Home Blog Page 1448

Kenya oo sheegtay iney dishay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Nairobi-(SONNA)- Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaadday inay Ciidankeedu dileen Shan ka mid ah Maleeshiyada Al-Shabaab, markii ay weerar ku qaadeen Keymaha Boni iyo Bodhey ee Dalkeeda.

Afhayeen u hadlay ciidanka difaaca Dalka Kenya oo lagu Magacaabo David Obonyo ayaa sheegay in weerarka sidoo kale ay ku qabsadeen Hub iyo Saanad Ciidan oo ay goobtaasi kaga carareen Al-Shabaab.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa Sanadihii aynu soo dhaafnay waxay fariisimo ka samaysanayeen qaybo ka mid ah Keymaha Gobolka Xeebta ee Dalka Kenya, halkaasoo ay kasoo abaabulayeen weerarro ka dhan ah xarumaha Dowladda Kenya iyo Dadka Shacabka ah.

Seorce: Daily Nation

Dab xoogan oo sababay dhimashada 10 qof oo ka kacay Mareykanka

0

Mareykanka(SONNA) Gobolka California ee Dalka Mareykanka ayaa lagu so warramaya in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen dab xoog leh oo ka soconaya meelo badan oo ka mid ah gobolka California ee Wadankaasi Mareykanka,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolkaasi California.

Hay’adda qaabilsan  maareynta dabka ee California ayaa sheegtay in sidoo kale uu dabku baabi,iyay in ka badan 1,500 oo guri iyo dhismooyin ganacsi,waxaana guriyohooda ka barakacaya kumanaan qof.

Wararka ayaa sheegaya In ilaa  20,000 kun oo ruux laga daad gureeyay meelaha uu sida aadka ah u ugu sii fidayo dabka,si loo bad baadiyo noloash adadkaasi.

Jerry Brown oo ah guddoomiyaha gobolka California ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogay magaalooyinka Napa, Sonoma, iyo Yuba counties si looga fogado fiditaanka saameynta dabkaasi.

Gobolada Dalka Mareykanka ayaa inta badan waxaa ka dhaca Musiibooyinka dabiiciga ah,dhawaan ayay ahayd markii qeybo kamid ah Gobolada Dalkaasi ay saameeyeen Duufaano xooggan,kuwaasi oo sababay khasaarooyin naf iyo maalba leh.

Soomaliya oo ka qeybgashay shir ka furmay Koonfur Afrika

0

Johansberg(SONNA) Kulanka furitaankiisa waxaa marti ku ahaa Madaxweynaha Dalka Sahraawi,gudgoomiyaha baarlamaanka ee dalka Chad,Wefdi ka socoda Soomaaliya Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka South Afrika iyo marti sharaf kale oo ka kala socday hey’ado iyo dowlado kale oo caalami ah.

Inta uusan kulanka furmin ayaa waxaa xarunta kulanka lagu dhaariyay xillibaanada cusub ee ka mid noqonaya xubnaha baarlamaanka Afrika, waxaana ka mid ahaa afar xilldhibaan oo ka socday Golaha Shacabka Soomaaliyeed,kuwaasi oo Baarlamaanka Afrika ku matalaya Soomaaliya.

Xildhibaanada la dhaariyay ayaa markii uu kulanka furitaanka soo dhamaaday waxaa ay la hadleen Waraahinta waxayna  sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in Golaha Shacabka Soomaaliyeed ay ku matalaan Golaha Baarlamaanka Afrika.

Xillibaanada ka socda dalalka Bariga Afrika ayaa kulan gaar ah ku yeelan doona inta uu socdo kulanka waxaana shir guddoominaya xildhibaan Cabdi casiis c/llaahi Maxamed oo ka mid ah shanta xubnood ee ka socda Golaha Shacabka Soomaaliyeed waxaana xillkaan ay Soomaaliya soo heysay sanadahii ugu dambeeyay.

kulanka ayaa waxaa uu socon doona labada isbuuc ee soo socda,iyado  xidhibaanada ay ka doodi doonaan qodobo dhowr ah oo hor yaala.

C/laahi Maxamuud Amiin(C/laahi Qorshe)

Johannesburg South Africa.

Kenya oo sheegtay in ay dishay xubno ka tirsanaa Nabad diidka Al-Shabaab

0

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaadday inay Ciidankeedu dileen Shan ka mid ah Maleeshiyada Al-Shabaab, markii ay weerar ku qaadeen Keymaha Boni iyo Bodhey ee Dalkeeda.

Afhayeen u hadlay ciidanka difaaca Dalka Kenya oo lagu Magacaabo David Obonyo ayaa sheegay in weerarka sidoo kale ay ku qabsadeen Hub iyo Saanad Ciidan oo ay goobtaasi kaga carareen Al-Shabaab.

Marar badan ayaa diyaarado dagaal oo laga leeyahay wadanka Kenya duqeeyeen Fariisimo iyo gaadiid ay leeyihiin maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab kuwaa soo la gaarsiiyay Khasaarooyin kala duwan.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa Sanadihii aynu soo dhaafnay waxay fariisimo ka samaysanayeen qaybo ka mid ah Keymaha Gobolka Xeebta ee Dalka Kenya, halkaasoo ay kasoo abaabulayeen weerarro ka dhan ah xarumaha Dowladda Kenya iyo Dadka Shacabka ah.

Dab xoogan oo sababay dhimashada 10 qof oo ka kacay Gobolka California ee Dalka Mareykanka

0

Gobolka California ee Dalka Mareykanka ayaa lagu so warramaya in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen dab xoog leh oo ka soconaya meelo badan oo ka mid ah gobolka California ee Wadankaasi Mareykanka,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolkaasi California.

Hay’adda qaabilsan  maareynta dabka ee California ayaa sheegtay in sidoo kale uu dabku baabi,iyay in ka badan 1,500 oo guri iyo dhismooyin ganacsi,waxaana guriyohooda ka barakacaya kumanaan qof.

Wararka ayaa sheegaya In ilaa  20,000 kun oo ruux laga daad gureeyay meelaha uu sida aadka ah u ugu sii fidayo dabka,si loo bad baadiyo noloash adadkaasi.

Jerry Brown oo ah guddoomiyaha gobolka California ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogay magaalooyinka Napa, Sonoma, iyo Yuba counties si looga fogado fiditaanka saameynta dabkaasi.

Gobolada Dalka Mareykanka ayaa inta badan waxaa ka dhaca Musiibooyinka dabiiciga ah,dhawaan ayay ahayd markii qeybo kamid ah Gobolada Dalkaasi ay saameeyeen Duufaano xooggan,kuwaasi oo sababay khasaarooyin naf iyo maalba leh.

Soomaliya oo ka qeybgashay shir ka furmay Koonfur Afrika

0

Kulanka furitaankiisa waxaa marti ku ahaa Madaxweynaha Dalka Sahraawi,gudgoomiyaha baarlamaanka ee dalka Chad,Wefdi ka socoda Soomaaliya Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka South Afrika iyo marti sharaf kale oo ka kala socday hey’ado iyo dowlado kale oo caalami ah.

Inta uusan kulanka furmin ayaa waxaa xarunta kulanka lagu dhaariyay xillibaanada cusub ee ka mid noqonaya xubnaha baarlamaanka Afrika, waxaana ka mid ahaa afar xilldhibaan oo ka socday Golaha Shacabka Soomaaliyeed,kuwaasi oo Baarlamaanka Afrika ku matalaya Soomaaliya.

Xildhibaanada la dhaariyay ayaa markii uu kulanka furitaanka soo dhamaaday waxaa ay la hadleen Waraahinta waxayna  sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in Golaha Shacabka Soomaaliyeed ay ku matalaan Golaha Baarlamaanka Afrika.

Xillibaanada ka socda dalalka Bariga Afrika ayaa kulan gaar ah ku yeelan doona inta uu socdo kulanka waxaana shir guddoominaya xildhibaan Cabdi casiis c/llaahi Maxamed oo ka mid ah shanta xubnood ee ka socda Golaha Shacabka Soomaaliyeed waxaana xillkaan ay Soomaaliya soo heysay sanadahii ugu dambeeyay.

kulanka ayaa waxaa uu socon doona labada isbuuc ee soo socda,iyado  xidhibaanada ay ka doodi doonaan qodobo dhowr ah oo hor yaala.

Deeq daawo ah oo la gaarsiiyay Isbitaalka Xoogga dalka

0

Hogaanka caafimaadka Ciidanka Xoogga dalka ayaa maanta lagu wareejiyay deeq daawo iyo qalab caafimaad oo loogu talagalay Isbitaalka Xoogga.

Deeqdan oo isugu jirtay daawo iyo qalab caafimaad ayaa loogu talo galay Isbitaalka Xoogga dalka, waxaana ay ka timid deeqda Hay’adda Islamic Relief oo fadhigeedu uu yahay dalka Mareykanka.

Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib oo gudoomiye u ah Hay’adda Freghty For Humanity oo lasoo marsiiyey deeqda ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay waajib ku tahay in la garab istaago ciidanka.

Isbitaalka xoogga dalka oo soo maray marxalado kala duwan ayaa iminka u muuqda mid sameynaya horumar weyn, dhaqaatiirta iyo maamulka Isbitaalka ayaana deeqdan ku tilmaamay mid door wanaagsan ka qaadan karta horey u socodka howlaha uu isbitaalka Isbitaalka Xoogga u hayo ciidamada qalabka sida.

Taliyaha Hogaanka Caafimaadka ee Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Liibaan Xuseen Cismaan iyo guddomiyaha Guddiga Taakuleynta Ciidanka Jeneraal Axmed Jaamac Muuse ayaa tilmaamay in dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka ay door fiican ka qaadan karaan dadka Soomaaliyeed oo ay tahay iney caawiyaan.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo amniga ee Golaha Aqalka Sare Sanator Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka oo marxalad adag ku shaqeeya ay xiligan mudan yihiin in la garab istaago, isagoo baaq u diray bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay xubno ka socday Qurba Joogta

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kulan qado sharaf ah la yeeshey xubno ka socoda Qurba Joogta Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Ujeeddada kulanka ayaa wuxu ahaa sidii Qurba Joogta Soomaaliyeed ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya, iyagoo Madaxweynaha Soomaaliya uga xog warramay xaaladaha kala duwan oo ay ku sugan yihiin Soomaalida Qurbaha kunool.

Dhageysiga argtida Qurba joogta kaddib ayuu dhankiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga warramay xaaladda guud ee dalka iyo horumarada ay ku talaabsatay Dowladda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulanka ka sheegay in ay jiraan fursado u banaan dadka Qurbaha ku nool ee Soomaaliyeed, taasi oo ah in ay dowrkoodi wadaniyadeed ay ka qaataan sidii maalgashi ugu sameysan lahaayeen Dalkooda.

Mudane Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay horey u socoto, dowladduna dadaal ugu jirto sidii Dalka horumar loo gaarsiin lahaa Qurba joogtana looga fadhiyo in doorkooda ay muujiyaan, isla markaana waaya aragnimadoda iyo aqoontooda ay dalka ku soo celiyaan.

Sanadihii ugu dambeeyey oo dalka uu ka soo kabsanayay burburkii 25 sano ee la soo dhaafay dalka ka jiray ayaa waxaa muuqanaysay in qurba joogta Soomaaliyeed ay kaalintoodi ka qaadanayeen sidii dalka loo maalgelin lahaa, iyagoo ku lug leh mashaariic horumarineed oo ka socota guud ahaan dalka, haatanna looga baahanyahay inay sii labo jibaaraan dadaalkaasi.

Deeq daawo ah oo la gaarsiiyay Isbitaalka Xoogga dalka

0

Muqdisho (SONNA) Hogaanka caafimaadka Ciidanka Xoogga dalka ayaa maanta lagu wareejiyay deeq daawo iyo qalab caafimaad oo loogu talagalay Isbitaalka Xoogga.

Deeqdan oo isugu jirtay daawo iyo qalab caafimaad ayaa loogu talo galay Isbitaalka Xoogga dalka, waxaana ay ka timid deeqda Hay’adda Islamic Relief oo fadhigeedu uu yahay dalka Mareykanka.

Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib oo gudoomiye u ah Hay’adda Freghty For Humanity oo lasoo marsiiyey deeqda ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay waajib ku tahay in la garab istaago ciidanka.

Isbitaalka xoogga dalka oo soo maray marxalado kala duwan ayaa iminka u muuqda mid sameynaya horumar weyn, dhaqaatiirta iyo maamulka Isbitaalka ayaana deeqdan ku tilmaamay mid door wanaagsan ka qaadan karta horey u socodka howlaha uu isbitaalka Isbitaalka Xoogga u hayo ciidamada qalabka sida.

Taliyaha Hogaanka Caafimaadka ee Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Liibaan Xuseen Cismaan iyo guddomiyaha Guddiga Taakuleynta Ciidanka Jeneraal Axmed Jaamac Muuse ayaa tilmaamay in dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka ay door fiican ka qaadan karaan dadka Soomaaliyeed oo ay tahay iney caawiyaan.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo amniga ee Golaha Aqalka Sare Sanator Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka oo marxalad adag ku shaqeeya ay xiligan mudan yihiin in la garab istaago, isagoo baaq u diray bulshada Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshey xubno ka socoday Qurba Joogta+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kulan qado sharaf ah la yeeshey xubno ka socoda Qurba Joogta Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Ujeeddada kulanka ayaa waxay aheyd sidii Qurba Joogta Soomaaliyeed ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya,iyagoo Madaxweynaha Soomaaliya uga xog warramay xaaladaha kala duwan oo ay ku sugan yihiin Soomaalida Qurbaha kunool.

Dhageysiga argtida Qurba joogta kadib ayuu dhankiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uga warramay xaaladda guud ee dalka iyo horumarada ay ku talaabsatay Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulanka ka sheegay in ay jiraan fursado u banaan dadka Qurbaha kunool ee Soomaaliyeed taasi oo ah in ay dowrkooda wadaniyadeed ay ka qaataan sidii maalgashi ugu sameysan lahaayeen Dalkooda.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay horey u socoto, dowladduna dadaal ugu jirto sidii Dalka horumar loo gaarsiin lahaa,Qurba joogtana looga baahanyahay in doorkooda ay muujiyaan, isla markaana waaya aragnimadoda iyo aqoontooda ay dalka ku soo celiyaan.

Sanadihii ugu dambeeyey waxuu dalka  ka soo kabsanayay burburkii dhoor iyo labatankii sane ee la soo dhaafay ka jiray, waxaa hada muuqanaysay in qurba joogta Soomaaliyeed ay kaalintoodi ka qaadanayeen sidii dalka loo maalgelin lahaa,iyagoo ku lug leh mashaariic horumarineed oo ka socota guud ahaan dalka.