Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Wasiirada DFS

Date:

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay kulan kula qaatay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Wasiirada DFS.

Kulanka oo ka dhacay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka wada hadleen Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirada DFS arrimo la xiriira xaaladda Guud ee dalka, wanaajinta xiriirka wada shaqayneed ee Wasaraddaha Puntland iyo kuwa DFS, Isxog waraysi, arrimaha Fadaraaliisamka iyo dhamaystirka Dastuurka DFS, ka xoraynta dalka xooxaha nabad diidka ah iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in kulan kani noqonayo kii ugu horeeyey oo ay Muqdisho ku-yeeshaan Wasiirada Puntland iyo Wasiirada DFS, isla markaana ay ka wada hadlaan arrimo muhiim ah oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed iyo Qaranka Soomaaliyeedba.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in laga wada tashto ka xoreynta dalka kooxaha nabad diidka ah, madaama ay lid ku yihiin horumarka dalka, Nabadda, Xasiloonida iyo isu socodka dhammaan gobolada Soomaaliya,  isla mar’ahaantaana ay taasi u baahan tahay in laga yeesho qorshe dhab ah oo lagu curyaamin karo laguna soo dabar jari karo cadawga shacabka Soomaaliyeed ee tabarka yar.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ku booriyey Wasiirada Puntland iyo Kuwa DFS ee uu kulanka layeeshay  inay yeeshaan xiriir wada shaqayneed oo ku salaysan sidii Wasaarad walba oo DFS ahi ula yeelan lahayd Wasaaradaha dhiggeedaha ee ka jira dhammaan dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka Soomaaliya si loo horumariyo xiriirka wada shaqayneed ee Wasaaradaha dalka.

Ugu dambayn, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Puntland diyaar u tahay midnimada shacabka Soomaaliyeed, wanaajinta xiriirka DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah DFS gaar ahaan Puntland, ka qayb qaadashada horumarka Soomaaliya, nabadda iyo xasiloonida Qaranka Soomaliyeed.

=DHAMMAAD=

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...