Home Blog Page 1452

Mareykan oo hub casri ah ka iibinaya Sucuudiga

0

(SONNA)- Xukuumada Mareykanka ayaa ogolaatay in Boqortooyada Sacuudi Careebiya  laga iibiyo Gantaalada loo yaqaano THAAD  oo ay ku bixin doonta lacag gaaraysa 15 bilyan oo Doollar,kaasoo loogu tala galay in ay ku xoojiso awoodda difaaca dalkeeda.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka  oo warkan shaacisay waxay kale oo sheegtay in Gantaaladan  ay xoojin doonaan ammaanka Sacuudiga iyo dalalka kale ee gacanka xilli ay sii kordhayso khatarta uga imanaaysa dibadda.

Gantaaladan loo yaqaano Thaad ayaa Mareykanka waxa ay horey u geeyeen Kuuriyada Koonfureed si ay isaga difaacaan haddi Kuuriyada Waqooyi ay weerar soo qaado.

Waxa ay Gantaalada Thaad ay awood u leeyihiin in ay soo ridaan gantaalada riddada dhexe iyo kuwa Riddada dheer.,Waxa ay ka hortagi karaan gantaalada ku socda xawaaraha dheer, wuxuuna gaari karaa 2000 km.

Wuxay kaloo Gantaalada uu Mareykanku ka  iibinayo Sacuudiga ay ka  sameysan yihiiin qalb Raadaar ah oo horumarsan.

Howlgallo amni xaqiijin ah oo laga fuliyay Degmada Buur-hakaba

0

Maamulka Degmada Buur-hakaba ee Gobalka Baay ayaa faahfaahin ka bixiyay howgallo amni xaqiijin ah oo laga sameeyay  deegaano hoos yimaada Degmada.

Guddoomiyaha Degmada Buur-hakaba Maxamed Nuur Ibraahim oo gordhow la hadley Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid looga hortagayay dhagaraha ay maleegayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana lagu xoojinayo Nabadgelyada Degmada.

“Howlgalka waxaa laga fuliyay meel degmada u jirta 15 km, oo lagu sheegay inay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, balse markii ay ciidamada halkaasi ku baxeen, waa ay isaga carareen kooxihii Nabad diidka ah ee deegaanka ku soo dhuuntay, mana jirto cid lagu soo qabtay” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada.

Mudane Maxamed Nuur Ibraahim ayaa sheegay in Degmadu aysan ka jirin adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo kuwa kale oo aas aasiga u ah nolosha beni’aadamka, waxaana uu intaa ku daray inay xoogga saarayaan sidii ay dib u soo celin lahaayeen adeegyada bulshada.

Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo xilka la wareegtay

0

Xisaabiyaha guud ee Qaranka Marwo Faaduma Cusmaan ayaa maanta si rasmi ah xilkeeda ugala wareegtay xisaabiyihii hore ee dowladda Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) , iyadoo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda, La taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Siyaasadda Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Xil-wareejinta ayaa ka dhacdey Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Xisaabiyihii hore ee dowladda ayaa ug u hambalyeeyey Faaduma Cusmaan mas’uuliyadda adage ee loo igmaday, waxa uuna Alle uga baryey in uu la garab-galo, dhanka kale waxa uu sharraxaad ka bixiyey wixii u qabsoomey shantii sanno ee u dambeysay ee uu ahaa Xisaabiyaha guud ee Qaranka, guulo badanna laga sameeyey Xafiiska iyo howlaha dhinaca Xisaabaadka.

Golaha Wasiiarad ayaa dhawaan Faadumo u magacaabay inay qabato xilka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Xisaabiyaha guud ee Qaranka Marwo Faaduma Cismaan Faarax, waxay sanadkii 1981 ka baxday Machadkii Technico de Bancairo oo xisaabaadka iyo arrimaha Bankiyada ay ka baratay, sanadihii 1982-1986 waxay ka qalin jebisay maamulka iyo Maareynta ee SIDAM, sidoo kale waxay sanadihii 1987-1989 ka qalin jebisay Jaamacadda Universita de Sapienza ee dalka Talyaaniga oo shahaadda labaad ee xisbaadka ay ka qaadatay. Tabaarro dhinaca xisaabaadka iyo dhaqaalaha ah ayey ku qaadatay dalka Canada intii ka danbeysay sanadkii 2000.

Sanadihii 2010-2012 waxay madaxda maalgelinta ka noqotay Bankiga ganacsiga Talyaaniga, faraciisa Woodbridge, Ontario, Canada.

Maamulka Degmada Howlwadaag oo la wareegay deeq daawo ah

0

Maamulka Degmada Howlwadaag  ayaa maanta la  wareegey deeq daawo ah oo loogu tala galey xarunta Hooyada iyo dhallaanka ee Degmada.

Deeqadan oo aheyd daawo loogu talagalay inay ku shaqeyso xarunta Hooyada iyo dhallaanka Degmada Howlwadaag  ayaa Guddoomiyaha Degmada Cabdikariin Cali Kaar uu kala wareegay Hay’ad lagu magacaabo Freight for humanity oo ka shaqeysa arrimaha samafalka kadib munsaabad kooban oo lagu qabtay xarunta Degmada Howlwadaag, taasi oo ay  goobjoog ka haayeen qaar ka mid ah dadka Degmada.

Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ah Agaasimaha guud ee Hay’adda deeqdan daawada ah soo gaarsiisay Degmada Howlwadaag ayaa sheegay in dawooyinkan loogu talagalay Hooyada iyo dhallaanka Degmada, isla markaana loogu adeegi doono bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa balan qaaday in deeqda daawada ah lasoo gaarsiiyay ay si siman uga faa’iideysan doonaan shacabka Degmada oo uu sheegay inay qabaan baahiyo badan oo dhanka caafimaadka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Dalka Filand

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Farax Juxa ayaa magaalada Helsinki ee Dalka Findland kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi Mrs. Paula Risikko.

Labada Wasiir waxay kulankooda kaga wada hadaleen xiriirka labada dal, doorka qurba-joogta Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan dib u dhiska dalka iyo geeddi-socodka barnaamijka dib-u-heshiisiinta, kaasi oo ay Dowladda Findland taageero weyn ka geysaneyso.

Beryihii la soo dhaafay ayay Wasiirada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Waxbarashada, Haweenka iyo la taliyayaal sare safar shaqo ku joogeen magaalada Helsinki ee Caasimadda Wadanka Filand, halkaasi oo ay kaga qeybgaleen shir looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya.

R/Wasaare Khayre oo ka Tacsiyeeyey Geeridii Marxuum Gen. Badmaceeye

0

Ra’iisul Wasaaraha Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Saraakiil iyo Siyaasiyiin ayaa ka qeyb galay salaadda Janaasada ee Marxuum Gen. Maxamed Sheekh Cismaan (Badmaceeye) oo dhowaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi u diray eheladda, qarabada iyo guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku, isagoona ALLE uga baryey in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo.

Marxuumka ayuu ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu inuu ahaa shaqsi qiimo weyn ku dhex lahaa Ciidanka Xoogga iyo guud ahaan-ba dalka. Waxaanu yiri “Innaa LI-LAAHI, wa innaa ILLAAHI RAAJICUUN. Marxuum Jen. Maxamed Sheekh Cismaan (Badmaceeye) ILLAAHAY (SWT) ha u naxariisto, wuxuu ahaa nin weyn oo dalka iyo dadkaba qiimo ugu fadhiyay, Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo kuligeen-ba ILLAAHAY (SWT) Samir iyo iimaan haka siiyo”.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa sheegay in Marxuum Jeneral Badmaceeye uu ahaa shaqsi jecel wadankiisa. Isla markaana uu

kamid ahaa Saraakiishii Ciidanka XDS oo nidaamka dawladnimada ee Soomaaliya kaalin fiican ka soo qaatay.

 —DHAMMAAD—-

Dowladda Suudaan oo soo dhaweysay cunaqabateyntii uu ka qaaday Mareykanka

0

Dowladda Suudaan ayaa soo dhaweysay cunaqabateyntii dhinaca dhaqaalaha ee laga qaaday, taasi oo saarneyn muddo 20-sano ah.

Suudaan ayaa sheegtay in arintaani ay tahay talaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka horumarka, waxeyna intaasi raacisay in lagu soo beegay xili munaasib ah.

Talaabadan ayey Suudaan sheegtay in ay kaalin weyn ka qaadaneyso horumar iyo koboc uu sameeyo dhaqaalaha Suudaan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan.

“Tani waxey keeneysaa in dib uu usoo noqdo xiriirka nidaamka Banki ee Suudaan ay la leedahay Bankiyada caalamka” ayuu yiri guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Suudaan.

War Maraykanka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan ay horumar ka samaysay xuquuqul insaanka.

Dalka Suudaan waxaa saarnaa cunaqabatayn ganacsi iyo xayiraado kaleba. Geedisocodka Suudaan xayiraada looga qaaday waxaa bilaabay madaxweynihii Barack Obama.

Shir looga hadlayo saameyn abaarta iyo sida looga kabsan karo oo Muqdisho ka furmay”Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Shirkan oo  looga hadlayo habka qiimeynta saameynta abaaraha iyo sida looga soo kabsan karo ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka waxaa ka qeyb galaya madax ka socota dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka, waxaana la qorsheeyey in uu socdo muddo sadex maalin ah.

Dhinacyada ka qeyb galaya oo beesha caalamka ay qeyb katahay ayaa mudda uu soconayo shirka waxa ay kaga doodi doonaan sidii ka hortag loogu sameyn lahaa abaaraha soo noq noqday.

Wasiirka Gargaarka Drs Maryan Khaasim iyo wasiirka qorsheynta ayaa kamid ah masuuliyiinta dowladda eek a qeyb galay shirka, waxaana ay talooyin ka bixiyeen ahmiyadda ay leedahay in laga shiro sida looga soo kabsan karo saameynta abaarta.

Gaba gabada shirka waxaa la filayaa in laga soo saaro talooyin muhiim ah oo wax ka taraya in kahortag lagu sameeyo abaarta, si aaney u badan saameynta ay ku yeelato dadka Soomaaliyeed.

 

R/Wasaare Khayre oo ka Tacsiyeeyey Geeridii Marxuum Gen. Badmaceeye

0

Muqdisho, 07 October 2017…..Ra’iisul Wasaaraha Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Saraakiil iyo Siyaasiyiin ayaa ka qeyb galay salaadda Janaasada ee Marxuum Gen. Maxamed Sheekh Cismaan (Badmaceeye) oo dhowaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi u diray eheladda, qarabada iyo guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku, isagoona ALLE uga baryey in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo.

Marxuumka ayuu ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu inuu ahaa shaqsi qiimo weyn ku dhex lahaa Ciidanka Xoogga iyo guud ahaan-ba dalka. Waxaanu yiri “Innaa LI-LAAHI, wa innaa ILLAAHI RAAJICUUN. Marxuum Jen. Maxamed Sheekh Cismaan (Badmaceeye) ILLAAHAY (SWT) ha u naxariisto, wuxuu ahaa nin weyn oo dalka iyo dadkaba qiimo ugu fadhiyay, Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo kuligeen-ba ILLAAHAY (SWT) Samir iyo iimaan haka siiyo”.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa sheegay in Marxuum Jeneral Badmaceeye uu ahaa shaqsi jecel wadankiisa. Isla markaana uu kamid ahaa Saraakiishii Ciidanka XDS oo nidaamka dawladnimada ee Soomaaliya kaalin fiican ka soo qaatay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Filand

0

Helisinki(SONNA)–Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Farax Juxa ayaa Magaalada Helsinki ee Dalka Findland kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi Mrs. Paula Risikko.

Labada Wasiir waxay kulankooda kaga wada hadaleen xiriirka labada dal, doorka qurba-joogta Soomaaliyeed iyo geeddi-socodka barnaamijka dib-u-heshiisiinta, kaasi oo ay Dowladda Findland taageero weyn ka geystao.

Beryihii la soo dhaafay ayay Wasiirada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Waxbarashada, Haweenka iyo la taliyayaal sare safar shaqo ku joogeen Magaalada Helsinki ee Caasimadda Wadanka Filand, halkaasi oo ay kaga qeybgaleen shir looga hadlaayay Arrimaha Soomaaliya.