Home Blog Page 1467

Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Wasiirada DFS “SAWIRRO”

0

Muqdisho (SONNA) – Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay kulan kula qaatay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Wasiirada DFS.

Kulanka oo ka dhacay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka wada hadleen Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirada DFS arrimo la xiriira xaaladda Guud ee dalka, wanaajinta xiriirka wada shaqayneed ee Wasaraddaha Puntland iyo kuwa DFS, Isxog waraysi, arrimaha Fadaraaliisamka iyo dhamaystirka Dastuurka DFS, ka xoraynta dalka xooxaha nabad diidka ah iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in kulan kani noqonayo kii ugu horeeyey oo ay Muqdisho ku-yeeshaan Wasiirada Puntland iyo Wasiirada DFS, isla markaana ay ka wada hadlaan arrimo muhiim ah oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed iyo Qaranka Soomaaliyeedba.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in laga wada tashto ka xoreynta dalka kooxaha nabad diidka ah, madaama ay lid ku yihiin horumarka dalka, Nabadda, Xasiloonida iyo isu socodka dhammaan gobolada Soomaaliya,  isla mar’ahaantaana ay taasi u baahan tahay in laga yeesho qorshe dhab ah oo lagu curyaamin karo laguna soo dabar jari karo cadawga shacabka Soomaaliyeed ee tabarka yar.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ku booriyey Wasiirada Puntland iyo Kuwa DFS ee uu kulanka layeeshay  inay yeeshaan xiriir wada shaqayneed oo ku salaysan sidii Wasaarad walba oo DFS ahi ula yeelan lahayd Wasaaradaha dhiggeedaha ee ka jira dhammaan dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka Soomaaliya si loo horumariyo xiriirka wada shaqayneed ee Wasaaradaha dalka.

Ugu dambayn, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Puntland diyaar u tahay midnimada shacabka Soomaaliyeed, wanaajinta xiriirka DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah DFS gaar ahaan Puntland, ka qayb qaadashada horumarka Soomaaliya, nabadda iyo xasiloonida Qaranka Soomaliyeed.

=DHAMMAAD=

Guddoomiye Jawaari oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

0

Wefdigan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuutriyadda Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa magaalada Khaartuum ee Dalka Suudaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Muqdisho xubno katirsan golayaasha Dowladda iyo mas’uuliyiin kale,waxaana ku wehliyay safarkiisa xildhibaano katirsan Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xubnaha wafdiga guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in uu guul ku soo dhamaaday safarkooda Dalka Suudaan,oo uu ahaa mid muhiimd gaar ah u lahaa Soomaaliya.

Guddoomiye Jawaari iyo wefdigiisa ayaa intii ay joogeen dalka Suudaan waxaa ay ka qeybgaleen shirkii Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo markii ugu horeysay ka dhacay Dalka Suudaan.

Guddoomiye Jawaari ayaa kulan gaar ah la yeeshey guddoonka baarlamaanka Dalka Suudaan iyagoo heshiis ku aadan wadashaqeynta labada baarlamaan ay kala saxiixdeen.

Haween la baray farsamada gacanta si ay u maareeyaan noloshooda

0

Boqol Haween ah oo ka mid ah dadka danyarta ah iyo kuwa ku nool xeryaha barakacayaasha ee Goblka Benaadir ayaa loo soo gaba gabeeyay tababbar muddo afar bilood ah socday oo ay ku baranayeen farsamada gacanta gaar ahaan ka shaqeynta Harqaanka iyo tolista dharka, isla markaana Hay’adda Horumarinta Haweenka ee SSWC ay bixineysay, iyadoo sidookale haweenkaasi la guddoonsiiyay agabkii ay ku shaqeysan lahaayeen oo dhameystiran.

Agaasimaha Hey’adda SSWC Aamino Xaaji Cilmi ayaa sheegtay in ujeedka tababbarkan uu ahaa in Haweenka lagu dhiiri geliyo inay shaqeystaan si ay u maareeyaan nolosho qoysaskooda

Cabduqaadir Gacal Abkow oo ka tirsan Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Sahro Maxamed Axmed oo ah Agaasimaha Hay’ada arrimaha Haweenka ka shaqeysa ee SWDC ayaa haweenka tababbarka loo soo xiray ku bogaadiyay inay ku shaqeystaan waxyaabaha la baray

Qaar ka mid ah Haweenkii loo soo xiray tababbarka ay ku baranayeen tolista harqaanka ayaa sheegay in waxyaabaha la baray ay bulshada inteeda kale usii faa’iideyn doonaan, ayna dhankooda ugu shaqeystaan.

Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Wasiirada DFS

0

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay kulan kula qaatay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Wasiirada DFS.

Kulanka oo ka dhacay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka wada hadleen Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirada DFS arrimo la xiriira xaaladda Guud ee dalka, wanaajinta xiriirka wada shaqayneed ee Wasaraddaha Puntland iyo kuwa DFS, Isxog waraysi, arrimaha Fadaraaliisamka iyo dhamaystirka Dastuurka DFS, ka xoraynta dalka xooxaha nabad diidka ah iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in kulan kani noqonayo kii ugu horeeyey oo ay Muqdisho ku-yeeshaan Wasiirada Puntland iyo Wasiirada DFS, isla markaana ay ka wada hadlaan arrimo muhiim ah oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed iyo Qaranka Soomaaliyeedba.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in laga wada tashto ka xoreynta dalka kooxaha nabad diidka ah, madaama ay lid ku yihiin horumarka dalka, Nabadda, Xasiloonida iyo isu socodka dhammaan gobolada Soomaaliya,  isla mar’ahaantaana ay taasi u baahan tahay in laga yeesho qorshe dhab ah oo lagu curyaamin karo laguna soo dabar jari karo cadawga shacabka Soomaaliyeed ee tabarka yar.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ku booriyey Wasiirada Puntland iyo Kuwa DFS ee uu kulanka layeeshay  inay yeeshaan xiriir wada shaqayneed oo ku salaysan sidii Wasaarad walba oo DFS ahi ula yeelan lahayd Wasaaradaha dhiggeedaha ee ka jira dhammaan dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka Soomaaliya si loo horumariyo xiriirka wada shaqayneed ee Wasaaradaha dalka.

Ugu dambayn, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Puntland diyaar u tahay midnimada shacabka Soomaaliyeed, wanaajinta xiriirka DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah DFS gaar ahaan Puntland, ka qayb qaadashada horumarka Soomaaliya, nabadda iyo xasiloonida Qaranka Soomaliyeed.

=DHAMMAAD=

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo socdaal shaqo ku joogay dalka Sudan ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, iyadoo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen Xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo howlo shaqo ugu maqnaa dalka Sudan ayaa intii ay halkaasi ku sugnaayeen waxaa ay kulamo la qaateen madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Sudan.

Guddoomiye Jawaari ayaa dhigiisa Sudan waxa ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sudan, isagoo xusay in socdaalkii dalka Sudan ay ku soo idlaatay guul.

Safiirka Somaaliya eeTurkiga”Saldhiga Turkiga ee Muqdisho waa mid muhiim u ah dhismaha dowladnimada Soomaaliya”

0

Muqdisho(SONNA):-Safiirka Somaaliya ee Turkiga Jaamac C/llahi Maxamed(Jaamac Ceydiid) ayaa Wareysi uu siiyay Wargeyska Daily Sabah ku sheegay in Saldhiga millateri ee turkiga uu ka furay Muqdisho in uu bilow u yahay dhismha Dowladnimada Soomaaliya

Waxa uu Carabka ku dhuftay in Saldhigaan uu ka qeyb qaadan doono dhismaha Ciidamada Qaranka  Soomaaliya, isaga oo intaasi ku daray in waqtigaan uu muhiim u yahay geedi socodka Dowladnimada ayna ku faraxsan yihiin Xaruntaan.

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga ayaa sheegay in iskaashiga labada dhinac uu ku socda si dardar leh, waxaana uu tusaale usoo qaatay in Turkiga uu ahaa dalkii ugu horeeyay ee taageero u fidiyay Soomaalida markii uu dhacay Qaraxii 14 bisha October ka dhacay Muqdisho.

“waxaan kale oo aan la ilaawi karin marna booqashadii uu Racep Dayip Ordogan  uu ku tagay Muqdisho sanadkii 2011 markaasi oo ay Dalka ka jirtay macluul, waxa ay ahayd booqasho aan caadi aheyn, waxa ayna meesha ka saartay fikradii ahayd in aan la tagi karin  Muqdisho, waxii markaasi ka dambeeyay waa la booqanayaa Dalka” ayuu yiri Safiirka.

Xerada tababarka Ciidamada waxaa ka soconayaa tababarka  Kumaanaan ka tirsan Ciidamada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwa loogu tala galay Difaaca Qaranka Soomaaliya,Xeradan Turkiga uu ka furay Muqdisho waxaa lagu tiriyaa Xaruntii ugu weyned ee uu ka dhiso meel ka baxsan dalkiisa.

Ka sakoow Saldhiga tababarka ee Muqdisho, waxa uu Turkiga ka fuliyay Soomaaliya mashaariic horumarineed  oo ay ka mid yihiin hirgalinta goobo waxbarasho, dhismaha Waddooyinka iyo Xarumo Caafimaad.

Jubbaland oo diyaarisay ciidamo loogu talo galay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee deegaanada gobolka Gedo

0

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo loogu tala galay in ay Al-Shabaab kula dagaallamaan deegaanada gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid C/rashiid Xasan Nuur ayaa sheegay in ciidamadaan loogu tala galay in ay dagaal la galaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Waxaa uu sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo si gaar ah u tababar, waxaana uu sheegay in la fulinaayo Amarkii Madaxda dalka ee ahaa in la qaado dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Hadalka kasoo baxay Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa kusoo beegmaya xilli deegaanada Jubbooyinka ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah Maleeshiyaadka Al-shabaab.

115kii arady ee deeqda waxbarashada heley oo gaarey suudaan

0

Suudaan(SONNA) Waxaa Magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Suudaan gaaray 115 arday oo deeq waxbarasho ka heshay  Suudaan Ardaydan Cusub ayaa waxaana garoonka Diyaaradaha ee magaalada khartuum kusoo dhaweeyay Jaaliyadda, Safaaradda, iyo  Ururka ardayda Qaranka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya  Mudane Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ardayda Soo gaartay Suudaan tiradoodu tahay 115 arday,Waxaana uu intaa kudaray Agaasimaha dufcadani inay tahay tii 9aad ee ay wasaaradda waxbarashad Soomaaliya keento Dalka Suudaan laga soo bilaabo 2009 ilaa haatan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Ururka ardayda Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Cabdi Qani Nuur  Cusmaan oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa aad u soo dhaweyay ardayda cusub asigoona kula dardaarmay ardayda inay ilaaliyaan sharciga u yaala Dalkane Suudaan.

Gabagabadii qaar kamid ah Ardayda deeqda waxbarasho ka heshay Suudaan ayaa aad ugu mahadnaqay sida quruxda badan ay u soo dhaweeyan Ardayda reer Suudaan iyo Madaxdii ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan.

Yuusuf Maxamed Macalin (Yusuf Kashmiir)

Wararkii ugu dambeeyey Duulaankii Daacish ee Ciraaq

0

Ciraaq(SONNA) Ururka Daacish ayaa lagu soo waramaya in uu wajahayo guul daro kadib markii duulaan military llooga qabsaday goobo badan oo ay ku suganaayeen Syria iyo Ciraaq.

Maalintii Jimcihii ayaa ciidanka Suuriya sheegay in uu la wareegay gacan ku haynta Deyr Al-Soor halkaasi oo ay ku sugnaayeen koxda Dacish.

Ra’iisal Wasaaraha Xeydar Alcabaadi  ayaa sheegay in Al-Qaa’im oo ku taala xadka labada dal u dhexeeya ee Ciraaq iyo Syria kadib howlgal muddo kooban socda.

Ciidanka Ciraaq wuxu sheegay inuu sidoo kale qabsaday goobtii ugu dambaysay ee kaantarool ee ku taallay xadka Suuriya dalku la leeyahay ee ay haysteen kooxda Daacish.

Bishii hore ayaa xulafo reer Suuriya ah oo Maraykanku taageeraa ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Raqqa ee dalka Suuriya oo caasimad u ahaan jirtay kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Bishii Juulaay ayaa iyadna magaalada Mosul oo ah ta labaad ee ugu wayn dalka Ciraaq,waxa dagaal mudo bilo ah socday lagaga qabsaday kooxdaas.

Jubbaland oo diyaarisay ciidamo loogu talo galay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee deegaanada gobolka Gedo

0

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo loogu tala galay in ay Al-Shabaab kula dagaallamaan deegaanada gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Maxamed Xasan Nuur ayaa sheegay in ciidamadaan loogu tala galay in ay dagaal la galaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo.