Home Blog Page 1443

Ra’iisul Wasaare Khayre “Calanku qiimo yeelan maayo haddii midnimo la waayo”

0

Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay sanad guurada 63-aad ee kasoo wareegtay maalinta calanka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay xarunta Dawladda hoose ee Xamar, iyadoo ay ka qeyb galeen, Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre, gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan “Jawaari”, Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo qeybaha bulshada.

Xafladda oo si weyn loo agaasimay ayaa waxaa khudbado ka jeediyay Madaxda Dawladda oo ka hadlay qiimaha maalintaan ay leedahay iyo dhibaatooyinkii loo soo maray hindisidda in calan Soomaaliyeed laga taago dhulka Soomaalida.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadda ka sheegay in halgan badan loo soo maray calankan maanta xuskiisa la jooga, isla markaana loo baahan in laga ilaaliyo wax walba oo sharafkiisa wax u dhimaya.

“Calanku wuxuu astaan u yahay qaranimadeena, jiritaankeena, wadajirkeena, wuxuu astaan u yahay inaan nahay dal xor ah. Calanku qiimo yeelan maayo haddii midnimo la waayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusuusiyey dadka Soomaaliyeed wax lagu waayey midnimo iyo wadajir in cidina aysan colaad iyo dhibaato ku keeni karin, sidaas daraadeedna loo baahan yahay gacmaha in la is qabsado oo laga wada shaqeeyo nabadda iyo horumarka dalka.

“Waxaa dhamaaday waqtigii la niyad jabi jiray, caawa madaxda idin hor-taagan ma ahan kuwii niyad jabi lahaa, dadka iyo dawladda Soomaaliyeed horay ayay u soconayaan, gadaal uma noqonayaan” ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Khayre.

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan (Jawaari) oo hadal kooban munaasbada ka jeediyay ayaa shacabka Soomaaliyed ku bogaadiyay in la isku baraarujiyo ahmiyada uu calanka leeyahay.

Munaasabad Lagu xusayay Maalinta Calanka Soomaaliya oo xalay lagu qabtay Muqdisho

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya, Xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, guddoomiyaha gobalka Banaadir, fanaaniin iyo boqolaal dadweyne ah ayaa xalay ka qayb galay munasbad lagu soo bandhigayey Golaha Dhalinyaradda Qaranka isla markaana lagu  xusaya maalinta Calanka Soomaaliya oo lagu qabtay garoonka kubadda Kolayga Aadan Xaaji Yabaroow Wiish ee degmada Cabdalcasiis ee gobalka Banaadir.

Munaasibadda oo ay si wadajir u soo qabanqaabiyeen Wasaradda dhalinyaradda iyo Cayaaraha xukumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka gobalka Banaadir ayaa lagu soo bandhigay halgankii iyo taariikhdii calanka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadal ka jeedisay munaasibadda ayaa soo bandhigtey magacyada 9 xubnood oo noqon doona Golaha KMG ah ee dhalinyaradda Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay  Wiil naafo ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay Munaasibadda ayaa bogaadiyay kaalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo u duceeyay dhallinyaradii halgalnka u soo martay xorriyadda Soomaaliya

Guuddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan oo qudbad ka jeediyay munaasibadda ayaa hambalyo u diray ummadda Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah dardaaran iyo bogaadin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in xalay ay aheyd habeen aad ugu qiimo badan Shucuubta Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan.

Gabagabadii Xafladda ayaa Ra’sul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guuddomiyaha Golaha Shacabka waxa ay si wadajir ah shahaado Sharaf u guddoonsiiyay Qaar ka mid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed ee muujiyay dadaalka iyo howl karnimida.

Xalay oo kale, Sanad walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 63-sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay Calanka Soomaaliyeed, kaasoo leh Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba Qowmiyadda Soomaalidu ku faanto.

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto.

Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay.

Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga xardhantahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954.

Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Somaliweyn iyo Midnimo Qaran.

Guddiyada joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya oo Kulan yeeshay

0

Muqdisho (SONNA) Kulanka 13-aad ee Guddiyada joogtada ah ee Golaha shacabka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka ,waxaana ugu horeyn warbixin laga dhageystay guddoomiyeyaasha guddiyada, iyadoo guddiga horumarinta adeegga bulshada uu faah faahin ka bixiyay hindise sharciyeedyadda waxbarashada iyo caafimaadka.

sidoo kale guddiyada  garsoorka Awqaafta iyo arrimaha diinta  iyo sidoo kale warfaafina iyo isgaarsiinta ayaa laga dhageystay hindise sharciyeedyadda  la dagaalanka musuq maasuqa iyo Saxaafadda.

kulanka gudiyada joogtada ah ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay howlaha golaha horyaala iyo sidoo kale xilliga ugu habboon ee qorshe howleedka guddiyada la horgeynayo kulanka guud ee golaha shacabka sida uu warbaahinta qaranka u sheegay C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah xoghayaha guud ee golaha shacabka.

 

 

 

Ciidamada amaanka Maamulka Puntland oo Gubay lacago  Been abuur ah  “Sawirro”

0

Garoowe (SONNA)  Wasaaradda Maaliyadda Dowlad goboleedka Puntland ayaa Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku gubtay Lacago shallin Soomaali oo faalso ah, islamarkaana ay Ciidamada Amaanka Maamulkaasi dhowaan gacanta ay ku dhigeen.

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland Mudane Cabdullaahi Saciid Carshe  ayaa goob joog ka ahaa Gubista Lacagta Shillin Soomaaliga faalsada ah, Waxaana uu sheegay in Lacagta Ciidamada amaanka ay gubeen ay gaareyso 600,500,000 (Lix boqol oo Milyan iyo Shan boqol oo kun).

Wasiirka ayaa xusay in aysan oggolaan doonin lacago faalso ah in lasoo galiyo Suuqyada, isagoo sheegay in qofkii talaabadaasi lagu qabtaa  Sharciga lasoo taagi doono.

 

In ka badan 37 qof oo ku dhintay daadad ku fatahay dalka Viyetnam

0

Muqdisho (SONNA) Tirada dadkii ku dhintay daadad ku fatahay dalka Viyetnam oo wata dhoobo ayaa korortay,taasoo ka dhalatay roobab ka da’ay Waqooyiga dalkaasi Viyetnam.

Warbaahinada  kala duwan ee dalkaasi ayaa sheegaya in Roobab maalmihii la soo dhaafay ka da’ay dalkaasi ay sababeen mashaqadaasi ku habsatay dadka dhintay,welina ay Ciidamada gurmadka deg degga ah ay wadaan baadi goobka dad nool oo weli ku hoos jira burburka Guryaha.

Warka wuxuu intaa ku daray in musiibadaasi ay ku burbureen in ka badan 1000 Guri halka in ka badan 17 kun Gurina  ay biyaha ka hoos mareen.

Masuuliyiinta dalka Viyetnam ayaa amray in laga daadgureeyo degaanadooda dhibaatada ku habsatay 200 kun oo qof.

Sida laga warqabo bishii Agusto ee tagtay musiibo noocan ah oo ku habsatay  waqooyiga dalkaasi  ayaa  waxaa  ku dhintay 26 qof  iyadoo guryo badan ay daadadku qaadeen.

Xamaas iyo Fatax oo heshiis ku gaaray Masar

0

SONNA: Inkastoo qorshuhu yahay in heshiiskaan la baahiyo galinka dambe ee maanta, haddana heshiiska Xamaas iyo Fatax oo ah mid is afgarad ah, waxa uu dhabaha u xaarayaa soo afjarida  kala aragti duwanaantii ka dhex jirtay in muddo ah.

Labada dhinac ayaa khilaafkooda waxa uu soo jiitamayay tan iyo sanadkii 2007, oo uu dagaal dhexmaray,  taasi oo kala qeybisay falastiiniyiinta oo laga kala maamulayay daanta galbeed iyo marinka Gaza.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Fatax, hase ahaatee Warbaahinta taageerta ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ee HPIS ayaa shaacisay go’aankan

Waxaa la aaminsan yahay in heshiiska labada dhinac uu keeni karo in la helo hal maamul uu mideysan iyada oo labada Kooxood uu ka muuqda biseel siyaasadeed.

Israa’iil, Maraykanka, Midawga Yurub, UK iyo quwado kalaba waxay argagixio u aqoonsadeen guud ahaan Xamaas iyo garabkeeda hubaysan.

Heshiiskaan waxaa garwadeen ka ah Dowladda Masar, waxaana lagu shaacin doonaa Shir jaraa’id oo maanta ka dhacaya magaalada Qaahira oo wadahadalo uu oga socday Xamaas iyo Fatax.

 

Soomaaliya oo 34 sano kadib soo ceshatay xuquuqda codeynta ee urur caalami ah (SAWIRRO)

0

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyada ayaa ka qeybgalaya shir-weynaha Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo 9-kii Sebteembar ka furmay caasimadda dalka Argentina ee Buenos Aires, ka dib markii wasaaraddu ku guuleysatay inay dib u soo ceshato xubinnimada buuxda ee ururkaas oo maqneyd tan iyo 1983-dii, kolkaas oo ay joogsatay bixinta qaaraanka sanadlaha ah.

Qaaraanka lagu yeeshay Wasaaradda muddadaas wuxuu gaarayay in ku dhow 2 milyan iyo bar, taas oo sababtay in wixii markaas ka dambeeyay ay Wasaaraddu si kor-joogto ah kaga qeybgasho shirarka, iyada oo aan lahayn wax cod ah.

Hase yeeshee, dadaal ay mas’uuliyiinta Wasaaraddu bixiyeen bilihii u dambeeyay waxaa lagu guuleystay in Soomaaliya laga cafiyo lacag ku dhow 1 milyan iyo bar doolar, waxaana la dajiyay qorshe soconaya muddo sanado ah oo lagu bixinayo baaqiga, iyadoo qeybtii 1aad oo dhan in ku dhow 80 kun doolar ay Wasaaraddu bixisay dhammaadka bishii hore.

Wasiir Cabdi Cashuur oo ka hadlayay shirkaas ayaa sheegay in xubinnimada ITU ay Wasaaradda ka caawin doonto sidii ay dib ugu heli lahayd adeegyada ay wasaaradaha dalalka caalamku ay ku leeyihiin ururkaas. Wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabadani ay fududeyn doonto sidii ITU ay dalka Soomaaliya uga kaalmeyn lahayd dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta dalka oo aysan shirkaduhu si gooni gooni ah u maalgashan karin.

“Sharaf bay noo tahay inaan dib u soo ceshanay xubinnimada buuxda ee ITU-da. Ma dooneyno inaan korjoogto kaliya ka noqono ururka ITU-da oo hawlo badan ay nooga xiran yihiin, inagoo awoodna inaan cod yeelano. Waxaan u mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo ku-xigeenkiisa iyo shirkadaha isgaarsiinta iyo internetka Soomaaliya oo Wasaaradda ka caawiyay inay qaaraankaas bixiso, iyadoo nidaamka lagu bixinayo uu ahaa mid daahfuran,” ayuu Wasiirku intaasi raaciyay.

Wafdi ka socda SONNA oo ka qeyb galaya Shirka Wakaaladaha wararka Islaamka

0

Muqdisho (SONNA) Agaasimaha Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Cabdullaahi Sheekh Cabdi raxmaan Heybe iyo Ibraahim Maxamuud Axmed oo ka mid ah Shaqaalha Wakaalada ayaa goordhow u ambabaxay dalka Sacuudiga halkaas oo ay kaga qeyb gali doonaan Shirka 25-aad ee Wakaaladaha Wararka Islaamka iyo Carabta.

Shirkan oo furmi doona 14-ka bishan ayaa wuxuu uu socon doonaa muddo Labo Maalin ah, waxaana looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa Wada shaqeynta Wakaaladaha, hormarinta, Qadiyada Falastiin iyo ka wacyi galinta bulshada fekerka xagjirnimada iyo qodobo kale oo muhiim.

Waa markii ugu horeysay oo Wafdi ka socda Wakaalada SONNA ay ka qeyb galaan shirkan, waxaana arintan ay dib u soo celineysa wada shaqeynta ay la laheyd Wakaaladaha caalamka.

Ra’iisul Wasaare Khayre “Calanku qiimo yeelan maayo haddii midnimo la waayo”

0

Muqdisho (SONNA) Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay sanad guurada 63-aad ee kasoo wareegtay maalinta calanka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay xarunta Dawladda hoose ee Xamar, iyadoo ay ka qeyb galeen, Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre, gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari, Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo qeybaha bulshada.

Xafladda oo si weyn loo agaasimay ayaa waxaa khudbado ka jeediyay Madaxda Dawladda oo ka hadlay qiimaha maalintaan ay leedahay iyo dhibaatooyinkii loo soo maray hindisidda in calan Soomaaliyeed laga taago dhulka Soomaalida.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadda ka sheegay in halgan badan loo soo maray calankan maanta xuskiisa la jooga, isla markaana loo baahan in laga ilaaliyo wax walba oo sharafkiisa wax u dhimaya.

“Calanku wuxuu astaan u yahay qaranimadeena, jiritaankeena, wadajirkeena, wuxuu astaan u yahay inaan nahay dal xor ah. Calanku qiimo yeelan maayo haddii midnimo la waayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusuusiyey dadka Soomaaliyeed wax lagu waayey midnimo iyo wadajir in cidina aysan colaad iyo dhibaato ku keeni karin, sidaas daraadeedna loo baahan yahay gacmaha in la is qabsado oo laga wada shaqeeyo nabadda iyo horumarka dalka.

“Waxaa dhamaaday waqtigii la niyad jabi jiray, caawa madaxda idin hor-taagan ma ahan kuwii niyad jabi lahaa, dadka iyo dawladda Soomaaliyeed horay ayay u soconayaan, gadaal uma noqonayaan” ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Khayre.

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan (Jawaari) oo hadal kooban munaasbada ka jeediyay ayaa shacabka Soomaaliyed ku bogaadiyay in la isku baraarujiyo ahmiyada uu calanka leeyahay.

 khilaaf kasta waxaa xal u ah Iskaashi iyo wada shaqeyn.

0

 

Wada shaqeyn iyo iskaashi  oo la micno ah wax wada qabsi waxaa la gaari karaa marka la helo hogaamiyaal bulsho mideysan oo u diyaar ah horumarinta danaha umadda ,isla markaana ku dhaqaaqda aasaaska dowlad dhexe oo u adeegta dadka iyo dalka.

Tan iyo markii la unkay dowladda soomaaliya ee kalsoonida ka heshay beesha caalamka ,waxaa hirgalay maamul goboleedyo dhowr ah oo la yimid kaalintii waxqabad iyo sharciyadii lama huraanka u ahaa habka federaalka ee Soomaaliya.

Dhismaha maamullaadaasi oo loo arkay kuwo ka talinaya aayaha dadka iyo dalka,waxa ay ku dhismeen wadatashiyo xooggan oo dhexmaray hogaamiyaasha bulshada,xukuumadda dhexe iyo beesha caalamka,kuwaas oo lagu micneeyay in ay xal u yihiin daaweynta dhibaatooyinkii kala gaaray umadda soomaaliyeed ee ku kala firirsan gobollada dalka.

Haddaba,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ka hadlay go’aankii ka soo baxay shirka wada tashiga dowlad goboleedyada   ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo dareenka  ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,

Mudane Farmaajo waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleedka ah,si ayuu yiri  looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynuhu waxa uu xusaY in ay marwalba imaan karto dhalliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)  ayaa qiray in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale R/Wasaaraha JFS Mudane Xasan Cali KHeyre oo isna ka hadlay natiijadii ka soo baxday shirka Kismaayo ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed xilligaan uu u ifayo mustaqbal iyo rajo wanaagsan sidaa daraadeedna loo baahan yahay in laga wadashaqeeyo horumar iyo wax wadaqabsi ku aadan arimaha dalka.

Mudane Kheyre waxa uu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii shacabka Soomaaliyeed looga saari lahaa dhibaatooyinka ,wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay adkeeyaan midnimadoda ,lana shaqeeyaan dowladda

Inta badan arimaha khuseeya wadatashiga waa kuwo u dhaca si  qorsheysan,mana jirto cid si gaar ah loogu xushmeynaayo in ay sad-buursi ku sameyso ujeeddada iyo go’aanada masiiriga ah  ee laga sugaayo dowladda dhexe.

Biseylka bulshada waxaa caadiyan ah in laga eego ama uu ku xiran yahay waaya aragnimada ay hogaamiyaashu u yeelan karaan in wax kasta laga hormariyo danta guud ee ummadda ,isla markaana aan dib loogu laaban khilaaf kasta oo hakin kara geedi socodka nabadda  iyo tan dowladnimo.

 

 

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye