Madaxda safaaradda Soomaaliye ee Masar”Madaxweyne Farmaajo waan uga mahadcelinaynaa dhiira gelinta ardayda

Date:

Qaahir(SONNA) Ardaydii Soomaaliyeed oo deeqda waxbarsho ay u dirtay Dowladda Soomaaliya ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar,kuwaasi oo shalay ka amba baxay magaalada Muqdisho.

Safiir ku xigeenka Soomaaliya ee Masar Mudane Ilyees Sheekh Cumar oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in ardaydan  ay la kulmeen soo dhaweyn wanaagsan,iyadoo  ay kaalin mug leh ku lahayd Safaaradda Soomaaliya ee Masar.

Ilyees Sheekh Cumar ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guud ahaan madaxtooyada Soomaaliya dowrkoodi  ku aadan ahmiyadda la siiyay  ardayda Soomaaliyeed in la dhiiro geliyo waxbarashadooda,wuxuuna xusay in waxweyn ay tahay in madaxweyne Farmaajo uu  bixiyay qarashaadka diyaaradii qaaday ilaa 76dii Arday oo deeqda waxbarasho heley kadib  heshiis ay horey u wada gaareen madaxda Dowladaha Soomaaliya iyo Masar Markii wafdigii uu hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo uu Dalkaasi dhawaan tagay.

Dhanka kale ardaydaasi oo iyagoo ku sugan Qaahir lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ka mahadceliyay sida madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya ay isaga xilsaartay daryeelka iyo waxbarashada ardayda Soomaliyeed,iyagoo xusay in ay tahay talaabo mudan in lagu daysado.

Safiir ku xigeenka Soomaaliya Ilyees Sheekh Cumar oo la socday ardaydaasi Muqdisho ilaa Masar, ayaa dadaal u galay in uu ardaydaasi ku hubsado deegaanadii loogu talagalay oo uu ku simay waxaan uu sidoo kale ku ammaanay ardaydii horey u joogtay Dalka Masar oo u istaagay in ay soo dhaweeyaan walaalohooda martida u ah,iyagoo deegaano u diyaariyay.

Wadanka Masar ayaa kamid ah wadamada sida aadka ah u taageera Soomaaliya gaar ahaan dowrkiisa ku aadan deeqaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed ay u fidiyaan taasi oo wax badan ka bedeli karta horumarka bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...