Soomaalida K/Afrika ooo lacag ugu deeqey dadkii ku dhaawacmay qarixii Soobe

Date:

Muqdisho(SONNA) Jaaliyada Soomaalida ee ku nool qaar ka mid ah magaalooyinka  dalka South Africa ayaa ka mid ahaa bulshadii u istaagtay gurmadka dadkii ku wax yeeloobay qaraxii wuxuushnimada ahaa ee 14-kii bishii october kooxda argagaxisada ee shabaabka ku qaadeen isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho kaa oo ay ku dhinteen shacab badan oo masaakiin ah halka kuwa kale na ay ku dhaawacmeen.

Waxgaradka Soomaalida,Culimada,dhalinyarada, haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa u istaagay arintaan si ay qeyb uga noqdaan gurmada walaalnimo ee loo sameynayo dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxaasi waxaana maanta ay culimada masjidka Imaamu shaafici ee magaalada Johannesburg soo bandhigeen waxa u qabsoomay mudadii ay wadeen howshaan  waxaana bulshada u aqriyay Sheikh Cali Towhiid oo ka mid ah Imaam yada Masjidka imaamu Shaafici ee Soomaalida ku leedahay xaafada Mayfair magaalada Johannesburg.

“Gurmadkii waalalaha Soomaalida South Africa ay wadeen malmahan oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadkii dhibaatada kasoo gaartay , waxaa ay noqotay lacag dhan R1047,970, una dhiganta $69,728 Dollar”Ayuu yiri Sheekha.

Waxaa uu imaanka masjidka Shaafici xusay dhamaan bulshadii ka qeybgashay gurmadii qaran ee loo sameynayay dadkii dhibaatada kasoo gaartay qaraxii 14-kii bishii ina dhaaftay lala beegsaday shacabkii masaakiinta ahaa.

“Waxaaa ka qeyb qaatay guud ahaan qeybaha bulshada Soomaalida ee ku nool ilaa afar gobol oo dalkaan ah , sida masaajida ku yaala,waxaa kale oo ka qeyb qaatay Haweenka, dhalinyarada,waxgaradka Soomaalida dhamaan kheyr Alle haka siiyo garabka ay u fidiyeen walaalaha dhibaatada gaartay”

Dhaqaalahaan gurmadka ah ayaa jaaliyada waxaa ay u xil saaratay gaarsiinta dadkii u baahna sheikh Maxamuud adar oo ah gudoomiyaha golaha fulinta hey’ada culimada al bayaan iyo sido kale Maxamuud Ceynte oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee ku nool dalkaan South Africa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...