Taliska AMISOM oo faah faahiyay bixitaanka ciidamada Amisom

Date:

Muqdisho(SONNA):–Kadib shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madera ayaa shaaciyay Tirada Ciidamada ugu horeeyo ee howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka baxaya Dabayaaqada sanadkaan,taasi oo qeyb ka ah qorshe ay ciidamada Amisom kaga baxayaan guud ahaan dalka.

Danjire Madera ayaa xusay in sanadkaan dhamaadkiisa ay Soomaaliya ka baxayaan ilaa 1,500 oo Askari oo dalkooda dib ugu laaban doono,isagoo intaasi ku daray in si tartiib tartiib ah uga baxayaan dalka ilaa ciidamada Dalka ay la wareegaan Amnigooda.

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya Mr Francisco Madera ayaa beeniyay in Ciidamo Cusub oo itoobiyaan ah ay soo gaareyn Soomaaliya waxa uuna been abuur ku tilmaamay wararka ay baahiyeen Warbaahinta Dalka.

Hadalkan ka soo baxay taliska Amisom ayaa imaanaya xili ciidamada xooga dalku ay isku diyaarinayaan sidii ay u hanan lahaayeen guud ahaan xasilinta amniga dalka.

Dhawaan waxaa bilowday howlgalo ballaaran iyadoo Alshabaab laga qabsaday deegaano dhowr ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...