinacyada badan leh
.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Mahamed Sheekh Cusman Jawaari waxa kale uu khudbadiisa ka sheegay inay suudaan jaamacad uga  furtay gudaha dalka Soomaaliya dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana kumanaan dhaliyaro ah deeq waxbarasho ugu fidisay daalkeeda kuwaasoo qaarkood marka ay dalka soomaaliya dib ugu soo laabteen aqoontooda uga faaideeyay shacabkooda waxqabadkoodana uu ka muuqdo wasaaradaha dalka.

Khudbadaasi uu Mudane jawaari u jeediyay xubnaha baarlamaanka Sudan, wuxuu kaloo ku soo hadal qaaday horumarka dhinacyada badan leh ee uu maanta gaaray dalka Soomaaliya, xaaladda Amni iyo wadciga uu dalku marayo,wuxuuna cadeeyay inay Soomaaliya ay maanta ka gudubtay dagaallo qabaa’il ah ayna hore u qaaday talaabo dhanka horumarka ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu kaloo ka hadlay ahmiyad ay u leedahay booqashada wafdigiisa marka loo eego ka qeyb galka kalfadhiga labaad ee Golaha sharci dejinta Baarlamaanka suudan,wuxuuna sheegay inuu warqad tahniyad ah uu uga sido shacabka Soomaaliya.
Mudane Jawaari  wuxuu munasabadaasi martiqaad ugu fidiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Suudan prof. Ibrahim  Ahmed iyo wafdi baarlamaani ah uu hogaaminayo inay  booqasho ku yimaadaan Soomaaliya, taasoo ujeedkeedu yahay sii xoojinta xiriirka labada baarlamaan iyo labada dal intaba, wuxuuna yididiilo wanaagsan ka muuiyay mira dhalka booqashada ay haatan ku joogaan magaalada Khartum ee caasimadda dalka Sudan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka sudan prof, Ibrahim ahmed Cumar oo isna munaasabadaasi ka hadlay  ayaa waxa uu soo dhaweeyay nuxurka ay xambaarsan tahay khudbad guddoomiye Jawaari u jeediyay Baarlamanka dalkaasi, wuxuu cadeeyay in labada dal soomaaliya iyo Suudan uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo aad u qota dheer,loona baahan yahay in labada Baarlamaan ay sii horumarriyaan xiriirkaasi.

Wuxuuna intaa raaciyay inay wafdiga soomaaliya ee uu hogaaminayo Mudane Jawaari iyo hogaankaa Baarlamaanka sudan ay  kala saxiixdeen heshiis isfaham ah ee labada dhinac.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta oo hortagay Baarlamaanka

0

Muqdisho (SONNA) Kulanka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Akhrinta 1-aad mariyay Hindise Sharciyeedka Batroolka iyo Macdanta, waxaana kulanka shir Guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Shiekh Ibraahim Muudeey,

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ka hor akhriyay Muhiimada uu sharcigan dalka u leeyahay iyo marxaladihii uu soo maray, wuxuuna sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la helo sharci lagu xakameynayo Batroolka iyo Macdanta, laguna wada qanacsan yahay, isagoo ka codsaday Baarlamaanka in si deg deg ah ay u ansixiyaan sharcigan.

Ka dib Akhrinta 1-aad ee hindise sharciyeedka Batroolka iyo Macdanta dalka ayaa Guddoomiye xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka waxa uu warbaahinta ku wargaliyay in banaanka uga baxaan hoolka Golaha, taasoo uu ku sababeeyay in Mudanayaasha ay leeyihiin kulanka isla xisaabtan ah.

Guddoomiye Jawaari oo shacabka Suudaan ugu hambalyeeyay cunqabateyntii uu Mareykanka ka qaaday

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari  oo iminka ku sugan magaalada Khartum ayaa ugu hambalyeeyay Xukuumadda iyo shacabka Suudaan cunaqabateyntii mudada dheer saarneyd oo ay dhawaan ka qaaday dowladda Mareykanka,taasi oo uu sheegay inay aad u farxad gelisay shacabka Suudan.

Mudane Jawaari ayaa Tahniyadan ka sheegay khudbad uu maanta  ka jeediyay kalfadhi ay lahaayeen Baarlamaanka suudaan uuna shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaankaasi Prof Ibrahim Ahmed Omar,wuxuuna guddoomiye Jawaari khudbadiisa ku xusay inay shacbka labada dal Sudan iyo Soomaaliya ay leeyihiin xiriir qota dheer  oo aad u xididideystay isla markaana labada dal  masaalix iyo dano wada jir ahna ay wadaagaan.

Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya waxa uu soo dhaweeyay dadaalka dowladda aaanu walaalaha nahay ee Suudan ay ugu jirto  xalinta ama wax ka qabashada mushkilada Soomaaliya ee dhinacyada badan leh.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Mahamed Sheekh Cusman Jawaari waxa kale uu khudbadiisa ka sheegay inay suudaan jaamacad uga  furtay gudaha dalka Soomaaliya dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana kumanaan dhaliyaro ah deeq waxbarasho ugu fidisay daalkeeda kuwaasoo qaarkood marka ay dalka Soomaaliya dib ugu soo laabteen aqoontooda uga faaideeyay shacabkooda waxqabadkoodana uu ka muuqdo wasaaradaha dalka.

Khudbadaasi uu Mudane jawaari u jeediyay xubnaha Baarlamaanka Sudan, wuxuu kaloo ku soo hadal qaaday horumarka dhinacyada badan leh ee uu maanta gaaray dalka Soomaaliya, xaaladda Amni iyo wadciga uu dalku marayo,wuxuuna cadeeyay inay Soomaaliya ay maanta ka gudubtay dagaallo qabaa’il ah ayna hore u qaaday talaabo dhanka horumarka ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu kaloo ka hadlay ahmiyad ay u leedahay booqashada wafdigiisa marka loo eego ka qeyb galka kalfadhiga labaad ee Golaha sharci dejinta Baarlamaanka suudan,wuxuuna sheegay inuu warqad tahniyad ah uu uga sido shacabka Soomaaliya.
Mudane Jawaari  wuxuu munasabadaasi martiqaad ugu fidiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Suudan prof. Ibrahim  Ahmed iyo wafdi baarlamaani ah uu hoggaaminayo inay  booqasho ku yimaadaan Soomaaliya, taasoo ujeedkeedu yahay sii xoojinta xiriirka labada Baarlamaan iyo labada dal intaba, wuxuuna yididiilo wanaagsan ka muuiyay mira dhalka booqashada ay haatan ku joogaan magaalada Khartum ee caasimadda dalka Sudan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sudan prof, Ibrahim Ahmed Cumar oo isna munaasabadaasi ka hadlay  ayaa waxa uu soo dhaweeyay nuxurka ay xambaarsan tahay khudbad guddoomiye Jawaari u jeediyay Baarlamanka dalkaasi, wuxuu cadeeyay in labada dal Soomaaliya iyo Suudan uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo aad u qota dheer,loona baahan yahay in labada Baarlamaan ay sii horumarriyaan xiriirkaasi.

Wuxuuna intaa raaciyay inay wafdiga Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Mudane Jawaari iyo hogaankaa Baarlamaanka sudan ay  kala saxiixdeen heshiis isfaham ah ee labada dhinac.

Ehelada Suxufiyiin ku geeriyooday Qaraxii soobe oo deeq lacageed la gaarsiiyay

0

Muqdisho (SONNA) Deeqdan lacageed ayaa loo qeybiyey ehelada Suxufiyiin ku geeriyooday qarixii ka dhacay 14 October isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, iyadoo lacagtaan ay soo dhiibtay hay’adda Free Press oo fadhigeedu yahay wadanka Holand.

Suxufiyiinta geeriyootay ee maanta eheladooda lacagta la gaarsiiyey waxaa ka mid ah allaha u naxariistee Cabdulaahi Cisman Faarax oo ka howlgali jiray idaacadda Maandeeq  iyo Cali Nuur Siyaad oo u shaqaynayey Voa, iyadoo qoys waliba la siiyey lacag dhan 1500 oo dollar.

Sidoo kale waxaa lacag iyana la siiyey Suxufiyiin ku dhaawacmay qaraxaasi kuwaas oo uu ka mid ahaa  Maxamed Cumr Baakaay

Markii ay soo gaba gabowday lacag bixinta ayaa waxaa saxaafada la hadlay xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu oo u mahad celiyay Hay’adda Free Press oo u soo gurmatay Suxufiyiinta waxyeelada ka soo gaartay qaraxii Soobe.

Maalmihii dembe waxaaa socday gurmad loo fidinayey ehelada dadkooda ku waayey qarixii ka dhacay isgooska 14 october ex soobe ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Xildhibaan Axmed Cashara

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah ha u naxariistee, Marxuum Cawad Axmed Cashara oo xalay ku geeriyooday magaalada Toronto.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Cawad Axmed Cashara waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.”

Madaxwyne Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumka oo ka mid ahaa Barlamaankii dowladdii kumeel gaarka ahayd, uu u soo shaqeeyey dalkiisa xilli adag isaga oo kaalin muhiim ah kulahaa sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd.

“Alle ha u naxariisto Xildhibaanka, waxa uu inta ugu badan nolashiisa ku bixiyey ururinta taariikhda Soomaalida, isaga oo ka mid ah dadka sida gaarka ah isugu xilqaamay baarista iyo qorista taariikhdeenna soo jireenka ah.”

Kulan lagu taageerayay waxqabadka Dowladda oo Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho(SONNA) Kulankani oo lagu taageerayay waxqabadka Dowladda Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen siyaasiin waxgad iyo xubno kale ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaana kulankaasi laga soo saarey baaq loo jeedinayo bulshada Soomaaliyeed kaasi oo ah in dowladda la taageero islamarkaan meel looga soo wadajeesto fekradaha wax u dhimikara dowladnimada.

Kulankaasi ayaa markuu soo geba geboobay ayaa waxaa warbaahinta lahadlay,Nabadoonada kala ah  Ibraahim Maxamd Weydow,Caaqil Maxamuud Xasna Xaaji Biyow,Maxamed Cali Cumar,iyo C/raxmaan Axmed Cabdulle Qaloosh,waxaana ay sheegeen in ujeedka kulankaasi uu ahaa mid lagu xoojinayo taageerada loo fidinayo Dowladda Soomaaliya.

Waxgaradkan ayaa sidoo kale waxaa ay ugu baaqeen bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo midnimada iyo wax wada qabsiga, lagana fogaado kala tafaraaruqa iyo in laga hormiyaado dowladda.

“Walaalyaal waxaan rabnaa in aan ka hadalno dalkaan dowladda iyo Masiirkiisa,waxaan ognahay dowladnimada waa shaqey qaali ah, oo la ilaashado,waxaana ogolaankarin in si dhib yer ama talo la’aan ah in dowladda nooga dunto,waxaana ka soo horjeednaa in dowladdadusha laga saaro eedeymo aysan lahayn,waxaan rabnaa umadda Soomaaliyeed in umadda Soomaaliyeed ay umidoobaan horumarka iyo taageerada dowladda,lamina joogo waqti kala tafaraaruq ah”Ayay dheheen odayaasha shirka jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay horumarka dhinacyada siyaasadda,dhaqaalaha amniga,iyo dib u dhiska,tasi oo ay soo dhaweeyeen bulshada Soomaaliyeed.