Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo kormeeray Jaamacadda Khayre ee Baydhabo

Date:

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kormeeray Jaamacadda Khayre University ee Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay ahna Caasimada KMG ah ee Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Kormeerka ay Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku wehlinayay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya kuwaa soo booqday qeybaha kala duwan e Jaamacadda.

Xildhibaanada kormeerka ku tagay Jaamacada Khayre University ee Baydhabo ayaa waxaa hugaaminaayay Xildhibaan Idiris Cabdi dhaqtar oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Jaamacadda Khayre University ee Magaalada Baydhabo ee Xauunta Gobolka Baay ayaa hirgaliyay R/wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre waxaana Jaamacadda si lacag la’aan ah Wax kaga barta Arday gaaraysa 150 kuwaa soo ka soo jeeda qoysas dan yar ah.

Siraaji shiikh Isaaq Wariyaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ee Gobolka Baay ayaa soo sheegaya in Jaamacadda Khayre University ee Magaalada Baydhabo in Xildhibaanadu xogwareysi la yeesheen Howl wadeenada Jaamacadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...