Home Blog Page 1443

Wafdigii guddoomiye Jawaari ka qeybgalay furitaanka kalfadhigii 4aad ee baarlamaanka Jubbaland

0

Furitaanka Kalfadhiga afaraad fadhigiisa koowaad ee xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubaland oo maanta ka furmay Xarunta golaha shacabka dowlad goboleedka jubaland ee Magaaladda Kismaayo ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ,madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland kuxigeenada Aqalka sare ,guddoonka golaha shacabka ee jubbaland iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed C/raxmaan oo ugu horeyn ka hadlay ayaa sheegay ln fadhiyadii hore ee golaha shacabka jubbaland ay wax badan u qabsoomeen isagoo soo dhaweeyey imaatinka wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Abshir Bukhaari ayaa golaha Wakiilada jubaland ugu hambalyeeyay furitaanka kalfadhiga afaraad ee golaha shacabka jubaland.

Madaxweyanah Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaaa u mahad celiyay wafdiga Baarlamaanka Soomaaliya ee ka qeyb galay furitaanka fadhiga Golaha shacabka dowlad goboleedka jubaland,wuxuuna muujiyay ah,iyadda ay leedahay in la wada shaqeeyo.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Soomaaliya oo u mahad celiyay shacabka iyo dowlad goboleedka Jubaland ayaa amaanay howlaha golaha shacabka Jubaland ay u hayaan dadka ku nool deegaanada jubaland.

Wasiirka Maaliyadda XFS” Waa been abuur in lacago dheeraad ah lagu kordhiyay canshuurta badeedada Dekedda Muqdisho”

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr C/raxmaan Ducaalle Bayle oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay warar ay bulshada isla dhexmarayaan oo ah canshuur kordhinta gobolka Banaadir.

Wasiir C/raxmaan Beyle ayaa beeniyay in Wasaaradda ay lacag dheeraad ah ku kordhisay Canshuurtii  laga qaadi jiray badeecadaha  laga soo dejiyo Dekedda magaalada Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale sheegay  in ay been abuur tahay wararka sheegayo in lacag dheeraad ay Wasaaradda dul saartay Canshuurta laga qaadi jiray ganacsatada wax kala soo degta Dekedda Muqdisho,taasi oo lagu baahiyay warbaahinta iyo baraha bulshada.

Warkan ka soo baxay maanta C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meesha ka saaraya wararka la isla dhexmarayay ee ahaa in wasaaraddu ay lacag ku kordhisay canshuurta laga qaado badeecadda Dekedda Muqdisho laga soo dejiyo.

Guddoomiye Jawaari oo la kulmay madaxda Jubbaland

0

Kismaayo(SONNA) Wafdigan oo uu hoggaaminaya guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxmed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa siweyn loogu soo dhaweyey magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey madaxweynaha Jubbaland iyo xubnaha labada Gole ee Dowlad Goboleedka Jubbaland,wuxuuna kulan gaar ah uu la yeeshey madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaam Axmed Madoobe.

Ujeedad socdaalka wafdiga guddoomiye Jawaari ayaa la xiriirta ka qeybgalka furitaanka kalfadhigii4aad ee baarlamaanka Jubbaland oo ka furmaya magaaladaasi Kismaayo.

Inta uu joogo magaalada Kismaayo waxaa uu kulamo la yeelan doonaan madaxda Jubbaland iyo qeybaha bulshada.

 

Taliska AMISOM oo faah faahiyay bixitaanka ciidamada Amisom

0

Muqdisho(SONNA):–Kadib shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madera ayaa shaaciyay Tirada Ciidamada ugu horeeyo ee howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka baxaya Dabayaaqada sanadkaan,taasi oo qeyb ka ah qorshe ay ciidamada Amisom kaga baxayaan guud ahaan dalka.

Danjire Madera ayaa xusay in sanadkaan dhamaadkiisa ay Soomaaliya ka baxayaan ilaa 1,500 oo Askari oo dalkooda dib ugu laaban doono,isagoo intaasi ku daray in si tartiib tartiib ah uga baxayaan dalka ilaa ciidamada Dalka ay la wareegaan Amnigooda.

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya Mr Francisco Madera ayaa beeniyay in Ciidamo Cusub oo itoobiyaan ah ay soo gaareyn Soomaaliya waxa uuna been abuur ku tilmaamay wararka ay baahiyeen Warbaahinta Dalka.

Hadalkan ka soo baxay taliska Amisom ayaa imaanaya xili ciidamada xooga dalku ay isku diyaarinayaan sidii ay u hanan lahaayeen guud ahaan xasilinta amniga dalka.

Dhawaan waxaa bilowday howlgalo ballaaran iyadoo Alshabaab laga qabsaday deegaano dhowr ah.

Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweyne ku xigeen Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Gudoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweynaha kala qayb galay soo dhawaynta Gudoomiyaha Golaha shacabka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in uu rajayno in shaqo badan ay qabtaan mudada ay kismaayo joogan isla markana ay wadashaqaynta Baarlamaanka Federaalka iyo midka Jubbaland ay si fiican u fal galaan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay booqashada Gudoomiyaha ee Jubbaland isagoo sheegay in ay yimaadeen Magaaladoodii oo aysan marti ahayn.

  

Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ahna Kusimaha Wasiirka iyo Saraakiisha ugu sarrayso Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay abaabulka ugu dambeeya ee Ciidanka Xooggu ay ugu diyaar garoobayan dagaalka ballaaran ee argagixisada Alshabaab lagaga sifaynayo dalka.

Saraakiisha Ciidanka ee uu la kulmay Madaxweynhu ayaa muujiyey yididiillo iyo kalsooni, iyaga oo tilmaamay in ay durba guula kasoo hoyeen jiidda hore ee dagaalka hallaas oo ay ka xoreeyeen argagixisada deegaanno ku yalla Shabeĺlada Hoose.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeediyey Saraakiisha Ciidanka ayaa kula dardaarmay in ay ka soo dhalaalaan rajada ay ku qabaan Shacabku isla markaasna looga baahanyahay Muwaadin kasta in uu isna garab istaago Ciidanka nafta u huraaya dalka iyo dadka.

 

Shir ku saabsan maalgelinta Tamarta Dalka oo Muqdisho ka furmay+Sawiro

0

Muqdisho(SONNA) Shirka khubarada tamarta waarta ee dalka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha ee Dowlada Soomoaliya oo kaashanaysa hey’adda Qaramada Mioobay u qaalisal horumarinta Mashaariicda ee UNDP.

Ujeedada shirkan ayaa ah sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ku hor gudban  in maalgashi lagu sameeyo tamarta dalka Soomaaliya

Furitaanka shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka biyaha Xukuumadda FederaalkaSoomaaliya Mudane Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka howlaha guud Mudane Saadiq, C/llaahi Cabdi Wakiilka Qm Micheal keating iyo xubnaha labada aqal gaar ahaan gudiyada dhanka Khayraadka,ganacsato iyo Wasiirada kale ee Dowlada Goboleedyada.

Shirkan oo socon doono muddo  labo maalmood ah ayaa inta uu socdo lagu lafagurayaa sida ugu sahlan ee loo maalgelinkaro Tamarta Dalka uu leeyahay,iyadoo sidoo kale ay goob joog ka yihiin qubaro ka socoda QM ee dhinaca khayraadka.

Madaxda safaaradda Soomaaliye ee Masar”Madaxweyne Farmaajo waan uga mahadcelinaynaa dhiira gelinta ardayda

0

Qaahir(SONNA) Ardaydii Soomaaliyeed oo deeqda waxbarsho ay u dirtay Dowladda Soomaaliya ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar,kuwaasi oo shalay ka amba baxay magaalada Muqdisho.

Safiir ku xigeenka Soomaaliya ee Masar Mudane Ilyees Sheekh Cumar oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in ardaydan  ay la kulmeen soo dhaweyn wanaagsan,iyadoo  ay kaalin mug leh ku lahayd Safaaradda Soomaaliya ee Masar.

Ilyees Sheekh Cumar ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guud ahaan madaxtooyada Soomaaliya dowrkoodi  ku aadan ahmiyadda la siiyay  ardayda Soomaaliyeed in la dhiiro geliyo waxbarashadooda,wuxuuna xusay in waxweyn ay tahay in madaxweyne Farmaajo uu  bixiyay qarashaadka diyaaradii qaaday ilaa 76dii Arday oo deeqda waxbarasho heley kadib  heshiis ay horey u wada gaareen madaxda Dowladaha Soomaaliya iyo Masar Markii wafdigii uu hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo uu Dalkaasi dhawaan tagay.

Dhanka kale ardaydaasi oo iyagoo ku sugan Qaahir lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ka mahadceliyay sida madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya ay isaga xilsaartay daryeelka iyo waxbarashada ardayda Soomaliyeed,iyagoo xusay in ay tahay talaabo mudan in lagu daysado.

Safiir ku xigeenka Soomaaliya Ilyees Sheekh Cumar oo la socday ardaydaasi Muqdisho ilaa Masar, ayaa dadaal u galay in uu ardaydaasi ku hubsado deegaanadii loogu talagalay oo uu ku simay waxaan uu sidoo kale ku ammaanay ardaydii horey u joogtay Dalka Masar oo u istaagay in ay soo dhaweeyaan walaalohooda martida u ah,iyagoo deegaano u diyaariyay.

Wadanka Masar ayaa kamid ah wadamada sida aadka ah u taageera Soomaaliya gaar ahaan dowrkiisa ku aadan deeqaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed ay u fidiyaan taasi oo wax badan ka bedeli karta horumarka bulshada.

Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ahna Kusimaha Wasiirka iyo Saraakiisha ugu sarrayso Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay abaabulka ugu dambeeya ee Ciidanka Xooggu ay ugu diyaar garoobayan dagaalka ballaaran ee argagixisada Alshabaab lagaga sifaynayo dalka.

Saraakiisha Ciidanka ee uu la kulmay Madaxweynhu ayaa muujiyey yididiillo iyo kalsooni, iyaga oo tilmaamay in ay durba guula kasoo hoyeen jiidda hore ee dagaalka hallaas oo ay ka xoreeyeen argagixisada deegaanno ku yalla Shabeĺlada Hoose.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeediyey Saraakiisha Ciidanka ayaa kula dardaarmay in ay ka soo dhalaalaan rajada ay ku qabaan Shacabku isla markaasna looga baahanyahay Muwaadin kasta in uu isna garab istaago Ciidanka nafta u huraaya dalka iyo dadka.

Waa sidee Xaaladda Nololeed Barakacayaasha ku nool degmada Kaxda?

0

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Degmada Kaxda mudane Maxamed  Cismaanciil oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa ka faahfaahin ka bixiyay xaaladda Caafimaad iyo mida nolaleed ee ay ku nool yihiin Barakacayasha ku nool degmadaasi.

Maxamed Cismaanciil Guddoomiyaha Kaxda ayaa tilmaamay in ay jiraan dad u dhintay xaalado Caafimaad daro iyo saamaynta ay ku yeelatay Roobkii maalmahaan ka da,ayay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iyo deegaanda duleedka ka Magaalada.

Maxamed  Guddoomiyaha Kaxda  ayaa ku Amaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir sida ay kaga qeybqaateen dibu dejinta loo sameeyay dadkaasi.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya in ay ka warqabaan dadka kaso barakacay deegaanada hoos yimaada maamulkaasi.