Wasiirka Maaliyadda XFS oo Golaha Shacabka  ka codsaday in ay ansixiyaan Sharciga Maareynta Maaliyadda 

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane  C/raxmaan Ducaale Bayle,  ayaa maanta Xildhibaanada Golaha shacabka Jamhhuuriyadda Soomaaliya  hortagay, isagoo ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka Sharciga Maareynta Maaliyadda oo Wasaaradda Maaliyadda ay soo diyaarisay.

Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in Sharcigan uu yahay mid lagu hubinayo Dakhliga maaliyadeed ee DFS, uuna yahay mid muhiim u ah Maaliyadda Qaranka, waxaana uu xusay in uu  xoojinayo maaliyada iyo maamulkeeda wax badanna uu  kabadali doonno habka Maaliyada Dalka.

” Shircigaan waa Sharciga haggi doonna Maaliyadda Dalkeena ee gudaha iyo dibada ka yimaada, waxuu sharcigan xoojinayaa  Maaliyada iyo Maamulkeeda, waxuu qeexayaa Awooddaha dadka ka shaqeeya Maaliyadda, waxa uu qeexayaa Wasiirka iyo Arrimaha Masuuliyaddiisa, waxuu qeexayaa shaqaallaha Bankiga  iyo xaquuqdooda, waxuu ka hadlayaa Maamulka Lacagta iyo qorsheyaashiisa” ayuu yiri Wasiir Beyle

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...