Kulan looga hadlayay baahiyaha ka jira Hirshabeelle oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Date:

Jowhar(SONNA) Kulan hal maalin socday loogana hadlaayay siddii loo dabooli lahaa baahiyaha kala duwan ee ka jra maamulka Hirshabeelle ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta Maamulkaasi.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Qorsheynta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyadoo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ee Dowladda Federaalka,Hay’ado ka socday Qaramada Midoobay,Mas’uuliyiin ka kal socday Hirshabeelle,Shabeellaha dhexe,kan degmada Jowhar iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan ee Hirshabeelle.

Ugu horeyn,waxaana kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan oo u mahad celiyay Hay’adaha iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee kulanka ka soo qeyb galay.

Wuxuuna Axmed Meyre Makaraan kula dardaarmay ka soo qeyb galayaasha iney faa’dada ay helaan ku celiyaan shacabka ay ka soo tageen si ay uga faa’ideystaan.

Sidoo kale,Waxaa,isna halkaasi ka hadlay sii hayaha xilka wasaarada Qorsheynta Hirshabeelle,Maxamed Cabdi C/laahi,isagoo faah faahiyay muhiimada kulanka.

Waa kulankii ugu horeeyay oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta ee Hirshabeelle ee looga hadlayo sidii loo dabooli lahaa baahiyaha ka jira Dowladda Goboleedka Hirshabeelle.                                                                  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celisay muwaadiniin ku xirnaa dalka Liibiya

Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo gacan ka heleeyso hay'ada socdaalka...

Midowga Afrika oo DFS ku bogaadiyey dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo qorshaha doorasho qof iyo cod ah

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf oo booqasho rasmi...

Bandhigga Farshaxanka iyo Dhaqanka Bariga Africa oo Lagu soo Geba-gabeeyay Addis Ababa

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud...

Taliyaha Boliiska oo xarigga ka jaray dib u habeyn lagu sameeyey Xarunta Hogaanka Gaadiidka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...