Home Blog Page 146

𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐔𝐍𝐄𝐒𝐂𝐎 𝐎𝐎 𝐆𝐀𝐀𝐑𝐀𝐘 IS 𝐀𝐅𝐆𝐀𝐑𝐀𝐃 𝐑𝐀𝐒𝐌𝐈 𝐀𝐇 𝐎𝐎 𝐊𝐔 𝐒𝐀𝐀𝐁𝐒𝐀𝐍 𝐊𝐀 𝐅𝐀𝐀’𝐈𝐈𝐃𝐄𝐘𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐑𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐌𝐀𝐂𝐌𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐀𝐇 (𝐀𝐈)

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda UNESCO ayaa gaaray is afgarad rasmi ah oo lagu taageerayo ka faa’iidaysiga garaadka macmalka ah (Artificial Intelligence – AI) si Soomaaliya uga mid noqoto dalalka ka faa’iidaya isbeddelka teknolojiyadeed ee dunida ka socda.

Is afgaradkan, oo lagu saxiixay magaalada Bangkok, waxaa kala saxiixday Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Axmed Diiriye, iyo Madaxa Hawlaha AI-da ee UNESCO, Dr. Lidia Brito.

Isfahamkaan cusub ayaa horseedi doona in si degdeg ah loo bilaabo qiimayn qaran oo AI ah, taasoo lagu ogaanayo heerka ay Soomaaliya ka joogto diyaar-garowga teknoolojiyaddan cusub, lana qeexayo tallaabooyinka loo baahan yahay si loo horumariyo ka faa’iidaysigeeda.

Is afgaradkaan ayaa la filayaa in uu xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo UNESCO, isagoo Soomaaliya u furaya waddo cusub oo horumar, hal-abuur iyo adeegyo casri ah lagu gaari karo iyada oo la adeegsanaayo garaadka macmalka ah.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA SULDAAN CABDIQAADIR XAAJI MAXAMUUD

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee, Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo ahaa Madaxweyne Ku-xigeenkii 2-aad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu door ka soo qaatay nabadeynta, mideynta iyo dowlad dhiska, isagoo si gaar ah ugu tacsiyeeyey ehelka, qaraabada iyo bulshada Jubbaland ee uu ka baxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdows, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Guddiga qaban qaabada maalmaha xoriyadda oo kormeeray Taliska Booliiska

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo ay wehliyaan Xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda ayaa kormeeray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku jira diyaargarowga ugu dambeeyay ee Munaasabadda Koowda Luulyo halkaas oo ay ka samayn doonaan bandhig iyo gaardi ka cayaar.

Wasiir Cali Xoosh ayaa u mahadceliyay Taliyaha Booliska Jenaraal Asad Diyaano, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada iyo Qaybaha kala duwan ee Booliska Soomaaliyeed dedaalladooda ku aaddan sugidda amniga iyo ka qaybgalka Maalmaha Xorriyadda.

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha 3-aad ee anshaxa garaadka macmalka ah

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka (Global Forum on the Ethics of AI) oo lagu qabtay Bangkok, Thailand.

Mudane Axmed ayaa ka qaybgalay doodo kala duwan oo lagu soo bandhigay madasha waxaana qeyb ka ahaa “Ministerial Dialogue on International Cooperation on AI”, taasoo ay kasoo qeyb galeen in ka badan 20 wasiir oo ka kala yimid dalal kala duwan. Dooddaas waxa si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga caalamiga ah ee lagu hagaajinayo maamulka iyo anshaxa teknoolajiyadda Garaadka Macmalka ah (AI).

Wasiiru dowlaha oo khudbad kajeediyey shirka ayaa xusay:

– In Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo la xiriirta isbeddelka dhijitaalka ah, iyadoo ay diyaarisay istiraatiijiyad qaran oo u dhaxaysa 2025–2029.

– In ay socdaan sharciyo muhiim ah oo dhanka tiknoolajiyadda ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xeerka Dhowrista Xogta, Xeerka E-Transaction-ka iyo Xeerka Amniga Seeybar-ka.

– Iyo In dalka uu bilaabay dhismaha xafiis u gaar ah oo u xil saaran arrimaha la xiriira AI, si loo helo siyaasad sugan oo waafaqsan horumarka dunida.

Dhanka kale, Wasiir Axmed ayaa ka qaybgalay dood dheeraad ah oo lagu falanqeeyey habka ugu habboon ee dalalku u sameyn karaan qiimeyn ku saabsan heerka isticmaalka AI-da, iyagoo raacaya habraaca ay dejisay UNESCO.

Wasiiru dowlaha wasaaradda ayaa kamahad celiyey in Soomaaliya ay ka mid noqotay waddamada cusub ee la siiyey fursad lagu cabbiro heerka ay ka taagan tahay diyaar-garowga maamulka ee la xiriira Garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence).

Shirka wuxuu fursad weyn u ahaa Soomaaliya, si ay u xoojiso xiriirka caalamiga ah, u hesho taageero farsamo, una qayb qaadato go’aanada caalamiga ah ee la xiriira mustaqbalka tiknoolajiyadda Garaadka Macmalka ah.

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda kale ee DFS oo ka qeybgaley munaasabadda xuska 65-guuradii ka soo wareegtay markii ay xoroobeen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya 26-kii June , 1960.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad guurada 65-aad ee miro-dhalka halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xusay halgameyaashii Soomaaliyeed dhiiggooda u huray Xorriyadda ayaa Ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan wadatashi ah la qaatey qeybaha kala duwan ee siyaasadda oo ay ku jiraan Madaxweyneyaal hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore iyo siyaasiyiin kale oo uu horkacayey Madaxweynihii hore Sheikh Shariif Sheekh Axmed.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Hiigsiga Qaran ee 2060 ayaa sheegay in la joogo xilligii shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u dooran lahaayeen hoggaankooda, taas oo xoojinaysa hiigsiga nabadda, midnimada iyo horumarka.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Madaxa Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA), Mudane Claver Gatete oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo hambalyo ku aaddan munaasabadda xuska sanadguuradii 65-aad ee kasoo wareegtay xornimada Gobollada Waqooyi ayaa sheegay in la jooga xilligii midnimada iyo wadajirka la xoojin lahaa.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayey Hiigsiga Qarni-jirka 2060 oo ah aragtida qaran ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn in dalka dib ugu laabto doorasho dadban, isla markaana awoodda loo celinayo shacabka Soomaaliyeed.

10- Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee is diiwaangaliyey, kuwaas oo door muuqda ku leh hannaanka dimoqraadiyadda iyo dib-u-dhiska nidaamka xisbiyada dalka.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay warbixin sanadeedka 2024-ka ee horumarka maaliyadeed ee dalka.

12- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah ururada siyaasadeed ee ka jira dalka.

13- Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa shaaciyay in uu si’ rasmi ah u xirmayay kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka labadiisa Aqal.

14- Shacabka Jamhuuriyadda Djibouti ayaa u dabaaldegay sannadguuradii 48-aad markii ay ka xoroobeen gumeysigii Faransiiska.

15- Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdiqaadir Aadan Maxamuud ayaa sheegay in bisha July ay ku dhawaaqi doonaan natiijada rasmiga ah ee goobahii batroolka la sahmiyay.

16- Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cusmaan Cabdi ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay munaasabad lagu xusaayay 65 sanno guurada kasoo wareegtay xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

17- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, oo booqasho ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga.

18- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa si’ wadajir ah u fuliyey hawlgal lagu diley 13 ka tirsan maliishiyada Khawaarijta oo ka dhacay Gaycad ee deegaanka Mabaax ee Dowlad Goboleedka HirShabelle.

19- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige iyo ayaa kulan sagootin ah u sameeyay Mrs .Kristina Svensson oo aheyd shanti sano ee la soo dhaafay Maamulaha Bangiga Adduunka ee xafiiska Soomaaliya.

20- Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa bulshada Soomaaliyeed ku wargelisay in ay adeegsadaan kaarka aqoonsiga qaranka si ay u helaan adeegyada Wasaaradda.

21- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay weerarkii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku qaaday Dowladda Qadar.

22- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa gaaray dalka Aljeeriyaa uu uga qeybgalay shirweynaha Horumarinta Bulshada iyo Dhaqaalaha ee Wadamada Carabta.

23- Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabdulkadir Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay garsoore heer caalami ah Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo ka mid ah garsoorayaasha ugu firfircoon qaaradda Afrika.

24- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa la kulmay Madaxa Hawlgalka Xafiiska Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya ,Mads Oyen.

25- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa soo xiray Tartanka Ciyaarta Kubbada Koleyga ee dogmooyinka Gobolka Banaadir.

26- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa magaalada Muqdisho ka furay Kulanka Qaran ee isu-duwidda Dowladaha Hoose.

27- Hawlgallo ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee Shabeelleha Dhexe ee HirShabeelle ayaa lagu burburiyey labo xarumood oo Khawaarijtu u adeegsan jireen farsamada gaadiidka dagaalka iyo keydka hubka.

28- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan doceed la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuwait, Mudane Cabdullahi Cali Elihya.

29- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa ka qeyb galay Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo ka dhacay magaalada Istanbul ee Turkiga.

30- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka, Dr.Cali Xaaji Aadam ayaa kulan sagootin la yeeshay ,Marwo Wafaa Saeed, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya oo dhamaysatay muddo xileedkeedii dalka ay ku joogtay.

31- Ciidamada Xoogga Dalka oo garabsanaya Ciidamada Uganda ee UPDF ayaa si’ wadajir ula wareegay degaanada halbawlaha ah ee Sabiib iyo Caanoole.

32- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa ka qeyb-galay shir ay isuga yimaadeen wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta oo looga arrinsaday dagaalka u dhaxeeye Iraan iyo Israa’iil.

33- Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa sii wada guulaha ay ka gaareen Khawaarijta Al-Shabaab, iyagoo ka saaray Al-Shabaab deegaanka Masaajid Cali Gadud ee dowlad-goboleedka HirShabeelle.

===========DHAMMAAD==========

 

Shirka Diiwaan-hayeyaasha Midowga Afrika oo lagu soo xiray magaalada Malabo

Waxaa Magaalada Malabo ee Caasimadda dalka Equotorial Guinea ku soo gaboobay shirkii sanadlaha ahaa ee Diiwaan-hayeyaasha Guud ee dad-dhigista Wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika, shirkaan oo socday 23-27dii Bisha Juun 2025.

Shirkan oo diiradda lagu saarayey sidii loo dardargelin lahaa horumarinta ku aaddan dhisidda nidaamyo dad-dhigis dhameystiran oo loo dhan yahay —taasoo saldhig u ah bixinta aqoonsi sharci ah oo qof walba helo, si waafaqsan Ajandaha 2063 iyo Hadafyada Horumarka Waara ee Qaramada Midoobay (gaar ahaan SDG 16.9 & 17.19.2).

Agaasimaha Guud ee Adeegyada Dad-dhigista Mudane C.qani Maxamed Wehliye oo kaqeybgaly shirkan ayaa waxaa uu shir-gudoomiyey kal-fadhiga “Isku-xirka adeegyada dad-dhigista iyo caafimaadka,” oo ay waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika ku wadaageen waayo-aragnimadooda ku saabsan isku-xirnaanta nidaamyada caafimaadka iyo dad-dhigistaa si loo horumariyo diwaangelinta dhalashada iyo dhimashada. Fadhigan wuxuu iftiimiyay hal-abuurro la taaban karo, caqabadaha jira, iyo casharro muhiim ah oo laga bartay dalalka qaaradda.

Doodaha istiraatiijiyadeed iyo falanqaynta farsamo ee ka dhacay kal-fadhiyadii kala duwanaa ee shirka waxaa lagu dhegeystay waayo-aragnimada dalalka qaaradda afrika, Caqabadaha iyo fursadaha horumarineed ee jira.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay jiidaha dagaalka Shabeellaha Dhexe

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kormeer dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jira ku tagay furumaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ay kamid tahay aaga Masaajidka Cali Gaduud, halkaas oo ciidanka geesiyaasha ah ee xoogga dalka ay si adag ugu baacsanayaan kooxaha Khawaarijta.

Kormeerkan ayaa yimid iyadoo maalmihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga Dalka ay guulo is-daba joog ah ka gaareen dagaallo culus oo ay kula jireen Khawaarijta, kuwaas oo lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, lagana xoreeyay deegaanno dhowr ah.

Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidamadda ku sugan jiida hore ku bogaadiyey sida ay u gudanayaan waajibkooda Qaran, wuxuuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dagaalka ilaa laga ciribtiro kooxda Khawaarijta ee dhibka iyo gabood fallada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in guulaha la gaaray ay ka tarjumayaan kartida iyo dadaalka aan kala go’a lahayn ee ciidanka Xoogga, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay siiwadaan garab istaaga ciidamadda geesiyaasha ah ee u taagan difaaca dalka iyo dadka.

Wasiirka Dekedaha XFS oo ka qeyb-galay Shirweynaha Isku xirka Caalamiga ah

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ’ Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta ka qeyb-galay Shirweynaha Madasha Isku Xirka Caalamiga ah “Global Connectivity Forum” oo ka furmay magaalada Istanbul, Türkiye.

Madashan oo uu daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Türkiye. Waxaa xoogga lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa isku xirka caalamiga ah si kor loogu qaado ganacsiga iyo isgaarsiinta dhinacyada dhulka, badaha, iyo hawada.

Halku-dhigga madasha ee ahaa: “Isku xirnaan aan hakad lahayn, fursado aan xad lahayn” (Seamless Connectivity, Limitless Possibilities), ayaa waxa ka soo qeyb-galay wakiillo ka kala socday in ka badan 70 Dowladood.

“Anagoo ka duuleyna muhiimadda ay badaha Soomaaliyeed u leeyihiin juqraafi ahaan dunida isku xirka qaaradaha, waxaa naga go’an horumarinta dekedaha dalkeenna. Waxaan mudnaan gaar ah siin doonaa dhismaha dekedo kala duwan sida kuwa ganacsiga iyo kalluumeysiga oo ay ugu horeyso Dhismaha Dekedda Cusub ee Muqdisho, taasoo ka dhigeysa Soomaaliya goob gananci oo aan u aragno il dhaqaale oo weyn iyo fursad shaqo abuur ballaaran u horseedi karta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada”.

Xukuumadda dan-qaran waxaa ka go’an horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.

Magaalada Dhuusamareeb oo laga xusay Maalinta Xorriyadda Jabuuti ee 27-ka Juun

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaas iyo saraakiil ka kala tirsan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Hiil-Walaal ee Jabuuti ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb uga qeyb-galay munaasabadda xuska 47-sano guurada ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay ka xorowday gumeystihii Faransiiska 27-kii Juun 1977-kii.

Dhuusamareeb waxaa degan qeyb kamid ah Ciidamada Hiil-Walaal ee Jabuuti, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal oo shacabka iyo dowladda Jabuuti ugu hambalyeeyey maalintaan weyn ayaa Saraakiisha iyo Ciidamada Hiil-Walaal ee Jabuuti uga mahadceliyey gacanta walaalnimo ee sugidda amniga iyo xasilinta deegaanada Galmudug ay ka geystaan.

Degmada Shibis oo ku guuleysatay Koobka Kubadda Koleyga Degmooyinka G. Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa galabta koobka Kubadda Koleyga ee Degmooyinka Gobolka Banaadir guddoonsiiyay Naadiga Kubadda Koleyga ee Degmada Shibis, kadib markii ay ciyaartii kama dambaysta ahayd 62–54 uga adkaadeen dhiggooda Degmada Hodan.

Duqa Muqdisho ayaa ugu hambalyeeyay Naadiga Degmada Shibis guusha ay ka gaareen tartanka, isagoo tilmaamay dadaalkooda iyo ciyaar wanaaggooda. Ciyaarta waxaa daawashadeeda kasoo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirro, Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimayaal, Guddoomiyeyaal Degmooyin iyo kumanaan taageerayaal ah.