Wasiirka Maaliyadda XFS oo Golaha Shacabka  ka codsaday in ay ansixiyaan Sharciga Maareynta Maaliyadda 

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane  C/raxmaan Ducaale Bayle,  ayaa maanta Xildhibaanada Golaha shacabka Jamhhuuriyadda Soomaaliya  hortagay, isagoo ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka Sharciga Maareynta Maaliyadda oo Wasaaradda Maaliyadda ay soo diyaarisay.

Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in Sharcigan uu yahay mid lagu hubinayo Dakhliga maaliyadeed ee DFS, uuna yahay mid muhiim u ah Maaliyadda Qaranka, waxaana uu xusay in uu  xoojinayo maaliyada iyo maamulkeeda wax badanna uu  kabadali doonno habka Maaliyada Dalka.

” Shircigaan waa Sharciga haggi doonna Maaliyadda Dalkeena ee gudaha iyo dibada ka yimaada, waxuu sharcigan xoojinayaa  Maaliyada iyo Maamulkeeda, waxuu qeexayaa Awooddaha dadka ka shaqeeya Maaliyadda, waxa uu qeexayaa Wasiirka iyo Arrimaha Masuuliyaddiisa, waxuu qeexayaa shaqaallaha Bankiga  iyo xaquuqdooda, waxuu ka hadlayaa Maamulka Lacagta iyo qorsheyaashiisa” ayuu yiri Wasiir Beyle

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....