Wararkii ugu dambeeyey Duulaankii Daacish ee Ciraaq

Date:

Ciraaq(SONNA) Ururka Daacish ayaa lagu soo waramaya in uu wajahayo guul daro kadib markii duulaan military llooga qabsaday goobo badan oo ay ku suganaayeen Syria iyo Ciraaq.

Maalintii Jimcihii ayaa ciidanka Suuriya sheegay in uu la wareegay gacan ku haynta Deyr Al-Soor halkaasi oo ay ku sugnaayeen koxda Dacish.

Ra’iisal Wasaaraha Xeydar Alcabaadi  ayaa sheegay in Al-Qaa’im oo ku taala xadka labada dal u dhexeeya ee Ciraaq iyo Syria kadib howlgal muddo kooban socda.

Ciidanka Ciraaq wuxu sheegay inuu sidoo kale qabsaday goobtii ugu dambaysay ee kaantarool ee ku taallay xadka Suuriya dalku la leeyahay ee ay haysteen kooxda Daacish.

Bishii hore ayaa xulafo reer Suuriya ah oo Maraykanku taageeraa ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Raqqa ee dalka Suuriya oo caasimad u ahaan jirtay kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Bishii Juulaay ayaa iyadna magaalada Mosul oo ah ta labaad ee ugu wayn dalka Ciraaq,waxa dagaal mudo bilo ah socday lagaga qabsaday kooxdaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....