Home Blog Page 1462

Kulan looga hadlayo Amniga Geeska Afrika oo ka dhacaya  Khartum

0

Khartuum-(SONNA)- Caasimadda dalka Sudan ee Khartuum  ayaa la qorsheynayaa in lagu qabto kulan looga hadlayo qadiyadaha amniga iyo deganaashaha wadamada Geeska Afrika.

Kulankan ayaa waxaa hadda qabanqaabinaya Ururka midnimada Afrika oo la kaashanaya hay’ad xukuumi ah oo qaabilsan qorsheynta iyo horumarinta wadamada Geeska Afrika oo marka la soo gaabiyo loo yaaaan IGAD.

Sida uu sheegay madaxa xafiiska xiriirka Ururka midawga Afrika ee Sudan Mahmuud Kan oo ah u qeybsanaha arrimaha wada hadalada iyo nabadgelyada ee Ururkaasi  ayaa codsi ka qeyb galka kulankaasi ka dhici doona magaalada Khartuum uu u kala diray dhamaan aqoonyahanada ka qeyb galaya kulanka kuwaa oo ka kala imaanaya wadamada Geeska Afrika iyadoo haatan magaalada Khartuum uu ka socoda dhameystirka dhamaan arrimihii sahli lahaa qabashada kulankan.

 

Shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo ka furmay Filand +Sawirro

0

Muqdisho(SONNA)–Magaalada Helsinki ee Caasimadda Dalka Finland ayaa ka daah-furay Shir heer Qaran ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

Shirkaasi ayaa waxaa looga hadlayay arrimo ay ka mid ahaayeen:- Dib-u-heshiisiinta, Federaalka, Arrimaha Amniga Gudaha,Tuukulaynta iyo Tayaynta Ciidanka Qalabka Sida, Waxbarashada iyo arrimaha Xuquuqul Insaanka iyo Haweenka.

waxaana Soomaaliya uga qeybgalay Wafdi balaaran, waxaana ka mid ahaa Wasiirada Arriaha Gudaha, Gaashaandhigga, Waxbarashada,Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, iyo u Qaybsanaha Soomaaliya ee Hay’adda UNWOMEN.

Daawo Sawirada: Toogasho dad ku dhinteen goob lagu Caweeyo ee magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka

0

Ugu yaraan 20 ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen, 100 kalena way kudhaawacmeen, markii nin hubeysan uu rasaas ku furay goob ay ka socotay bandhig muusik ah, habeenadii axadii magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka.

Illaa 30 kun oo ruux ayaa ka qeyb galayay xafladda muusiga oo ka socotay masraxa weyn oo ku yaal dabaqa 32aad ee Hotelka Mandalay Bay.

Booliska ayaa sheegaya in nin hubeysan uu dadka tooganayay, waxaana rasaasta la maqlayay, iyadoo uu muusiga socday, dadka ka qeyb galayaasha ayaa goobta bilaabay inay ka cararaan.

Muuqaalo laga maqlayo rasaasta iyo kala cararka dadkii ku sugnaa xafladda ayaa lagu soo bandhigay baraha bulshada.

Booliska ayaa xaqiijiyay in la dilay hal nin oo looga shakisan yahay toogashada, balse ma aanay bixin faah faahin dheeri ah.

Sidoo kale booliska ayaa sheegay in ninka toogashda geystay lagu dilay qol ku yaal dabaqa labaad ee Hotelka Mandalay Bay.

Ciidamada loo yaqaano SWAT oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa lagu arkay goobta, waxaana warar aan la xaqiijisan ay sheegayaan in rasaas kale laga maqlay goob kale oo ay suura gal tahay in koox kale ay toogasho ka geysteen.

Warbixin ku saabsan Kooxda Baambeyda iyo Shaqooyinka ay qabtaan-Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Kooxda Baambeyda oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ay qabtaan Shaqooyin aad u muhiim ugu ah Qaranka Soomaaliyeed waxaana ay garaacaan qalab kala duwan kuwaas oo Musiga loo ekeysiinayo in qof uu heesayo oo kale.

Waxaa sidoo kale Kooxdan loo yaqaan Bando Musiko waxaana ay soo jireen Mudo dheer, hada waxaa ku soo biiray Dhalinyaro aad u da’yar oo waliba u badan Hablo.

Axmed Guulwade waxa uu ka mid yahay Waaya u jooga Kooxdan waxaana uu ka sheekeynayaa sida ay ku bilaabatay “Waxay soo bilaabatay sanadkii 1960, waxaa laga soo kala aruuriyay qeybo kala duwan oo Gobolada dalka ah, Shaqooyinka aan qaban jirnay waxaa ugu muhiimsanaa Garaacista Astaamaha qaranka”

Istaahil Jibriil Maxamed ayaa kamidda Gabdhaha da’yar ee Kooxdan ku soo biiray, waxaana ay ka hadleysaa Sababaha ay kooxdan ku dooratay.”Aad ayaan u jeclahay qalabkan kala duwan inaan garaaco, Macalimiinta kooxda aad ayay ii soo dhaweeyeen hada waxaan bartay garaacista qalabyada kala duwan oo Baambeyda ay ku shaqeyso, waalidiinteydana way igu taageersan yihiin inaan kooxda ka mid ahaado”.

Kooxdan waxaa hada ka tirsan 15 gabdhood sida uu Warbaahinta qaranka u sheegay Taliyaha Kooxda Maxamed Cali Xalaal.”15 gabdhood ayaa kooxdan ka mid ah, waxay qabteen shaqooyin aad muhiim u ah, waxaan sidoo kale ka rajeyneynaa inay ku biiraan hogaanka kooxda, waxaana jira hablo loo tababarayo”.

Muhiimadda ayaa ah in lagacaaco heeso kala duwan iyadda oo neefta Qofka iyo Faraha la isticmaalayo Nimco Maxamed oo ka mid ah kooxda ayaa sharaxeysa waqtiga ay ku soo biirtay iyo waxyaabaha ay baratay.

“Waxaan ku jiraa shaqadan mudo labo sano ah, aad ayay u adag tahay in shaqadan la qabto balse mudo dheer ka dib way ii suurtagashay inaan si fiican u barto sida baambeyda heesaha u garaacdo”.

Taliyaha Kooxda Maxamed Axmed Xalaal ayaa sheegaya Shaqadda kooxda in aysan ku ekeyn oo kaliya Magaaladda Muqdisho balse sidoo kalena dhanka Goboladda loo baxo.

Markii dalka uu imaanayo Wafdi heer sare ah oo ka socda Caalamka, soo dhaweynta Madaxda Dalka iyo arrimo kale ayey u xilsaaran tahay Kooxda Bando musiko waxaana la-aasasay horaantii 1943 dhisitaankii Ciidankii Booliska Soomaaliyeed.

Warbixinta waxaa ka diyaariyey Cali Axmed Cismaan

Wafdi ka socda Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka-Sawirro

0

Minnesota (SONNA) Munaasabad Ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Minnesota ayaa lagu soo dhaweeyey Wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhinaano katirsan Dowlada Goboleedka Jubbaland iyo ganasacsato Soomaaliyeed kuwaasi oo dhawaan gaaray dalka Mareykanka, iyadoo ay ka qeybgashay xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto magaalada Minneapolis .

Wafdigan oo uu hogaaminayay Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland, Cusmaan xuseen Xaaji Faynuus ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed kala hadlay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo maalgashiga Dalkooda Hooyo,gaar ahaan Deegaanada Jubbaland oo ay matalaan,waxaaan ay jaalliyadda uga warameen horumarada deegaanada Jubbaland ka socoda iyo baahiyaha ay u qabaan in lagarab istaago.

Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland, Cusmaan Xuseen Xaaji Faynuus ayaa ka codsaday Jaaliyadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka soo jeeda Jubbaland in ay ka qeyb qaataan dhaqaale loo uruurinayo mashaariic horumarineed oo deegaandaasi laga hirgelinayo.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo hadal ka jeedisay munaasabadda ayaa sheegtay in bulshada Soomaaliyeed ee kunool Mareykanka looga baahanyahay in ay doorkooda ka qaataan horumarinta dalka iyaduna ay lacago ugu yaboohday mashruucaasi dib u dhiska ah.

Howlgal xalay laga sameeyay degmada Yaaqshiid

0

Muqdisho (SONNA) Ciidanka xasilinta amniga caasimadda, ayaa xalay howlgalo waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Juungal ee degmadaas, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Howlgalka ayaa u jeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga caasimadda, iyadoo ciidanka intii ay howlgalkaas ku guda jireenna la arkayay iyagoo aad u feejigan isla markaana dadka xaafadaha ku sugan ula dhaqmaya si wanaagsan.

Xaafadaha howlgalada xalay ciidanka amniga ka sameeyeen, ayaa waxaa ku sugnaa maamulka degmada Yaaqshiid, waxaana ciidanka guri guri u baareen xaafadda Juungal ee degmadaas.

Ciidanka amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa intii howlgalka ay wadeen waxaa ay soo qab qabteen dad la tuhunsanaa oo dhalinyaro u badan hase ahaatee baaritaano lagu sameeyay dadkaas intooda badan waa la sii daayay.

Tan iyo markii la bilaabay howlgalada ay sameynayaan ciidanka xasilinta caasimadda ayaa si weyn waxaa u soo hagaagay ammaanka magaalada Muqdisho.

Warbixin ku saabsan Kooxda Baambeyda iyo ahaqooyinka ay qabtaan

0

Kooxda Baambeyda oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ay qabtaan shaqooyin aad u muhiim ugu ah Qaranka Soomaaliyeed, waxaana ay garaacaan qalab kala duwan kuwaas oo Musiga loo ekeysiinayo in qof uu heesayo oo kale.

Waxaa sidoo kale kooxdan loo yaqaan Bando Musiko waxa ay soo jireen muddo dheer, hadda waxaa ku soo biiray dhallinyaro aad u da’yar oo waliba u badan Hablo.

Axmed Guulwade waxa uu ka mid yahay waaya u jooga kooxdan, waxaana uu ka sheekeynayaa sida ay ku bilaabatay “Waxay soo bilaabatay sanadkii 1960-kii, waxaa laga soo kala aruuriyay qeybo kala duwan oo Gobolada dalka ah, shaqooyinka aan qaban jirnay waxaa ugu muhiimsanaa Garaacista Astaamaha Qaranka”

Istaahil Jibriil Maxamed ayaa ka mida Gabdhaha da’yarka ah ee Kooxdan ku soo biiray, waxaana ay ka hadleysaa sababaha ay kooxdan ku dooratay “Aad ayaan u jeclahay qalabkan kala duwan inaan garaaco, Macalimiinta kooxda aad ayay ii soo dhaweeyeen hadda waxaan bartay garaacista qalabyada kala duwan ee Baambeyda ay ku shaqeyso, waalidiinteyduna way igu taageersan yihiin inaan kooxda ka mid ahaado”.

Kooxdan waxaa hadda ka tirsan 15 gabdhood sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Kooxda Maxamed Cali Xalaal, “15 gabdhood ayaa kooxdan ka mid ah, waxay qabteen shaqooyin aad muhiim u ah, waxaan sidoo kale ka rajeyneynaa inay ku biiraan hogaanka kooxda, waxaana jira hablo loo tababarayo”.

Muhiimadda ayaa ah in lagaraaco heeso kala duwan, iyada oo neefta qofka iyo faraha la isticmaalayo Nimco Maxamed oo ka mid ah kooxda ayaa sharaxeysa waqtiga ay ku soo biirtay iyo waxyaabaha ay baratay.

“Waxaan ku jiraa shaqadan muddo labo sano ah, aad ayay u adag tahay in shaqadan la qabto balse mudo dheer kaddib way ii suurtagashay inaan si fiican u barto sida baambeyda heesaha u garaacdo”.

Taliyaha Kooxda Maxamed Axmed Xalaal ayaa sheegaya shaqada kooxda in aysan ku ekeyn oo kaliya magaalada Muqdisho, balse sidoo kalena dhanka Gobolada loo baxo.

Markii dalka uu imaanayo wafdi heer sare ah oo ka socda Caalamka, soo dhaweynta Madaxda Dalka iyo arrimo kale ayey u xilsaaran tahay Kooxda Bando musiko, waxaana la-aasasay horaantii 1943 dhisitaankii Ciidankii Booliska Soomaaliyeed.

Warbixinta waxaa ka diyaariyey Cali Axmed Cismaan

 

Guddoomiyaha Shabeellaha hoose oo sheegay inay degan tahay Xaalada deegaanka Bariire

0

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in xaalada deegaanka Bariire ay degan tahay, isla markaana aysan jirin dagaalo ka dhacay.

Guddoomiyaha ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in xalay dagaal uu ka dhacay Deegaanka Bariire, isagoo sheegay in Maleeshiyada Al shabaab ay shalay tiro yar oo Madaafiic ah ku soo tuureen deegaanka, balse aysan geysan wax khasaaro ah.

Ibraahim Aadan Najax ayaa sidoo kale xusay in Maleeshiyada diidan Hormarka iyo Nolosha shacabka Soomaaliyeed ay dhawaan qarxiyeen Buundada deegaanka Bariire oo muhiim u aheyd isku socodka gobolka oo muddo aad u badan soo shaqeyneysay, wuxuuna balanqaaday inay ka shaqeyn doonaan hormarka deegaankaas, shacabkana ay ka codsanayaan inay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka.

Tan iyo markii ay Ciidamada dowlada la wareegeen deegaanka Bariire, waxaa aad u soo hagaagaya amaanka, iyadoo shacabka ay si u soo dhaweeyeen Howlgalo ciidamada dowlada ay ka sameeyeen deegaanka Bariire iyo Nawaaxigiisa.

800 oo qof oo ku dhaawacantay rabshado ka dhashey aftidii gobolka Catalonia ee Spain

0

Spain(SONNA) Dadka kunool Gobolka Catalonia ee Dalka Spain ayaa inta badan HAA u codeeyey aftidii la qabtay,iyadoo dhanka kale Dowladda ay si weyn uga soo horjeedo talaabooyinkaasi.

Iyadoo Hogaamiyaha gobolka Catalonia Mr Carles Puigdemont ayaa ku dhawaaqey in ay ku guuleysteen in ay ka madax banaanadaan  Spain inteedi kale waxaana dadka HAA u codeeyey ay gaarayeen 90%.

Maxakamadda Dastuuriga ee Dalka Spain ayaa sharci daro ku tilmaantay talaabada lagu qabtay aftiada,taasi oo intii ay socotay ay ka dhaasheen rabshado khasaarooyin dhaliyay.

Hogaammiyaha Gobolkaasi aftidu ka dhacday ayaa sheegay in dhawaan loo gudbin doono arintaasi baarlamaanka maamulkaasi,isagoo xusay in mustaqbalka shacabka uu u yaalo baarlamaanka.

Duqa magaalda Barcelona ee dalka Spain ayaa sheegay in ugu yaraan afar boqol iyo lixdan qof ay dhaawacmeen kadib markii booliska dalkaasi ay sameyeen howgal ballaaran oo ay ku joojinayaan afti dadka ku nool gobolkaasi ay ku doonayaan inay kaga go’aan Spain inteeda kale.

Laamaha ammaanka ayaa dadka ka hor istaagay inay gudaha u galaan goobaha codbixinta,Kooxaha adeegyada deg dega ee gobolka Catalonia ayaa sheegay inay daaweyeen dad badan oo ku dhaawacmay rabshadaha u dhaxeeya booliska iyo dadka Catalonia

Booliska ayaana la sheegay in rabshadahani ay u adeegsadeen rasaasta cinjirka,iyadoo Hogaamiyaha gobolka Catalonia Mr Carles Puigdemont uu tallaabadan ku tilmaamay mid sumcad xuma ku ah maamulka Madrid, waxaana uu sheegay in aysan marnaba ilaawi doonin ficilada ay sameyeen booliska.

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ee Spain ayaa Carles Puigdemont ku eedeeyay waxa uu ugu yeertay falkani micna darrada.

Carles Puigdemont ayaa ku baaqay in wada xaajood lagu xaliyo khilaafka kala dhexeeya xukuumadda Madrid ee ku salaysan aftida madax bannaanida.

Puigdemont ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Faransiiska in natiija kasta oo ka soo baxda aftidani ay weli muhiim tahay inay wadahadal la galaan dowladda dhexe ee Spain.

Xukuumadda Madrid ayaa wacad ku martay in ay is hortaagi doonto afitida gobolka Catalonia.

 

Ilhaan Cumar”Xayiraadii dhanka socdaalka ee Trump xalkeedi ayaan ku jirnaa”

0

Minnesota(SONNA) Kulankani ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa waxaa wada yeeshay Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo kamid ah xildhibaanada laga soo doorto Gobolka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ay wehliyaan qaar kamid ah bulshooyinka ka soo jeeda wadamada Geeska Africa.

Mudadii uu socday kulankani oo ay soo qaban qaabisay Ilhaan Cumar ayaa waxyaabaha diiradda lagu saarey waxaa kamid ah,sidii loo wajihi lahaa wax ka qabashada saameyntii ay ku yeelatay go’aankii dhanka  socdaalka ilaa 6 dal oo Soomaaliya ay ku jirto oo uu soo saarey madaxweyne Donald Trump,caawinaada kaladuwan oo ay helaan dadkaasi hadii ay ahaan lahayd dhinacyada Caafimaadka,fursadaha shaqo iyo guud ahaan adeeg yada muhiimka ah oo ay dadkani uga baahan yihiin Dowladda.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in ay ku dadaalayso sidii xafiiskeeda uu uga shaqeyn lahaa in Soomaalida loo fududeeyo xagga socdaalka,hanoqdaan kuwa dalka jooga oo aqoonsigooodi uu dhacsanyahay balse u baahan in loo cusboonaysiyo,kuwa eheladoodi soo booqanaya iyo kuwa kale ee doonaya in dalka  ay yimaadaan,waxaana goob joog ka ahaa qaar kamid ah Qareenada dhanka socdaalka ee ka howlgala Gobolka Minnesota.

“Waxaa soo qaban qaabiyay kulankani xafiiskayga,waxaan ugu talagalaynay in lagu caawiyo Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo dadka kale oo geeska Africa ka soo jeeda sida Oromada oo xaafaddaan degan,waxaana warbixin looga dhageysanayay dhibaatooyinka dadkani haysta iyo sidii loogu doodi lahaa in xuquuqdoodi ay helaan,qareeno ayaan ka qeybgelinay,waxaana kala hadli doonaan Dowladda in cabashooyinkoodi wax laga qabto”, Ayay tiri xildhibaan Ilhaan Cumar.

Tan iyo markii Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ay ku guuleysatay xilkan loo doortay ayaa waxaa ay wadday qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii ay u raadin lahayd xuquuqaadka ka maqan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool deegaanka laga soo doorto iyo guud ahaan bulshooyinka kale ee la nool Soomaalida,waana kulan sanadkiiba 2 mar ay qabato.

Liibaan Xuseen