Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo bogaadiyay guusha kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma

Date:

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga, Ibraahim Cumar Sheegow,ayaa ka qaybgalay daawashada gabagabadii tartanka kubadda cagta oo lagu qabtay magaalada Roma, caasimadda Talyaaniga.

Ciyaarta kama dambaysta ah (finalka) ayaa dhexmartay kooxo matalayay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga iyo kuwa dalka Gambia. Ugu dambeyn, guushu waxay raacday kooxda ka socotay jaaliyadda Soomaaliyeed kadib markii ciyaartu ku dhammaatay rigoorayaal (gool-ku-laadyo) loo dhigay labada kooxood.

Danjiraha oo u tegay garoonka si uu u dhiirrigeliyo ciyaartoyda Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay ciyaar wanaagga, xirfadda iyo isku-duubnida ay muujiyeen intii ay ciyaartu socotay. Waxa uu ku ammaanay guusha ay soo hooyeen iyo sida ay isugu xilqaameen in ay magac wanaagsan u soo hooyaan qaranka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma.

Danjiraha ayaa sidoo kale u ballanqaaday ciyaartoyda in safaaraddu sii wadi doonto garab istaagga iyo taageerada ay siiso ciyaartoyda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyaaniga, si loo adkeeyo isdhexgalka dhalinyarada iyo xoojinta midnimadooda.

Tartankani wuxuu qeyb ka yahay barnaamijyada isdhexgalka bulshada, waxaana sanad walba loo qabtaa jaaliyadaha dalalka shisheeye ee ku nool Talyaaniga, iyadoo sidoo kale la qabto bandhigyo dhaqameedyo kala duwan. Barnaamijkan wuxuu qeyb ka yahay qorshaha #MatteiPlan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...