Home Blog Page 1461

Guddoomiye Jawaari oo booqday xarunta Al Azhar Al Shariif “SAWIRRO”

0

Qaahira(SONNA)-Wafdi uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo dhowrkii maalin ee ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar ayaa maanta  tagay xarunta Al Azhar Al Shariif ee magaalada Qaahira, halkasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Kulanka guddoomiyaha Golaha Shacabka uu la qaatay Sheekhul Azharka dalka Masar oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka qeybna ka ah wafdiga guddoomiyaha ayaa waxaa looga hadlay sidii dowladaha Soomaaliya iyo Masar ay u sii xoojin lahaayeen xiriirkooda wada shaqeynta iyo iskaashiga ku dhisan ee soo jireenka ah.

Shirka waxaa kaloo diiradda lagu saaray sidii dowladda Masar ay talooyin iyo qubaro dhinaca sharciga uga taageeri lahayd Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiqaadir Sheekh Cali Baqdaadi oo ka mid ah wafdiga Guddoomiyaha ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen Sheekh Azharka Masar ay kaga wada hadleen arrimo u badan sidii Golaha looga taageeri lahaa dhanka sharciga.

“Maanta waxaan la kulanay Sheekh Azharka Masar oo aan ka wada hadalnay inay naga taageeraan dhanka sharciga, in sharciyada aan sameyneyno ay soo soo diraan quburo oo sharciga gacan naga siinaya, in tallooyin ay naga siiyaan sharciyada qaar ee lagu qarayo Carabiga, weyna naga aqbaleen, guddi ayaana loo xilsaaray oo arrintaasi ka soo shaqeyn doono” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiqaadir.

Cadnaan + Guudle

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya “SAWIRRO”

0

Muqdisho(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay wakiilka Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u jooga dalka Soomaaliya Michael Keating.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, horumarka ay dowladda ku talaabsaneyso iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating ayaa amaanay siyaasadda dawladda ee ku dhisan horumarka iyo ladagaallanka musuq maasuqa, isagoo xusay in Qaramada Midoobay ay sii xoojineyso taageerada ay siineyso Soomaaliya.

Ciidamada Xoogga Dalka oo la wareegay deegaan hoostaga Buurdhuubo

0

Buurdhuubo(SONNA)-Ciidamada Guutada 9aad ee xoogga dalka ee Gobalka Gedo ayaa gebi ahaanba la waregay gacan ku haynta Degaanka Qundhuud oo ka mid ah deeganada  hoostaga Degmada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo, isla markana qiyaaas ahan  u jirta buurdhuubo 38km  ee dhanka  Waqooyi Bari ka gadaal marki ay ciidamada xoogga dalka ay werar ku qadeen saldhig  Al-Shabaab ay ku lahayeen degaankasi

Ujeedka howlkalka waxa u ahaa sifeynta deeganada ay nabadiidka weli ku sugan yihiin, iyadoo maleshiyaadka Al-Shabaab loogu gaystay qasaaroyin lixaad ah, howlgalkii ay ciidamada ka fuliyeen deegaanka Qundhuud.

Saraakisha Xoogga dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiiyay in kooxda Al-Shabaab looga dilay weerarka maleeshiyaad iyo horjoogayaal sare sare oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana laga furtay hubkii ay wateen maleshiyadki la dilay

Guddoomiye ku-xigeenka Gobalka Gedo Sheeq Maxamed Xuseen Isaak Al-qaadi ayaa warbahinta Qaranka u sheegay in fariisin ay Shabaabku ku lahaayeen deegaanka Qundhuud lagala wareegay, isla markaana goobta lagu dilay tiro maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Maalmihi ugu dambeyay ciidamada guutada 9aad ee xoogga dalka ee Gobalka Gedo ayaa ka waday deegaanno badan oo ka tirsan Gobalka Gedo howlgallo ka dhan ah Nabadiidka, si guud ahaan looga ciribtiro deegaannada ay kaga suganyihiin Kooxda Al-Shabaab Gobolka Gedo.

50 ruux oo lagu toogtay dalka Mareykanka

0

50 ruux ayaa  ku dhimatay , 200 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii nin hubeysan uu rasaas ooda uga qaaday Hoteel ay ku Cawaynayeen dad fara badan oo ku yaal magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka.

Halkaan oo ahayd Hool Dusha ka furan oo ka tirsan Hoteelka Mandalay Bay oo ah goob loo dalxiis tago. ayaa waxaa ka socday Masraxiyad Faneed.

Ninka hubeysan oo lagu magacaabayay Stephen Paddock oo 64 jir ahaa ayaa rasaas ka soo riday dabaqa 32aad, halkaasoo ay ku yaallay masraxa weyn ayna ku sugnaayeen kumanaan ruux oo ka qeyb galay Xaflad Muusik.

Booliska ayaa aqoonsaday ninka la tuhunsanaa, oo ka mid ahaa dadka deegaanka, waxaana toogtay ciidamada.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu dhimashada badnaa, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Donald Trump horaantii bishii January.

Shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya oo ka furmay Filand

0

Magaalada Helsinki ee Caasimadda Dalka Finland ayaa ka daah-furay Shir heer Qaran ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

Shirkaasi ayaa waxaa looga hadlayay arrimo ay ka mid ahaayeen:- Dib-u-heshiisiinta, Federaalka, Arrimaha Amniga Gudaha,Tuukulaynta iyo Tayaynta Ciidanka Qalabka Sida, Waxbarashada iyo arrimaha Xuquuqul Insaanka iyo Haweenka.

waxaana Soomaaliya uga qeybgalay Wafdi balaaran, waxaana ka mid ahaa Wasiirada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Waxbarashada,Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, iyo u Qaybsanaha Soomaaliya ee Hay’adda UNWOMEN.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo Xariga Ka jiray Suuq casri ah oo laga furay Boosaaso

0

Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 02 October 2017  magaalada Boosaaso xadhiga kaga jaray suuq ganacsi oo casri ah oo magaaladaasi laga hirgelyey.

Xadhig jarka suuqani cusub ee New Bosaso Market ayaa waxaa Madaxweyne Gaas ku wehelinaayey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Puntland, taliska qaybta gobolka Bari iyo qaar kamid ah bulshada rayid ka ah ee magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu horayn boqaadiyey cidkasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta suuqani cusub gaar ahaan dawladda Jaban oo bixisay kharashka ku baxay mashruucani iyo weliba hay’adda UNOPS  iyo degmada Boosaaso oo ka qayb qaatay qalabaynta Mashruuca, iyo shirkadda Albashid oo dhistay dhismaha mashruuca.

Mudane Gaas ayaa sidoo kale  xusay in qaabka loo dhisay loona qalabeeyey suuqani cusub uu yahay mid wax ku oola oo ay mustaqbalka u’aayidoonaan bulshada magaalada Boosaaso, dhinaca kalena waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay masuuliyiinta iyo ganacsatada suuqani agaasimidoona in goobtani sida ay maanta tahay lagu hayo oo lagu illaaliyo.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dhismaha mashruucani kamid yahay horumarka ay ku talaabsanayso Puntland  gaar ahaan gobolka Bari, welibana waxa uu xusay Madaxweynuhu in suuqyo badan oo noocanoo kale ah dawladdu ku tala-jirto inay dalka ka hirgeliso dhowaanna magaalada Boosaaso laga hirgelindoono mashaariic kale oo wax ku oola.

Duqa degmada Boosaaso Yaasiin Mire Maxamuud ayaa  faahfaahin ka bixiyey ganacsiyada kala duwan  ee lagaga faa’iidaysan doono suuqani, waxaana uu sheegay in suuqani isugu jiridoono gacacsiyo ay kamid yihiin kaluunka, qudaarta, hilibka, bagaashka, qaybta dahabka iyo walxaha lasyku qurxiyo (Cosmetics), isla markaana waxa uu xusay duqa Degmada Boosaaso in ay qayb ka noqon doonaan bulshada rayidka ah iyo weliba dadka Yamaniyiinta ah ee kasoo hayaamay dagaalada ka socda Yeman ee ku dhaqan magaalada Boosaaso.

Guddomiyaha gobolka Bari Maxamed Yuusuf Wacays ayaa dhankiisa xusay in mashruucani guul weyn usoo hooyey xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas maadaama ay ku guulaysteen dhismaha mashruucani halka ay u suura geliweydey  dawladdihii ka horeeyey inay dhisaan goobtani maanta muhiim ka u ah shacabka magaalada Boosaaso ee uu xadhigga ka jaray Madaxweynuhu.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladdaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga oo isna kahadlay furitaankii mashruucani ayaa sheegay 2005 in uu  ahaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee dawladda Puntland wakhtigaasina uu ku guulaystay inuu goobtani ku wareejiyo dawladda hoose ee degmada Boosaaso, sidaasi darteedna uu ku faraxsan yahay guulna u tahay inay ku guulaysato dhismaha goobtani xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Goboleed Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in laga wada qayb qaato horumarka iyo halganka Puntland lagu gaadhsiinayo dawladdaha horumaray, gaar ahaana kor uqaadida ganacsiga Puntland ee dawladdu xooga ku saarayso inuu ahaado mid horumarsan.

=DHAMMAAD=

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Saxiixay Sharciga Isgaarsiinta Dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga isgaarsiinta dalka.

Bandhigga Saxiixa Sharcigan ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada, waxaana kasoo qayb galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Cabdi-Weli Ibraahim Sheekh Muudeey, Raiisul wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamuud Guuleed, wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda, xildhibaanno, aqoonyahanno iyo khubaro horay uga soo shaqaysay diyaarinta sharcigan.

Wasiirka Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknaloojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in sharcigaan uu yahay sharcigii ugu wakhti dheeraa dhanka ansixinta maadaama laga soo shaqaynaayey tan iyo sanadkii 2005tii taas oo muujinaysa ahmiyadda uu u leeyahay dalka.

Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Laamihii kala duwanaa ee dowladda ee kasoo shaqeeyey sharcigan, waxa uuna Madaxweynuhu xusay in natiijada wanaagsan ee ka dhalatay dadaalkaas ay qeexayso wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxaysa hayadaha dowlada.

“waa xaqiiq in ay caqabado badan jiraan,waana garoowsannahy in dhibaatooyinka dalkeenna aan lagu xallin karin hal habeen, balse cid walba waa u muuqataa in dalku uu horay u socdaa” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sharciga Isgaarsiinta dalka ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha maadama ay horay usoo meel mariyeen Golaha Xukumadda iyo Labada Gole ee Baarlamaanka.

DHAMMAAD

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo Xariga Ka jiray Suuq casri ah oo laga furay Boosaaso(Daawo Sawirrada)

0

Boosaaso (SONNA) Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 02 October 2017  magaalada Boosaaso xadhiga kaga jaray suuq ganacsi oo casri ah oo magaaladaasi laga hirgelyey.

Xadhig jarka suuqani cusub ee New Bosaso Market ayaa waxaa Madaxweyne Gaas ku wehelinaayey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Puntland, taliska qaybta gobolka Bari iyo qaar kamid ah bulshada rayid ka ah ee magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu horayn boqaadiyey cidkasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta suuqani cusub gaar ahaan dawladda Jaban oo bixisay kharashka ku baxay mashruucani iyo weliba hay’adda UNOPS  iyo degmada Boosaaso oo ka qayb qaatay qalabaynta Mashruuca, iyo shirkadda Albashid oo dhistay dhismaha mashruuca.

Mudane Gaas ayaa sidoo kale  xusay in qaabka loo dhisay loona qalabeeyey suuqani cusub uu yahay mid wax ku oola oo ay mustaqbalka u’aayidoonaan bulshada magaalada Boosaaso, dhinaca kalena waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay masuuliyiinta iyo ganacsatada suuqani agaasimidoona in goobtani sida ay maanta tahay lagu hayo oo lagu illaaliyo.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dhismaha mashruucani kamid yahay horumarka ay ku talaabsanayso Puntland  gaar ahaan gobolka Bari, welibana waxa uu xusay Madaxweynuhu in suuqyo badan oo noocanoo kale ah dawladdu ku tala-jirto inay dalka ka hirgeliso dhowaanna magaalada Boosaaso laga hirgelindoono mashaariic kale oo wax ku oola.

Duqa degmada Boosaaso Yaasiin Mire Maxamuud ayaa  faahfaahin ka bixiyey ganacsiyada kala duwan  ee lagaga faa’iidaysan doono suuqani, waxaana uu sheegay in suuqani isugu jiridoono gacacsiyo ay kamid yihiin kaluunka, qudaarta, hilibka, bagaashka, qaybta dahabka iyo walxaha lasyku qurxiyo (Cosmetics), isla markaana waxa uu xusay duqa Degmada Boosaaso in ay qayb ka noqon doonaan bulshada rayidka ah iyo weliba dadka Yamaniyiinta ah ee kasoo hayaamay dagaalada ka socda Yeman ee ku dhaqan magaalada Boosaaso.

Guddomiyaha gobolka Bari Maxamed Yuusuf Wacays ayaa dhankiisa xusay in mashruucani guul weyn usoo hooyey xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas maadaama ay ku guulaysteen dhismaha mashruucani halka ay u suura geliweydey  dawladdihii ka horeeyey inay dhisaan goobtani maanta muhiim ka u ah shacabka magaalada Boosaaso ee uu xadhigga ka jaray Madaxweynuhu.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladdaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga oo isna kahadlay furitaankii mashruucani ayaa sheegay 2005 in uu  ahaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee dawladda Puntland wakhtigaasina uu ku guulaystay inuu goobtani ku wareejiyo dawladda hoose ee degmada Boosaaso, sidaasi darteedna uu ku faraxsan yahay guulna u tahay inay ku guulaysato dhismaha goobtani xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Goboleed Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in laga wada qayb qaato horumarka iyo halganka Puntland lagu gaadhsiinayo dawladdaha horumaray, gaar ahaana kor uqaadida ganacsiga Puntland ee dawladdu xooga ku saarayso inuu ahaado mid horumarsan.

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka”Sawirro”

0

Muqdisho, 02 Oktoobar,2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga isgaarsiinta dalka.

Bandhigga Saxiixa Sharcigan ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada, waxaana kasoo qayb galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Cabdi-Weli Ibraahim Sheekh Muudeey, Raiisul wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamuud Guuleed, wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda, xildhibaanno, aqoonyahanno iyo khubaro horay uga soo shaqaysay diyaarinta sharcigan.

Wasiirka Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknaloojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in sharcigaan uu yahay sharcigii ugu wakhti dheeraa dhanka ansixinta maadaama laga soo shaqaynaayey tan iyo sanadkii 2005tii taas oo muujinaysa ahmiyadda uu u leeyahay dalka.

Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Laamihii kala duwanaa ee dowladda ee kasoo shaqeeyey sharcigan, waxa uuna Madaxweynuhu xusay in natiijada wanaagsan ee ka dhalatay dadaalkaas ay qeexayso wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxaysa hayadaha dowlada.

“waa xaqiiq in ay caqabado badan jiraan,waana garoowsannahy in dhibaatooyinka dalkeenna aan lagu xallin karin hal habeen, balse cid walba waa u muuqataa in dalku uu horay u socdaa” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sharciga Isgaarsiinta dalka ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha maadama ay horay usoo meel mariyeen Golaha Xukumadda iyo Labada Gole ee Baarlamaanka.

DHAMMAAD

50 ruux oo lagu toogtay dalka Mareykanka

0

Las Vegas-(SONNA) 50 ruux ayaa  ku dhimatay , 200 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii nin hubeysan uu rasaas ooda uga qaaday Hoteel ay ku Cawaynayeen dad fara badan oo ku yaal magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka.