Maamulka cusub ee golaha deegaanka Xudur oo maanta si rasmi ah u howlgalay

Date:

Xaflad ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Cusub ee Goloha Degaanka Degmada Xudur ayaa maanta lagu qabtay isla magaalada Xudur, taasoo ay ka  qeybgaleen Culimaa’udiin, Waxgarad, Haween, Dhalinyaro, Saraakiisha Booliska iyo Martisharaf kale.

Ujeeddada loo qabtey Xafladda ayaa waxay tahay in lagu dahfurayo Xafiisyada Xubnaha goloha degaanka ee degmada Xuddur oo dhowaan la dhisey.

Waxa munaasabadda ka hadley gudddoomiyaha Degmada Xuudur Maxamed Macalin Axmed oo sheegey in laga billaabo maanta xafiisyadii degmada oo loogu adeegayo Bulshada ay furan yihiin wuxuuna bulshada ka codsadey in ay la shaqeeyaan isla markaasna ay diyaar u yihiin in lala xisaabtamo.

Taliyaha Ciidamada  Booliska gaarka ah ee gobolka Bakool Korneyl Cabdulaahi Xasan  Cabdule “Qadaafi” oo munaasabadda ka Hadlay ayaa shacabka ku booriyay in ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga.

Bulshadii ka soo qeyb gashay munaasabadda ayaa soo dhoweeysay xafiisyada cusub waxayna ballan qaadeen in ay la shaqeynayaan maamulka cusub.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bakool ahna ku simaha guddoomiyaha Cabdulaahi Maxamed Nuur  oo gabagabadii xaflada soo xirey ayaa xubnaha xildhibaannada kula dardaarmey in aysan qabiil u shaqeynin wax kastana ay ka hormiriyaan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waa xafladdii ugu horeysey oo maamulka degmada Xuddur uu qabto tan iyo markii maamulkaan cusub la dhisey muddo hada laga joogo 16 maalmood.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...