Wajigii 2aad ee Shirka Wada-tashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Furmay + Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA):–Wajigii labaad ee shirka wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad Goboleedyada dalka ayaa caawa si toos ah uga biloowday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah Shabaab,dib u eegista Dastuurka, dardargelinta hanaanka Federaalka, daadajinta hannaanka ka faaiidaysiga Khayraadka iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ayaa waxaa loo xil saaray guddi isku dhaf ah oo ka ka kala socda Dowladda Dhexe iyo dowlad Goboleedyada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Madaxda Dowlada Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa madasha shirka waxa ay ka jeediyeen khudbado ay ku muujinaayeen midnimada, horumarka  iyo iskaashiga dagaalka ka dhanka agagixisada.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi  Farmaajo ayaa sheegay in ay waaajib ku tahay madaxda qaran ee shirkan ka soo qayb galay in ay ka shaqeeyaan  midnimada iyo soo celinta rajada shacabka Soomaaliyeed, taasna ay asaas u tahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Alshabaab.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay musiibadii 14kii Oktoobar isaga oo ugu baaqay dhammaan shacab iyo dolwadba in laga shaqeeyo si aysan mar kale uga dhicin dalka dhacdo murugo u keenta carruurta, waalidka iyo guud ahaan Muwaadiniinta.

Kaddib khudbadaha Madaxda, waxaa kulan gaar ah yeeshay guddiyada isku dhafka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyaga oo ka wada hadlaaya sidii ay uga mira dhalin lahaayeen qorshayaasha ay isku afgarteen Madaxdu.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...