Soomaalida K/Afrika ooo lacag ugu deeqey dadkii ku dhaawacmay qarixii Soobe

Date:

Muqdisho(SONNA) Jaaliyada Soomaalida ee ku nool qaar ka mid ah magaalooyinka  dalka South Africa ayaa ka mid ahaa bulshadii u istaagtay gurmadka dadkii ku wax yeeloobay qaraxii wuxuushnimada ahaa ee 14-kii bishii october kooxda argagaxisada ee shabaabka ku qaadeen isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho kaa oo ay ku dhinteen shacab badan oo masaakiin ah halka kuwa kale na ay ku dhaawacmeen.

Waxgaradka Soomaalida,Culimada,dhalinyarada, haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa u istaagay arintaan si ay qeyb uga noqdaan gurmada walaalnimo ee loo sameynayo dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxaasi waxaana maanta ay culimada masjidka Imaamu shaafici ee magaalada Johannesburg soo bandhigeen waxa u qabsoomay mudadii ay wadeen howshaan  waxaana bulshada u aqriyay Sheikh Cali Towhiid oo ka mid ah Imaam yada Masjidka imaamu Shaafici ee Soomaalida ku leedahay xaafada Mayfair magaalada Johannesburg.

“Gurmadkii waalalaha Soomaalida South Africa ay wadeen malmahan oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadkii dhibaatada kasoo gaartay , waxaa ay noqotay lacag dhan R1047,970, una dhiganta $69,728 Dollar”Ayuu yiri Sheekha.

Waxaa uu imaanka masjidka Shaafici xusay dhamaan bulshadii ka qeybgashay gurmadii qaran ee loo sameynayay dadkii dhibaatada kasoo gaartay qaraxii 14-kii bishii ina dhaaftay lala beegsaday shacabkii masaakiinta ahaa.

“Waxaaa ka qeyb qaatay guud ahaan qeybaha bulshada Soomaalida ee ku nool ilaa afar gobol oo dalkaan ah , sida masaajida ku yaala,waxaa kale oo ka qeyb qaatay Haweenka, dhalinyarada,waxgaradka Soomaalida dhamaan kheyr Alle haka siiyo garabka ay u fidiyeen walaalaha dhibaatada gaartay”

Dhaqaalahaan gurmadka ah ayaa jaaliyada waxaa ay u xil saaratay gaarsiinta dadkii u baahna sheikh Maxamuud adar oo ah gudoomiyaha golaha fulinta hey’ada culimada al bayaan iyo sido kale Maxamuud Ceynte oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee ku nool dalkaan South Africa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...