Home Blog Page 1468

In ka badan Boqol Arady ee deeqda waxbarashada heley oo gaarey suudaan

0

Waxaa Magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Suudaan gaaray 115 arday oo deeq waxbarasho ka heshay  Suudaan Ardaydan Cusub ayaa waxaana garoonka Diyaaradaha ee magaalada khartuum kusoo dhaweeyay Jaaliyadda, Safaaradda, iyo  Ururka ardayda Qaranka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya  Mudane Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ardayda Soo gaartay Suudaan tiradoodu tahay 115 arday,Waxaana uu intaa kudaray Agaasimaha dufcadani inay tahay tii 9aad ee ay wasaaradda waxbarashad Soomaaliya keento Dalka Suudaan laga soo bilaabo 2009 ilaa haatan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Ururka ardayda Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Cabdi Qani Nuur  Cusmaan oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa aad u soo dhaweyay ardayda cusub asigoona kula dardaarmay ardayda inay ilaaliyaan sharciga u yaala Dalkane Suudaan.

Gabagabadii qaar kamid ah Ardayda deeqda waxbarasho ka heshay Suudaan ayaa aad ugu mahadnaqay sida quruxda badan ay u soo dhaweeyan Ardayda reer Suudaan iyo Madaxdii ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan.

Yuusuf Maxamed Macalin (Yusuf Kashmiir)

Heshiiska ay kala saxiixdeen Barlamaanada Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Suudaan

0

Guddoomiyaha Golaha shacabka Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Suudaan ayaa heshiis wada shaqeyn Labada Baarlamaan ku kala saxiixday Caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum.

Heshiiska ay wada saxiixdeen Guddoomiyaha golaha shacabka ee JFS iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Suudaan ayaa ku saleysan wada shaqeynta labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Suudaan gaar ahaan labada Baarlamaan.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha Golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaan sheegay in heshiiska uu  ka kooban yahay Sagaal qodob oo xoojinaya wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan.

Qodobada labada Gudoomiye ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in labada dhinac ay is dhaafsdaan qubaro dhinaca sharciga, in ay xiriir iyo iskaashi gaar ah yeeshaan xubnaha labada Baarlamaan u matalaya baarlamaanada aduunka iyo sidoo kale in dhinaca aqoonta la iska kaashado.

Sawir Qaade:- Baaba Cadnaan

Soomaalida K/Afrika ooo lacag ugu deeqey dadkii ku dhaawacmay qarixii Soobe

0

Muqdisho(SONNA) Jaaliyada Soomaalida ee ku nool qaar ka mid ah magaalooyinka  dalka South Africa ayaa ka mid ahaa bulshadii u istaagtay gurmadka dadkii ku wax yeeloobay qaraxii wuxuushnimada ahaa ee 14-kii bishii october kooxda argagaxisada ee shabaabka ku qaadeen isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho kaa oo ay ku dhinteen shacab badan oo masaakiin ah halka kuwa kale na ay ku dhaawacmeen.

Waxgaradka Soomaalida,Culimada,dhalinyarada, haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa u istaagay arintaan si ay qeyb uga noqdaan gurmada walaalnimo ee loo sameynayo dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxaasi waxaana maanta ay culimada masjidka Imaamu shaafici ee magaalada Johannesburg soo bandhigeen waxa u qabsoomay mudadii ay wadeen howshaan  waxaana bulshada u aqriyay Sheikh Cali Towhiid oo ka mid ah Imaam yada Masjidka imaamu Shaafici ee Soomaalida ku leedahay xaafada Mayfair magaalada Johannesburg.

“Gurmadkii waalalaha Soomaalida South Africa ay wadeen malmahan oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadkii dhibaatada kasoo gaartay , waxaa ay noqotay lacag dhan R1047,970, una dhiganta $69,728 Dollar”Ayuu yiri Sheekha.

Waxaa uu imaanka masjidka Shaafici xusay dhamaan bulshadii ka qeybgashay gurmadii qaran ee loo sameynayay dadkii dhibaatada kasoo gaartay qaraxii 14-kii bishii ina dhaaftay lala beegsaday shacabkii masaakiinta ahaa.

“Waxaaa ka qeyb qaatay guud ahaan qeybaha bulshada Soomaalida ee ku nool ilaa afar gobol oo dalkaan ah , sida masaajida ku yaala,waxaa kale oo ka qeyb qaatay Haweenka, dhalinyarada,waxgaradka Soomaalida dhamaan kheyr Alle haka siiyo garabka ay u fidiyeen walaalaha dhibaatada gaartay”

Dhaqaalahaan gurmadka ah ayaa jaaliyada waxaa ay u xil saaratay gaarsiinta dadkii u baahna sheikh Maxamuud adar oo ah gudoomiyaha golaha fulinta hey’ada culimada al bayaan iyo sido kale Maxamuud Ceynte oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee ku nool dalkaan South Africa.

 

In ka badan 100 arday oo deeq waxbarasho loogu qaaday Dalka Sudan

0

Muqdisho (SONNA) In kabadan 100-boqol Arday oo helay deeq Waxbarasho ayaa maanta u ambabaxay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan

Ardaydan oo tiradoodu ay tahay 115 arday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay ku sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah iyo marti sharaf kale.

Ismaaciil Yuusuf Cismaan la taliyaha Wasiirka Waxbarashada ee dhanka xiriirka dibadda ayaa sheegay in ardayda ay yihiin kuwii ku guuleystay imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya.

“Waxaan halkan ku sii sagootineynaa ardayda kaalimaha koowaad ka galay Imtixaamkii qaranka ee la qaaday sanad dugsiyeedka 2016-2017, tirada ardayda waa 115 arday, 90 waa wiilal halka 25 ay yihiin gabdho, waxaana ay soo baranayaan takhasuusyo kala duwan” ayuu yiri Ismaaciil.

Qaar ka mid ah ardayda kaalimaha hore ka galay Imtixaanka shahaadiga ayaa tilmaamay in ay aad ugu faraxsanyihiin deeqda ay ka heleen dowladda Sudan, iyagoo dowladda Federaalka uga mahadceliyay deeqda ay siisay iyo dadaalka ay Wasaaraddu u gashay inay u dhoofaan dalka Suudaan.

Guddoomiyeyaasha Golaha shacabka Soomaaliya iyo Suudaan oo Khartoum heshiis ku kala saxiixday”Sawirro

0

Khartuum(SONNA) Guddoomiyaha Golaha shacabka Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Suudaan ayaa heshiis wada shaqeyn Labada Baarlamaan ku kala saxiixday Caasimada dalka Suudaan ee Khartuum.

Heshiiska ay wada saxiixdeen Gudoomiyaha golaha shacabka ee JFS iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Suudaan ayaa ku saleysan wada shaqeynta labada Dowladooda ee Soomaaliya iyo Suudaan gaar ahaan labada Baarlamaan.

Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaan sheegay in heshiiska uu  ka kooban yahay Sagaal qodob oo xoojinaya wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan.

Qodobada labada Gudoomiye ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in labada dhinac ay is dhaafsdaan qubaro dhinaca sharciga, in ay xiriir iyo iskaashi gaar ah yeeshaan xubnaha labada Baarlamaan u matalaya baarlamaanada aduunka iyo sidoo kale in dhinaca aqoonta la iska kaashado.

Qaramada Midoobay oo cambaareysay Xasuuq ay Daacish ka geysatay Mosul

0

SONNA-( Baghdad)- Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ayaa shaacisay in Ururka Daacish ay qudha ka jareen ugu yaraan 741 Qof oo rayad ah intii uu socda dagaalkii lagaga saarayay Magaalada Mosul.

Madaxa guddiga xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay Zeid Raad Al Xuseen ayaa sheegay in loo baahan yahay inay ka jawaabaan kuwii Mas’uulka ka ahaa ficillada arxan darrada ahaa ee ka dhacay halkaas.

Qaramada Midoobay laanteeda xuquuqul Insaanka ayaa sidoo kale sheegtay in la baarayo tacaddiyada la sheegay inay halkaasi ka geysteen Ciidamada Ciraaq iyo gabbood falladii dhacay.

ISIS ayaa la sheegay inay kumanaan Qof ka dhigatay gabbaad, taasoo sababtay inay inay halkaasi ku dhintaan  461 Qof duqeymaha ay geysteen ciidamada Ciraaq iyo kuwa Mareykanka, laga soo billaabo bishii November ee 2016 illaa July 2017.

Qaramada midoobay ayaa dhimashada wadarta guud ku sheegtay 2,521 Qof oo shacab ah, halka 1,673 kalena la dhaawacay intii uu socday howlgalka Ururka Daacish looga saarayay Magaalada Mosul.

Baarlamaanada Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Suudaan oo Heshiis kala saxiixday

0

Guddoomiyaha Golaha shacabka Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Suudaan ayaa heshiis wada shaqeyn Labada Baarlamaan ku kala saxiixday Caasimada dalka Suudaan ee Khartuum.

Heshiiska ay wada saxiixdeen Gudoomiyaha golaha shacabka ee JFS iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Suudaan ayaa ku saleysan wada shaqeynta labada Dowladooda ee Soomaaliya iyo Suudaan gaar ahaan labada Baarlamaan.

Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaan sheegay in heshiiska uu  ka kooban yahay Sagaal qodob oo xoojinaya wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan.

Qodobada labada Gudoomiye ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in labada dhinac ay is dhaafsdaan qubaro dhinaca sharciga, in ay xiriir iyo iskaashi gaar ah yeeshaan xubnaha labada Baarlamaan u matalaya baarlamaanada aduunka iyo sidoo kale in dhinaca aqoonta la iska kaashado.

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka digay diidmada Shilin Soomaaliga

0

Baladweyne(SONNA) Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno ku aaddan sababta keentay diidmada Lacagta Shilin Soomaaliya ee Magaalada Baladweyne.

Sheekh Xuseen Cusmaan ayaa intaa raaciyay iney wadaan daba-gal iyo xog uruurin ku aaddan sidii loo ogaan lahaa waxyaabaha sababey iney ganacsatadu diidaan Lacagta Shilin Soomaaliga oo ay haatan ka shaqayso Kunka shilin oo keliya.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay iney arrintani ka dambeeyaan qaar ka mid ah Ganacsatada Baladweyne, wxuuna ugu baaqay iney bulshada dan yarta ah ka qaadaan cunaqabataynta ay saareen haddii kale lala xisaabtami doono.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Baladweyne iyo degaannada ku xeeran ayaa in dhowaalaba ka cabanayay dhibaatooyin la xiriira diidista Lacagta Shilin Soomaaliga,waxanay sheegeen qaar ka mid ah Dadka halkaasi ku nool iney dareemeen ciriiri xagga quutul daruuriga maaddaama aysan jirin wax ay wax ku iibsadaan marka laga reebo isticmaalka Doollarka (EVC PLUS)  oo aan la wada awoodin.

Ra’iisulwasaarihii hore ee Pakistan oo maxkamad ka soo muuqday

0

Muqsdisho(SONNA) Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Bakistan Nawaz Sharif ayaa ka soo muuqday Maxkamad ka dib markii lagu eedeeyay labo dacwadood oo musuqmaasuq la xiriira.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Maxkamada,Nawaz Shariif iyo Xubno ka tirsan Qoyskiisa ayaa wajahaya dacwado la xiriira hanti ay ku leeyihiin magaalada London.

Dadka taageersan Ra’iisal wasaarihii hore ee Bakistan ayaa sheegay in dacwadahani ay siyaasadeysan yihiin,isaga qudhiisana eedeynta wuu iska diiday.

Sharif oo 67 jir ah ayaa banneeyay Ra’iisulwasaarenimada bishii Luulyo ka dib markii maxkamadda ugu saraysa Pakistan ay xilka ka xayuubisay, ka dib markii ay ku heshay in ay jiraan dhaqaale soo galay oo aysan caddayn meesha uu ka helay.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in waaxda qaran ee isla xisaabtanku ay baaritaan ku samayso dhaqaalaha qoyska Sharif, dacawadna ku soo oogaan.

Sharif ayaa ka soo laabtay magaalada London Khamiistii, ka dib toddobaadyo la hadalhayay.

Subaxnimadii Jimcaha ayay maxkamadda isla xisaabtanka ee Islamabad ka soo muuqdeen Ra’iisulwasaaraha, gabadhiisa Maryam iyo wiilka uu soddoga u yahay.

Wariyaal ku sugan magaalada Islamabad ayaa soo sheegaya in dhageysiga Koowaad ee Maxamadeynta Shariif si dhow loogala socon doono gudaha Pakistan iyo dibaddaba.

Qareenada u doodaya Ra’iisal wasaarihii hore ee Bakistan Nawaz Shariif iyo xubno ka tirsan Qoyskiisa ayaa sheegaya in dacwadani ay tahay mid siyaasad ka danbeyso,islamarkaana aanay mid xaqiiqda iyo cadaalada ku saleysan.

Madaxweye Farmaajo oo Xalay kulan casho sharaf ah la qaatay W/Warfaafinta Dowlad goboleedyada+(Sawiro)

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay kulan casho sharaf ah  la qaatay  Wasiiradda Warfaafinta Dowlad Goboleedyada dalka oo maalmihii lasoo dhaafay arrimo shaqo Magaaladda Muqdisho u joogay,Agaasimayaal iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka Cashada ah waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ku wehlinaya Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisow,Agaasimayaal, Wasiirada Warfaafinta Dowlad goboleedyada,Xildhibano iyo Masuuliyiin kale, waxaana kulanka looga hadlay arrimo badan oo Warbaahinta Soomaaliyeed ku saabsan iyo doorka horumarka dalka ay ka qaataan.

Kulanka Qodobaddii lagu soo qaaday oo ugu weynaa waxaa kamid ah Muhiimadda Saxaafadda ay leedahay, doorka ay ka qaataan Wacyi gelinta Bulshada,Amniga iyo ka qeyb qaadashada Dagaal Dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in Guud ahaa Meelaha ay kaga dhuumanayaa Argagixisada Alshabaab dalka ay kaga xoreyso iyo arrimo kale.

Wasiiradda Warfaafinta Dowlad goboleedyada, ayaa Magaaladda Muqdisho uga qeyb galay Shirweyne Wadatashi ahaa oo u dhaxeeyey Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay,waxaana shirkaasi ay uga hadleyn sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha warbaahinta dalka iyo sidii Wasaaradda warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo warbaahinta gaarka ah ee dalka ay u midayn lahaayeen macluumaadka iyo addeegyada loo qabanayo bulshada iyo in ay noqdaan kuwo wax ku ool ah, kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay Magaaladda Muqdisho ka socday.