Guddomiyaha golaha shacabka oo xafiiskiisa kula kulmay Safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SONNA), Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari,  Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya, Veronique  Lorenzo oo ay ka wada hadleen dhowr arrimood oo ku qotoma xaaladdaha dalka.

arrimaha ay ka wada hadleen Guddoomiyaha iyo Safiirku, waxaa ka mid ah dhameystirka Dastuurka Qaranka iyo sidoo midowga Yurub uu door muuqda uga qaadan lahaa guddomiye jawaari ayaana u sheegay Danjiraha in dowladda Soomaaliya ay dib u eegista dastuurka ku saleyn doonto baahida iyo rabitaanka Bulshada Soomaaliyeed.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Yurub ay ka go,antahay in Soomaaliya ay la garab istaagaan taageero dhinacyo badan sida in Qubaro loo soo diro Soomaaliya iyo taageero maaliyadeed intaba si dastuurka loo dhameystiro.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mr Jawaari, ayaa sidoo kale la kulmay Safiirka dowladda Ingiriiska u Qaabilsan Soomalaiya oo uu kala hadlay sidii dowladda Britain usii kordhi lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....