Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimaddaย 

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa daahfuray mashruuca ololaha nadaafadda caasimadda ee dib-u-soo-celinta bilicda magaalada, kaas oo laga bilaabay waddada dheer ee Wadnaha, gaar ahaan qeybta u dhaxeysa degmooyinka Shibis iyo Yaaqshiid.

Ololahaan waxaa ka qeybgalay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, madaxda maamulka gobolka iyo shaqaalaha dowladda hoose ee Xamar.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in ay ka goโ€™an tahay in Muqdisho la gaarsiiyo heerka caasimadaha horumaray, isagoo xusay in waaxda nadaafadda laga dhigi doono mid si joogto ah u shaqeysa, laguna xoojin doono tiro iyo tayo ahaanba.

Wuxuu sidoo kale ballan qaaday isla xisaabtan dhab ah oo lala yeelanayo shirkadaha bah-wadaagta la ah maamulka ee ka shaqeeya nadaafadda, isagoo xusay in saddex boqol oo aqoonyahan ah loo wareejiyay waaxda nadaafadda si ay ololaha u fuliyaan.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka uu dhowaan la imaan doono qalab casri ah oo lagu shaqeeyo, isla markaana la hirgelin doono sharciga nadaafadda, isagoo bulshada ku dhiirrigeliyay inay ka qeybqaataan sugidda amniga iyo bilicda caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...