Home Blog Page 145

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA LA-TALIYENIMO KA QAADAY MAXAMED XASAN IBRAAHIN (QOONE)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Lataliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada, Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu mar walba ka rajeynayaa masuuliyiinta uu u magacaabo xilalka sare ee Qaranka inay gacan ka geystaan horumarka iyo midnimada dalka, iyagoo waajibaadkooda u gudanaya si hufan, daacadnimo leh, isla markaana u hoggaansamaya mas’uuliyadda ka dhalata xilalka ay hayaan.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa uga mahadceliyay Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) muddadii uu u soo shaqeeyay Qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay duqeymo iyo dagaallo lagu naafeeyay Qawaarijta

0

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Sheekh Abuukar Maxamed ayaa ka warbixiyay duqeymo iyo dagaallo toos ah oo saacadihii lasoo dhaafay Khawaarijta lagu naafeeyay, kuwaas oo ka kala dhacay gobollada Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Galgaduud

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku sheegay deegaan si tooska ay oga dhaceen duqeymaha iyo weerarada lagu naafeeyay Kooxaha Qawaarijta in ay kala yihiin Owdheegle, Boos-hareeri,Sumadaale, Geerile, Doonka Shabeeloow, Ceel-buur iyo Laba-garas oo ka wada tirsan Gobollada Galgaduud, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Sheekh Abuukar ayaa oga mahadceliyay ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka sida dagaal ay ugu naafeeyeen Kooxaha Argixisada ee caadeytay daadinta dhiiga dadka muslimka ah.

Wasiir Axmed Fiqi oo sheegay in Wasaaraddiisu xoojinayso wadashaqaynta ay la leedahay qurbajoogta

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa xalay ka jeediyay khudbad xaflad af-fur ah oo Waaxda Qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda ay soo qaban-qaabisay oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda, isaga oo sheegay kaalinta wax ku oolka ah ee Qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib-u-kabashada iyo horumarka qaran ee dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in qurbajoogta Soomaaliyeed ay kaalin wacan ku leeyihiin dadaallada dib-u-kabashada, maalgeshiga iyo dib-u-dhiska dalka , isaga oo xusay in dhismaha Xarunta Maamulka Arrimaha Qurbajoogta Soomaaliyeed la guda-galay, bilooyin gudahooda ay ku idlaan doonto.

Wasiirka ayaa ku dhiirrigeliyay Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta, Dr. Maxamed Xuseen Gaas, inuu dardargeliyo wadashaqaynta dhow ee qurbajoogta iyo dadka ku soo guryo-noqday dalka ay la leeyihiin waaxda si loo adkeeyo kaalintooda muuqata ee horumarka leh.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay bisha barakaysan ee Ramadaan, isaga oo tilmaamay fadliga soonka iyo ka shaqaynta adeegga bulshada inta lagu gudo-jiro bishani fadliga ah.

Nidaam casri ah oo isku xiraya shaqo bixiyaasha iyo shaqo doonayaasha oo la daahfuray

0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon.Yusuf Mohamed Adan ayaa si rasmi ah u daahfuray Nidaamka Casriga ah ee Isku Xirka Loo Shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka (Somali National Job Portal), kaas oo wax weyn ka tari doona fududeynta helitaanka fursadaha shaqo ee dalka.

Munaasabadda daahfurka waxaa ka soo qeyb-galay wasiiro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, wakiillo ka socda Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Nidaamkan cusub ayaa wax weyn ka beddeli doona habka shaqo-doonayaashu u helaan fursadaha shaqo, isaga oo xoojinaya xiriirka ka dhexeeya loo shaqeeyayaasha iyo shaqo-doonayaasha. Wuxuu yareyn doonaa caqabadaha hor taagan in dhalinyarada Soomaaliyeed helaan shaqooyin ku habboon xirfadahooda iyo khibraddooda.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, oo ka hadlay munaasabadda daahfurka, ayaa xusay muhiimadda uu nidaamkan u leeyahay kobaca dhaqaalaha iyo horumarka waara ee dalka. “Tallaabadan waxay muujineysaa sida ay dowladda uga go’an tahay xallinta caqabadaha shaqo la’aanta, iyada oo la dhiirrigelinayo in fursadaha shaqo ee dalka si cadaalad ah loogu qeybiyo dhammaan muwaadiniinta,” ayuu yiri Wasiirka.

Nidaamka Casriga ah ee Isku Xirka Loo Shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin: Fududeynta Shaqo-helidda, Isku Xirka Loo Shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka, Kor u Qaadista Horumarka Dhaqaale iyo Hufnaan iyo Cadaalad.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa horey u qaaday dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo shaqo-abuurka, gaar ahaan dhalinyarada. Nidaamkan cusub ayaa qeyb ka ah qorshayaal ay wasaaraddu waddo si loo abuuro jawi shaqo oo casri ah, loona fududeeyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed helaan fursado ay noloshooda ku horumariyaan.

Dhammaan shaqo-doonayaasha iyo loo shaqeeyayaasha waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay si buuxda uga faa’iidaystaan nidaamkan cusub si loo hormariyo fursadaha shaqo ee gudaha dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hay’adaha ku shaqada leh u gudbiyey in ay soo buuxiyaan kursiga Hop#201

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in mudane ka tirsanaa golaha shacabka uu lumiyay xubinimadiisii Golaha, sidaasi daraadeedna looga baahanyahay hay’adaha ku shaqada leh in ay soo buuxiyaan kursiga lambarkiisu yahay Hop#201.

Maareeyaha SODMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray jalalaqsi

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo oo uu qeyb ka yahay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed, daqaatiir ka tirsan Hay’adda SoDMA iyo Isbitaal Madiina ayaa maanta gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Safarka Guddoomiyaha ayaa daarran xoojinta dadaallada bani’aadannimo ee dalka iyo u kuur-galidda xaaladda nololeed ee degmada iyo degaannada ku xeeran, isagoo gargaar loogu tala-galay dadka nugul oo daawo iyo cunno isugu jira ku wareejin doona maamulka degmada iyo hoggaanka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabeelle.

Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka, Guddoomiyaha degmada Md. Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere) Agaasimaha Guud ee Wasaaradd Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Hirshabeelle Md. Cabdifitaax Maxamed Yuusuf iyo masuuliyiin kale ayaa waftiga Guddoomiyaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Jalalaqsi.

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo jab xooggan gaarsiiyey khawaarijta

0

Ciidamada Qaranka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka mar kale cashar lama illaabaan ah u dhigay Khawaarijta nafla caariga ah, kadib markii ay isku dayeen inay weeraraan fariisimo ay leeyihiin Ciidamada Qaranka.

Degmada Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose iyo aaga deegaanka Buursha Sheekh ee gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa Khawaarijta saaka si wayn loogu jabiyay, iyadoo la gaarsiiyay khasaare badan.

Dhanka kale, Ciidamada Qaranka ayaa xalay howlgal qorshaysan ku burburiyay goob Khawaarijtu ay isku aruursanayeen oo ku taalla deegaanka Laba-Garas ee gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaasi lagu laayay dhammaan maleeshiyaadkii cadowga ahaa ee joogay.

Goor dhow la soco faah-faahino dheeraad ah oo ku saabsan howlgaladaan.

Xubno ka socda Golaha Warbaahinta oo soo dhaweyn sare loogu sameeyay magaalada Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb, Maarso 15, 2025- Xubno ka socda Gowlaha Warbaahinta Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug ayaa xalay halkaas loogu sameeyay afur si heer sare ah loo soo agaasimay, kaas oo lagu qabtay guriga Boqor Bashiir Ciise.

Munaasabadda afurka soo dhaweynta xubnaha Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed waxaa ka qeybgalay wasiirro ka tirsan Maamulka Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Cilmi Cali Ganey, agaasimayaal iyo Ururrada bulshada, kuwaas oo dhamaan Golaha ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee dalka u hayaan oo ay ugu horeyso garaad dhiska bahda Warbaahinta Soomaaliyeed.

Wasiirada, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo Boqor Bashir Ciise ayaa dhankooda tilmaamay muhiimadda Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed u leeyahay dalka guud ahaan, kaas oo dhisaya garaadka aqooneed ee bahda Saxaafadda, islamarkaana horseedeya isku-xirka dhamaan Warbaahinta Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, si kor loogu qaado wacyigelinta bulshada.

Madaxa Tababarrada Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed Hinda Jaamac iyo Lataliyaha sare ee Golaha Abdiqani Cabdullaahi ayaa dhankooda ka mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay iyagoo ku sheegay in ujeedka u yimaadeen Dhuusamareeb tahay Tababar la xiriira horumarinta aqooneed ee bahda Saxaafadda Galmudug, taas oo qeyb ka ah qorshaha Golaha garaad dhiska suxufiyiinta soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta ka socda Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu wadaa inay magaalada Dhuusamareeb ka furaan tababar la xiriira xoojinta xirfadaha suxufiyiinta, kaas oo socon doona muddo 3 maalin ah. Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu howlan sidii sare loogu qaadi lahaa tayada Warbaahinta dalka, si kor loogu qaado wacyiga bulshada Soomaaliyeed.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, isla markaana abaalmarinno lacageed guddoonsiiyey guuleystayaashii kaalimaha hore ka galay tartanka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khadka fogaan aragga kaga qeybgaley Shir Madaxeedka 43aad ee caadiga ahayn, kaa oo lagu gorfeeyay xaaladda Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khadka telefonka kula hadley Madaxweynaha Koonfuurta Suudaan Salva Kiir Mayardit iyo Madaxweyne Ku-Xigeenkiisa Riek Machar, isagoo kala hadley xaaladda amniga ee dalkaasi, uguna baaqey labada dhinac inay miiska wadahadalka ku soo laabtaan.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib socdaal shaqo uu ku tegay Imaaraadka Carabta, halkaasina kulamo kula yeeshay madaxda dalkaas.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyay askar ku soo dhaawacantey hawlgalada looga soo horjeedo Khawaarijta ee ka socda dalka.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan afur ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan afur ah ku maamuusay haldoorka haweenka Soomaaliyeed, ayaa bogaadiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo dib u xoreynta dalka,

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Jimcada kula tukaday masuuliyiinta Dowladda iyo shacabka Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka caasimadda kala qeyb-galay afur wadareed ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha, taasi oo muujinaysa horumarka amni ee ka hirgalay caasimadda Muqdisho.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatey Danjiraha Sudan u fadhiya Soomaaliya Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daah-furay Tartanka Qur’aan Akhriska sannadlaha ah ee heer qaran.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa booqday dhaawacyada Ciidamada Qalabka Sida ee qeybta ka ahaa dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta.

14- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda amniga guud ee dalka, dardargalinta hawlgallada dib-u-xoreynta iyo arrimo kale.

15- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa bulshada Degmada Dayniile kala qayb-galay afur wadareed ay soo diyaariyeen Maamulka Degmada Deyniile ee Gobalka Banaadir.

16- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa shir-guddoomiyey kulan looga hadlaayay qorshaha suggida amniga magaalada Muqdisho.

17- Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in hawgaladii ugu dambeeyey ee dhanka cirka ah ee ay fuliyeen Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka lagu dilay in ka badan 150 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta ayna ku jiraan horjoogeyaal sare.

18- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa u mahadceliyay Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka oo meel-mariyay 3 Hindiso-Sharciyeed oo muhiim u ah hannaanka horumarinta maaliyadda dalka.

19- Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa kulan la yeeshay Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mudane George Conway.

20- Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh oo daah-furay xeerka aqoonsiga qaxootiga iyo magan-gelyo doonka.

21- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa cambaareeyay weerarka fuleynimada ahaa ee ay Khawaarijta ka geysteen Hotel Qaahira oo ku yaalla magaalada Beled Weyne.

22- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan la qaatay guddiga u xil saaran maareynta iyo dib-u-hagaajinta biyo-qabadyada iyo biyo-mareenada magaalada Muqdisho, si loogu diyaar garoobo xilli roobaadka soo socda.

23- Wasiirka Hawlaha Guud, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Madaxa Hay’adda UNOPS ee Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan daraasadda iyo naqshaqeynta kaabayaasha dhaqaalaha magaalooyinka Baledweyne iyo Dhuusamareeb oo qeyb ka ah Mashruuca Nagaad .

24- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Muqtaar Roobow oo ay wehliyaan qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdishu ayaa ka hadlay hawlgalada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta.

25- Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro Khawaarijta ay kaalin weyn ku leeyihin Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo adeegsanaya diyaarado ay Dowladda Soomaaliya leedahay.

26- Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay in hawgallo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay horjooge Yuusuf Dhegnaas iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtu oo gaaraaya 20.

27- Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa kulan fogaan arag ah la yeeshay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.

28- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka iyo culimada soomaaliyeed. Waxaana kulankaasi looga hadley is-waafajinta xeerka hay’adaha maaliyadda dalka mabaadii’da Shareecada Islaamka iyo maslaxadda ummadda soomaaliyeed.

29- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga Fatxudiin Cali Ospite ayaa waraaqaha aqoonsiga ee danjiranimo u gudbiyey Madaxweynaha Georgia, Mudane Mikheil Kavelashvili.

30- Hay’adda Nabadsugidda ayaa shaacisay in duqeyn lagu dilay Farxaan Cusmaan Xasan oo loo yaqaan Jacfac Karuur oo ahaa Madaxii Qaraxyada u qaabilsanaa Khawaarijta gobolka Banaadir iyo Shabeelaha Hoose, iyo Madaxii Maaliyadda Sh/hoose Axmed Gumaar

31- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta ee Safaaradda Britain Dr. Christopher Pycroft.

32- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Hey’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Safaaradda Britain Dr. Christopher Pycroft.

33- Ciidanka Nabadsugidda Qaranka NISA, ayaa fuliyay hawlgal duqeyn ah oo lagu dilay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad firxad ah oo ku sugnaa gobolka Shabeellaha Dhexe.

34- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadija Mohamed Al-Makhzoumi ayaa ka qeyb gashey furitaanka Shirweynaha Caalamiga ah ee Komiishinka Xaaladaha Haweenka ee kulankiisa 69aad oo ka dhacay magaalada New York.

35- Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Xoosh ayaa daah furay kulanka Wacyigelinta iyo Baraarujinta Doorashooyinka, isagoo xusay in xoogga la saari doona sare u qaadidda wacyiga bulshada ee ku aadan hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ah .

36- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shahaadada rasmiga ee ururnimo gudoonsiiyey Ururka Midowga Soomaaliya, iyadoo lagu guda jiro hannaanka diiwaangelinta ururrada siyaasadeed ee dalka.

37- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alper Aktas oo yeeshay wadahadal khadka telefoonka ah.

38- Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa burburiyay buundo macmal ah oo ay ka soo gudbeen Khawaarijtii ka dagaalantay Gobolka Shabeellaha Dhexe, taas oo ku taalla deegaanka Aw-Baalle.

Ciidanka Qaranka oo duqeyn ku dilay 41 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgallo duqeyn ah ka fuliyey deegaanka Boos-Hareeri ee gobolka Shabeellada dhaxe iyo deegaanka Jambaluul gobolka Shabeellaha hoose ayaa dilay 41 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ayaa ka dhacay deegaanka Boos-Hareeri ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaariijta oo gaarayay 29 xubnood.

Sidoo kale duqeyn ay deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ka fulisay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa lagu Khaarijiyay 12 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta. Howlgalladan oo maanta soo bilowday ilaa iyo haddana socda ayaa jab xoog leh lagu gaarsiiyay Argagixisada.

Hay’adda NISA, waxa ay dadka rayidka ah ku wargalineysaa in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaariijta ee bartilmaameedka u ah Ciidanka Qaranka.