Amisom”Weeraro hor leh ayaan qaadaynaa

Date:

War qoraal oo ka soo baxay Taliska ciidamada AMISOM, ayaa lagu sheeegay inay qaadayaan tallaabooyin dib u habayn ah ooku aadan habkii loo qaadi jiray weerarada ka dhanka ahaa Maleeshiyada Shabaab.

Tallaabooyinkan ay qaadayaan Ciidanka Amisom ayaa lagu tilmaamay inay yihiin kuwa is daba-joog ah oo loogu talagalay qaabka ay u howl-galaan ciidmada AMISOM,taasi oo haatan weji cusub loo bedelayo.

War saxaafadeed  ka soo baxay xafiiska wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa lagu sheegay in qorshahan uu la jaanqaadayo dhaqdhaqaaqa ciidamada milatariga Itoobiya ee hadda la arkay iyagoo ka gudbaya xadka Soomaaliya.

Madax hawlgalka AMISOM ayaa sheegay in ay toddobaadyada soo socda ay sii wadi doonaan dhaqdhaqaaqa istiraatiijiga ah, kaasi oo aan carqaladeynayn doonin bixinta adeegyada nabad-gelyada ee jira, si loo xaqiijiyo ammaanka dadka Soomaaliyeed.

Qaraarka golaha amniga ee Qaramada Midoobay ee 2372 (2017) wuxuu ku baaqayaa in xaalad ku saleysan si tartiib tartiib ah, looga saaro ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, ka dib tababar xoog ah iyo wacyi-gelin siinta ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliya.

Hadalkan ka soo baxay taliska Amisom ayaa ku soo beegmaya xili madaxda dowladda Soomaaliya ay kala hadleen sidii loo qaadi lahaa howlgalo cusub oo dalka looga saarayo Shabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...