Seddax Qof oo ku dhintay toogasho ka dhacday Dukaan ku yaalo Mareynkanka

Date:

Muqdisho(SONNA) Saddex Qof ayaa la dilay ka dib toogasho ka dhacday dukaanka Walmart ย ee magaalada Thornton ee dalka Mareynkanka, sida uu sheegay Booliska.

Kooxo hubeysan ayaa habeenkii arbacada ahayd rasaas ku furay gudaha Dukaan ku yaalo magaalada Thornton ee Gobolka Colorado,taasoo sababtay geerida labo ruux halka haweeney kale dhaawac uu soo gaaray markii danbe Cisbitaalka ugu geeriyootay,sida ay sheegeen Waaxda Booliska magaalada Thornton.

Booliska ayaa sheegay in dhacdadaan tuhmanayaal loo qabtay kuwaasoo hadda suโ€™aalo la weydiinayo,mana jirto cid ilaa iyo hadda loo xiray arintaan,sida Booliska ay sheegeen.

Saacad ka dib markii feejignaan sare lagu jiray ayay Booliska waxay sheegeen in qatarka kooxaha hubeysan lagu idleeyay gudaha Dukaanka.

โ€œMarkii rasaasta ay bilaabatay durba waxaa bilowday cabsi iyo kala carar macaamiiska ku dhacayโ€ ayuu yiri mid ka mid dadkii dukaameysanayay.

Dhacdooyinka ceynkani oo kale ayaa ku cusbeyn dhegaha Shacabka Mareynkanka,waxaana dhacdadii ugu danbeysay ay ka dhacday magaalada New York oo lagu dilay seddeed qof halka 11-kalena la dhaawacay ka dib markii baabuur uu jiidhsiiyey baabuur uu waday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...