Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo kulan la qaatay R/wasaaraha Masar

Date:

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumada Fadaraalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khaddar iyo wafdi ay kamid yihiin wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, wasiir ku xigeenka  dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo agaasimaha waaxda carabta ee wasaarada arrimaha dibada oo mudo sadax cisho ku sugnaa magaalada Sharma Sheikh halkaas oo ay uga qeyb galayeen shirka dhalinyarada caalamka oo sanadkaan ay marti galisay dowladda Masar aya dalka dib ugu laabtay.

ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumada fedaraalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar  ayaa marka hore u mahad celiyay safaaradda Soomaaliya ee Masar waxana uu iiga warbixiyay kulamadii uu la yeeshay madaxweynaha masar C.fitaax Siisi iyo raiisul wasaaraha masar Sharif Ismaciil Maxamed intii uu ku sugna magaalada Sharma Sheikh.

“ugu horeyn waxan rabaa inan munaasabadaan ugu faa’ideysto una mahad celiyo marka u horeysa safaarada Soomaaliya ee qaahira safiir ku xigeenka Ilyaas Sheikh iyo masuuliyiinta kale ee safaarada oo runtii aad iyo aad inoo soo dhaweeyay inta joognay Sharma Sheikh, waxan fursad u helay inan la kulmo madaxweynaha masar C.fitaax Siisi oo waqti dheer wada qaadanay, arrimaha soomaaliya aya ka wada hadalnay sida labada dal ay isaga kaashan karaan oo gacmaha isku qabsan karaan, balamihii madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa markii ay masar so gaareyn u qaadeena uu diyaar u yahay inu fuliyo waxyaabo badan, inagu dabagalkeedu nagu xiran yihiin,waxa kale oo aan fursad u helay inan la kulano ra’iisul wasaaraha masar Sharif Ismaciil Maxamed, Masar waxay dooneysa dhowr meel oo waaweyn oo ilaha dhaqaalaheenna ku xiran inay gacan saar nagala yeeshan oo ay ka mid tahay xoolaha,kaluumeysiga ,beeraha, biyaha iyo tamarta, dhinac walba ayey diyaar u yihiin, inan gacamaha isqabsano oo iskaashi ka yeelano”

Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wafdiga uu hoggaaminayay aya dalka dib ugu laabtay kadib marku so gabagaboobay maalintii khamiista shirkii dhalinyarada caalamka ee ka socday magaalada Sharma Sheikh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA oo furimaha hore ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA),ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Serbiya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Hantidhowraha Guud ee JFS oo ka qeybgalayo Shirweynaha Maareynta Deymaha Caalamiga ah ee QM

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale,...

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo daah-furay qalabka diiwaangelinta cod-bixiyaha

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane...