Home Blog Page 1466

Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed oo lagu soo dhaweeyey magaalada Khartuum”Sawirro

0

Khartuum (SONNA) Kulankan lagu soo dhaweynayay Culimada kala ah, Sheekh bashiir  Axmed Salaad  oo ah Gudoomiyaha Hay”adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Maxamuud ciise, Maamulaha jaamacadda islaamiya ee Soomaaliya iyo Maxamuud Cabdiraxmaan oo ah barre wax ka dhiga jaamacado ku yaala dalka ingriiska ayaa waxaa kasoo qayb galay diblumaasiyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliyeed ee suudaan, Madaxda Jaaliyadda, Culimada, Aqoonyahanada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Suudaan.

Soo dhawaynta ka dib ayuu Sheekh Bashiir Axmed Salaad kaga warbixiyay Soomaalida Suudaan xaaladda dalka uu ku suganyahay haatan, isagga oo sheegay in is badal dhan walba ah muuqdo, Sidoo kale Sheekh Bashiir ayaa u sheegay ree Suudaan in dalka uu sugayo dad wax soo bartay oo u diyaara in ay wax ka badalaan.

“Soomaaliya waxa ay u baahantahay aqoonyahano cilmigooda u dheeryahay in ay soo barteen sida dal loo dhiso, aqoonyahano u shaqeeya dalkooda ee aanan ka shaqeysan”ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Gudoomiyaha Hay”adda Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inta uu Khartuum joogo in uu la kulmo Hay”adda Culimadda suudaan iyo Ururada dacawiga ee dalkan ka jira, sidoo kale sheekh ayaa la filayaa in uu kulan guud la yeelan doono Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee suudaan si ay isaga xaal wareystaan Xaaladda dalka iyo Wacyiga umadda.

Faah Faahino kasoo baxaya Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu gubay K/Afrika”Sawirro

0

Johannesburg (SONNA) Muwaadinkaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdulaahi Maxamed Cali ayaa ku sugnaa kaligii goob ganacsi oo uu ka ahaa waardiye, waxaana kusoo weeraray koox burcad ah kuwaasi oo dhac baahsan u geystay inta aysan dabka ku shidan dukaanka.

Kooxda burcadda ah ayaa waxaa la sheegay in ay Marxuumka ku xireen qol yar oo dukaanka qeyb uga yaalay kadibna ay halkaasi kaga tageen, waxaana ay qaateen lacago cadaan ah iyo agab kale oo cadadooda la shaacin, sida uu warbaahinta u sheegay midka mid ah shaqaalaha goobtaasi oo lagu magacaabo Liibaan Cusmaan Cali.

“markii aan ka tageynay habeenkii lacago badan ayaa qasnada ku jiray iyo kaararka telefoonada lagu shubto, dhamaan wey qaateen kadibna marxuumka ayey gubeen”ayuu yiri Liibaan Cismaan Cali.

Ciidamada Polie-ka ayaa halkaasi waxaa ay ka wadaan baritaano la xariira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxihii falkaani geystay, iyada oo safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka South Africa Jamaal Barow uu sheegay in falkaan ay u saareen ka safaarad ahaan guddi gaar ah oo daba gala arintaan.

“waxaan u saaray ruux gaar ah oo safaaradda ka tirsan in uu arintaan meel cad uga soo haro police-kana uu la shaqeeyo sidii loo soo heli lahaa dadkii geystay falkaan, dowlada South Africana waan kula xisaabtameynaa anaga oo kaashaneyna dowlada Soomaaliya”ayuu yiri Jamaal Barow.

Goobta ganacsiga ee dabka la qabad siiyay waxaa ay aheyd dukaan lagu iibiyo alaabaha jumlada ah oo ay ka iibsadaan Soomaalida ku nool deegaanada kale ee ku sii iibiya goobaha ganacsiga ee yaryar, waxaana ku burburay hanti aad u farabadan taa oo aan wali cadadeeda la shaacin.

Waxaa Sido kale ka shaqeynayay ilaa 17 ruux oo kala ahaa 12 ruux oo Soomaali ah, afar ruux oo u dhashay dalka Malawi iyo waliba hal ruux oo South Africaan ah.

Alle ha u naxariistee Cabdulaahi Maxamed Cali xalay saqdii dhaxe ayaa waxaa lagu aasay qabuuraha muslimiinta ee magaalada Pretoria ee caasimadda South Africa, waxaana aaskiisa kasoo qeybgalay Soomaali aad u fara badan oo aad uga tiiraayeysanaa falka naxdinta leh.

W/D:-C/laahi Maxamuud Amiin (C/laahi Qorshe)

Waa sidee xaaladda Barakacayaasha Baydhabo? Warbixin+Sawirro

0

Baydhabo (SONNA) Halkan waa kaam kuyaala duleedka bari ee Magaalada Baydhao ee xarunta gobolka Baay, Waxaana kujira boqolaal qoys oo dhawaan ka soo barakacey deegaano farabadan oo hoos yimaada gobolka Jubbada Hoose sida Shanqalaw, Saakaw, Baalinbaasho iyo Dameerka.

Deegaanada dadkaan ay ka soo barakaceen ayaa waxaa ka jira xaalado bini’aadanimo mana helin roob kufilan sedaxdii sano ee ugu danbeeyey, iyada oo  qoysaskan ay u badanyihiin xoola dhaqato iyo beeraley.

Inkastoo deegaanada dadka ay ka soo barakaceen ay kajiraan abaaro daran iyo jiilaal dheeraadey hadana waxaa in taasi u wehliya caqabado kale oo farabadan oo ka soo wajahey kunoolashaha deegaanadoodi taas oo ay ugu horeyso in si qasab ah al-Shabaab ay uga askareeyaan caruurta da’doodu kaweyntahay 10-ka sano.

Caruur aad u da’yar oo tiradooda kor udhaafayso 500 (shan boqol) ayaa kamid ah barakacayaasha, kuwaas oo waalidiintooda ay door bideen in ay caruurtooda  ka soo wadaan goobaha Shabaabka ay maamulaan si aan loo askareen.

Carurtan oo hami weyn u haya waxabarashada ayaa waxaa si lacag la aan ah wax looga baraa qol yar oo cooshado kasameysan, bugaagta iyo agabka wax lagu baro qaarkood mahaystaan, taas oo kuu muujinaysa daruufaha adag ee haysta Qoysaska caruurta, balse  waxaa kamuuqatay hami aad u sareeya ee ay u qabaan waxabarashada.

Gudoomiyaha gobolka Baay mudane  Cali Wardhaare Cabdiraxmaan oo maanta booqdey kaamka Tawfiiq ee ay kunoolyihiin qoysaska ayaa lahadley warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in la joogo waqtigii qof walba uu ka qeyb qaadan lahaa badbaadinta dadkan ku rafaadsan kaamka.

 


W/D:-Siraaji Sheekh Isxaaq

Qadar oo soo dhaweysay Arrimha Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya.

0

Dowladda Qadar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay  inay dib u cusboonsiin doonto is garab istaagga shacabiga iyo xukuumadda Soomaaliya,isla markaana ay  ka go’antahay sidii  gargaar bani’adanimo  iyo waxqabad kale looggu fidin lahaa   shacabka Somalia iyo dowladiisa.

Dowladda  Qadar  ayaa aad u amaantay isbedelka siyaasadda Soomaaliya tan iyo intii ka danbeysay Doorashadii xukuumadda hadda ka arimisa Soomaaliya,waxyna rajeysay in talaabadan isbedelka ah uu noqdo  mid wax weyn ka taraya sugidda amniga Soomaaliya, horumarinta masaalixda waddanka iyo kuwa la  dagaalanka argagixisada.

Tallaabadaan  ayaa ka dambeysay ka gadaal markii ay Dowladda Qadar bayaan ka soo saartay khudbad uu fadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaraamada Midoobay ka jeediyay Amiir Dhalaal C/casiis oo ah xoghayaha Sedexaad  ee wafdiga joogtada ah ee Dowladda Qadar  ee Qaraamada Midoobay, isla markana ka tirsan khubarada Qadar ee xaruunta hay’adda Xuquuqul insaanka oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva.

Sidoo kale Dowladda Qadar ayaa aad u amaantay juhdiga ay dowladda Soomaalia gelisay daryeelka arrimaha xuquul insaanka ee Soomaalia, dib u dhiska hay’ada dowladda,dhaqan gelinta qaanuunka cusub ee Soomaalia,abuurista guddi madax banana ee ka shaqeya arrimaha xuquul insaanka iyo dhameystirka dastuurka cusub.

Bayaankaa ka soo baxay Dowladda Qadar waxaa kaloo lagu xusay  amhiyadda shirkii kol hore lagu qabtay London uu u leeyahay Soomaaliya siiba wadciga ay maanta ku jirto  iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay dhaqangelintiisa, kaasoo diiradda lagu saaray dhinacyada xuquul insaanka iyo  la dagaalnka argagixisada.

(Qormo)Isteerinka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

0

Dalka Soomaaliya waa mid ka soo kabanaya dagaal sokeeye.  Geeridii, dhaawacii, qaxii iyo burburkii dagaalka sokeeye dartood, konton iyo toddoba sano ka dib Dowladnimada Soomaaliya waa mid mar labaad socod-barad ah oo hadda la kabkabayo una baahan koolkoolin iyo in loo turo.

Sagaashanaadkii

Waxaan ka soo gudubnay xilligii Sagaashamaadkii oo aan ahayn Dowlad la’aan.  Waa xilligii abwaan Soomaaliyeed oo aan kula kulmay Baydhaba uu ka tiriyay tix aan ka xusuusto hooriskeeda oo ahaa:

“Wada Tuute noqannaye, 

nin waliba tabtuu rabo, 

ha u rido tumaatida”.

2000 iyo ka dib

Waxaa kale oo aan ka soo gudubnay tobankii sano ee xigay ee Hoggaamiye Kooxeedyo hub badan haysta, mararka qaarna degaan ka taliyaa ay Dowladda is hor taagi jireen amaba ay ridi jireen.

Hoggaamiye kooxeedyadaas oo uu mid waliba u duulo caasimad shisheeye tii uu doono iyo weliba mararka qaarkood gobollo shisheeye si uu heshiiska uu doono ula soo galo Dowlad ama sharikad iyada oo og in aanuu heshiiskaas fulin karin haddana dano gurracan dartood shaar ka weyn u toli jirtay Hoggaamiye kooxeedka.

2012

Waa laga soo gudbay xilligii ku meel gaarka, inkasta oo weli xagga dib u heshiinta iyo dib u dhiska hey’daha Dowladda siiba ciidanka ay wax badani ka dhimman yihiin.

Waxa la isku afgartay ee Dowladnimada Soomaaliya ay ku dhisan tahay, oo uu Madaxweyne ku noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida Madaxweynayaashii isaga ka horreeyayba ay ku noqdeen, waa Dastuurka dalka oo isaga laftiisu weli ku-meel-gaar ah ilaa afti laga qaadayo shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

Dastuurku si cad ayuu u qeexayaa in Siyaasadda Dibadda ay u xilsaaran tahay KELIYA Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dastuurku wuxuu awood u siinayaa in Madaxweynuhu uu yahay mas’uulka dalka ugu sarreeya, fagaarayaasha caalamiga ahna uu isagu ama wakiilkiisu ku matalo Soomaaliya.

Dastuurku ma qorayo in Gobol waliba uu dalka uu doono la geli karo heshiis ama taageero siyaasadeed u fidin karo.  Sidoo kale, Dastuurku ma qorayo in Gobolkii doonaa uu Dowladda uu xiriirka u jari karo ama uu ku qaadi karo dagaal.

Madaxda Dowlad Goboleedyadu cod iyo mas’uuliyad heerkooda ah ayay ku leeyihiin talada Dalka. Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalkuna waa ay ku xushmeyneysaa.  Haddii ay la soo gudboonaato mar go’aan ay Xukuumaddu gaartay uu u cuntami waayo Madaxweyne Goboleed ama uu hayo talo ka wanaagsan go’aanka Xukuumadda, waxaa u furan in uu Dowladda Federaalka ah u soo jeediyo talo.

Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada waxaa ka dhexeysa wadashaqeyn fiican xagga siyaasadda iyo xagga amnigaba.  Khilaafna kama jiro Arrimaha Gudaha ee dalka.  Arrimaha Dibaddana go’aankeeda waxaa leh Madaxweynaha Jamhuriyadda iyo Xukuumadda Federaalka.

Madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya waa in aan dhammaanteen siinnaa qiimeynta ugu weyn.  Waa waxa keliya ee waaraya.  Xil uu qof mas’uul ahi hayo heerka uu doono ha noqdee waxaa ka weyn Qarankeenna. Manfac iyo damac kasta oo kale waxaa ka weyn wadajirkeenna iyo Madaxbannaanideenna.  Iyaga ayaa waaraya.

Sidaa darteed aan ka dhowrsanno in Hoggaamiyaha dalka ee maanta iyo berri lala qabsado isteerinka. Hoggaamiyaha maanta ee dalku waa Maxamed Cabdullaahi Maxamed.  Hoggaamiyaha berri imaan doona ama imaan doonta ma naqaan. Laakiin mid kasta oo Hoggaamiye noqda waxaa uu jeclaan lahaa, Soomaaliyana u roon, in uu la wareego Dowlad wax-ku-ool ah oo nidaam iyo kala dambeyn ku socota oo aan is-barbar-yaac lahayn.

Dastuurka Soomaaliya meelaha qaar ma cadda oo mugdi ayaa ku jira.  Meelaha qaarna waa mid aan dood geli karin waxa uu Dastuurku ka qabo.

Soohdinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada marka ay joogto Arrimaha Dibaddu uma baahna fasiraad badan marka aad akhriso Dastuurku sida uu u qeexayo.

Qofka ka dhowrsan waaya in uu si sharci darro ah isteerinka ula qabsado Hoggaamiyaha Dalku, ama aan si kale u dhigee ku kaca fal lid ku ah Dastuurka dalku ha ogaado in uu wiiqayo Dowladnimada Soomaaliya.

 

WD/ Yusuf Garaad Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Xog-hayihii Caafimaadka Mareykanka oo xilkii iska casilay

0

Muqdisho(SONNA) Xog-hayihii Caafimaadka Dowladda Mareykanka Tom Price ayaa jagadii uu hayay iska casilay kadib markii uu la kulmay cadaadis xoogan oo ku aadan in diyaarado Khaas ah uu ku aaday safaro shaqo iyadoo la adeegsanayo lacagta dadweynaha.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aqbalay iscasilaadda xoghayihiisa caafimaadka Tom Price kaasi oo ay ku cadaatay eedeymaha loo so jeediyey.

Donal Jey Trump oo ka hadlayay dhacdadani ayaa muujiyay  in uu aad uga xumaaday ficilka wasiirkani,isagoo tilmaamay isticmaalka diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee wasiirkan in aysan la jaan qaadeyn ballanqaadyadii Trump ee xilligii uu ku jiray ololaha doorashada, taasina keentay in wasiirka uu waayo xilkiisa.

Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in ku xigeenka xoghayaha caafimaad Don J Wright si ku meelgaar ah loogu magacaabay xilka uu baneeyay Tom Price.

Tom Price ayaa horay raaligelin uga bixiyay inuu 26 jeer diyaarado khaas ah ku safray tan iyo bishii May ee sanadkan, kharashka safarradaasina uu gaaray 400,000 oo doolar oo laga bixiyay khasnadda dowladda.

Ilaa 3 xubnood oo katirsan Wasiirada Xukuumadda Washington ayaa waxaa ku socoda baaritaano arrimahani la xiriira kuwaasi oo wajihidoona cawaaqib kan lamid ah haddii lagu helo falkaasi.

Danteennu waxay ku jirtaa in loo qumo dhismaha dalka. 

0

Waxaa xaqiiqi ah in Marxalad ama xaalad kasta oo aadaanuhu ku soo biiro dunidaan uu xambaarsan yahay ama huwan yahay waajibaad Qaran oo  la xiriira ilaalinta Dalka,daryeelka  Bulshada , ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed  iyo dhismaha  goobaha laga fuliyo adeegyada Umadda .

Ma jiro qof ama koox leh nidaam  dhameystiran,isla markaana   ifka yimid iyadoo aysan la socon mas’uuliyad  nolosha ka saacida sidii ay uga bixi laheyd turunturooyinka iyo aafooyinka kale ee ku  xeeran dunida.

Inkastoo dadka Somaaliyeed ay ku soo caanamaaleen  mashruuc la magac baxay iskaa wax u qabso, oo la micno ah dhiso Dalkaada,hadana waxaa xilligaan muuqda baahi weyn oo loo qabo in mar kale Umadda  ay u istaagaan  dhismaha dalka ee ku burburay gacanta Bulshada.

Dowladda uu hogaamiyo Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo  iyo Madaxda  kale ee gobolka Banaadir ayaa cod-dheer iyo mid gaabanma ku baahiyay ahmiyadda Dalkaada dhiso ay u leedahay horumarka  iyo sida ay lama huraanka u tahay in qof kasta uu ka qeybgalo dadaalka loogu jiro dayactirka waddooyinka iyo guud ahaanba hagaajinta adeegyada Bulshada.

Maamulka Gobolka Banaadir oo uu horkacayo Mudane Taabid,isla markaana kaashanaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa illaa hadda ku guuleystay ka miro dhalimta barnaamijyada gundhigga u ah dhiso Dalkaada ,waxaana mashruucyo  ay ugu horeeyaan dayactirka waddooyinka Iyo dhismaha Xarumaha ay ka socdaan   Magaaalada Muqdisho,iyagoo xilligaanna ay barbar socdaan soo celinta bilicda Caasimadda  oo la tilmaamay in ay ku baxayaan lacago fara badan.

Dad aad u farabadan ayaa ka qeybgalay dhismaha iyo dayactirka waddooyinka magaalada Muqdsuho ,kadib kolkii ay bixiyeen lacago taakuleyn ah oo loogu magac daray dhiso dalkaada,waxaana sidoo kale dadaaladaasi lagu soo celinayo bilicda waddooyinka ka qeyb qaatay qaar ka mid ah guddoomioyaasha \Degmooyinka Gobolka.

Waxaa lagu guuleystay  dayactirka waddooyin badan oo laf dhabar u ahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka sida jidka  Wadnaha,Maka al0mukarama ,tan Dekeddda ,Buundooyinka iyo kuwo kale halka ay imminka socdaan hagaajinta wadada 30-ka iyo tan Jeneraal daa;uud,iyadoo mudada dhow la filayo in loo jeesto jidka warshadaha,suuqa xoolaha iyo kuwo kale.

Dhiso dalkaada oo ah Barnaamij  muddooyinkaan ka socda Caasimadda dalka iyo deegaanno kale ee dalka ,waxa uu soo jiitay indhaha dad badan oo rug caddaa ah oo u soo joogay xilliyadii beri-smaadka  ee loo dhaqaaqay iskaa wax u qabso oo la micno ah dhiso dalkaada.

Bulsh wetnta Soomaaliyeed waa in  ay u istaagaa howlaha samofal ee lagu ururinaayo  lacagaha loogu talagalay dayactirka waddooyinka, dhismaha  xarumaha Dowladda iyo hagaajinta  goobaha laga fuliyo adeegyada Umadda,maadaama    dowladda soomaaliya ay tahay mid curdun ah oo u baahan in wax lala qabto.

Dadaalka lagu bixinayo   dhismaha dalka,gaar ahaan kan lagu dayactirayo waddooyinka iyo xarumaha Dowladda ee burbursan,waa  tallaabo  u muuqataa in ay weli jiraan Bulsho  muwaadiniin ah oo  doonaya ka qeygalka  howlaha lagu soo celinaayo  bilicda Caasimadda iyo guud ahaan horumarka Dalka.

Horumarka dhahbta  ah ee Dal waxaa uu imaan karaa marka la helo bulsho mideysan oo ka fog qabiilka isla markaana maskaxda ku haya in dhibaato kasta looga bixi karo wadajir,waxaana  lagama maarmaan ah in bulshada wanaagsan ay u howgalaan sidii looga dhabeyn lahaa barnaamijyada la magac baxay dhiso dalkaada iyadoo laga duulaayo burburka ka muuqda Caasimaddda Magaalada Muqdisho  iyo deegaanada kale ee dalka.

Dad waxay wax qabsan karaan marka ay mideeyaaan xoogga iyo wadajirkooda,maankana ay galiyaan in cid shisheeye aysan buuxun Karin kaalinta qof kasta kaga aadan dhismaha dalka iyo soo celinta adeegyada umadda,waxaana hubaal ah in haddii Qof kasta uu bixiyo Hal Doolar ay  imaan karaan  lacago mug leh oo qeyb ka noqda  soo celinta bilicda waddooyinka  iyo dhismaha xarumaha Dowladda.

Ugu dambeyntii Dowladdu waa in ay la timadaa  kalsooni ay dadkeedu ku qabi karaan  in waxa loo qabanaayo ay yihiin kuwo u dhacaya  sidii loogu talagalay,waana in mar kasta Xukuumaddu ay horsed ka noqoto dhiirigelinata barnaamijyada samofal ee lagu uruurinaayo lacagaha qaaraanka ah ee gacan ka geysan kara soo celinta kaabayaasha dhaqaale iyo kuwa Bulshada.

Waxaa qallinka u qaatay Shire Xasan Kulmiye

Qaban qaabo lagu furayo xeradii ay dhiseen Turkiga oo Muqdisho ka socota

0

Muqdisho(SONNA) Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya qaban qaabo ku aadan munaasabadda xarrigga looga jarayo dhismaha xaruntii tababarka Ciidamada oo ay hirgelisay Dowladda Turkiga,taasi oo la filayo in maanta si rasmi ah loo furo.

Waxaa munaasabadda ka qeybgalaya mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga,iyadoo saldhigani loogu talagalay in markiiba lagu tababari karo ilaa 10,000 oo askari.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Turkiga Hulusa Akar,iyadoo saaka lafilayo in ay Muqdisho soo gaaraan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Turkiga si ay uga qeybgalaan munaasabdda xarig jarka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Muqdisho kula kulmay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga,ayaa kala hadlay sidii Dowladda Turkigu ay u kordhin lahayd taageerada ay u fidinayso Soomaaliya.

Qoysas ku dhaqan Kaam ku yaal duleedka Magaalada Baydhabo oo ay lasoo

0

Halkan waa kaam kuyaala duleedka bari ee Magaalada baydhao ee xaruunta Gobolka Bay Waxaana kujira Boqolaal Qoys oo Dhawaan ka soobarakacey Deegaano Farabadan oo hoos imaanaya G/Jubada hoose Sida Shanqalaw, Saakaw , Baalinbaasho . iyo Dameerka.

Deegaanada dakan ay ka soo barakaceen ayaa waxaa ka jirta Xaalado bani aadimo, mana helin Roob kufilan sedaxdii sano ee ugu danbeeyey . Waxaana Qoysiskan ay ubadanyihiin xoola dhaqato beeraley

inkastoo Deegaanada Dadka ay ka soo barakaceen Ay kajiraan abaar daran iyo Jiilaal dheeraadey waxaa in taasi uweheliya caqabado kale oo Farabadan oo Ka soowajahey kunoolasha deegaanadoodi Tas oo ay uga Horeyso in si qasab ah Al Shabaab ay uga askareeyaan Caruurta da adoodu kaweyn 10 ka sano

taas oo Waaladiintu ay sheegeen in ubadkooda , laga horjoogsado fursadaha waxbarashada, si aan kala sooc lahayna loogu dilo amma lagu dhaawaco weerarada lagu qaado meelaha ay dadku ku badan yihiin.

Caruur aad uda yer oo tiradooda kor udhaafaysa 500 ayaa kamid ah Barakaciyaasha, kuwaas oo waalidiintooda door biday in ay aruurtooda Ay ka soowadaan goobaha Shabaabka ay maamulaan si aan loo as kareen

carurtan oo hami weyn uhaya Waxabarashada ayaa waxaa si lacag la aan ah wax looga baraa Qol yer oo Cooshash kasameysan , bugaata iyo qakimada Wax lagubarto Qaar kood mahaysan taas oo kuumuujnaysa Daruufaha adag ee Haysta Qoysiska Caruuta. balse  waxaa kamuuqatay hami Aad usareeya ee ay uqabaan Waxabarashada.

Gudoomiyaha G/baay Mudane  Cali wardhaare Cabduraxamaan oo maanta Booqadey Kaamka Tawfiiq ee ay kunoolyihiin Qoysiska ayaa lahadley warbaahinta Qaranka soomaaliyeed waxaana uu sheegay in lajoogo wakhtigii Qof walba uu kaqeyb qaadan lahaa Badbaadinta dadkan kurafaadsan Kaamkani.

Waxaa Diyaariyey: siraaji xaaji

Gudoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada AMISOM

0

Taabid Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lakulmay Saraakiisha Ciidanka AMISOM waxaana uu kala hadlay inay qeyb ka taaqaan suggidda Amniga Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada Taabid Cabdi Maxamed kulankaan uu la qaatay  Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa qeyb ka ah Didaalada Maamulka Gobolka Banaadir uu ka qaadanaayo Xaqiijinta Amaanka Caasimada .

Guddoomiyaha ayaa yiri “Waxaan maanta oo Jimca ah xafiiska ku qaabilnay wafdi ka socday AMISOM iyo Safiirka Uganda ee Soomaaliya u fadhiya. Waxaana ka soo baxay qodobadan:

1. In raalin gelin buuxda ay ka bixiyaan falkii dhacay 26 September ee isgoyska KM4.

2. In isla xisaabtankii la fuliyay oo darawalkii iyo taliyihii kolonyada AMISOM labaduba la xabisay oo ay xiranyihiin.

3. In marka uu baaritaanka soo dhamaado magdhaw la siiyo muwaadiniintii dhibka loo geystay.

4. In guddi farsamo aan u saarno soo diyaarinta qorshe dhameystiran ee shillalka soo noqnoqday iyo sidii loola tacaali lahaa iyo sidookale wada-shaqeynta guud.

Ciidamada Midowga Africa ee jooga Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ay gaystaan dhibaatooyin soo gaara Shacabka Soomaaliyeed sida in ay Gawaaridoodu jiiraan dad rayid ah.