Home Blog Page 1467

Danteennu waxay ku jirtaa in loo qumo dhismaha dalka

0

Waxaa xaqiiqi ah in Marxalad ama xaalad kasta oo aadaanuhu ku soo biiro dunidaan uu xambaarsan yahay ama huwan yahay waajibaad Qaran oo  la xiriira ilaalinta Dalka,daryeelka  Bulshada , ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed  iyo dhismaha  goobaha laga fuliyo adeegyada Umadda .

Ma jiro qof ama koox leh nidaam  dhameystiran,isla markaana   ifka yimid iyadoo aysan la socon mas’uuliyad  nolosha ka saacida sidii ay uga bixi laheyd turunturooyinka iyo aafooyinka kale ee ku  xeeran dunida.

Inkastoo dadka Somaaliyeed ay ku soo caanamaaleen  mashruuc la magac baxay iskaa wax u qabso, oo la micno ah dhiso Dalkaada,hadana waxaa xilligaan muuqda baahi weyn oo loo qabo in mar kale Umadda  ay u istaagaan  dhismaha dalka ee ku burburay gacanta Bulshada.

Dowladda uu hogaamiyo Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo  iyo Madaxda  kale ee gobolka Banaadir ayaa cod-dheer iyo mid gaabanma ku baahiyay ahmiyadda Dalkaada dhiso ay u leedahay horumarka  iyo sida ay lama huraanka u tahay in qof kasta uu ka qeybgalo dadaalka loogu jiro dayactirka waddooyinka iyo guud ahaanba hagaajinta adeegyada Bulshada.

Maamulka Gobolka Banaadir oo uu horkacayo Mudane Taabid,isla markaana kaashanaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa illaa hadda ku guuleystay ka miro dhalimta barnaamijyada gundhigga u ah dhiso Dalkaada ,waxaana mashruucyo  ay ugu horeeyaan dayactirka waddooyinka Iyo dhismaha Xarumaha ay ka socdaan   Magaaalada Muqdisho,iyagoo xilligaanna ay barbar socdaan soo celinta bilicda Caasimadda  oo la tilmaamay in ay ku baxayaan lacago fara badan.

Dad aad u farabadan ayaa ka qeybgalay dhismaha iyo dayactirka waddooyinka magaalada Muqdsuho ,kadib kolkii ay bixiyeen lacago taakuleyn ah oo loogu magac daray dhiso dalkaada,waxaana sidoo kale dadaaladaasi lagu soo celinayo bilicda waddooyinka ka qeyb qaatay qaar ka mid ah guddoomioyaasha \Degmooyinka Gobolka.

Waxaa lagu guuleystay  dayactirka waddooyin badan oo laf dhabar u ahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka sida jidka  Wadnaha,Maka al0mukarama ,tan Dekeddda ,Buundooyinka iyo kuwo kale halka ay imminka socdaan hagaajinta wadada 30-ka iyo tan Jeneraal daa;uud,iyadoo mudada dhow la filayo in loo jeesto jidka warshadaha,suuqa xoolaha iyo kuwo kale.

Dhiso dalkaada oo ah Barnaamij  muddooyinkaan ka socda Caasimadda dalka iyo deegaanno kale ee dalka ,waxa uu soo jiitay indhaha dad badan oo rug caddaa ah oo u soo joogay xilliyadii beri-smaadka  ee loo dhaqaaqay iskaa wax u qabso oo la micno ah dhiso dalkaada.

Bulsh wetnta Soomaaliyeed waa in  ay u istaagaa howlaha samofal ee lagu ururinaayo  lacagaha loogu talagalay dayactirka waddooyinka, dhismaha  xarumaha Dowladda iyo hagaajinta  goobaha laga fuliyo adeegyada Umadda,maadaama    dowladda soomaaliya ay tahay mid curdun ah oo u baahan in wax lala qabto.

Dadaalka lagu bixinayo   dhismaha dalka,gaar ahaan kan lagu dayactirayo waddooyinka iyo xarumaha Dowladda ee burbursan,waa  tallaabo  u muuqataa in ay weli jiraan Bulsho  muwaadiniin ah oo  doonaya ka qeygalka  howlaha lagu soo celinaayo  bilicda Caasimadda iyo guud ahaan horumarka Dalka.

Horumarka dhahbta  ah ee Dal waxaa uu imaan karaa marka la helo bulsho mideysan oo ka fog qabiilka isla markaana maskaxda ku haya in dhibaato kasta looga bixi karo wadajir,waxaana  lagama maarmaan ah in bulshada wanaagsan ay u howgalaan sidii looga dhabeyn lahaa barnaamijyada la magac baxay dhiso dalkaada iyadoo laga duulaayo burburka ka muuqda Caasimaddda Magaalada Muqdisho  iyo deegaanada kale ee dalka.

Dad waxay wax qabsan karaan marka ay mideeyaaan xoogga iyo wadajirkooda,maankana ay galiyaan in cid shisheeye aysan buuxun Karin kaalinta qof kasta kaga aadan dhismaha dalka iyo soo celinta adeegyada umadda,waxaana hubaal ah in haddii Qof kasta uu bixiyo Hal Doolar ay  imaan karaan  lacago mug leh oo qeyb ka noqda  soo celinta bilicda waddooyinka  iyo dhismaha xarumaha Dowladda.

Ugu dambeyntii Dowladdu waa in ay la timadaa  kalsooni ay dadkeedu ku qabi karaan  in waxa loo qabanaayo ay yihiin kuwo u dhacaya  sidii loogu talagalay,waana in mar kasta Xukuumaddu ay horsed ka noqoto dhiirigelinata barnaamijyada samofal ee lagu uruurinaayo lacagaha qaaraanka ah ee gacan ka geysan kara soo celinta kaabayaasha dhaqaale iyo kuwa Bulshada.

Waxaa qallinka u qaatay Shire Xasan Kulmiye

Goob Ganacsi oo ay lahaayeen Muwaadiniin Soomssliyeed oo Koofur Afrika lagu Gubay

0
Muwaadinaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdulaahi Maxamed Cali oo ku sugnaa kaligii goob ganacsi oo uu ka ahaa waardiye waxaana kusoo weeraray koox burcadd ah kuwaa oo dhac baahsan u geystay inta aysan dabka ku shidan dukaanka.
Kooxda burcada ah ayaa waxaa la sheegay in ay Marxuumka ku xereen qol yar oo dukaanka qeyb uga yaalay kadibna ay halkaasi kaga tageen waxaa ay qaateen lacago cadaan ah iyo kaakara telfoonada lagu shubto oo cadadooda la shaacin sida uu warbaahinta u sheegay midka mid ah shaqaalaha goobtaasi oo lagu magacaabo Liibaan Cusmaan Cali.
“markii aan ka tageynay habeenki lacago badan ayaa qasnada ku jiray iyo kaakarka telfoonada lagu shubto kuli waa la qaatay waxaana dareemeynaa in dhac baahsan naloo geystay inta aan wiilkaan qolka lagu soo xerin oo dukaanka la gubin”
Ciidamada Police-ka ayaa halkaasi waxaa ay ka wadaan baritaano la xariira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxahii falkaani geystay ayada oo safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka South Africa uu sheegay in falkaan ay u saareen ka safaarad ahaan guddi gaar ah oo daba gala arintaan.
“waxaan u saaray ruux gaar ah oo safaarada ka tirsan in uu arintaan meel cad uga soo haro police-ka uu la shaqeeyo sidii loo soo heli lahaa dadkii geystay falkaan dowlada South Africana waan kula xisaabtameynaa anaga oo kaashaneynaa dowlada Soomaaliya”
Goobta ganacsiga ee dabka la qabad siiyay waxaa ay aheyd dukaan lagu iibiyo alaabaha jumlada ah oo ay ka iibsadaan Soomaalida ku nool deegaanada kale ee ku sii iibiya goobaha ganacsiga ee yaryar waxaana ku burburay hanti aad u farabadan taa oo aan wali cadadeeda la shaacin.
Waxaa Sido kale ka shaqeynayay ilaa 17 ruux oo kala ahaa 12 ruux oo Soomaali ah afar ruux oo u dhashay dalka Malawi iyo waliba hal ruux oo South Africaan ah .
Alle ha u naxariistee Cabdulaahi Maxamed Cali xalay saqdii dhaxe ayaa waxaa lagu aasay qabuuraha muslimiinta ee magaalada Pretoria ee caasimada South Africa waxaana aaskiisa kasoo qeybgalay Soomaali aad u fara badan oo aad uga tiiraayeysanaa falka naxdinta leh.
By C/laahi Maxamuud Amiin.
C/laahi Qorshe.
Johannesburg-South Africa.

Midowga Raabidooyinka Dacawiga Soomaaliyeed ee Suudaan oo soo dhawaynayay Sheekh Bashiir Salaad iyo Culumo kale

0

Kulankan lagu soo dhaweynayay Culimada kala ah, Sheekh bashiir Salaad  oo ah Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Maxamuud ciise, Maamulaha jaamacadda islaamiya ee Soomaaliya iyo Maxamuud Cabdiraxmaan oo ah barre wax ka dhiga jaamacado ku yaala dalka ingriiska ayaa waxaa kasoo qayb galay diblumaasiyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliyeed ee suudaan, Madaxda Jaaliyadda, Culimada, Aqoonyahanada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Suudaan.

Soo dhawaynta ka dib ayuu Sheekh Bashiir Salaad kaga warbixiyay Soomaalida Suudaan xaaladda dalka uu ku suganyahay haatan, isagga oo sheegay in is badal dhan walba ah muuqdo, Sidoo kale Sheekh Bashiir ayaa u sheegay reer Suudaan in dalka uu sugayo dad wax soo bartay oo u diyaara in ay wax ka badalaan.

Sheekh bashiir ayaa yiri:( Soomaaliya waxa ay u baahantahay aqoonyahano cilmigooda u dheeryahay in ay soo barteen sida dal loo dhiso, aqoonyahano u shaqeeya dalkooda ee aanan ka shaqeysan).

Gudoomiyaha Hay”adda Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inta uu Khartuum joogo in uu la kulmo Hay”adda Culimadda suudaan iyo Ururada dacawiga ee dalkan ka jira, sidoo kale sheekh ayaa la filayaa in uu kulan guud la yeelan doono Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee suudaan si ay isaga xaal wareystaan Xaaladda dalka iyo Wacyiga umadda.

WD. Maxamed Cabdiqaadir Socdaal

 

Guddoomiye Jawaari iyo wafdiga la socday oo Qaahira kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

0

Qaahira(SONNA):–Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo booqasbo rasmi ah ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdiga la socday ayaa Madaxweynihii hore ee dalka Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo sidii horumarkiisa la isaga kaashan lahaa.

 

Ku-xigeenka Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Shamrmarke Garaad Saleebaan Buraale oo kulanka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ay ka wada hadleen arrimo u badan xaaladda dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheekh CIsmaan Jawaari ayaa oo casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Masar ayaa inta ay ku suganyihiin waxa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda Baarlamaanka iyo kuwa kale, iyagoo kala hadli doono arrimo ay ka midyihiin, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga wada shaqeynta ee labada Baarlamaan.

Guddoomiye Jawaari iyo wafdiga la socday ayaa kormeeray xarumo ku yaala magaalada Qaahira.

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga

0

Muqdsho(SONNA) Mudane  Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Turkiga oo isaga iyo wefdi uu hogaaminayo uu maanta soo gaarey magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil ka kala tirsan Militariga Turkiga iyo Soomaaliya ayaa madaxweynuhu wuxuu kala hadlay Taliyaha kaalinta Dowladda Turkiga ee kaga aadan taageerada Soomaaliya,gaar ahaan dib u dhiska Ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga  ka guddoomay fariin uu uga siday madaxwyene Erdogan,taasi oo uu ku ammaanay hoggaaminta wanaagsan ee madaxda Soomaaliya.

“Waxaan uga mahad naqaynaa Walalaha Turkiga isgarab istaaga  iyo taageerada ay u hayaan Soomaaliya,Taageerada Turkiga uu siiyo Soomaaliya waa mid la isku halayn karo, oo dhabta ku salaysan,waxaan ka codsanaynaa Dowladda Turkiga in ay ballaariso caawinaadeed Soomaaliya,gaar ahaan dhismaha Ciidamo Qaran,waxaa jirta baahiyo loo qabo tababaro iyo qalabayn ay helaan Ciidamada Qaranka”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Taliyaha Guud ee  Ciidamada Turkiga ayaa sheegay in ay ka go’antahay Dowladda Turkiga sidii ay uga dhabayn lahayd garab istaaga Soomaaliya,wuxuuna tusaale u soo qaatay dhismaha xarunta tababarada oo Muqdisho laga ay ka hirgeliyeen,taasi oo uu ku sheegay in ay qeyb ka tahay dhismaha Ciidanka Soomaaliya,wixii kale oo dheeraad ah looga baahadana ay diyaar la yihiin.

Wuxuu intaasi ku daray taliyaha in amarka lagu taageerayo dhismaha iyo qalabaynta ciidanka Qaranka Soomaaliya ay tahay mid ka soo baxay madaxwyenaha Dalka Turkiga Mr Erdogan.

 

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu gubay goobtiisa ganacsi dalka K/Afrika

0
Ruux Soomaali ah ayaa habeenkii xalay ahaaa lagu dhax gubay goob ganacsi oo ku lahaa duleedka magaalada Pretoria ee Caasimada Dalka South Africa.
Kooxo Burcad South Afrikaan ah ayaa la sheegay in shaqsigaasi ay ku dhex gubeen goobtiisa ganacsi oo ku taala magaalada Pretoria, sida uu sheegay Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka South Africa Safiir Jamaal Barrow.
Wariyaheena C/laahi Maxamuud Amiin Qorshe ayaa soo sheegaya in wali aan la helin faah faahin intaasi dhaafsiisan.
Hase ahaatee falkaan ayaa qeyb ka ah dhibaatada kooxaha burcadda ah ay ku hayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koofur Afrika.
\

Guddoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada AMISOM

0

Taabid Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lakulmay Saraakiisha Ciidanka AMISOM waxaana uu kala hadlay inay qeyb ka taaqaan suggidda Amniga Gobolka Banaadir.

Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ku dheeraaday ahmiyadda kulankan uu leeyahay iyo sida Ciidamada AMISOM ay uga jawaab celiyeen dhibaato 26-kii bishan ay u geysteen gaari uu watay muwaadin Soomaaliyeed, Isgoyska KM4.

Ku xigeenka u qaabilsanaha Midowga Afrika ayaa dhankiisa sheegay in ay xireen Darawalkii gaariga kaxeynayay iyo sidoo kale Sarkaalkii hoggaaminayay kolonyada Gaadiika AMISOM ee dhibaatada geysatay, sidoo kalena hada kadib ay ka taxadiri doonaan dhibaato dhacda.

Guddoomiyaha iyo saraakiisha AMISOM ayaa si gaar ah u falan qeeyey hanaanka xiligan lagu xaqiijin karo amniga, waxaana laisla qaatay in si gaar ah looga wada shaqeeyo sare u qaadista iyo xoojinta amniga caasimadda.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada Taabid Cabdi Maxamed kulankaan uu la qaatay  Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa qeyb ka ah Dadaalada Maamulka Gobolka Banaadir uu ka qaadanaayo Xaqiijinta Amaanka Caasimada .

 

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka oo guulo ka gaaray Dagaal Maanta ka dhacay G/hoose

0

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Guulo ka sheegtay Dagaal Saaka Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab ku qaadeen Saldhig Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ku lahaayeen deegaanka Barriire ee Gobolkaasi.

Generaal Sheegow Axmed Cali oo ah Taliyaha guutada labaatanaad “20” ee Ciidamada Xoogga Dalka la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay Khasaaro badan gaarsiiyeen Maleeshiyaadkii Saaka weerarka kusoo qaaday Barriire.

Generaal Sheegow waxaa uu tilmaamay in ay dileen Saraakiil Sar sare oo hugaaminaayay Maleeshiyada kuuwaa soo ay ka dileen Sida uu sheegay Taliyihu dagaalamayaal gaaraya ilaa labaatan askari.

Dhagar qabayaal ka tirsanMaleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab ayaa Aroor hore Saaka weerar ku qaaday deegaanka Barriire oo fariiso Ciidan ay ku lahaayeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed halkaasoo uu ka dhacay Dagaal Saacado qaatay sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Soomaaliya.

Deegaanka Barriire ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaaa ka mid ahaa deegaanadii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kala wareegeen Nabad diidka Al shabaab.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo dib u eegis ku sameyneysa sharciga socdaalka

0

Muqdisho(SONNA) Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ka qeyb-galay barnaamijka kulanka Toddobaadka ee Warbaahinta Qaranka ayaa sharraxaad ka bixiyey shaciga socdaalka Soomaaliya oo dhowaan wadatashiyo arrimahaas ku aaddan laga bilaabay Muqdisho, waxa uu sheegay in wadatashiyadaas la gaarsiinayo gobolada dalka.

Dhinaca kale Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa tilmaamay in hey’addu ay hirgelisay xafiisyada Jubbooyinka iyo Gedo oo ilaalinta doona dhinac Xuduudaha, iyagoo kaashanaya Hey’adaha amniga dalka.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka ayaa soo  hadal qaadey horumarka Baasaboorka Soomaaliga ah, waxa uu carrabka ku adkeeyey in caalamka oo dhan uu ka shaqeeyo, hasa ahaatee loo baahan yahay in Soomaaliya ay wadamo adduunka la gasho heshiisyo socdaal, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu fududaato dalka ku galka ama VIISA-ha.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay kala hadleen arrimaha Socdaalka, welina ay wada hadallo u socdaan, xayiraadda Mareykanka toddobada dal uu ku soo rogayna aysan la xiriirin Baasaboorka ee ay tahay arrimaha Socdaalka dedaalkeeduna ay wadaan.

Ugu dambeyntii Agaasimaha Hey’adda Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa ka hadlay waxa ay hey’addu hiigsaneyso mustaqbalka dhow.

“Waxaan rabnaa inaan gaarno hey’adda oo xaqiijisay, diiwaangelisay dhammaan ajaanibta dalka joogta ama martida ah, hey’adda oo xogta xuduudaha ku filan, hirgelisayna dhammaan xafiisyada muhiimka u ah, waxaan ku rajo weynnahay inaan galno heshiisyada socdaalka dalalka caalamka oo dhan iyo Soomaaliya oo ka mid noqotay hey’aaha socdaalka caalamka kuwa ugu horreeya ama ugu wanaagsan” ayuu yiri Mr. Koofi

 

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si weyn loogu soo dhoweeyay Masar”Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Golaha shacabka JFS Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh cusmaan jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo barqadii manta gaaray Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Maser, iyadodo ay garoonka diyaaradaha ee magaalada Qaaahir kusoo dhoweeyeen masuiliyiin dalka Maser iyo sidoo kale madaxda safaaradda Soomaaliya.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ay ka mid yihiin xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka waxaa madaxda soo dhoweysay ka mid ah ku xigeenka koowaad ee Golaha Barlamaanka Masar Maxamuud Shariif iyo xog-hayaha guud ee Barlamaanka Maser,Danjiraha Soomaaliya ee Masar C/qani Wacays iyo sidoo kale kuxigeenka safaaaradda Soomaaliya ee Dalka Maser Ilyaas Sheekh Cumar.

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Qaahira ee dalka Masar waxa uu kulamo kala la qaadan doonnaaa masu’uuliyiinta dalkanmasar gaar ahaan madaxda barlamaanka ee wadankan.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkan Masar ayaa mudada uu joogo waxa uu madaxda dalkan kala hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Soomaaliya iyo Masar gaar ahaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga wada shaqeyneed ee labada Baarlamaan.