Home Blog Page 1450

R/wasaare Khayre oo ka qeyb galay Munaasabad looga hadlayey Taakuleynta Ciidamada.(Sawirro)

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa ka qeyb gaay munaasabad lagu soo bandhigeyey waxii u qabsoomay Guddiga Taakuleynta Ciidanka qalabka sida, ee dhawaan uu magacaabay Madaxweyne JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiga ayaa sheegay iney diyaariyeen dariiq ay Shacabka Soomaaliyeed ku soo gaar siin karaan kaalmada ay ugu talagaleen in lagu caawiyo ciidankooda.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xusay muhiimadda ay Ciidamadu u leeyihiin dal kasta iyo sida Soomaaliya ay maanta ugu baahan tahay soo celinta karaamadii ay lahaayeen ciidankeenu. Isagoona baaq ku aaddan iney ciidamadooda taageeraan u diray bulshada Soomaaliyeed, ay garab istaagaan hawlaha lagu horumarinayo dhismaha dawladnimada.

Mudane Khayre ayaa balan qaaday in Xukuumaddu ay 20 kun dollar siin doonto gudiga taakuleynta Ciidamada si loo dar-dargeliyo hawlaha gudiga.

Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dawladda, maamulka gobolka Banaadir, saraakiil iyo siyaasiyiin.

Qaar kamid ah guddiyada Golaha Shacabka oo kulmay

0

Muqdisho(SONNA) Guddiyadaan oo kala ah:-Guddiga Warfaafinta, Guddiga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga,Guddiga Wadooyinka Dekkadaha, Garoomada iyo Guddiga Garsoorka ayaa Maanta yeeshay kulan howleedkooda.

Guddiga Warfaafinta, Wacyi-galinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaadhsiinta ayaa kulankooda uu Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xil Khalid Macow Abdulkadir ayaa  ku saabsanaa falanqaynta wax kabadalka hindise Sharciyeedka Saxaafada oo uu dhawaan Golaha shacabka horkeenay wasiirka wasaarada Warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa ajandahoodu ahaa sii ambaqaadida howlaha Guddiga iyo dhagaysiga Warbixinta Guddi hoosaadka warshadaha iyadoo uu shir-guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Xil Maxamuud Abdiraxmaan Beenebene.

Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha shacabka ayaa iyana kulankooda uga dooday Hindise sharciyeedka la dagaalanka Musuqmaasuqa oo uu maalmihii lasoo dhaafay guddiga ka doodayay Shir-guddoomiyaha kulanka ayaa ahaa Guddoomiyaah Guddiga Sharif Sheekh Maye.

Guddiga Wadooyinka Dekkadaha, Garoomada, Tamarta iyo Gaadiidka ayaa kulankooda waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir ajandaha kulanka ayaa ahaa kala xog qaadasho iyo kala habeynta howlaha Guddiga horyaala.

R/wasaaraha Bangaladesh oo sheegtay in ay naftooda u hurayaan Muslimiinta Rohingya

0

Daka-(SONNA)- R/wasaaraha dalka Bangaladesh Sheekh Xasina ayaa sheegtay in shacabka dalkeeda  ay diyaar u yihiin inay yareeyaan waxa ay maalintii cunayaan si ay u saacidaan boqolaalka kun ee muslimiinta Rohingya, kuwaasi oo ka soo barakacay degaanadooda dalka Maymar.

Hadalka R/wasaaraha ayaa yimid ka gadaal markii Todobaadyadii tagay dalkeeda u soo barakaceen in ka badan Nus milyan qof oo muslimiinta Rohigya ah,kuwaasoo ka soo cararay gumaadka ciidamada amniga ee Maymar.

Sheekh Xasina oo ka soo laabtay Shirkii Qaraamada midoobay ee magaalada New yourk ka dhacay ayaa ku tlmaantay Isir Sifeyn waxa ka dhacaya dalka Maymar oo lagula kacayo muslimiinta  laga tirada badan yahay  Rohigya,waxayna eedayn u jeedisay  Xukuumadda dalkaasi shaqaaqada ka dhacaysa xuduudda  uu dalkeeda la wadaago Maymar.

Tan iyo markii dalka Maymar ay ka bilawdeen gumaadka  Muslimiinta laga tirade badan yahay ee Rohingya waxaa dalka Bangaladesh  u soo barakacay in ka badan 500 kun muslimiinta Rohingya,waxayna Dowladda Bangaladesh  dadkasi xerooyin uga dhistay Jaziirad dalkeeda ka tirsan iyadoo hay’adaha gargaarka gurmad deg deg ah u fidiyeen muslimiintaasi.

Guddiga amniga ee golaha shacabka oo la kulmay wasiirka amniga gudaha

0

Muqdisho(SONNA)-Ujeedada kulanka ayaa aheyd in guddiga golaha shacabka u qaabilsan arrimaha amniga ay su’aalo weydiiyaan wasiirka amniga iyo taliyaha ciidanka booliiska, kaas oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulan ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha guddiga iyo wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo taliyaha ciidanka booliiska Janaraal C/xakiim Daahir Saciid Saacid iyo saraakiil kale oo laamaha amniga ka tirsan.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka, C/Kariin Xaaji Cabdi Buux, oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in guddiga amniga u qaabilsan golaha shacabka u yeereen wasiirka iyo taliyaha booliiska si wax looga weydiiyo amniga ammaanka dalka quseeya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Kulankn ayaa waxaa uu xiritaan ama gabagebo u ahaa kulamo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho oo amniga uun looga hadlayay.

Guddiga amniga ee golaha shacabka oo la kulmay wasiirka amniga gudaha

0

Ujeedada kulanka ayaa aheyd in guddiga golaha shacabka u qaabilsan arrimaha amniga ay su’aalo weydiiyaan wasiirka amniga iyo taliyaha ciidanka booliiska, kaas oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulan ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha guddiga iyo wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo taliyaha ciidanka booliiska Janaraal C/xakiim Daahir Saciid Saacid iyo saraakiil kale oo laamaha amniga ka tirsan.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka, C/Kariin Xaaji Cabdi Buux, oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in guddiga amniga u qaabilsan golaha shacabka u yeereen wasiirka iyo taliyaha booliiska si wax looga weydiiyo amniga ammaanka dalka quseeya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Kulankn ayaa waxaa uu xiritaan ama gabagebo u ahaa kulamo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho oo amniga uun looga hadlayay.

Alshabaab oo qof Shacab ah ku gowracay Waajid

0

Muqdisho(SONNA) Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay, qof rayid ah waxaa ay ku gowraceen deegaanka Celeemow oo qiyaastii 22-KM u jira degmada Waajid ee gobolka Bakool, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ninka Al-shabaab ay dileen ayaa la oran jirey allah u naxariistee, Xasan Cali Maad Caalin, oo kamid ahaa dadka deegaankaas, waxaana uu kamid ahaa afar nin oo waday gaari dameero raashiin saaran yahay oo ku sii jeeday degmada Waajid.

Sadexdii kale ee la socotay ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen ayagoo cagahooda maalaya, guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Waajid, Caddow C/raxmaan Jugle, ayaa sheegay in ninka la gowracay iyo kuwa kale ee la socday lagu beegsaday oo kali ah in ay raashiinka ay u wadeen Waajid maadaama Al-shabaab ay go’doomiyeen.

Guddoomiye ku xigeenka, ayaa intaa ku daray in sadexdii nin ee Al-shabaab ka soo baxsatay ay gaareen degmada Waajid.

Dhowr jeer oo hore, ayay sidan oo kale Al-shabab dad shacab ah ku dileen deegaanka iyadoo raashiin Waajid ku sii jeeda ku gubeen.

Caddow C/raxmaan Jugle, guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Waajid ayaa sidoo kale sheegay in raashiinkii raggan ay wateen ay deb qabadsiiyeen Al-shabaab isla markaana dileen dameeradii raashiinka saarnaa.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay guddiga dib u eegista Dastuurka+(SAWIRRO)

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta Aqalka Sare kula kulmay guddiga la socodka arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka. Waxana ay ka wada hadleen dar-dar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Kulanka ayaa waxaa lagu falan qeeyey heerka wada shaqayn ee ka dhaxeeya laamaha ku howlan dastuurka iyo habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan dhammaystirka dastuurka Soomaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dhammaystirka dastuurka, si loogu gudbo wax walba oo dib-u-dhac u keeni kara in waqtigii loogu talagalay ay ku dhamaan wayso dib-u-eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga la socodka arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay isku fahmeen wixii khilaaf ah in la dhameeyo si howlaha Dastuurkana la der-gergeliyo.

Maleeshiyaad ka Al-shabaab oo qof Shacab ah ku gowracay Waajid

0

Maleeshiyaad ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa xalay, qof rayid ah waxaa ay ku gowraceen deegaanka Celeemow oo qiyaastii 22-KM u jira degmada Waajid ee gobolka Bakool, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ninka Al-shabaab ay dileen ayaa la oran jirey allah u naxariistee, Xasan Cali Maad Caalin, oo kamid ahaa dadka deegaankaas, waxaana uu kamid ahaa afar nin oo waday gaari dameero raashiin saaran yahay oo ku sii jeeday degmada Waajid.

Sadexdii kale ee la socotay ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen ayagoo cagahooda maalaya, guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Waajid, Caddow C/raxmaan Jugle, ayaa sheegay in ninka la gowracay iyo kuwa kale ee la socday lagu beegsaday oo kali ah in ay raashiinka ay u wadeen Waajid maadaama Al-shabaab ay go’doomiyeen.

Guddoomiye ku xigeenka, ayaa intaa ku daray in sadexdii nin ee Al-shabaab ka soo baxsatay ay gaareen degmada Waajid.

Dhowr jeer oo hore, ayay sidan oo kale Al-shabab dad shacab ah ku dileen deegaanka iyadoo raashiin Waajid ku sii jeeda ku gubeen.

Caddow C/raxmaan Jugle, guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Waajid ayaa sidoo kale sheegay in raashiinkii raggan ay wateen ay deb qabadsiiyeen Al-shabaab isla markaana dileen dameeradii raashiinka saarnaa.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay guddiga dib u eegista Dastuurka

0

Mudane Xasan Cali KHayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho kula kulmay guddigga la socodka iyo dib u eegsita Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan madaxa bannaan.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Aqalka sare ayaa ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu kulan gaar ah la yeeshey guddoonka aqalka sare,iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira sidii looga wada shaqeyn lahaa dardargelinta howlaha dib u eegista Dastuurka.

Intaasi kadib ayaa Ra’iisul Wasaare Khayere waxaa uu la kulmay guddigga la socodka iyo dib u eegsita Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan madaxa bannaan,mudadii uu socday kulankooda ayaa waxaa ay diiradda ku saareen sidii Wasaaradda Dastuurka iyo guddiyadda arrimahaasi qaabilsan ay uga wada shaqeyn lahaayeen dardargelinta howlaha dib u eegista Dastuurka.

Guddomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa faah faahiyaya waxyaabihii ka soo baxay kulankaasi.

“Waxaan maanta la kulanay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,waxaan ka wada hadalnay sidii looga wada shaqeyn lahaa arrimaaha dib u eegista Dastuurka,waa la isku afgartay arrintaasi”, Ayuu yiri Guddomiye Cabdi Qeybdiid.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa sheegtay in dib loo dhigay shirweynihii Qaran ee arrimaha Dastuurka oo la filayay in uu maanta ka fumro magaalada Muqdisho sababo farsamo aawadeeda.

Wasiir ku xigeenka Difaaca XFS oo sheegay in la xoojinayo dhismaha ciidamada Qaranka

0

Hiiraan (SONNA) Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga Mudane C/laahi Colaad Rooble iyo wafdi uu hogaaminayeyoo maalmaaanba ku sugnaa gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dowladdu ay wado qorshe balaaran oo lagu xoojinayo dhismaha ciidamada Qaranka.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa kormeeray xarumaha ciidamada amaanka ay ku leeyihiin magaalooyinka Buuleburde iyo Maxaas oo katirsan gobolka Hiiraan, waxeyna la kulmen saraakiisha hogaamineysa ciidanka.

Wasiir C.laahi Colaad Rooble ayaa xusay in dhismaha ciidanka oo la xoojiyaa ay sahleyso in ciidanka ay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda, kana hortagaan Cadowga.

Masuuliyiinta wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhawaanahaan waday howlo lagu dar dar galinayo dhismaha ciidamada Qaranka, iyaga oo socdaalo ku tagay gobolo dhowr ah oo dalka kamid ah.