Home Blog Page 1450

Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Wasiirada DFS

0

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay kulan kula qaatay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Wasiirada DFS.

Kulanka oo ka dhacay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka wada hadleen Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirada DFS arrimo la xiriira xaaladda Guud ee dalka, wanaajinta xiriirka wada shaqayneed ee Wasaraddaha Puntland iyo kuwa DFS, Isxog waraysi, arrimaha Fadaraaliisamka iyo dhamaystirka Dastuurka DFS, ka xoraynta dalka xooxaha nabad diidka ah iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in kulan kani noqonayo kii ugu horeeyey oo ay Muqdisho ku-yeeshaan Wasiirada Puntland iyo Wasiirada DFS, isla markaana ay ka wada hadlaan arrimo muhiim ah oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed iyo Qaranka Soomaaliyeedba.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in laga wada tashto ka xoreynta dalka kooxaha nabad diidka ah, madaama ay lid ku yihiin horumarka dalka, Nabadda, Xasiloonida iyo isu socodka dhammaan gobolada Soomaaliya,  isla mar’ahaantaana ay taasi u baahan tahay in laga yeesho qorshe dhab ah oo lagu curyaamin karo laguna soo dabar jari karo cadawga shacabka Soomaaliyeed ee tabarka yar.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ku booriyey Wasiirada Puntland iyo Kuwa DFS ee uu kulanka layeeshay  inay yeeshaan xiriir wada shaqayneed oo ku salaysan sidii Wasaarad walba oo DFS ahi ula yeelan lahayd Wasaaradaha dhiggeedaha ee ka jira dhammaan dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka Soomaaliya si loo horumariyo xiriirka wada shaqayneed ee Wasaaradaha dalka.

Ugu dambayn, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Puntland diyaar u tahay midnimada shacabka Soomaaliyeed, wanaajinta xiriirka DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah DFS gaar ahaan Puntland, ka qayb qaadashada horumarka Soomaaliya, nabadda iyo xasiloonida Qaranka Soomaliyeed.

=DHAMMAAD=

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo socdaal shaqo ku joogay dalka Sudan ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, iyadoo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen Xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo howlo shaqo ugu maqnaa dalka Sudan ayaa intii ay halkaasi ku sugnaayeen waxaa ay kulamo la qaateen madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Sudan.

Guddoomiye Jawaari ayaa dhigiisa Sudan waxa ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sudan, isagoo xusay in socdaalkii dalka Sudan ay ku soo idlaatay guul.

Safiirka Somaaliya eeTurkiga”Saldhiga Turkiga ee Muqdisho waa mid muhiim u ah dhismaha dowladnimada Soomaaliya”

0

Muqdisho(SONNA):-Safiirka Somaaliya ee Turkiga Jaamac C/llahi Maxamed(Jaamac Ceydiid) ayaa Wareysi uu siiyay Wargeyska Daily Sabah ku sheegay in Saldhiga millateri ee turkiga uu ka furay Muqdisho in uu bilow u yahay dhismha Dowladnimada Soomaaliya

Waxa uu Carabka ku dhuftay in Saldhigaan uu ka qeyb qaadan doono dhismaha Ciidamada Qaranka  Soomaaliya, isaga oo intaasi ku daray in waqtigaan uu muhiim u yahay geedi socodka Dowladnimada ayna ku faraxsan yihiin Xaruntaan.

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga ayaa sheegay in iskaashiga labada dhinac uu ku socda si dardar leh, waxaana uu tusaale usoo qaatay in Turkiga uu ahaa dalkii ugu horeeyay ee taageero u fidiyay Soomaalida markii uu dhacay Qaraxii 14 bisha October ka dhacay Muqdisho.

“waxaan kale oo aan la ilaawi karin marna booqashadii uu Racep Dayip Ordogan  uu ku tagay Muqdisho sanadkii 2011 markaasi oo ay Dalka ka jirtay macluul, waxa ay ahayd booqasho aan caadi aheyn, waxa ayna meesha ka saartay fikradii ahayd in aan la tagi karin  Muqdisho, waxii markaasi ka dambeeyay waa la booqanayaa Dalka” ayuu yiri Safiirka.

Xerada tababarka Ciidamada waxaa ka soconayaa tababarka  Kumaanaan ka tirsan Ciidamada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwa loogu tala galay Difaaca Qaranka Soomaaliya,Xeradan Turkiga uu ka furay Muqdisho waxaa lagu tiriyaa Xaruntii ugu weyned ee uu ka dhiso meel ka baxsan dalkiisa.

Ka sakoow Saldhiga tababarka ee Muqdisho, waxa uu Turkiga ka fuliyay Soomaaliya mashaariic horumarineed  oo ay ka mid yihiin hirgalinta goobo waxbarasho, dhismaha Waddooyinka iyo Xarumo Caafimaad.

Jubbaland oo diyaarisay ciidamo loogu talo galay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee deegaanada gobolka Gedo

0

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo loogu tala galay in ay Al-Shabaab kula dagaallamaan deegaanada gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid C/rashiid Xasan Nuur ayaa sheegay in ciidamadaan loogu tala galay in ay dagaal la galaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Waxaa uu sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo si gaar ah u tababar, waxaana uu sheegay in la fulinaayo Amarkii Madaxda dalka ee ahaa in la qaado dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Hadalka kasoo baxay Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa kusoo beegmaya xilli deegaanada Jubbooyinka ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah Maleeshiyaadka Al-shabaab.

115kii arady ee deeqda waxbarashada heley oo gaarey suudaan

0

Suudaan(SONNA) Waxaa Magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Suudaan gaaray 115 arday oo deeq waxbarasho ka heshay  Suudaan Ardaydan Cusub ayaa waxaana garoonka Diyaaradaha ee magaalada khartuum kusoo dhaweeyay Jaaliyadda, Safaaradda, iyo  Ururka ardayda Qaranka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya  Mudane Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ardayda Soo gaartay Suudaan tiradoodu tahay 115 arday,Waxaana uu intaa kudaray Agaasimaha dufcadani inay tahay tii 9aad ee ay wasaaradda waxbarashad Soomaaliya keento Dalka Suudaan laga soo bilaabo 2009 ilaa haatan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Ururka ardayda Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Cabdi Qani Nuur  Cusmaan oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa aad u soo dhaweyay ardayda cusub asigoona kula dardaarmay ardayda inay ilaaliyaan sharciga u yaala Dalkane Suudaan.

Gabagabadii qaar kamid ah Ardayda deeqda waxbarasho ka heshay Suudaan ayaa aad ugu mahadnaqay sida quruxda badan ay u soo dhaweeyan Ardayda reer Suudaan iyo Madaxdii ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan.

Yuusuf Maxamed Macalin (Yusuf Kashmiir)

 

Wararkii ugu dambeeyey Duulaankii Daacish ee Ciraaq

0

Ciraaq(SONNA) Ururka Daacish ayaa lagu soo waramaya in uu wajahayo guul daro kadib markii duulaan military llooga qabsaday goobo badan oo ay ku suganaayeen Syria iyo Ciraaq.

Maalintii Jimcihii ayaa ciidanka Suuriya sheegay in uu la wareegay gacan ku haynta Deyr Al-Soor halkaasi oo ay ku sugnaayeen koxda Dacish.

Ra’iisal Wasaaraha Xeydar Alcabaadi  ayaa sheegay in Al-Qaa’im oo ku taala xadka labada dal u dhexeeya ee Ciraaq iyo Syria kadib howlgal muddo kooban socda.

Ciidanka Ciraaq wuxu sheegay inuu sidoo kale qabsaday goobtii ugu dambaysay ee kaantarool ee ku taallay xadka Suuriya dalku la leeyahay ee ay haysteen kooxda Daacish.

Bishii hore ayaa xulafo reer Suuriya ah oo Maraykanku taageeraa ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Raqqa ee dalka Suuriya oo caasimad u ahaan jirtay kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Bishii Juulaay ayaa iyadna magaalada Mosul oo ah ta labaad ee ugu wayn dalka Ciraaq,waxa dagaal mudo bilo ah socday lagaga qabsaday kooxdaas.

Jubbaland oo diyaarisay ciidamo loogu talo galay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee deegaanada gobolka Gedo

0

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo loogu tala galay in ay Al-Shabaab kula dagaallamaan deegaanada gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Maxamed Xasan Nuur ayaa sheegay in ciidamadaan loogu tala galay in ay dagaal la galaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Waxaa uu sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo si gaar ah u tababar, waxaana uu sheegay in la fulinaayo Amarkii Madaxda dalka ee ahaa in la qaado dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Hadalka kasoo baxay Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa kusoo beegmaya xilli deegaanada Jubbooyinka ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah Maleeshiyaadka Al-shabaab.

In ka badan Boqol Arady ee deeqda waxbarashada heley oo gaarey suudaan

0

Waxaa Magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Suudaan gaaray 115 arday oo deeq waxbarasho ka heshay  Suudaan Ardaydan Cusub ayaa waxaana garoonka Diyaaradaha ee magaalada khartuum kusoo dhaweeyay Jaaliyadda, Safaaradda, iyo  Ururka ardayda Qaranka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya  Mudane Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ardayda Soo gaartay Suudaan tiradoodu tahay 115 arday,Waxaana uu intaa kudaray Agaasimaha dufcadani inay tahay tii 9aad ee ay wasaaradda waxbarashad Soomaaliya keento Dalka Suudaan laga soo bilaabo 2009 ilaa haatan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Ururka ardayda Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Cabdi Qani Nuur  Cusmaan oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa aad u soo dhaweyay ardayda cusub asigoona kula dardaarmay ardayda inay ilaaliyaan sharciga u yaala Dalkane Suudaan.

Gabagabadii qaar kamid ah Ardayda deeqda waxbarasho ka heshay Suudaan ayaa aad ugu mahadnaqay sida quruxda badan ay u soo dhaweeyan Ardayda reer Suudaan iyo Madaxdii ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan.

Yuusuf Maxamed Macalin (Yusuf Kashmiir)

Heshiiska ay kala saxiixdeen Barlamaanada Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Suudaan

0

Guddoomiyaha Golaha shacabka Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Suudaan ayaa heshiis wada shaqeyn Labada Baarlamaan ku kala saxiixday Caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum.

Heshiiska ay wada saxiixdeen Guddoomiyaha golaha shacabka ee JFS iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Suudaan ayaa ku saleysan wada shaqeynta labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Suudaan gaar ahaan labada Baarlamaan.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha Golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaan sheegay in heshiiska uu  ka kooban yahay Sagaal qodob oo xoojinaya wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan.

Qodobada labada Gudoomiye ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in labada dhinac ay is dhaafsdaan qubaro dhinaca sharciga, in ay xiriir iyo iskaashi gaar ah yeeshaan xubnaha labada Baarlamaan u matalaya baarlamaanada aduunka iyo sidoo kale in dhinaca aqoonta la iska kaashado.

Sawir Qaade:- Baaba Cadnaan

Soomaalida K/Afrika ooo lacag ugu deeqey dadkii ku dhaawacmay qarixii Soobe

0

Muqdisho(SONNA) Jaaliyada Soomaalida ee ku nool qaar ka mid ah magaalooyinka  dalka South Africa ayaa ka mid ahaa bulshadii u istaagtay gurmadka dadkii ku wax yeeloobay qaraxii wuxuushnimada ahaa ee 14-kii bishii october kooxda argagaxisada ee shabaabka ku qaadeen isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho kaa oo ay ku dhinteen shacab badan oo masaakiin ah halka kuwa kale na ay ku dhaawacmeen.

Waxgaradka Soomaalida,Culimada,dhalinyarada, haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa u istaagay arintaan si ay qeyb uga noqdaan gurmada walaalnimo ee loo sameynayo dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxaasi waxaana maanta ay culimada masjidka Imaamu shaafici ee magaalada Johannesburg soo bandhigeen waxa u qabsoomay mudadii ay wadeen howshaan  waxaana bulshada u aqriyay Sheikh Cali Towhiid oo ka mid ah Imaam yada Masjidka imaamu Shaafici ee Soomaalida ku leedahay xaafada Mayfair magaalada Johannesburg.

“Gurmadkii waalalaha Soomaalida South Africa ay wadeen malmahan oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadkii dhibaatada kasoo gaartay , waxaa ay noqotay lacag dhan R1047,970, una dhiganta $69,728 Dollar”Ayuu yiri Sheekha.

Waxaa uu imaanka masjidka Shaafici xusay dhamaan bulshadii ka qeybgashay gurmadii qaran ee loo sameynayay dadkii dhibaatada kasoo gaartay qaraxii 14-kii bishii ina dhaaftay lala beegsaday shacabkii masaakiinta ahaa.

“Waxaaa ka qeyb qaatay guud ahaan qeybaha bulshada Soomaalida ee ku nool ilaa afar gobol oo dalkaan ah , sida masaajida ku yaala,waxaa kale oo ka qeyb qaatay Haweenka, dhalinyarada,waxgaradka Soomaalida dhamaan kheyr Alle haka siiyo garabka ay u fidiyeen walaalaha dhibaatada gaartay”

Dhaqaalahaan gurmadka ah ayaa jaaliyada waxaa ay u xil saaratay gaarsiinta dadkii u baahna sheikh Maxamuud adar oo ah gudoomiyaha golaha fulinta hey’ada culimada al bayaan iyo sido kale Maxamuud Ceynte oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee ku nool dalkaan South Africa.