Home Blog Page 1472

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay Agaasimaha guud ee sanduuqa Horumarinta Sacuudiga

0

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta kula kulmay qasriga cas ee magaalada Jiddah Agaasimaha guud ee maamulka Horumarinta sanduuqa Sacuudiga Fowzi Calyaan Al-sucuud, iyagoo diiradda saaray arrimo badan oo labada dhinac quseeya.

Waxaa kulanka lagu soo hadal qaaday intii uu socday sidii wax looga qaban lahaa isla markaana loo taageeri lahaa horumarinta mashaariicda la xiriira  arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya .

Kulanka waxaa goobjoog ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya boqortooyada Sacuudiga Danjire Daahir Maxamuud Geelle iyo Agaasimaha dhanka  mashaariicda ee sanduuqa Horumarinta Sacuudiga Eng Bandar Al-Baazici.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo soo xiray Shirkii Mideynta Canshuuraha Dalka “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA)  Magaaladda Garoowe ee Xarunta Dowlad goboleedka Puntland ayaa   waxaa lagu soo gaba gabeeyey shirkii looga hadlayay dhaqaalaha Dalka iyo mideynta canshuuraha guud, waxaana goob joog ahaa kulanka Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirada Maaliyadda Dowlad gobaleedyada Dalka ka jira iyo Masuuliyiin kale.

Gabagabada kulanka ayaa hadalo kooban waxaa ka jeediyay Wasiiradda Maaliyadda Dowlad gobaleedyada, iyagoo ka hadlay faa’iidada ay leeyahay isku xirnaanta Maamulada iyo Dowlada dhexe  ee dhanka dhaqalaha iyo in la wadaago kheyraadka guud ee Dalka iyo deeqaha Dibada ay ka hesho Dowladda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa  soo xiray Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale beyle, isagoo  sheegay in qodobo dhowr ah laga soo saaray kulankii ay ku yeesheen Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, waxaana uu xusay in Heshiis guud laga qaatay in si siman loo qaado canshuuraha ay qaadaan Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada.

Wasiirka ayaa sheegay in Shirkan kiisa xiga lagu balamay in lagu qabto Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland, Gogosha shirkana uu dhigay Wasiirka Maaliyadda Maamulka Jubbaland.

 

Guddoomiye Thaabit “Cadaalad ayey heli doonaan muwaadiniintii ay dhibka u geysteen Gaadiidka AMISOM” (Sawirro)

0

Muqdisho (SONNA)  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Degmadda Hodan Maxamed Axmed Cantoobo, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay  Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhib ay u geeysteen gaadiidka Ciidamada AMISOM, xilli ay marayeen Wadamada KM4 ee Magaalada  Muqdisho.

Thaabit Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in ay wada hadleen Madaxda ugu sarreeysa Ciidamada AMISOM, dhibka ay geeysteenna uu kala hadlay, isagoo tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan cadaalad ay ku heli doonaan dhibaneyaasha.

“Waxaan la kulmay muwaadiniintii ay dhibka u geysteen ciidamada Amisom, Alxamdulilah way nabad qabaan, cadaaladna way helidoonaan dhawaan” Guddoomiye Thaabit ayaa sidaasi Bartiisa Twitterka ku daabacay.

 

Munaasabad lagu xusayey Maalintii la aas-aasay Dowladda Shiinaha oo Muqdisho lagu qabtay “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Munaasabad loogu dabaal dagayay 68-guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay Dowladda Shiinaha ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow, Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u Dhiska Mudane Saadiq C/llaahi Cabdi,Safiirka Dowlada Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian iyo Masuuliyiin kale.

Masuuliyiinta Munaasabada ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraaday Xiriirka Taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha iyo Marxaladaha kala duwan uu soo maray, sidoo kale waxaa si weyn loo amaanay doorka hormarka Soomaaliya uu ku leeyahay Shiinaha, sida Dhismaha, Dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ugu Hambalyeeyay Shacabka Shiinaha Maalinta la aas aasay dowlada dalkaas, “Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxda iyo Shacabka dowlada Shiinaha 68-guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay dowladooda, Soomaaliya iyo Shiinaha xiriirkooda wuxuu soo bilowday sanadkii 1960-kii, tan iyo markaas Shiinaha Soomaaliya waxay la garab taagnaayeen taageero wax ku ool oo dhinac kasta ah, waxaan ka codsaneynaa Dowlada Shiinaha inay Soomaaliya oo wadada hormarka cagta saartay ay dhaqaalaha iyo dhismaha guud ahaan dalka ka taageeraan” ayuu yiri Mudane Jawaari.

Safiirka Dowlada Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian oo Khudbad ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in Soomaaliya uu kala dhaxeeyo xiriir soo jireen ah, Dowlada Shiinahana ay Soomaaliya ka fulisay 89-Mashaariic, oo ay ka mid tahay Dhismaha Tiyaarta Qaranka, Garoonka Kubada cagta ee Muqdisho, Isbitaalka Digfeer, dhismaha Waddooyin waa weyn iyo Mashaariicyo kale, sidoo kale Safiirka wuxuu sheegay in arday badan oo Soomaaliyeed ay siiyeen deeq waxbarasho oo ay ka faa’iideysteen sdia Dhaqaatiir Soomaali ah oo ku soo wax bartay Shiinaha, dhinaca kale wuxuu balanqaaday in ay sii wadi doonaan Mashaariicda hormarineed oo ay ka fulinayaan Soomaaliya, isagoo sheegay in ay aad ula dhacsan yihiin isbedelada dhinaca amniga, dhaqaalaha iyo hormarka Bulshada ee Soomaaliya ka hanaqaaday.

Madaxweynaha JF Soomaaliya oo la kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA)  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta la kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, waxayna labada masuul ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayey ayaa  Shalay gaaray Dalka Sacuudiga  waxaana  halkaasi wafdiga Madaxweynaha uu horkacayo uga bilaabatay Booqasho rasmi  oo Labo maalin ah.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxwenaha Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya xubno uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, waxaana booqashadan ay tahay middii Saddexaad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago Dalka Sacuudiga.

 

 

Madaxweynaha Puntland oo ugu baaqay shacabka in ay ka qeyb qaataan Argagixisada Alshabaab dagaalka lagula jiro “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA)   Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kula kulmay Saraakiisha Ciidamada, Waxgaradka iyo Bulshada magaaladaasi ku nool, kulankaasna waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda amaan ee Deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ka hadlay muhiimadda ay  leedahay in meel looga soo wada jeesto hadaf midaysana laga yeesho cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab, isagoo xusay in Puntland diyaar u tahay qorshe kasta  oo lagu afjarayo  Argagixisada kasoo horjeeda jiritaanka Soomaalinimada.

Madaxweynaha ayaa sheegay  in shacabka  looga baahan yahay isku duubni iyo inay ka midaysnaadan  wax kasta oo lasoo dersa, si loo soo gebagebeeyo fikirka Xagjirnimada ah ee burburinta ku saleysan.

Dhanka kale Nabadoonada iyo Waxgaradka Madaxweynaha Puntland uu la kulmay ayaa balanqaaday inay diyaar u yihiin kana midaysan yihiin wax kasta oo dhankooda looga baahdo, iyagoo  Maamulka uga mahad celiyey mashaariicaha horumarineed ee ay wadaan.

Xuska Maalinta Dalxiiska adduunka oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (SONNA) Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dalxiiska aduunka maadaama 13-kii bishan Soomaaliya ay si toos ah kaga mid noqotay Hay’adda Dalxiiska QM.

Munaasabada waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, Ururada dalxiiska iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Sh, Yuusuf iyo Yaasir Maxamed Baafo ayaa ka hadlay ujeedada ay leedahay munaasbadan waxeyna guul weyn ku tilmaameen in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqotay Hey’adda Dalxiiska adduunka.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fahma Abiikar Nuur iyo  Wasiir Ku xigeenka Wasaradda Gargaar Cilmi Cumar Ciise  ayaa bogaadiyay dadaalka dheer  ee loo soo galay xubinnada Soomaaliya ee dalxiiska Aduunka.

Gudoomiyaha Gobalka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa tilmaamay in ka maamul ahaan ay sameyn doonaan qorshayaal lagu horumarinayo dalxiiska Caasimada.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng: “Yariisoow” ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah u leedahay dalka ku biiritaanka hay’adda dalxiiska adduunka iyo dalxiisayashaba.

Wafdi Kormeer ku tagay Deegaanka Bariire

0

Muqdisho (SONNA) Deegaanka Bariire oo 9km dhanka Galbeed ka jira deegaanka num 50 ee Gobolka Shabeelaha hoose, ayaa waxaa gaaray Wasiiro ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo Masuuliyiinta Gobolka Shabeelaha hoose uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka.

Masuuliyiintan ayaa u kuur galay Xaalada nololeed iyo mida Amni ee deegaanka Bariire, waxayna meel Fagaare ah ay kula hadleen dadka deegaanka.

Bariire waxaa dhawaan laga  saaray Maleeshiyada Argagaxisada Al Shabaab oo hore gacanta ugu hayay degaankan, Dhibaato badana u geysanayay shacabka.

Guddoomiyaha degmada Awdheegle Maxamed Aweys Abuukar oo ay hoostagto degaanka Bariire ayaa sheegay in isku socodka Gobolka Shabeelaha hoose uu muhiim u yahay deegaankan sidaas awgeed wuxuu ku baaqay in si wadajir looga shaqeeyo Amniga iyo Hormarka Bulshada deegaanka.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maxamed Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Cabdiraxiin Nuur iyo Wasiirka Macdanta iyo Badroolka Koonfur Galbeed Cabdiraxmaan Cismaan Malaaq ayaa Bulshada ku dhaqan deegaanka ka codsaday in ciidanka xoogga dalka ay la shaqeeyaan, si looga hortago cadowga Soomaaliyeed ee Al shabaab oo umada u diidan inay nabad ku noolaadaan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose Ibraahim Najax ayaa sheegay in  Maamulka gobolka uu degaanka Bariire ka hirgelinayo mashaariic hormarineed ayna furi doonaan Wadooyinka ay go,doomiyeen Argagaxisada Al shabaab.

Madaxweynaha JF Soomaaliya oo la kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta la kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, waxayna labada masuul ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayey ayaa  Shalay gaaray Dalka Sacuudiga  waxaana  halkaasi wafdiga Madaxweynaha uu horkacayo uga bilaabatay Booqasho rasmi  oo Labo maalin ah.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxwenaha Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya xubno uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, waxaana booqashadan ay tahay middii Saddexaad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago Dalka Sacuudiga.

Xuska maalinta Dalxiiska adduunka oo lagu qabtay Muqdisho

0

Munaasabad lagu xusayay  maalinta caalamiga ah ee Dalxiiska aduunka ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho xilli ay Dalkeenna uu xubin buuxda ka noqday hay”adda  Dalxiiska Q. M,13 Bishan.

Xafladdaasi waxaa ka qeybgalay mas’uulayiin ka tirsan dowladda Federaalka Somaaliyaha Hay’adda  iyo ururrada dalxiiiska dalka iyo  fananniinta Kooxda Banaadir.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Sh, Yuusuf iyo Yaasir Maxamed Baafo ayaa ka hadlay ujeedada ay leedahay munaasbadan waxeyna guul weyn ku tilmaameen in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqotay Hey’adda Dalxiiska adduunka.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fahma Abiikar Nuur iyo  Wasiir Ku xigeenka Wasaradda Gar gaaar Cilmi Cumar Ciise  ayaa bogaadiyay dadaalka dheer  ee loo soo galay xubinnada Soomaaliya ee dalxiiska Aduunka.

Gudoomiyaha Gobalka Benaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa tilmayay in ka maamul ahaan ay sameyn  doonaan qorshayaal lagu horumarinayo dalxiiska Caasimada.

Wasiirka Wasaaradda Warfafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng: “Yariisoow” ayaa sheegay ay muhiimad gaar ah u leedahay dalka  ku biiritaanka hey’adda dalxiiska adduunka iyo dalxiisayashaba.