Seddax Qof oo ku dhintay toogasho ka dhacday Dukaan ku yaalo Mareynkanka

Date:

Muqdisho(SONNA) Saddex Qof ayaa la dilay ka dib toogasho ka dhacday dukaanka Walmart  ee magaalada Thornton ee dalka Mareynkanka, sida uu sheegay Booliska.

Kooxo hubeysan ayaa habeenkii arbacada ahayd rasaas ku furay gudaha Dukaan ku yaalo magaalada Thornton ee Gobolka Colorado,taasoo sababtay geerida labo ruux halka haweeney kale dhaawac uu soo gaaray markii danbe Cisbitaalka ugu geeriyootay,sida ay sheegeen Waaxda Booliska magaalada Thornton.

Booliska ayaa sheegay in dhacdadaan tuhmanayaal loo qabtay kuwaasoo hadda su’aalo la weydiinayo,mana jirto cid ilaa iyo hadda loo xiray arintaan,sida Booliska ay sheegeen.

Saacad ka dib markii feejignaan sare lagu jiray ayay Booliska waxay sheegeen in qatarka kooxaha hubeysan lagu idleeyay gudaha Dukaanka.

“Markii rasaasta ay bilaabatay durba waxaa bilowday cabsi iyo kala carar macaamiiska ku dhacay” ayuu yiri mid ka mid dadkii dukaameysanayay.

Dhacdooyinka ceynkani oo kale ayaa ku cusbeyn dhegaha Shacabka Mareynkanka,waxaana dhacdadii ugu danbeysay ay ka dhacday magaalada New York oo lagu dilay seddeed qof halka 11-kalena la dhaawacay ka dib markii baabuur uu jiidhsiiyey baabuur uu waday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...