Home Blog Page 1462

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Muqdisho shalay ka dhacay

0

Muqdisho (SONNA)  Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa tacsi u diray Ummadda Soomaaliyed iyo Ehelada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Qaraxyada ay la socdeen ee  Shalay galab Maleeshiyada Argagixisada ah Alshabaab ay ku qaadeen hotel Naasa hablood2, kaasi oo waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Taliyaha Ciidanka asluubta Soomaaliyeed, S/gaas Xuseen Xasan Cismaan, ayaa sheegay in argagixisada ay usoo jeesteen daadinta dhiigga dad shacab ah oo aan waxba galabsan, isagoo ALLE uga baryey dadkii ku dhintay Weerarkaasi in alle janadiisa Fardowza uu ugu bashaareeyo, halka kuwa dhaawacmayna uu EEBE uga baryey caafimaad deg deg ah uu siiyo.

Taliyaha Ciidanka asluubta Soomaaliyeed, ayaa sidoo kale u tacisiyadeey masuuliyiintii qaraxaasi ku dhintay oo ay kamid yihiin Ex Xildhibaan Cabdi naasir gaarane, Ex Wasiir Madoobe nuunoow iyo G/dhexe Max’ed Yuusuf Nuur (Fanax) Taliyihii saldhiga Booliska degmada Dayniile, waxaana uu ku tilmaamay in ay ahaayeen daljireyaal danta qaranka ka shaqeynayey, taariikhdana ay baal dahab ah ka geli doonaan.

ugu dambeyn Taliyaha, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kaqeyb qaataan dagaalka lagula jiro Nabad diidka Alshabaab, Ciidamada amaankana ay kala shaqeeyaan sugida amaanka.

Wasaaradda Amniga XFS oo sheeegtay in Gacanta lagu dhigay 3 ka mid ah Ragii weerarka gaystay

0

Laamaha amaanka Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee Xalay soo gaban-gabeeyay weerar maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ku qaadeen shalay galabnimadii shalay Hotelka Naasahablood 2 ee Degmada Xamar-weyne.

Wasaaradda Amniga XFS ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen Ciidamada gaar ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maleeshiyaad ka tirsan dhagar qabayaashii weerarka kusoo qaaday Hotelka Naasahablood labo ee Degmada Xamar-weyne halka qaar ka mid ahna  ay Ciidamadau dileen.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga  XFS C/casiis Xildhimaan ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamadu Xalay ku guulaysteen in ay guuda ahaanba soo afjaraan weerarka.

C/casiis Xildhimaan oo ah Afhayeenka Amniga ayaa tilmaamay in Ciidamadu gacanta ku dhigeen sadex ka mid dhagar qabayaashii weerarka soo qaaday mid kamid ah ayaa isku qarxiyey banaanka Hoteelka halka midka kalena uu gudaha Hoteelka isku qarxiyey sida uu sheegay Afhayeenka.

Ciidamada  Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goobta ka howl galay waxii ka dambeeyay weerarka  ay ku qaadeen Maleeshiyaadka Al shabaab iyagoona Ciidamadu soo bad baadiyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay doonaayeen in ay laayaan dhagar qabayaasha nabad diidka ah ee Al shabaab.

Wali Dowladdu ma shaacin tirada rasmiga ah oo ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarka Argagixisadu ku qaadeen Hotelka Naasahablood 2  ee Degmada Xamar-weyne

Raagaan ka tirsanaa maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday Hotelka  Naasahablood 2  ayaa tusaale u ah guulaha ay Ciidmada Soomaaliya ka gaarayaan  falalka Argagixisada nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaab ku dhibaatayeen Shacabka Soomaaliyeed.

Maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaab ayaa habeen iyo maalinta ku howlan dhibaataynta iyo gumaadka Shacabka Soomaaliyeed taasoo ku tusaysa hadaf  la,aanta Argagixisada hase yeeshee Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa u taagan ka hortagida falalka guracan ee nabad diidku ku doonayaan dhibaataynta Shacabka.

Wasaaradda Amniga XFS oo sheeegtay in Gacanta lagu dhigay 3 ka mid ah Ragii weerarka gaystay’

0

Laamaha amaanka Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee Xalay soo gaban-gabeeyay weerar maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ku qaadeen shalay galabnimadii shalay Hotelka Naasahablood 2 ee Degmada Xamar-weyne.

Wasaaradda Amniga XFS ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen Ciidamada gaar ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Rag ka tirsan dhagar qabayaashii weerarka kusoo qaaday Hotelka Naasahablood2 ee Degmada Xamar-weyne halka qaar ka mid ahna  ay Ciidamadau dileen.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga  XFS C/casiis xildhimaan ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamadu Xalay ku guulaysteen in ay guuda ahaanba soo afjaraan weerarka.

C/casiis xildhimaan ayaa Afhayeenka Amniga ayaa tilmaamay in Ciidamadu gacanta ku dhigeen sadex ka mid dhagar qabayaashii weerarka soo waaday halka midna isku dhexe qaraxiayay Hotelka gudihiisa.

Ragga weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ayaa ka koobnaa shan”5″ mid ka ah waxaa uu isku qarxiyay gaariga midna gudaha  Hotelka ayuu isku qarxiyay inta kale nolal ay ku hayaan Ciidamada Amaanka DFS.

Ciidamada  Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goobta ka howl galay waxii ka dambeeyay weerarka  ay ku qaadeen Maleeshiyaadka Al shabaab iyagoona Ciidamadu soo bad baadiyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay doonaayeen in ay laayaan dhagar qabayaasha nabad diidka ah ee Al shabaab.

Wali Dowladdu ma shaacin tirada rasmiga ah oo ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarka Argagixisadu ku qaadeen Hotelka Naasahabloo 2  ee Degmada Xamar-weyne

Raagaan ka tirsanaa maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday Hotelka  Naasahablood 2  ayaa tusaale u ah guulaha ay Ciidmada Soomaaliya ka gaarayaan  falalka Argagixisada nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaab ku dhibaatayeen Shacabka Soomaaliyeed.

Maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaab ayaa habeen iyo maalinta ku howlan dhibaataynta iyo gumaadka Shacabka Soomaaliyeed taasoo ku tusaysa hadaf  la,aanta Argagixisadahase yeeshee Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa u taagan ka hortagida falalka guracan ee nabad diidku ku doonayaan dhibaataynta Shacabka.

Xiisado siyaasadeed oo kataagan Kenya

0

Kenya(SONNA) Guddoomiyaha iyo saraakiil kale oo ka tirsan guddida oo warfidiyeenka kula hadlay xarunta guud ee tirinta codadka ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey sababaha ay u cuskadeen in ay hakiyaan doorashadii laga qaban lahaa afar gobol oo galbeedka dalka ku yaal, kuwaas oo marka hore ay qorsheeyeen in shalay oo Sabti ah ay ka dhacdo doorashadu.

Wuxu sheegay in sababahaas ay ka mid yihiin in shaqaalahii doorashadu aanay gaadhin goobahaas wakhtigii loogu talo galay.

Waaxnu yidhi “guddi ahaan wax kastaa waa naga diyaar laakiin waxa jira arimo dhinaca nabad gelyada ah oo ay tahay inaanu tix gelin siino, marnaba halis ma gelin karno nolosha shaqaalahayaga”.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in guddidi shir yeelan doonaan ay kaga arinsanayaan talaabada xigta ee ay qaadayaan “shacabka dalka waanu u sheegi doonaa waxa aanu ka damacsannahay goobahaas aanay doorashadu ka dhicin waxa laga yeelayo”

Wuxu sheegay in ay xarunta dhexe soo gaadhay natiijada 260 degmo doorasho oo ka mid ah 290 degmo doorasho ee ay doorashadu ka dhacday, taas oo ka dhigan buu yidhi in 37,161 goob codbixineed oo ka mid ah 40,000 ay natiijadoodii haatan gacanta ku hayaan.

Mar la waydiiyey sida uu ku caddayn karo qiyaasta ay gudidu shaacisay ee ah in tirada dadka codbixinta u soo baxay ay ahayd boqolkiiba 48, gudoomiyuhu wuxu yidhi “marka la eego dadka lagu xaqiijiyey qalabka elektarooniga ah ee codka lagu dhiibanayey iyo tirada guud ee diiwaan gashan waxaa noo caddaatay in codbixiyeyaasha diiwaan gashan boqolkiiba 48 ka mid ahi ay codkooda dhiibteen”.

Weerarkii Naasahablood2 oo la soo afjaray iyo mas’uuliyiin la soo badbaadiyay

0

Muqdisho(SONNA) Wararka aanu ka heleyno hotelka Nasahablood2 ayaa sheegay in Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ay soo badbaadiyeen dad badan oo ku go’doonsanaa hotelka la weeraray.

Mas’uuliyiinta amniga  ayaa sheegayaa in dadka la soo bad baadiyay ay kamid ahaayeen mas’uuliyiin iyo Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Guddiga Taakuleynta Ciidamada.

Ciidamada Ammaanka iyo dableyda hubeysan ee gudaha ugu jiray Hotelka ayaahalkaasi ku dagaalamayay iyadoo la maqlayaya qaraxyo iyo rasaas goos goos ah.

ku dhawaad 20 qof ayaa ku geeriyootay weerarkaasi halka dhaawacyo uu soo gaaray dad intaasi ka badan waxaana dadka ku dhintay weerarkaas ka mid ah wasiirkii Arrimaha Gudaha Koofur Galbeed Madoobe Nuunow, Xildhinaan Hore C/naasir Gaarane iyo Sarkaal boolis oo lagu magacaabo Fanax, dhaawacyada ayaa la dhigay isbitaalada

Guddoomiye Jawari oo lagu soo dhaweeyey Suudaan

0

Suudaan(SONNA) Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gaaray Magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan.

Wafdiga guddoomiyaha oo ay ka mid yihiin xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Khartuum kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Suudaan ,mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaiya ee Dalka Suudaan iyo sidoo kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaaladda tan Khartuum.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ayaa mudada ay joogaan Dalkan Suudaan waxa ay kulamo la qaadan doonaan madaxda dalka Suudaan oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha Baaarlamaanka  ee Dalkan sida uu Warbaahinta uu u sheegay Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan Nuux oo ah Habdhowraha Golaha Shacabka”

Weerarkii Naasahablood2 oo la soo afjaray iyo mas’uuliyiin la soo badbaadiyay

0

Wararka aanu ka heleyno hotelka Nasahablood2 ayaa sheegay in Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ay soo badbaadiyeen dad badan oo ku go’doonsanaa hotelka la weeraray.

Mas’uuliyiinta amniga  ayaa sheegayaa in dadka la soo bad baadiyay ay kamid ahaayeen Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow iyo Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Guddiga Taakuleynta Ciidamada.

Ciidamada Ammaanka iyo dableyda hubeysan ee gudaha ugu jiray Hotelka ayaa halkaasi ku dagaalamayay iyadoo la maqlayaya qaraxyo iyo rasaas goos goos ah.

ku dhawaad 20 qof ayaa ku geeriyootay weerarkaasi halka dhaawacyo uu soo gaaray dad intaasi ka badan waxaana dadka ku dhintay weerarkaas ka mid ah wasiirkii Arrimaha Gudaha Koofur Galbeed Madoobe Nuunow, Xildhinaan Hore C/naasir Gaarane iyo Sarkaal boolis oo lagu magacaabo Fanax, dhaawacyada ayaa la dhigay isbitaalada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Khartuum ee Suudaan

0

Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kasoo amababaxay Magaaladda Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan.

Wafdiga gudoomiyaha oo ay ka mid yihiin xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Khartuum kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Suudaan ,mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaiya ee Dalka Suudaan iyo sidoo kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaaladda tan Khartuum.

Guddoomiyaha golaha shacabka iyo wafdigiisa ayaa mudada ay joogaan Dalkan Suudaan waxa ay kulamo la qaadan doonaan madaxda dalka Suudaan oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha Baaarlamaanka ee Dalkan sida uu Warbaahinta uu u sheegay Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan Nuux oo ah Habdhowraha Golaha Shacabka.

Wafdiga uu gudoomiye Jawaari horkacayo ayaa lagu wadaa in suudaan ku qaataan booqasho seddax maalin ah isagoo soo booqan doono warshado waa weyn oo Khartuum ku yaala iyo Jaamacadaha Ardayda Suudaan waxka bartaan kuwooda ugu waa weyn.

Madaxweyne Farmaajo “Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Janadiisa ku manaysto dadkii Soomaaliyeed ee lagu laayey weerarkan argagixiso”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeynaaya muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkii argagixisada ahaa ee lala beegsaday Hoteel Naaso hablood.

Madaxweynahu waxa uu Alle uga baryey in uu naxariistiiisa Janno ka waraabiyo dadkii ku shahiiday weerarkaas arxan darrada ah.

“ Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Janadiisa ku manaysto, dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee lagu laayey weerarkaan. Intii dhaawacanta iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in Alle uu siiyo caafimaad deg-deg ah.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay weerarkaan mid ay doonayso argagixisada Alshabaab in ay ku cabsi galiso shacabka Soomaaliyeed ee ku baraarugay musiibadii 14ka Oktoobar, taas oo horseedday midnimo iyo istaakulayn ay muujiyeen shacabku dal iyo dibadba.

“Waxaa cabsi galiyey dadkeenna midoobay ee is garab-istaagay xilligii adkaa iyaga oo muujinaya sida ay uga go’antahay in ay ka qayb qaataan abaabulka lagu nabadaynayo dalka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in falalka noocaan oo kale ah aysan marnaba niyad-jab ku noqonayn qorshayaasha iyo howlgallada dowladda ay kaga hortagayso dhibaatada ay ku hayaan shacabka argagixisada Alshabaab.

DHAMMAAD