Home Blog Page 1476

Ciidamada Amaanka Puntland oo Hawlgalo ka sameeyey Magaalada Boosaaso

0

Boosaaso (SONNA) Ciidamada Amaanka Maamulka Puntiland oo Maalinkii labaad hawlgalo iyo baaritaano ka wada xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso, Iyadoo Ciidamada ay ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan dadka ay ka shakiyeen.

Magaalada boosaaso ee Xarunta Gobolka Beri ahna Xarunta Ganacsi ee Maamulka puntland ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca falal lidi ku ah amaanka.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliya Maxamed muuse Tarsan ayaa soo sheegaya in ay Ciidamadu ku guulaysteen inay gacanta ay kusoo dhigaan Rag lagu tuhunsan yahay in ay Magaalada qalqal ku hayeen.

Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose oo la kulmay mas’uuliyiin ka socotay hay’adda UN Habitat.

0

Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose  Cabdirashiid Cabdulaahi Cali “Gooni” ayaa xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socotay  hay’adda UN Habitat.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf  “Timo Jilac”  iyo Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Cabdi Barre.

Kulankaas waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo dhismaha Magaalada Kismaayo iyo in shaqooyin loo abuuro dhalinyarada sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen in dadka barakacashaasha ah loo sameeyo nidaam iyo sharciyo goobaha ay dagayaan.

Gudoomiyaha gobolka ayaa warbaahinta u sheegay in kulankaasi ay ka soo baxeen go’aanno dhaxalgal ah oo lagu horumarinayo nolosha dadka barakacayaasha ah.

Xiriirka kubada Miiska oo tababar heer caalami ah u furay garsoorayaasha kubadda Miiska ah

0

Xiriirka  Soomaaliyeed ee kubadda Miiska ayaa  magaalada muqdisho   tababar heer caalami ah uga furay  garsoorayaasha kubadda  Miiska, waxaana xaflada furitaanka kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay   Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxda  xiriirada, Masuuliyiinta xiriirka kubadda Miiska  iyo qabiirka  tababarkan bixinaya oo udhashay dalka  Masar.

Tabarkan oo socon doona muddo 7   maalmood ah waxaan   ka faa’iideysan doona  33 garsoore oo u u badan garsoorayaal  da’yar, waana kii labad oo heer  caalami ah oo dalka lagu qabto kadib 2012.

Qabiirka   tababarkan bixinaya  Mohamed  Refaat Mohamed  oo u dhashay dalka Masar   ayaa sheegay in  jeceyl uu u qabo Soomaaliya uu  u ogolaaday inuu tababarkan bixiyo, isagoo Luxuburg shaqo u joogana ay fariintan soo gaartay si toos ahna uu Soomaaliya usoo aaday.

“  Waa  markii labaad oo aan koorsadan  ka bixyo Soomaaliya  kadib 2012 ,  Koorsadan waa heer caalami oo aad ku helaysaan shahaado  qiimo weyn ku fadhida  waxaan si gaar ah ula hadlayaa  Gabdhaha   tababarkan ka qeyb qaadanaya, waayo qaaradda Afrika kaliya afar gababar ayaa tartmada heerka caalami uga qeyb gala, waxaan doonayaa in ay Soomaaliya kasoo baxaan   Wiilal iyo Gabadho  tartamada qaaradda iyo kwua heerka caalami   garsoor ka noqda,” ayuu yuri Khabiir Mohamed.

Guddoomiyaha  Xiriirka kubadda Miiska  Maxamed Xaaji CaliXaaji oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in   Xiriirka uu diyaar u yahay soosaarista garsoorayaal da’yar oo  musatqbal wanaagsan ku yeesha   ciyaarta kubadda Miiska  heer caalamina ka gaara.

Guddoomiyaha ayaa intaa kudaray in Xiriirka kubadad Miiska oo taariikh wanaagsan ku leeyahay   qaarada afrika   isla markaana uu bilado dahab ah  dalka usoo hoyaan  taana ay   muhiim tahay in dib loosoo celiyo si loo  helo ciyaartoy tayo lehna ay muhiim tahay in la helo garsoor tayo leh.

Guddoomiyaha ayaa  ugu  ka qeyb galayaasha  kula dardaarmay si joogta ah usoo xaadiraan uga faa’iideysan kooradan muddada 7 maalin ah ee ay socon doonto.

Ugu damabeyn waxaa seminaarka u furay Gudoomiye ku xigeenka Gos ahna Ku-simaha  Guddoomiyaha Axmed Cabdi Xasan  Wataac, waxuunna sheegay in Guddiga  Olombikada  uu soo dhaweynayo dadaalka uu xiriirka    ugu jiro horumarinta aqoonta garsoorka oo ah laf-dhabarka xiriirka, waxuuna intaa kud aray in dadaalka uu halkiisa  kasii wado dhamaan xiriirada dalkana laga doonayo in ay  sare u qaadan aqoonta  qeybaha kake gedisan ee isbootiga si loo gaaro horumar  ciyaraha  dalka oo dhan.

Hogaanka cusub ee Xiriirka kubadda Miiska  iyo tan  iyo doorashadiisa  31 January ee sandkan ku qaaday talaabooyin horumnineed oo muuqda, sida  tayaynta garsoorka , ka qeyb galka ciyaaraha heerka caalami,  sare  u qaadidda   tirada naadiyada.

Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay Gobolka Virgina ee Mareykanka

0

Virginia(SONNA) Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Dalka Mareykanka  ayaa xalay gobolka Virginia kula kulmay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka si uu warbixin uga siiyo xaaladda Dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Khudbad uu ka jeediyay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia wuxuu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, iyo yoolka ay hiigsanayso Dowladda Soomaaliya.

Khudbadda oo ahayd mid dheer ayaa wuxuu kaga hadlay arrimaha Siyaasadda,Dhaqaalaha,Ammaanka iyo dib u dhiska Dalka Soomaaliya,wuxuuna sheegay in Dowladdu ay ku guuleysatay wax ka qabashada arrimaha Amniga,bixinta mushaaraadka ciidamada iyo shaqalaaha,oo uu Raiisul Wasaaruhu sheegay in ahmiyad weyn ay siisay Dowladda.

“Waxaan idin balanqaadaynaa in aan soo celino sharaftii iyo karaamadii uu lahaa dalka, Waa la dhaafay waqtigii dhexdhexaadnimada,waa la dhaafay , waqtigii xumaanta qofka in uu sheego oo laga aamusi jiray,waxaan rabaa in qofkasta uu ka qeybqaato hormarka dalka,aan ku wada shaqeyno astaantii ahayd hadii aadan wax u tarikarin dalkaada,wax dhibato ah ha ugeysanin,Soomaaliya waa dal Sharaf leh,waxaa ii muuqanaysaa Soomaaliya oo barwaaqo ah”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Wuxuu intaasi ku daray in Dowladdu ay ku guuleysatay in ay bixiso qeyb kamid ah deymihii dalka lagu lahaa isagoo xusay in ay bixiyeen lacag dhan 5.1 Billyan oo Dollar oo lagu lahaa Soomaaliya.

Raiisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in qurba joogta Soomaaliyeed dhamaantood looga baahanyahay in ay kaalintooda ka qaataan hormarka dalkooda hooyo,isagoo ugu baaqay in khibradooda iyo aqoontooda ay isugu geeyaan maadaama ay door ku leeyihiin horumarinta dalkooda hooyo.

Hadalka ra’iisul Wasaaraha ayaa yimid markii uu soo dhamaaday shirkii Golaha Guud ee QM oo uu uga qeyb galay magaalada New York halkaasi oo uu ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay arrimaha Soomaaliya.

Ciidamada Amaanka puntland oo Hawlgalo ka sameeyey Magaalada Boosaaso

0

Ciidamada Amaanka  Maamulka  puntiland oo Maalinkii labaad   hawlgalo iyo baaritaano ka wadan  xaafada  ka tirsan Magaalada boosaaso  aydoo Ciidamada  ay ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan  dadka ay  ka shakiyeen.

Magaalada boosaaso ee Xaruunta Gobolka Beri ahna Xaruunta ganacsi ee Maamulka puntland  ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca falal Amaanka ka dhan ah kuwaa soo lagu dilo Ma’suuliyiin ka tirsan Maamulkaasi.

wariyaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliya Maxamed muuse Tarsan ayaa soo sheegaya in ay Ciidamadu ku guulaysteen ihn gacanta ay kusoo dhigaan Rag lagu tuhunsan yahay in ay Magaalada qalqal ku haayeen.

Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay Gobolka Virgina ee Mareykanka

0

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Dalka Mareykanka  ayaa xalay gobolka Virginia kula kulmay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka si uu warbixin uga siiyo xaaladda Dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Khudbad uu ka jeediyay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia wuxuu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, iyo yoolka ay hiigsanayso Dowladda Soomaaliya.

Khudbadda oo ahayd mid dheer ayaa wuxuu kaga hadlay arrimaha Siyaasadda,Dhaqaalaha,Ammaanka iyo dib u dhiska Dalka Soomaaliya,wuxuuna sheegay in Dowladdu ay ku guuleysatay wax ka qabashada arrimaha Amniga,bixinta mushaaraadka ciidamada iyo shaqalaaha,oo uu Raiisul Wasaaruhu sheegay in ahmiyad weyn ay siisay Dowladda.

“Waxaan idin balanqaadaynaa in aan soo celino sharaftii iyo karaamadii uu lahaa dalka, Waa la dhaafay waqtigii dhexdhexaadnimada,waa la dhaafay , waqtigii xumaanta qofka in uu sheego oo laga aamusi jiray,waxaan rabaa in qofkasta uu ka qeybqaato hormarka dalka,aan ku wada shaqeyno astaantii ahayd hadii aadan wax u tarikarin dalkaada,wax dhibato ah ha ugeysanin,Soomaaliya waa dal Sharaf leh,waxaa ii muuqanaysaa Soomaaliya oo barwaaqo ah”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Wuxuu intaasi ku daray in Dowladdu ay ku guuleysatay in ay bixiso qeyb kamid ah deymihii dalka lagu lahaa isagoo xusay in ay bixiyeen lacag dhan 5.1 Billyan oo Dollar oo lagu lahaa Soomaaliya.

Raiisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in qurba joogta Soomaaliyeed dhamaantood looga baahanyahay in ay kaalintooda ka qaataan hormarka dalkooda hooyo,isagoo ugu baaqay in khibradooda iyo aqoontooda ay isugu geeyaan maadaama ay door ku leeyihiin horumarinta dalkooda hooyo.

Hadalka ra’iisul Wasaaraha ayaa yimid markii uu soo dhamaaday shirkii Golaha Guud ee QM oo uu uga qeyb galay magaalada New York halkaasi oo uu ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay arrimaha Soomaaliya.

(DAAWO) Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in waxkasta wada hadal lagu dhameeyo, ayna fidinayaan gogol

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa ku baaqay in Soomaalida ay isu muujiso qadarin iyo is ixtiraam, iyadoo la ilaalinayo danaha Ummadda.

Mudane Maxamed Axmed Islaam ayaa ugu horeyn faah faahin ka bixiyay socdaal uu dhawaan ku tegay Gobolka Gedo, halkaasi oo uu kula soo kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulka iyo saraakiisha ciidamada amniga oo ay ka wada hadleen sidii loo dar dargelin lahaa howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Dhowr iyo toban bari ayaan safar ku jiray oo gobolka Gedo ah, intii aan maqnaa dagaallo badan ayaa dhacay, balse waxaa jiray diyaar garow fiican oo ay ciidamada isku tashanayeen oo ay cadowgooda meel fiican bey ka gaareen ciidamada, waxaana ay hadda ku jiraan abaabul inay sifeeyaan degmooyinka qaar ee gobolka ka mid ah”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada ay door fiican ka qaadan doonaan sidii dib la isugu furi lahaa waddooyinka qaar ee gobollada Jubbooyinka ee ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Waxaa jira maalmahan wadanka Xaaladiisa waxaa mooddaa inay jiraan qilaafaad, iska bada hadal iyo is eed eed, Soomaaliya waxaan isleeyahay Nabad is afgarad iyo wadahadal  ayaa wax lagu dhisi karaa, khilaaf wax buu dumiyaa mooyee, waxba ma dhiso, waxaana loo baahanyahay guud ahaan Soomaalida inay is ixtiraamto, heer gobol  iyo heer Federaal intuba, isqadarin, is ixtiraam iyo wadatashi ayaa guul lagu gaari karaa” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

“Dalkan waxa uu u baahanyahay in la wada tashado, dalkan waxa uu u baahanyahay is afgarad wixii soo baxa in lagu dhameeyo” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha Jubbaland ayna diyaar u yihiin inay gogol dhigayaan Kismaayo oo ay isu imaanayaan Madaxda dowlad goboleedyada oo looga hadlayo xaaladda dalka lagu hagayo iyo wixii tabasho ah oo ay u qabaan Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa xusay in qabyo qoraalka dastuurka ay ku jiraan qodobo iska hor imaanaya, loona baahanyahay in waxkasta laga fiiriyo Danta Guud.

Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in waxkasta wada hadal lagu dhameeyo, ayna fidinayaan gogol

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Τρίτη, 26 Σεπτεμβρίου 2017

Maamulada Galmudug iyo Puntland oo heshiis wada gaaray

0

Mas’uuliyiinta maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta kulan ka yeeshay colaadda ka soo cusboonaatay qeybo ka mid ah gobolka, gaar ahaan dhanka miyiga.

Kulan ay isugu yimaadeen Guddoomiyeyaasha, Degmada, Gobolka iyo sarakiisha ciidanka ee Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa looga hadlay dagaal dhawaan ka dhacay dhulka miyiga oo dad xoolo dhaqato ah ay ku dirireen, waxaana si wada jir ah la isugu raacay in la joojiyo colaada, lana sii wado dadaallada Nabadeed ee lagu xalinayo Nabadgelyada Gobolka Mudug.

Madaxda labada dhinac ayaa ku isku afgartay heshiis ka kooban afar qodob, kuwaasi oo kala ah,

In si deg deg ah loo joojiyo colaadda ka soo cusboonaatay miyiga

In la dardargeliyo shirarkii Nabadeynta iyo Guddiyadii la magacaabay inay shaqeeyaan.

In la joojiyo hadalada abuuraya colaadda ee la isu marinayo Warbaahinta, saxaafadduna laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan haddii ay ka been sheegaan heshiisyada labada dhinac.

Washington”weerar kuma nihin Kuuriyada Waqooyi”

0

Mareykanka(SONNA) War ka soo baxay Xukuumadda Washington ayaa lagu sheegay in Dowlada Mareykanka aysan duulaan ku ahayn xukuumadda Pyongyang ee Kuuriyada Waqooyi.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanku uusan iclaaminin dagaal ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi,kadib markii ay cirka isku shareertay xiisadaha dhanka diblomaasiyadeed iyo hanjabaadda Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka Masuuliyiintooda ay warbaahinta isku waydaarsanayaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Waqooyiga Kuuriya Ri Yong Ho  oo warbaahinta kula hadlay banaanka xarunta QM ee New York ayaa sheegay in Mareykanku uu ku dhawaaqay dagaal ka dhanka ah Xukuumadda Pyonyang,waxaana Hadalkan kasoo baxay Aqalka Cad uu jawaab u yahay warkaasi uu jeediyay Wasiirka.

Madaxweynaha Mareykanka Donal Jey Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiita Twitterka ku sheegay in Kuuriyada Waqooyi aysan waxbadan sii jiridoonin hadii ay ku sii socoto dhabaha ay haatan hayso,taasi oo soo dedejisay hadalkan uu saxaafadda u jeediyay Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi.

Hogaamiyaha Da’da yare e Kuuriyada Waqooyi  Kim-Jon un ayaa u muuqda in uusan dhag jalaq u siinaynin hanjabaadaha Mareykanka,iyadoo taasi ay sii dheer tahay xayiraadaha ay QM ku soo rogtay Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in waxkasta wada hadal lagu dhameeyo

0

Kismaayo (SONNA) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa ku baaqay in Soomaalida ay isu muujiso qadarin iyo is ixtiraam, iyadoo la ilaalinayo danaha Ummadda.

Mudane Maxamed Axmed Islaam ayaa ugu horeyn faah faahin ka bixiyay socdaal uu dhawaan ku tegay Gobolka Gedo, halkaasi oo uu kula soo kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulka iyo saraakiisha ciidamada amniga oo ay ka wada hadleen sidii loo dar dargelin lahaa howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Dhowr iyo toban bari ayaan safar ku jiray oo gobolka Gedo ah, intii aan maqnaa dagaallo badan ayaa dhacay, balse waxaa jiray diyaar garow fiican oo ay ciidamada isku tashanayeen oo ay cadowgooda meel fiican bey ka gaareen ciidamada, waxaana ay hadda ku jiraan abaabul inay sifeeyaan degmooyinka qaar ee gobolka ka mid ah”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada ay door fiican ka qaadan doonaan sidii dib la isugu furi lahaa waddooyinka qaar ee gobollada Jubbooyinka ee ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Waxaa jira maalmahan wadanka Xaaladiisa waxaa mooddaa inay jiraan qilaafaad, iska bada hadal iyo is eed eed, Soomaaliya waxaan isleeyahay Nabad is afgarad iyo wadahadal  ayaa wax lagu dhisi karaa, khilaaf wax buu dumiyaa mooyee, waxba ma dhiso, waxaana loo baahanyahay guud ahaan Soomaalida inay is ixtiraamto, heer gobol  iyo heer Federaal intuba, isqadarin, is ixtiraam iyo wadatashi ayaa guul lagu gaari karaa” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

“Dalkan waxa uu u baahanyahay in la wada tashado, dalkan waxa uu u baahanyahay is afgarad wixii soo baxa in lagu dhameeyo, waxaana diyaar u nahay inaan gogol dhigno Kismaayo oo ay isugu imaanayaan Madaxda dowlad goboleedyada oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo wixii tabasho ah oo ay u qabaan Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya”ayuu raaciyay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.