115kii arady ee deeqda waxbarashada heley oo gaarey suudaan

Date:

Suudaan(SONNA) Waxaa Magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Suudaan gaaray 115 arday oo deeq waxbarasho ka heshay  Suudaan Ardaydan Cusub ayaa waxaana garoonka Diyaaradaha ee magaalada khartuum kusoo dhaweeyay Jaaliyadda, Safaaradda, iyo  Ururka ardayda Qaranka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya  Mudane Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ardayda Soo gaartay Suudaan tiradoodu tahay 115 arday,Waxaana uu intaa kudaray Agaasimaha dufcadani inay tahay tii 9aad ee ay wasaaradda waxbarashad Soomaaliya keento Dalka Suudaan laga soo bilaabo 2009 ilaa haatan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Ururka ardayda Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Cabdi Qani Nuur  Cusmaan oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa aad u soo dhaweyay ardayda cusub asigoona kula dardaarmay ardayda inay ilaaliyaan sharciga u yaala Dalkane Suudaan.

Gabagabadii qaar kamid ah Ardayda deeqda waxbarasho ka heshay Suudaan ayaa aad ugu mahadnaqay sida quruxda badan ay u soo dhaweeyan Ardayda reer Suudaan iyo Madaxdii ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan.

Yuusuf Maxamed Macalin (Yusuf Kashmiir)

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...