Home Blog Page 1473

Meydka gabadh Soomaali ah oo laga helay gobalka Queensland ee dalka Australia

0
Booliska  Queensland ayaa xaqiiyay  in maydka haweeney ay ka heleen koofur bari Brisbane uu yahay Naima Hassan oo 27 jir Soomali ah  taasoo la waayay.

Xubno ka tirsan dadweynaha ayaa ka helay maydka xeebta Birkdale shalay galab saacadu markay ahayd 5:20 Talaadadii.

Booliska ayaa goobta xiray xalay oo dhan waardiye ka hayay iyadoo baarayaashu sugayaan baaritaan lagu samaynayo maydka si loo xaqiijiyo haybta iyo waxa sababay dhimashada.

Booliska ayaa baaritaano dheeraad ah ka waday goobta laga helay maydka maanta oo Arbaco ah.

Naima Hassan ayaa markii u danbaysay qoyskeeda arkeen subixii Sabtida.

Waxaa mardanbe  gaarigeedii la geeyay xarun batroolka laga gato oo ku taal  Wellington Reserve Axadii.

Wararkii u danbeeyay ayaa ilo ku dhow qoyska sheegeen in xubno qoyska ah ay  soo eegaan maydka la  helay waxa ayna noo xaqiijeen in ay gabdhooda tahay

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay Warar ay tabiyaan Warbaahinta Dalka

0

Dr: Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa ugu horay kaga mahad celiyay Warbaahinta Dalka howsha ay u haayaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan sida ay kaga qeyb qaateen masiibadii 14 Octobar ka dhacday Isgoyska Ex Soobe.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ay tahay in lagu Amaano Warbaahinta Soomaaliyeed daruufaha ay ku shaqeeyaan ayna mudan tahay in lagu amaano doorkii ay ka qaateen batinta iyo gurmadkii loo sameeyay dhibaatadii 14 October.

Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaahay in ay tahay Warar qaar in ay ka fiirsato Warbaahinta Soomaaliyeed aysana ahayn in bulshada loo tabiyo maadaama ay yihiin kuwo gudbinaya muuqaal xun isagoona tusaale usoo qaatay weerarkii maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ay dhawaan ku qaadeen Hotelka naasohablood2 ee Degmada Xamarweyne.

Dr Axmed Cali Daahir waxaa uu sheegay in looga baahan Wariyaasha Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarinta Dalka taasina ay ku imaan karto tabinta iyo xaqiijinta Wararka ay bulshada u gudbinaayaan.

Hadalkaan Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Mudane Axmed Cali Daahir aya kusoo beegmaya xili magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka uu shir wadatashiya kaga soconaayo Wasaaradda Warfaafinta Qaranka,Wasaaradaha Maamul goboleedyada qeybta ka ah Dowladda dhexe iyo Warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka.

Warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka ayaa Xusid mudan in ay doorwayn ka qaadatay horumarinta Dalka inkastoo ay jiraan dhaliilo iyo dal- doloolo yar yar oo ku aadan qaabka tabinta wararka Dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta oo ku baaqay in la Xoojiyo aqoonta Wariyeyaasha

0

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Mudane Khaalid Macow oo ka qeyb galaya Shirka wadatashiga ee u dhaxeeya Wasaaraddaha Warfaafinta Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa amaanay sida saxafiyiinta Soomaaliyeed ay kaalin muhiim ah kaga qaadanayaan dib u dhiska dalka, isagoo dhanka kale ku baaqay in lagu dadaalo sidii Saxafiyiinta Soomaaliyeed loo hormarin lahaa Aqoontooda, si ay dadka ugu soo tabiyaan waxyaabo ay aqoon fiican u leeyihiin.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale soo jeediyay in loo sameeyo Wariyeyaasha Kaarar aqoonsi oo ay siinayaan Ururada ka shaqeeya saxaafada, isla markaana Imtixaan laga qaado, hadii loo arko inuu yahay wariye bulshada wax badan u faa’iideyn kara la diiwaan galiyo.

Shirkan wadatashiga ee u dhaxeeya Wasaaraddaha Warfaafinta Heer Federaal iyo Heer Dowlada Goboleed ayaa lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo maalinta beri ah, waxaana laga soo saari doono Warmurtiyeed la isku raacsan yahay, iyadoo Masuuliyiinta ka qeybgalaya ay bogaadiyeen duruufaha adag oo ay ku shaqeeyaan Saxafiyiinta Soomaaliyeed, iyagoo ku amaanay waxyabo badan oo hormar dalka u ah oo ay ka qeyb qaateen, waxaana dhinaca kale laga codsaday wariyeyaasha inay iska hubiyaan wararka ay sheegayaan, sidoo kalena ay kaalin muhiim ah ka qaataan dadaalka loogu jiro dib u dhiska dalka.

Meydka Gabar Soomaali aheyd oo laga helay gobalka Queensland ee dalka Australia

0

Australia (SONNA) Booliska  Queensland ayaa xaqiiyay  in meydka haween oo ay ka heleen koofur bari Brisbane inuu yahay Naima Hassan oo 27 jir soomali ah la waayay.

Xubno ka tirsan dadweynaha ayaa ka helay meydka xeebta Birkdale shalay galab saacadu markay ahayd 5:20 Talaadadii.

Booliska ayaa goobta xiray xalay oo dhan waardiye ka hayay iyadoo baarayaashu sugayaan baaritaan lagu samaynayo meydka si loo xaqiijiyo haybta iyo waxa sababay dhimashada.

Askarta booliska ayaa baaritaano dheeraad ah ka waday goobta laga helay maydka maanta oo Arbaco ah.

Naima Hassan ayaa markii u danbaysay qoyskeeda arkeen subixii Sabtida, waxayna inoo sheegeen in xubno ka tirsan qoyska ay soo eegeen Meydka isla markaana ay xaqiijiyeen inay aheyd gabadhooda.

W/Q Xarbi fareey

Maamulka cusub ee golaha deegaanka Xudur oo maanta si rasmi ah u howlgalay

0

Xudur (SONNA) Xafladani oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Cusub ee Golaha Degaanka Degmada Xudur ayaa waxa ka soo qeybgaley Culimaa’udiin, Waxgarad, Haween, Dhalinyaro, Saraakiisha Booliska iyo Marti sharaf kale.

Ujeedada loo qabtey Xaflada ayaa waxay tahay in lagu daah furo Xafiisyada Xubnaha goloha degaanka ee degmada xuddur oo dhowaan la dhisey.

Ugu horeyn waxa munaasabada ka Hadley Gudddoomiyaha Degmada Xuudur Maxamed Macalin Axmed isagoona sheegey in laga bilaabo maanta xafiisyadii degmada oo loogu adeegayo Bulshada ay furan yihiin wuxuuna bulshada ka codsadey in ay la shaqeeyaan isla markaasna ay diyaar u yihiin in lala xisaabtamo.

Taliyaha Ciidamada  Booliska gaarka ah ee Gobolka Bakool Korneel Cabdulaahi Xasan Cabdule Qadaafi oo munaasabada ka Hadley ayaa shacabka ku buuriyey in ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortago falalka amni dari.

Bulshadii ka soo qeyb gashey munaasabada ayaa soo dhoweeyey xafiisyada cusub waxayna balan qaadeen in lashaqeynayaan.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Bakool ahna kusimaha Guddoomiyaha Cabdulaahi Maxamed Nuur Snake oo gabagabadii xaflada soo xirey ayaa xubnaha xildhibaanada kula dardaarmey in aysan qabiil u shaqeynin qaranka u shaqeeyaan.

Xafladaan ayaa aheyd tii ugu horeysey oo maamulka degmada Xudur uu qabto tan iyo markii maamulkaan cusub ladhisey mudo hada laga joogo 16 maalmood ka hor.

W/Diinta iyo Awqaafta JFS oo 400 oo kutubo ah ku wareejisay Jubbaland

0

Muqdisho(SONNA) Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee dowladda Federaalka Soomaliya ayaa maanta kuwareejiyay Wasiir kuxigeenka  Cadaaladda Dastuurka arrimaha Diinta jubbaland, inkabadan 400 oo kutubta quraanka kariimka qawlkii eebe oo loogu tala galay in lagu horumariyo  dugsiyada lagu barto qur’aanka kariimka.

kulanki wareejinta kutubtaan ayaa waxaa goobjoog  ka ahaa  xildhibaan Axmed ugaas  oo ah guddoomiyaha guddiga Cadaladda iyo arrimaha Diinta ee golaha Wakiilada  jubbaland ,guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Jubada Hoose,Wasiir ku xigeenka Cadaladda Dastuurka arrimaha Diinta jubbaland  iyo Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awqaafta xukumadda soomaaliya.

Guddoomiyaha maxakamadda gobolka Jubada Hoose Axmed Nuur  iyo xildhiban Axmed ugaas  guddoomiyaha guddiga Cadaaladda iyo arrimaha Diinta ee golaha Wakiilada  Jubbaland ayaa kutubtaan loogu deeqay ku tilmaayay mid qayb ka qaadaneysa waxbarida ubadka.

Wasiir kuxigeenka Cadalada,Dastuurka iyo arrimaha Diinta dowlad goboleedka jubbaland Aadan Ishaar Cumar  ayaa xusay in dhiiro galintada dugsiyada iyo xarumaha lagu barto Diinta ay tahay mid waajib ah.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta xukumada federalka Cusmaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in dowlada soomalaiya ay ka go’an tahay dhiiro galinta waxbarashada gaar ahaan barashada diinta islaamka si looga hor tago in si qaldan loo fasiro diinta.

 

Bankiga aduunka oo Maalgalinaya dib u dhiska Goobaha laga Qabsadey Daacish ee Dalka Ciraaq

0

Washinton( SONNA)- Bangiga aduunka ayaa maanta ogolaaday  400 milyan oo doolar oo dib loogu dhisayo degaanada Ciidamada Ciraaq ay ka xoreeyeen argagixisada al-Qaacidda.

Muddo saddex bilood ah ayay Ciidamada Ciraaq iyo kuwa xulafada la ah ku qaadatay dib u xoreynta degaanadaasi ka baxay gacanta  Al-Qaacida kadib markii lagu qaaday olole Militari oo degaanadaasi dib loogu soo gelinayao maamulka Dawladda Dhexe ee Ciraaq.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in madaxda Bangiga aduunka ay iminka qorsheynayaan  qaabkii ay uga qeyb qadan lahaayeen kaabayasha kale ee dhaqaalaha dalkaasi Ciraaq ee ku burburay dagaalka sida Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Mousil,khadka Tareenada iyo  isgaaarsiinta kale.

Bayaan uu soo saaray Bangiga aduunka ayaa sidoo kale lagu sheegay in  lacago kale oo dheeri isla markaana  gaaraya $ 350 milyan oo deg deg aheyd uu Bangigu ogolaaday in la bixiyo bishii tagtay ee July,lacagtaasi oo iyana loogu tala galay mashaaricda horumarinta Todobo magaalo oo ciraaq ka tirsan kuna yaal Gobolka Diyala.

Bayaanka uu soo saaray bangiga aduunka waxaa kaloo lagu xusay inuu Bangigu kaalin mug leh ka qaadan doono dib u soo nooleynta goobaha Taariikhiga ahaa ee dalkaasi Ciraaq ee dagaalka ku burburay  gaar ahaan magaalada Mousil.

Cidamada Xukuumadda Ciraaq oo kaashanaysa Ciidamada kale ee Isbaheysiga gaar ahaan kuwa Mareykanka ayaa dagaal muddo 9 bilood ka socoday magaalada Mousil  kadib ayu suurta gashay inay kooxda Daacish dib uga qabsadaan.

Masu’liyiinta Ciraaq ayaa ku qiyaasay dib u dhiska magaalada Mousil in uu socon doonto muddo 5-Sano ayna ku bixi doonto Malaayiin Doollar.

W/D: Mukhtar

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ugu Baaqay Warbaahinta Dalka inay ka qeyb qaadato Hormarka

0

Muqdisho (SONNA) Dr: Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa ugu horeyn kaga mahad celiyay Warbaahinta Dalka howsha ay u haayaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan sida ay kaga qeyb qaateen masiibadii 14 Octobar ka dhacday Isgoyska Ex Soobe.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ay tahay in lagu Amaano Warbaahinta Soomaaliyeed daruufaha ay ku shaqeeyaan ayna mudan tahay in lagu amaano doorkii ay ka qaateen gurmadkii loo sameeyay dhibaatadii 14 October.

Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaamay in ay tahay Warar qaar in ay ka fiirsato Warbaahinta Soomaaliyeed aysana ahayn in bulshada loo tabiyo maadaama ay yihiin kuwo gudbinaya muuqaal xun isagoona tusaale usoo qaatay weerarkii maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ay dhawaan ku qaadeen Hotelka Naasa hablood2 ee Degmada Xamarweyne.

Dr Axmed Cali Daahir waxaa uu sheegay in looga baahan Wariyaasha Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarinta Dalka taasina ay ku imaan karto tabinta iyo xaqiijinta Wararka ay bulshada u gudbinaayaan.

Warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka ayaa xusid mudan in ay door weyn ka qaadatay horumarinta Dalka inkastoo ay jiraan dhaliilo iyo dal- doloolo yar yar oo ku aadan qaabka tabinta wararka Dalka.

Afar walaalo ah oo Hooyadoood iyo Walaashood ku waayey Qaraxii Soobe ee dhacay 14 Bishii Octoobar

0

Shan sano ka hor Aabahood C/raxmaan Axmed waxaa ay ku waayeen Qarax ka dhacay Xarunta Maxkamadda Sare ee Dalka, Dhowr Todobaad ka horna Musiibadii ka dhacay Soobe ayey ku waayeen Hooyadeed Sacdiyo Axmed Kheyre iyo Walaasheed Ugaaso kuwaas gacanta ku hayey.

Axmed, Xafso,Makaa’iil iyo Rayaan Dhamaantood waa Walaalo isla dhashay hadda waxaa ay joogaan Schoolka ay dhigtaan kaas oo lagu  magacaabo Muqdisho School.

Axmed C/raxmaan iyo Xafso C/raxmaan waxaa ay dhigtaan Fasalka Seddexaad ee Schoolka Hoose.

Balse Rayaan oo ugu yar Caruurtan ayaa dhigata qeybta Xifdinta Qur’aanka, halka Makaa’iil oo ugu weyn uu dhigto Safalka Lixaad.

Maxamed Xasan Cali waa Macalinka Qur’aanka ee Axmed iyo Xafsa Cod 1.

“Inkastoo niyadooda markii Hooyadood dhimatay wax badan isbadashay haddana waxaa ay u soo laabaneysaa si-tartiib tartiib ah runtii taasna waa mahad illah”

Schoolkan lacagta lagu dhigto waa mid sareysa waxaana ka bixin jiray oo keenay Hooyadood taas oo shaqeyn jirtay dhimashadii Abahood kamid Shire Salaad Xasan waa Maamulaha Schoolka Carruutu dhigtaan.

“Awoodeenu waa in aan qiimo dhimis u sameynaa carruurtan lacagta Schoolka ku dhigtaan waxaana rajeynaa in inta Waxbarashadda ka dhameynayaan Schoolka dhigtaan haddii Alle Imdo.

Intaas kadib waxaan raacay Carruurta si’aan u soo arko howga ay dagan yihiin, waxaa lajoogaa xiligii khadada qoraxduna aad ayey u kulushay kaliya waxaa lasiiyey Galaas Galaas Biyo ah oo markaas uun laqasay, Guriga waxaa jooga aan ugu Imid Habaryartood iyo Ayeeyadood xaaladuna aad ayey u adag tahay, Dabku waa shidan yahay lkn wax saaran maleh waxaa ii muuqda Bac qafiif ay ku jiraan waxyar oo Bariis ee ceeriin ah iyo dhowr xabo yaanyo ah.

Caasho Axmed Kheyre waa Habaryarta Carruurtan Agoonta iyo Rajadda ah. “waxaan ka imid xaafadeydii carruurteydiina waxaan uga soo tagay dad islaameed maxaa yeelay waxaa meel cidlo ah ku soo dhacay kuwan aad hadda xaaladooda arragto”.

 

Allah u naxariistee Carruuntan Hooyadood iyo Walaashood waxaa ay meel Shidaalka iyo Caanaha lagu iibiyo kula haayeen Isgowska Zoobe oo 14 Bishii Octobar uu ka dhacday Musiibo aad u weyn halkaas ayeyna ku dhinteen, waxaa hubanti ah in hadda u baahan yihiin garab istaag dhankasta ah si-ay Waxbashadooda u siiwataan una helaan nolol aad u wanaagsan.

WD/Cali Axmed Sheekh.

Ciidamada Xoogga Dalka oo Al shabaab kala wareegay Deegaano ka tirsan Sh/hoose

0

Muqdisho (SONNA) C/fitaax Cabdulle Yuusuf oo ah Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Maamulka Koonfur galbeed ay la wareegeen Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka shabeelaha hoose oo markii hore ay ku sugnaayeen nabad diidka Al shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Shabeelaha Hoose C/fitaax Cabdulle Yuusuf ayaa tilmaamay in deegaanada Ciidamdu kala wareegeen maleeshiyada Al shabaab ay yihiin deegaano hoostaga Degmada kuntawaaray ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

C/fitaax Cabdulle Yuusuf ayaa sheegay in deegaanada ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay maleeshiyaadka Al shabaab ku dhibaatayn jireen Dadka Shacabka ah balse hada ay si buuxda Ciidamada Xoogga Dalka ay gacanta ku haayaan ayna Khasaare gaar siiyeen nabad diidkii Al shabaab ee ay kala wareegeen.

Howlgalkan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kula wareegeen Deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah gulufka Dagaal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in deegaanada yar yar ee maleeshiyaadku kaga sugan yihiin Gobolada Dalka looga gacan maroojiyo.