Home Blog Page 1472

Tababar ku saabsan buraarujinta shacabka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho(SONNA) Tababarkaan  Oo Ay Soo Qaban Qaabisay Wasaarada Awaqaafta iyo Arrimahan Diinta Dowlada Federaalka Soomaaliya  oo ujeedkiisa Ahaa Sidii Ay Culuma’udiinka  Somaaliyeed uga Qeyb Qaadan Karaan Baraarujinta Shacabka Somaaliyeed.

Furtaanka Tababarka Ayaa Waxaa Ka Qayb Galay Wasiir Kuxigeenka Wasaarad Awaqaafta Iyo arrimaha Diinta Dowlada Fadaraalka Somaaliya Iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Cadaalada Dastuurka Awqaafta Iyo Arimaha Diinta Dowlada Gobaleedka Jubaland Iyo Xoghayaha Joogatad Wasaarada Awaqaafta Iyo Arimaha Diinta Dowalada Fadaraalka.

Wasaaradda awqaafta dalka ayaa tababarkaan horay uga soo qabatay dowlad gobolleedyada kale ee dalka kasoo lagu baranayay dhibatooyinka gudniinka fircooniga iyo furitaanka deg deg ah.

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Cadaalada Dastuurka Awqaafta Iyo Arimaha Diinta Jubaland  Aadan Inshaar  Cumar  oo Ka Hadalay Furtaanka Tababarka Ayaa sharaxad kambaxshay waxyeelada gudniinka fircooniga iyo diinta islaamka waxa ay kaqaybto

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wasaaraddu isku xiro doonta culuma’udiinta soomaaliyeed ee jubbaland iyo qaybaha bulshada si looga hor tago dhibaatooyinkaasi.

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Awqaafta Iyo Arimaha Diinta Dowlada Federaalka Soomaaliya Cusmaan Maxmed Dhuboow oo Daaha Furay Tababarkaan  ayaa Culuma’udiinka Somaaliyeed Usheegay In Ay Ka gayb qaataan wacyi galinta bulshada si looga hor tago wax walba oo diinta lidi ku ah bulshadana saameyn kara.

Guddoomiyaha G/banaadir oo tababar usoo xiray maamulada Degmooyinka Gobolka “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaaladda Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta tababar ku saabsan wada shaqeynta dhanka amniga u soo xiray qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka banaadir.                                                              .                                                                                       Guddoomiyaha oo ka hadlay munaasabaddii tababarkan lagu soo xirayey, ayaa dhiiri galiyey maamulada degmooyinka Gobolka banaadir, isagoo ugu baaqay in ay dardar galoyaan Howaha adag ee ay hayaan.                                  .                                                                                       Guddoomiye Taabit, ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Maamulka gobolka Banaadir, ayna ka qeyb qaataan sugida amniga.

Madaxweyne C/weli Gaas”Waan soo dhaweynaynaa casuumaadii uu noo fidayay madaxweynaha Soomaaliya”

0
Garowe(SONNA) Hadalkan uu jeediyay madaxweyne C/weli Gaas ayaa ka dambeeyey markii uu la kulmay Guddoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Garoowe,kuwaasi oo markii ay gaareen magaalada Garoowe soo dhaweeyey madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyagoo si wada jir ah saxaafadda ula hadlay kadib kulan ay ku yeeshey madaxtooyada Garoowe.
Madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa soo dhaweeyey imaatinka wafuudaasi iyagoo sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay wadashaqeynta hay’adaha Dowladda Heer Federaal iyoi heer maamul Goboleed.
Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay muhiim tahay in wada shaqeyn dhow ay yeeshaan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada si  loo horumariyo howlaha horyaala Dowladda,wuxuu sidoo kale sheegay in ay aqbaleen casuumaad uga timid madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo u mahad celiyay madaxda maamulka Puntland ayaa sheegay in Golaha Aqalka sare uu xiriir gaar ah la yeelan doono baarlamaanka Dowlad goboleedyada.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar ayaa u mahad celiyay madaxda iyo Shacabka Dowlad goboleedka Puntland sida ay ugu soo dhoweeyeen magaaladda garoowe,wuxuuna muujiyay in ay diyaar u yihiin Golaha Shacabka in la iska kaashado horumarinta danaha umadda Soomaaliyeed.

Tababarka tababarayasha kubadda Gacanta Soomaaliya oo Djibouti lagu soo xiray

0

Waxaa   maanta  dalka Djibouti lagu soo gebagabeeyay tababarka kubadda Gacanta  darajada koowaad oo  15 Tababare muddo 10 cisho ah u socday, waxaana xafladda  xeritaanka oo ka dhacda Caasimadda  Djibouti kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin ka  socotay Safaaradda Soomaaliya ee Djibouti, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo kan  Djibouti , Xiriirada kubadda  Cagta  iyo Miiska Djibouti iyo Xiriirada  Kubadda Gacanta iyo Miiska  Soomaaliyeed.

Ugu horreyn waxaa xafladda  ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Gacanta Soomaaliyeed   Ahna Xubin ka tirsan Guddiga Fullinta GOS Mudane Maxamed  Xuurshe Xasan Eenoow waxuuna sheegay in Tababarkan  uu ka mid yayhay  tababarada ay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ugu talo gashay  horumarinta  aqoonta macalllimiinta  xiriirada kale gedisan ee dalka,waxaana gacan ka geystay   International Olympic Committee iyo  Olympic Solidarity.

Guddoomiye Eenoow ayaa dhanka   u mahad celiyay Macalimiinta tababarkan Bixinayay Effat Rashat iyo Cali Axmed Maxamud (sayid Ali Kuukaay)  , waxuuna  tababarayaasha kula dardaaamay in  waqtiga qarashka  lagu bixiyay in aqoontooda sare  loo qaado  laga doonayo in ay waxii ay barteen dalka dib ugu celiyaan isla markaana    kubadda Gacanta Soomaaliya sare u qaadaan.

Macallinka tababarkan bixinayay  uu  u dhashay dalka Masar  Effat  Rashad ayaa dhankiis tilmaamay   mudadaa  10-ka cisho ah uu tababarkan socday uu la kulmay  macallimiin  wanaagsan  oo u soo diyaar-garoobay tababarkan kana faa’iideystay  taasna ay caddeyn u tahay sida  dhammaantood ugu guuleysteen  imtixaanka  qeybahiisa kale gedisan, waana arin ifarax gelineysa.
“ Waxaad hadda haysataan cilimigi u  dambeeyay  kubadda Gacanta Caalamka  , dhankiina ayay markaan soo jirtaa waxaana la idinka doonayaa in ay jiilka idinka dambeeyay uga faa’iideysaan , “ ayuu Yiri Effat Rashad.

Macallin Effat ayaa dhanka kale u mahad celiyay  Macallinka  tababarkan ku wehliyay Sayid Cali Axmed Maxamuud ( Kuukaay) waxuuna ku  tilmaamay  inuu laf-dhabar u ahaa   qabsoomidda   tababarkan, waxuuna  macallinmiinta kula dardaarmay in laga doonayo shaqo adag si ay uga soo dhalaaaan cilmigi ay barteen.
Xoghayaha Safaaradda Soomaaliya ee Djibouti  Mursal Cabdi Nuux   iyo  Xoghayah  Guddiga Olombikada Djibouti Feysal Abdulrham Ragouf ayaa   si wada jir ah  u sheegay  faa’iida  isboortiga u leeyahay  isdhexgalka Bulshada waxayna Macallmiinta Shahaada qaatay    u sheegeen in shaqo ay hadda bilow u tahay  lana  doonayo in u diyaargaroobaan sidii ay usoo saari lahayeen  ciyaartooy Mustaqbal  wanaagsan ku yeesha  xulka qaranka Soomaaliya  isla markaana  ku dadaalaan sidii ay ku qaadan lahaayeen shahaadooyinka heerkan kasii sareeya.

Tababarkan oo muddo 10 cisho ah ka socday dalka Djibouti   ayaa macallmiinta lagu  baray xirfadda  iyo  hanaanka tababarka kusoo kordhay  Ciyaarta kubada Gacanta Adduunka, waxaana ugu dambeyn lagu guddoomnsiiyay shahaadada  heerka koowaad ee kubadda Gacanta.

Taliyaha Ciidanka X.D.S. oo kulan la qaatay Taliyaha Tababarrada Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya

0

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen, C/wali Jaamac Gorod ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kula kulmay Taliyaha Tababarrada Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Addis Pietro.

Kulankan ayaa wuxuu ahaa mid isbarasho ah maadaama dhawaan la magacaabay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii loo dardar galin lahaa Tababarrada Midowga Yurub ay siiyaan Ciidamada xoogga dalka iyo sidii wada shaqeyn u dhex mari laheyd labada Masuul.

C/wali Jaamac Gorod Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa uga mahad celiyay Taliyaha sida Midowga Yurub ay ku garab taagan yihiin Ciidamada xoogga dalka, iyagoo bixiya Tababarro heer sare ah sidoo kalena ku taageera ciidamada Soomaaliya Saanad Militari.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa ka codsaday Taliyaha Tababarrada Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Addis Pietro, inay door weyn ka qaataan dagaalka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Dalka oo dhawaan lagu qaadi doono deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab iyo in Midowga Yurub Howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya la sii xoojiyo, maadaama dalka uu ka socdo dib u dhis xooggan oo lagu sameynayo Ciidamada si loo xaqiijiyo xasilinta amniga guud ee dalka.

C/wali Jaamac Gorod ayaa maalmahan waday kulamo uu ku dardar galinayo howlaha horyaala ciidamada xoogga dalka, isagoo shalay kulan la qaatay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada AMISOM, waxayna ka wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa dagaalka, guud ahaanba dalka looga ciribtirayo cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Al shabaab.

Shir looga hadlayay Baahinta Awoodda Dowladda oo Muqdisho ka dhacay

0

Wajiga  sadaxaad  iskaashi  wadajirka ah ee baahinta awooda dowladda  shanta sano ee soo aadan 2018-2022 ee JPLG ayaa looga hadlay  shirkan oo uu gudoominayay Wasiirka Armaha Gudaha. Federaalka iyo dib u heshiisinta Soomaaliya ayna goob joog ka ahayen wasirada arimaha gudaha  dowlad goboleedyada iyo hey’adaha taageera daadajinta Awooda dowladda

Wasiirka Arimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid (Juxa)  waxa uu sheegay in Baahinta Awooda dowladda ay laf dhabar u tahay howlaha horyaala Dowladda dhexe Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha gudahaa ee koofur Galbeed Madoobe Nuunoow Maxamed  oo u hadlay wasiirada  dowlad goboleedyada waxa uu qiray in talada maraysa waqtigan in laga soo bilaaba dadweynaha oo ah meeshii loo baahnaa, wasaaradda arimaha gudaha ee Soomaaliya ayuuna ku amaanay doorka wanaagsan ay ka qaadanayso daadajinta awooda dowladda.

Xoghayaha Maamulka gobola Benaadir Subeyda Maxamed Muqtaaq waxa tilmaamtay inay Muhiim tahay in la cadeeyo doorka Gobolka Benaadir ugu Aadan Barnaamijkan looga tala galay in lagu wajaho  baahinta awooda dowladda ee 5 ta sano ee soo aadan .

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa waxa uu ku amaanay dowlad goboleedyada Koofur Galbeed iyo Jubbaland u  dhaqaaqidooda dhismaha dowlada Hoose, isaga oo ku dhiira galiyay inay dardar galiyaan sameynta sharciga dowladaha hoose dowlad goboleedyada Hirshabeele iyo Galmudug, waxa uu soo jeediyay in muhiimad la siiyo gobolka Benaadir, Beesha Caalamka ayuuna ka codsaday inay kordhiyaan dhaqaalaha ay ugu tala galeen daadajinta awooda dowligaa.

Nidaamka dowladaha hoose  hore waxa looga hirgaliyay gobolada Somaliland iyo Puntland, Koofurta dalka oo uu ka bilowday sanadkan degmada Xudur  oo xarun ah gobolka Bakool  Koofur Galbeed Soomaaliya  ayaa noqotay degmadii ugu horeysa.

              

Madaxweyne Farmaajo “Waxaan idin ka filaynaa in aad nagala shaqaysaan in aan alshabaab ka tir tirno guud ahaan dalka.”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku maraya qaar ka mid ah wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa Magaalada Jabuuti waxa uu kulan kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sida labada dal ay isaga kaashan lahaayeen amniga, iyagoona isla qaatay in la dardar geliyo howlgallo lagu dabargoynayo kooxda alshabaab ee dhibaatada ku haysa shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Geelle kaalinta uu ka geysto nabadeynta iyo dib u kabashada Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay mar walba u garab taaganyihiin.

Madaxweynaha waxa uu si gaar ah u xusay gurmadkii caafimaadka degdega ahaa ee Jabuuti ay u fidisay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Soobe.

“Jabuuti waxa ay noo tahay hiil aan isku hallayn karno. Wakhtiyadii adkaa sida aad noo garab istaagteen waa idiin ogsoonnahay. Soomaaliya maanta cadawga kaliya ee ay leedahay waa alshabaab, Sidaas darteed waxa aan idin ka filanynaa in aad nagala shaqaysaan in aan cadawgaas aan ka tir tirno guud ahaan dalka.”

Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dalkiisu uu garab ku siinaayo Soomaaliya tallaabo kasta oo u horseedaysa xasillooni waarta iyo amni buuxa.

“Dhabtii waa noo muuqataa dhibaatada argagixisada alshabaab ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed. Qof waliba waa arkay khasaarihii ka dhashay qarixii Soobe, waxaanse idiin caddaynayaa in aanan idin ku fiirsanayn cadawgaas. Mar kasta Jabuuti waxa ay idinla garab taagantahay hiil iyo hoo.”

Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maalinimada berri ah waxa uu soo gabagabaynaaya safarro shaqo oo qaatay mudo 3 cisho ah kuwaas oo uu ku tagay dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti.

-DHAMMAAD-

Madaxweynaha JFS oo Gaaray Dalka Jabuuti (Sawirro)

0

Muqdisho(SONNA):–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku marayaa qaar ka mid ah wadamada Gobolka ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Ambouli International Airport, musiiliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf.

Madaxweynaha Jamhuuriayadda Federaalka  Soomaaliya ayaa dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kulan gaar ah la qaatay, iyagoo si qoto dheer uga hadlay xiriirka walaaltinimmo ee labada dal iyo kaalinta Jabuuti ay ka qaadaneyso dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Madaxweynahe Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safark qaatay muddo 4casho ah oo uu ku maraayey qaar ka mid ah wadamada Gobolka waxa uu ku soo gaba gabeeynaaya dalkaas Jabuuti.

Guddoomiyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo siweyn loogu soo dhaweeyey Garoowe

0

Garoowe(SONNA) Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada garoowe ayaa waxa goor dhow siweyn loogu soo dhaweeyey guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo halkaasi gaaray.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawri  iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi Waxaa ku wehliyay xildhibaano katirsan labada Gole ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ku soo dhaweyeey halkaasi madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,iyadoo amaanka magaalada Garoowe siweyn loo adkeeyey.

Wefdigan waxaa uu ka qeybgali doonaa kulanka 40-aad ee kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo berri ka furmaya  magaalada Garowe ee Caasimadda Dowlada Goboleedka Puntland.

Taliyaha Ciidamada xooga dalka oo kulan la qaatay Taliyaha Tababarada Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SONNA) Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen, C/wali Jaamac Gorod ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga kula kulmay Taliyaha Tababarada Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Addis pietro.

Kulankan ayaa wuxuu ahaa mid isbarasho ah maadaama dhawaan la magacaabay Taliyaha Ciidamada Xooga dalka, sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii loo dardar galin lahaa Tababarada Midowga Yurub ay siiyaan Ciidamada xooga dalka iyo sidii wada shaqeyn u dhex mari laheyd labada Masuul.

C/wali Jaamac Gorod Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa uga mahad celiyay Taliyaha sida Midowga Yurub ay ku garab taagan yihiin Ciidamada xooga dalka, iyagoo bixiya Tababaro heer sare sidoo kalena ku taageera ciidamada Soomaaliya Saanad Militari.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa ka codsaday Taliyaha Tababarada Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Addis pietro, inay door weyn ka qaataan dagaalka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Dalka oo dhawaan lagu qaadi doono deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab iyo in Midowga Yurub Howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya la sii xoojiyo, maadaama dalka uu ka socdo dib u dhis xoogan oo lagu sameynayo Ciidamada si loo xaqiijiyo xasilinta amniga guud ee dalka.

C/wali Jaamac Gorod ayaa maalmahan waday kulamo uu ku dardar galinayo howlaha horyaala ciidamada xooga dalka, isagoo shalay kulan la qaatay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada AMISOM, waxayna ka wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa dagaalka, guud ahaanba dalka looga ciribtirayo cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab.