Home Blog Page 1442

Golaha Wasiirada oo magacaabay Taliyaha Xooga Dalka , soona dhoweeyey baaqii Madaxweynaha ee Midnimada iyo Wadashaqeynta hay’adaha dawliga ah “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA), 12 October 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar). Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa magacaabista Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta hay’adaha dawliga ah iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay hay’adaha amniga oo ku aadan arrimaha xasilinta iyo howlgallada sugidda amniga dalka. Hay’adaha ammaanka ayaa xaqiijiyey in la dardargelin doono howlgalada lagu sugayo amniga iyo nabadeynta.

Wasaarada Gaashaandhiga ayaa golaha wasiirada u sheegay in Axmed Jimcaale Cirfiid uu iska casilay xilkii Taliyaha Xooga Dalka Soomaaliyeed. Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa Golaha Wasiirada u soo gudbisey talo soo jeedin in S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) uu noqdo taliyaha cusub. Dood dheer ka dib, ayey galaha wasiiradu u codeeyeen oo aqbaleen talo-soojeedintii aheyd in S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) uu noqdo Taliyaha Xooga Dalka Soomaaliyeed, tanoo loo gudibn doono Madaxweynaha si uu dikreeto uga soo saaro. Wasiirka Gaashaandhiga Rashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa isna iska casilay xilkii wasiirka Gaashaandhiga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa golaha ka codsaday inay ka warbixiyaan xaalada xiriirka iyo wadashaqeynta wasaaradahooda iyo wasaaradaha dawlad goboleedyada. Ugu yaraan 12 wasiir ayaa sheegay in wasaaradahooda ay xiriir wanaagsan la leeyihiin wasaaradaha dawlad goboleedyada oo kulamo wadatashi iyo xoojinta xiriirka ay ka dhaxeyso, kulamadaas oo ka kala dhacayey Muqdisho iyo xarumaha dawlad goboleedyada. Wasiirada warbixinada laga dhageystay ayaa kala ahaa Wasiirada Arrimaha Gudaha, Boostada & Isgaarsiinta, Qorsheynta, Maaliyada, Warfaafinta, Waxbarashada, Dastuurka, Biyaha, Diinta & Awqaafta, Gargaarka, Garsoorka, Dhalinyarada & Ciyaaraha, Ganacsiga, amniga, iyo kuwo kale.

Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey baaqii Madaxweyne Farmaajo ee midnimada iyo wadashaqeynta hay’adaha dawliga ah ee heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed. Golaha ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda ay ka go’antahay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta dawlad goboleedyada, qirayna inuu heerkii ugu sareeyey marayo iyadoo golaha wasiirada ay shirkooda caadiga ah ku qabsadeen 13kii July 2017 Kismaayo, una qorsheysneyd inay Baydhabo ku qabsadaan shirkooda kale hase yeeshee Maamulka Koofur-Galbeed uu dib u dhigay, lana rajeynayo in dhowaan shirkaas ka dhaco dhammaan dawlad goboleedyada dalka.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhagesytay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee ku aadan booqashadii Madaxweyne Faramaajo ku tagey Sacuudiga, Sudan iyo Masar, sheegeyna in xiriirka dalalkaas la sii xoojiyey iyadoo awalba ay Soomaaliya iyo dalalkaas leeyihiin xiriir qoto dheer oo taariikhi ah. Sidoo kale waxaa warbixin laga dhageystey Wasiirka Arrimaha Gudaha oo safar uu ku tagey Finland ka warbixiyey.

—DHAMMAAD—-

 

Taliska Booliska Soomaaliya oo gaadiid Ciidan ku wareejiyey Booliska  Hirshabeelle “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirshabelleMudane  Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto  C/xakiin Daahir Saciid Saacid Kala Wareegay Gawaari Loogu Talo galay in ay ku shaqeeyaan Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Hirshabelle, gawaaridaasi oo qeyb ka ah gaadiidka Taliska Boliiska Soomaaliyeed oo uu ugu talo galay in lagu wareejiyo dowlad goboleedyada Dalka ka jira..

Munaasabad ka dhacday Xarunta Dugsiga Tababarka Jen Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare waxa uu furaha gawaaridaasi oo ah 6 Baabuur oo casri ah la wareegay,  Iyadoo Madaxweynaha Munaasabadaasi ay ku wehlinayeen Madaxweyne Ku Xiggeenka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowlad Goboleedka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Hirshabelle Cor Xasan Dhicisow iyo Saraakiisha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane  Maxamed Cabdi Waare ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay Gaadiidka la siiyay Dowlad Goboleedka, waxaana uu sheegay in loogu qidmeyn doono bulshada Soomaaliyeed oo amnigooda laga sugi islamarkaana ay ku shaqeyn doonaan Ciidamada Ammaanka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed JS/guuto C/xakiin Daahir Saciid Saacid oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gawaaridaan ay ugu talo galeen in ay ku shaqeeyaan Ciidanka Boliiska Hirshabelle oo loogu qidmeeyo Bulshada, horeyna ay sidaan oo kale ay u siiyeen Maamulada kale, waxaana uu sheegay in markii hore ay ka heleen Saaxiibada caalamka oo kaalma ahaan loo siiyay Soomaaliya,, waxaana uu xusay in markasta ay ka go’antahay kan talis ahaan kaalmada ay helaan in la gaarsiiyo dhammaan dowlad Goboleedyada.

 

 

(Akhriso) Taariikh Nololeedka Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SONNA) Jeneral Cabdiweli Jaamac Gorod waxa uu ku dhashay magaaladda Muqdisho sanadkii 1950-kii, Iskuulka hoose dhexe waxa uu ka dhigtay dugsiga  Macalin Jaamac, Dugsiga sarena waxa uu ka gallay iskuulka farsamada  gacanta ee magaaladda Muqdisho.

General Gorod waxa uu ciidanka qortay 1966-dii,  Dalka Ruushka ayaa tababar loogu diray 1975-tii, waxuuna waxbarashada luuqada ruushka ka bilaabay magaalada Furanza ee dalkii la oran jiray Midowga Sofyeeti, 1977-dii waxa uu duulimaadka diyaaradaha ka bartay Akademiyada Karasnadaar ee dalka Ruushka .

Dalka ayuu dib ugu soo laabtay isagoo xidigle ah, Waxaana la geeyey xerada ciidanka cirka ee Balidoogle, 1980-kii waxa uu qaaday xidigii labaad waxaana loo badalay xeradii ciidanka cirka ee duleedka Magaaladda Kismaayo, halkaasoo uu ku bartay duulimaadyada diyaaradaha xamuulka ciidanka.

1984-tii waxa uu qaatay darajada sadax xidigle waxaana loo badalay magaaladda Hargeysa, Waxuuna berrigaasi duulin jiray diyaaradaha ciidanka ee loo yaqaano Biyaajo 160 oo  Talyaaniga lagu farsameeyo.

1988-dii waxaa lagu soo celiyey xerada ciidanka cirka ee Kismaayo, Seddex bilood ka dibna waxaa loo badalay Magaaladda Muqdisho, waxuu cilmi kororsi luuqadaha ah ka bilaabay machadkii la oran jiray OMC oo dowladda Maraykanka ay gacanta ku haysay, isagoo noqday gaashaanle sare,  gaashaanle sare isagoo ah ayayna burburtay dowladii dhexe.

Jeneral Gorod dowladdii Carte ee Cabdiqaasim Salaad ayuu ka noqday wasiirka dekadaha, Labo sano ayuuna hayay xilkaasi.

Jeneraalka waxuu dhalay siddeed caruur, Waxuuna degan yahay magaaladda London.

 

Deg deg :- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda  Soomaaliya oo is casilay

0

Muqdishi (SONNA)  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi rashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta Kulankii Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya khamiislaha ahaa geeyey Waraaq Istiqaalo ah oo Xilka isaga Casilayo, Isagoo Golaha ka codsaday in ay ka aqbalaan Iscasilaada uu dalbaday, waxaana wararka ay sheegayaan in Golaha uu ka aqbalay iscasilaada uu sameeyey Wasiir Cabdi rashiid Cabdullahi.

Dhinaca kale Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay Xaaladda Dalka ee dhinacyadda amaanka iyo Siyaasadda, iyagoo si  gaar ah uga hadlay arrimaha Maamul goboleedyada dalka jira.

Golaha Wasiiradda Soomaaliya  ayaa soo dhoweeyey hadalkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Xalay uu soo saaray, islamarkaana uu baaq ku aadan Midnimada Dalka in laga shaqeeyo uu ugu diray Ummadda Soomaaliyeed.

Deg deg:-  Golaha Wasiiradda XFS oo Taliyaha Ciidanka Xoogga u magacaabay Gen Cabdi Jaamac Xuseen (Gorod)

0

Muqdisho (SONNA) Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo kulankooda Khamiislaha ahaa Maanta ku yeeshay Magaaladda Muqdisho ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed u magacaabay Janaraal Cabdi Jaamac Xuseen  oo ku magac dheer Gen (Gorod) kadib markii uu is casilay Taliyihii Ciidankaasi Sarreeye Gaas Axmed Jimcaale Geeddi (Cirfiid).

Faahfaahin intaas ka dheer goor dhow kala soco Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Somalia attends ITU conference with full voting rights for the first time in decades

0

The Minister of Posts, Telecom and Technology has told that Somalia is no longer the only country in the world with no telecom regulation after the president signed the communications bill into law on October 2nd.

The Minister was speaking at ITU conference in Buenos Aires, Argentina, where Somalia is attending the conference – for the first in three decades – with full voting rights after the Ministry has recently managed to start the process of paying the dues, which have been outstanding since 1983.

H. E. Abdi Ashur Hassan told that this step would not only help the Ministry become a meaningful member of ITU but also pave the way for full partnership with ITU in the development of Somalia’s ICT sector.

“I would like to thank the prime minister and his deputy, telecom operators and ITU leadership for their commitment and understanding; we would not have done this without their efforts given the current financial constraints of the government,” added the minister.

“Somalia’s telecom industry is currently driven by the business sector with no tangible contribution by the government in terms of building infrastructure that would add value to their operations and increase government revenues. We want to fill that gap and help investors to move to the next level so that government can generate more taxes from the sector” concluded the minister.

END

PRESIDENT FARMAJO CALLS FOR UNITY AND COOPERATION

0

The President of the Federal Republic of Somalia, H.E Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo has been keenly following the concerns of the leaders of the federal member states, and in effect underscores the need for closer cooperation between the Federal Government and the Federal Members States to achieve the hope of peace and prosperity for our country.

“I want to remind you all that we must acknowledge that our country is on the path of recovery, and the only way we can achieve full recovery is through cooperation. We must therefore all strive for the greater good of this country and be true to the oath that we all took to put the country first.”

President Farmajo acknowledges that in a nascent federal system, there would be challenges and that must always be solved amicably through dialogue while remaining faithful to the constitution.

The president remains confident that all concerns will be resolved, and that leaders would remain true to the pledge of putting the interest of our country before anything else.

End

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi rashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta Kulankii Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya khamiislaha ahaa geeyey Waraaq Istiqaalo ah oo Xilka isaga Casilayo, Isagoo Golaha ka codsaday in ay ka aqbalaan Iscasilaada uu dalbaday, waxaana wararka ay sheegayaan in Golaha uu ka aqbalay iscasilaada uu sameeyey Wasiir Cabdi rashiid Cabdullahi.

Golaha Wasiiradda XFS oo Taliyaha Ciidanka Xoogga u magacaabay Gen Cabdi Jaamac Xuseen (Gorod)

0

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar). Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa magacaabista Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta hay’adaha dawliga ah iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay hay’adaha amniga oo ku aadan arrimaha xasilinta iyo howlgallada sugidda amniga dalka. Hay’adaha ammaanka ayaa xaqiijiyey in la dardargelin doono howlgalada lagu sugayo amniga iyo nabadeynta.

Wasaarada Gaashaandhiga ayaa golaha wasiirada u sheegay in Axmed Jimcaale Cirfiid uu iska casilay xilkii Taliyaha Xooga Dalka Soomaaliyeed. Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa Golaha Wasiirada u soo gudbisey talo soo jeedin in S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) uu noqdo taliyaha cusub. Dood dheer ka dib, ayey galaha wasiiradu u codeeyeen oo aqbaleen talo-soojeedintii aheyd in S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) uu noqdo Taliyaha Xooga Dalka Soomaaliyeed, tanoo loo gudibn doono Madaxweynaha si uu dikreeto uga soo saaro. Wasiirka Gaashaandhiga Rashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa isna iska casilay xilkii wasiirka Gaashaandhiga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa golaha ka codsaday inay ka warbixiyaan xaalada xiriirka iyo wadashaqeynta wasaaradahooda iyo wasaaradaha dawlad goboleedyada. Ugu yaraan 12 wasiir ayaa sheegay in wasaaradahooda ay xiriir wanaagsan la leeyihiin wasaaradaha dawlad goboleedyada oo kulamo wadatashi iyo xoojinta xiriirka ay ka dhaxeyso, kulamadaas oo ka kala dhacayey Muqdisho iyo xarumaha dawlad goboleedyada. Wasiirada warbixinada laga dhageystay ayaa kala ahaa Wasiirada Arrimaha Gudaha, Boostada & Isgaarsiinta, Qorsheynta, Maaliyada, Warfaafinta, Waxbarashada, Dastuurka, Biyaha, Diinta & Awqaafta, Gargaarka, Garsoorka, Dhalinyarada & Ciyaaraha, Ganacsiga, amniga, iyo kuwo kale.

Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey baaqii Madaxweyne Farmaajo ee midnimada iyo wadashaqeynta hay’adaha dawliga ah ee heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed. Golaha ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda ay ka go’antahay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta dawlad goboleedyada, qirayna inuu heerkii ugu sareeyey marayo iyadoo golaha wasiirada ay shirkooda caadiga ah ku qabsadeen 13kii July 2017 Kismaayo, una qorsheysneyd inay Baydhabo ku qabsadaan shirkooda kale hase yeeshee Maamulka Koofur-Galbeed uu dib u dhigay, lana rajeynayo in dhowaan shirkaas ka dhaco dhammaan dawlad goboleedyada dalka.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhagesytay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee ku aadan booqashadii Madaxweyne Faramaajo ku tagey Sacuudiga, Sudan iyo Masar, sheegeyna in xiriirka dalalkaas la sii xoojiyey iyadoo awalba ay Soomaaliya iyo dalalkaas leeyihiin xiriir qoto dheer oo taariikhi ah. Sidoo kale waxaa warbixin laga dhageystey Wasiirka Arrimaha Gudaha oo safar uu ku tagey Finland ka warbixiyey.

—DHAMMAAD—- 

Soomaaliya oo 34 sano kadib soo ceshatay xuquuqda codeynta ee urur caalami ah

0

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyada ayaa ka qeybgalaya shir-weynaha Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo 9-kii Sebteembar ka furmay caasimadda dalka Argentina ee Buenos Aires, ka dib markii wasaaraddu ku guuleysatay inay dib u soo ceshato xubinnimada buuxda ee ururkaas oo maqneyd tan iyo 1983-dii, kolkaas oo ay joogsatay bixinta qaaraanka sanadlaha ah.

Qaaraanka lagu yeeshay Wasaaradda muddadaas wuxuu gaarayay in ku dhow 2 milyan iyo bar, taas oo sababtay in wixii markaas ka dambeeyay ay Wasaaraddu si kor-joogto ah kaga qeybgasho shirarka, iyada oo aan lahayn wax cod ah.

Hase yeeshee, dadaal ay mas’uuliyiinta Wasaaraddu bixiyeen bilihii u dambeeyay waxaa lagu guuleystay in Soomaaliya laga cafiyo lacag ku dhow 1 milyan iyo bar doolar, waxaana la dajiyay qorshe soconaya muddo sanado ah oo lagu bixinayo baaqiga, iyadoo qeybtii 1aad oo dhan in ku dhow 80 kun doolar ay Wasaaraddu bixisay dhammaadka bishii hore.

Wasiir Cabdi Cashuur oo ka hadlayay shirkaas ayaa sheegay in xubinnimada ITU ay Wasaaradda ka caawin doonto sidii ay dib ugu heli lahayd adeegyada ay wasaaradaha dalalka caalamku ay ku leeyihiin ururkaas. Wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabadani ay fududeyn doonto sidii ITU ay dalka Soomaaliya uga kaalmeyn lahayd dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta dalka oo aysan shirkaduhu si gooni gooni ah u maalgashan karin.

“Sharaf bay noo tahay inaan dib u soo ceshanay xubinnimada buuxda ee ITU-da. Ma dooneyno inaan korjoogto kaliya ka noqono ururka ITU-da oo hawlo badan ay nooga xiran yihiin, inagoo awoodna inaan cod yeelano. Waxaan u mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo ku-xigeenkiisa iyo shirkadaha isgaarsiinta iyo internetka Soomaaliya oo Wasaaradda ka caawiyay inay qaaraankaas bixiso, iyadoo nidaamka lagu bixinayo uu ahaa mid daahfuran,” ayuu Wasiirku intaasi raaciyay.

DHAMMAAD