Home Blog Page 1441

Ra’iisul wasaare ku xiggeenka XFS oo Magaaladda Sharma-sheekh kula kulmay R/wasaaraha Masar “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA), Raiisul wasaare ku xiggeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa Magaaladda Sharma-sheekh kula kulmay Raiisul Wasaaraha Dalka Masar Sherif Ismail Mohamed.

Labada masuul, ayaa waxay ka wada hadleen Arrimaha Amniga, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka iyo Waxbarashada.

Ra’iisul Wasaaraha Masar, ayaa ballan qaaday inay dawladdiisu ka caawin doonto Soomaaliya dhammaan arrimahaas ay ka wada hadleen, isagoo sheegay inay mar walba ay barbar istaagayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku xiggeenka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Dowladda Masar, waxayna ay ka wada hadleyn dhinacyo badan oo arrimaha amaanka ay ugu muhiimsaneyd, waxaana R/wasaare ku xiggeenka Soomaaliya uu Masar kaga qeyb galayaa shirka dhalinyaradda adduunka oo halkaasi lagu qabanayo.

 

 

Dowladda Masar oo deeq waxbarasho u fidisay Soomaaliya.

0

Al-Qaahira (SONNA)- Guddoomiyaha Jaamacadda Banha ee dalka Masar Dr. Yusuf Al-qadi  ayaa shaaca ka qaaday inay Jaamacadiisu 5 deeq waxbarasho oo lacag la’aan u fidisay Jaamacadda Ummadda ee Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banha ee dalka Masar Dr. Al-Qaadi oo la hadlayay Jaridka, ayaa sheegay  in qaraarkaasi ay gaartay Jaamacadiisa  uu yahay mid astaan u ah heerka uu gaarsiisan yahay cilqaadka iyo xiriirka Taariikhiga ah ee Masar iyo Somalia oo qarniyo soo jiray iyo qadarin loogu muujinayo shacabka Soomaaliyeed isbarbartaga iyo saaxibtinimada ay u muujiyeen Masar.

Deeqdan waxbarasho oo ay Masar u fidisay Somalia,  ayaa ah marxaladda waxbarashada Sare ee Jaamacada Banha oo ka mid ah Jaamacadaha ugu tayo waanaagsan Xagga waxbarashada Tacliinta sare ee dalkaasi Masar.

Dhowaan ayey aheyd markii Garoonka diyaaradaha Magaaladda muqdisho ay ka ambabaxeen 76 arday, kuwaas oo deeq waxbarasho ka helay Dalka Masar, waxaana Garoonka ku sagootiyay  masuuliyiin uu horkacayey Ra’isul wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guleed Qadar.

 

Madaxweyne Farmaajo oo ugu Hambalyeeyay Ciidamada Xoogga dalka guulaha ay gaareen

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay ciidamada xoogga dalka ee guulaha ka gaaray dagaalada todobaadyadii ugu dambeeyay ay la galeen Nabad diidka Al shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu shalay u jeediyay Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ayuu ku amaanay ciidanka qaranka sida ay ula dagaaleen cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab oo meelo badan laga saaray iyo guulaha ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen argagaxisada, isagoona sheegay in dagaalka lagula jiro Argagaxisada lagu guuleysan doono.

“Waxaan rabaa inaan ugu hambalyeeyo ciidankeena aagaga dagaalka ku jira guulaha ay gaareen iyo sida ay ula dagaaleen qolada shabaabka ah ayna uga saareen meelahii ay ku jireen, iyadoo waliba ciidamada ilaa iyo hada dhufeyso ay ku jiraan roobkana uu korkooda ku da’ayo, waxaan aaminsanahay inaan ka guuleysaneyno Al shabaab, qibradeeda waad leedihiin, wadaniyadeeda waad leedihiin oo waad soo aragteen dowlad xoog leh, dowlad wanaagsan oo diyaar u ah inay hormuud u idin noqoto waad heysataan oo anaggaa diyaar idin ah inaan idin horkacno, shacab wanaagsana waad heysataan oo baraarugsan soo jeeda garabna idin siinaya” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Ciidamada xoogga dalka inay ka foogaadaan wax kasta oo dhib u keeni kara shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay si wadajir ah isaga qabtaan cid kasta oo dooneysa inay dalka burburiso, isagoo u balanqaaday ciidamada in la siin doono Bilado iyo waxyaabo kale oo lagu dhiiri galinayo, inta ku dhimatana loo sameyn doono Daljir si loo xasuusto.

 

Madaxweyne Farmaajo oo ugu Hambalyeeyay Ciidamada Xoogga dalka guulaha ay gaareen

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay ciidamada xoogga dalka ee guulaha ka gaaray dagaalada todobaadyadii ugu dambeeyay ay la galeen Nabad diidka Al shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu shalay u jeediyay Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ayuu ku amaanay ciidanka qaranka sida ay ula dagaaleen cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab oo meelo badan laga saaray iyo guulaha ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen argagaxisada, isagoona sheegay in dagaalka lagula jiro Argagaxisada lagu guuleysan doono.

“Waxaan rabaa inaan ugu hambalyeeyo ciidankeena aagaga dagaalka ku jira guulaha ay gaareen iyo sida ay ula dagaaleen qolada shabaabka ah ayna uga saareen meelahii ay ku jireen, iyadoo waliba ciidamada ilaa iyo hada dhufeyso ay ku jiraan roobkana uu korkooda ku da’ayo, waxaan aaminsanahay inaan ka guuleysaneyno Al shabaab, qibradeeda waad leedihiin, wadaniyadeeda waad leedihiin oo waad soo aragteen dowlad xoog leh, dowlad wanaagsan oo diyaar u ah inay hormuud u idin noqoto waad heysataan oo anaggaa diyaar idin ah inaan idin horkacno, shacab wanaagsana waad heysataan oo baraarugsan soo jeeda garabna idin siinaya” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Ciidamada xoogga dalka inay ka foogaadaan wax kasta oo dhib u keeni kara shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay si wadajir ah isaga qabtaan cid kasta oo dooneysa inay dalka burburiso, isagoo u balanqaaday ciidamada in la siin doono Bilado iyo waxyaabo kale oo lagu dhiiri galinayo, inta ku dhimatana loo sameyn doono Daljir si loo xasuusto.

Khuburo arimaha Baasaboorada oo ka socda Midowga Yurub oo muqdisho soo gaaray+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Khubaro arimaha hubinta dukumentiyada u qaabilsan dalka Norwey ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho si ay u arkaan habka qaadashada Baasaboorka Soomaaliya.

Imaanshaha wafdiga khubarada ah ayaa ka dambeysay ka dib safaro uu agaasimaha guud ee HSJ ku tagay dalalka reer yurub oo uu kala hadlay in ay aqoonsadaan kuna kalsoonaadaan Basaboorka Soomaaliya. Ujeedada ayaa ah in shakiga iyo kalsooni darada laga saaro dalalka hore u joojiyey in dalalkooda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga ah.

Wafdiga Khubarada ah oo ay wehlinayeen masuulyiin ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa la geeyay xarunta baarista dambiyada ee booliiska ( C I D ) si ay u arkaan habka loo baaro qofka Soomaliga ee raba in uu qaato Basaboorka Soomaaliga, waxayna xarunta C I D kula kulmeen  taliyaha laanta Danbi baarista booliiska Jenaral Saciid Cali Kadiye.

Sido kale khubarada ayaa waxaa la geeyay xarunta Dad dhigista ee Gobolka Banaadir waxaana la soo tusay hab-ka loo maro qaadashada Dhalashada iyo Sugnaanta.

Ugu dambeyn khubarada ayaa soo gaaray xarunta dhexe ee bixinta Baasaboorka Muqdisho waxayna mid mid u tageen xafiisyada Hay’adda si ay u arkaan habka bixinta Baasaboorka.

Agaasimaha guud ee HSJ Col. Koofi ayaa casho sharaf u sameeyay wafdiga khubarada marka ay soo dhameysteen howlihii ay Soomaliya u yimaadeen, waxaana wafdiga ay agaasimaha guud u sheegeen in hormar weyn uu ka muuqdo dhamaan xafiisyada loo maro qaadashada Baaaboorka isla markaana ay Soomaliya ugu horeyso wadamo badan oo afrika ah oo ay horay u tageen.

R/wasaare Xasan Cali” waa guulaystay Qaranka Soomaaliyeed

0

R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre oo Xalay ka qeyb galay Munaasabad lagu qabtay Xaruunta Dowlada Hoose ee Xamar oo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ku wareejinayay lacag laga soo Ururiyay Deegaanada Puntland ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay sameeyeen Gurmad qaranka oo lagu Caawinaayay Muwadiniintii Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasooo gaartay Qaraxii 14 Octobar ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Mudane Xasan Cali R/wasaaraha XFS ayaa kaga mahad celiyay dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in ay door-wayn ka qaateen Caawinta iyo garab istaaga dadkii dhibaatadu kasoo gaartay Musiibadii qaran ee 14 Octobar ka dhacday Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho gaar ahaan isgoyska Ex Soobe.

R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre XFS ayaa tilmaamay in ay dhacdadaasi ay ahayd mid dhamaan midaysay bulshada Soomaaliyeed oo kaashanaaya Dowladdooda ayna tustay in ay hal meel kaga soo wadajeestaan Gumaadka maleeshiyada nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaaab ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Hasa-yeeshee taas laga qaatay go’aan midaysan oo ku aadan la dagaalanka nabad iyo nolal diidka ee Al shabaab ayna ka dhigan tahay in uu guulaystay Qaranka Soomaaliyeed maadama ay fahmeen gumaadka ay wadaan Al shabaab “ayuu yiri” Mudane Xasan Cali R/wasaaraha XFS.

R/wasaare Xasan Cali” waa guulaystay Qaranka Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SONNA) R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo Xalay ka qeyb galay Munaasabad lagu qabtay Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar oo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ku wareejinayay lacag laga soo Ururiyay Deegaanada Puntland ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay sameeyeen Gurmad qaran oo lagu Caawinaayay Muwadiniintii Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasooo gaartay Qaraxii 14 Octobar ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Mudane Xasan Cali R/wasaaraha XFS ayaa kaga mahad celiyay dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in ay door-wayn ka qaateen Caawinta iyo garab istaaga dadkii dhibaatadu kasoo gaartay Musiibadii qaran ee 14 Octobar ka dhacday Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho gaar ahaan isgoyska Ex Soobe.

R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre XFS ayaa tilmaamay in ay dhacdadaasi ay ahayd mid dhamaan midaysay bulshada Soomaaliyeed oo kaashanaaya Dowladdooda ayna tustay in ay hal meel kaga soo wadajeestaan Gumaadka maleeshiyada nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaaab ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Midnimada Dowlada iyo shacabkeeda waxaa ka dhashay go’aan wadajir ah oo ku aadan la dagaalanka nabad iyo nolal diidka ee Al shabaab ayna ka dhigan tahay in uu guulaystay Qaranka Soomaaliyeed maadama ay shacabka fahmeen gumaadka ay wadaan Al shabaab “ayuu yiri” Mudane Xasan Cali R/wasaaraha XFS.

Madaxweyne Trump oo hanjabaad hor leh u diray Kuuriyadda Waqooyi

0

Mareykanka(SONNA) Mr Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka  oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa ugu baaqay hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi in uu ka laabto hammigiisa ah inuu sameysto gantaalada iyo hubka Nuclear.

Madaxweyne Trump ayaa ammaan u jeediyay Kuuriyada Koonfureed, waxaana uu ku bogaadiyay horumarka iyo sida ay dalkaasi uu uga duwanyahay waxa uu ugu yeeray dal xabsi ah oo uu ula jeedo Kuuriyada Waqooyi,wuxuuna intaasi kudaray in ay tahay in wado sax ah lagu hogaamiyo Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa madaxweynaha xukuumadda Pyonyang Kim Jong Un uga digay in hubka uu horumarinayo uu khatar u kenayo dalkiisa, waxaan uu intaa ku daray in caalamka uusan marnaba u dulqaadan doonin ficilada dowladda Kuuriyada waqooyi.

Waxaa lagu wadaa Madxaweyne Donald Trump inuu usii gudbo dalka Shiinaha,balse Mr Trump waxaa uu baajiyay Safar uu ku tegi lahaa goob ka caagan milateriga ceriyaamo awgeed.

Madaxweynaha wadanka Mareykanka ayaa socdaal qaadan donna 11 maalmood waxaa uu ku maraya qaar kamid ah wadamada dhaca Qaaradda Asia,isagoo kulamo uu la qaadan doono madax kaladuwan.

Wasiir Eng. Yarisow oo hay’adaha QM ka codsaday inay xoojiyaan doorka dowladnimo ee Soomaaliya

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin kooban oo ku aadan horumarka warbaahinta dalka u gudbiyey hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan saraakiishooda warfaafinta u qaabilsan.

Wasiir Eng. Yarisow oo kulan la qaatay saraakiishan Qarmada Midoobey ayaa u sheegay in Soomaalidu ay yihiin dad aad u jecel warbaahinta, loogana baahanyahay inay dadaalkooda warbaahinta uu noqdo mid taageeraya qorsheyaasha dowlada federaalka ee ku aadan horumarinta warbaahinta dalka.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaan idinkaga mahadcelinayaa dadaalkiina ku aadan sidii shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa waxqabadka hay’adaha Qaramada Midoobey iyo horumrka dalka ka jira. Hase yeeshee waxaa loo baahanyahay in dadaalkiina uu noqdo mid waafaqsan qorshaha iyo istraatejiyada warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya si waxqabadkiina u noqdo mid dhiirigelinay hay’adaha dowliga ah si shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan in Dowladooda ay horumar joogta ah sameyneyso.”

Shirkan ayaa ahaa mid labo cisho u socday saraakiisha warfaafinta u qaabilsan dhamman hay’adaha QM ee dalka k howlgala oo ay ku diyaarsanayeen qorshe sanadeedkooda.

Wasiir Yarisow ayaa ku ammaanay hay’adaha QM doorkooda ku aadan inay caalamka u soo jeediyaan sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa iyo doorkooda adeegyada aasaasiga ah, kana codsaday in dhammaan adeegyada ay fuliyeen loo baahanyahay inay si dhow oo toos ah ugala shaqeeyaan hay’adaha Dowlada Federaalka ah si loo xoojiyo awooda dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii siiyey warbixin faahfaahsan oo ku aadan horumarka warbaahinta dalka, qorsheyaasha iyo istraatejiyada Wasaarada Warfaafinta ee Dowlada Federaalka, kana codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Warfaafinta oo u xilsaaran horumarinta warbaahinta dalka.
DHAMAAD

R/Wasaare Ku-xigeenka “Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada inay taageeraan horumarka iyo Nabadda, kuna gacan seyraan afkaarta xambaarsan xagjirnimada”

0

Masar(SONNA) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka qeyb galay shirka Dhalinyarada adduunka, ayaa magaalada Sharm al-Sheikh ee dalka Masar uga qeyb galay dhowr doodood oo lagu falan-qeynayey caqabadaha haysta dhalinyarada adduunka iyo sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa fikradaha xagjirnimada ah.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatada dhanka xagjirnimada ah ee haysta dhalinta Soomaaliyeed. Waxuuna ka mahadceliyey dadaalka la geliyey sidii xal loogu heli lahaa aafada xagjirnimada iyo muhiimadda ay leedahay abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada la siiyo.

“Shirkani wuxuu muujinayaa in dhallinyaradu ay awood u leeyihiin inay billaabaan isbaddal waxtar leh. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhalinyarada Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed inay taageeraan horumarka iyo Nabadda, kuna gacan seyraan afkaarta xambaarsan xagjirnimada”. Ayuu ku yiri R/Wasaare ku xigeenka dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa u xaqiijiyay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka go’an tahay dawladda taageerista dhallinyarada. “Waxaan diyaar u nahay caawinta dhallinyarada annagoo siineyna waxbarasho wanaagsan iyo fursado shaqo oo uga maarmaan kooxaha Argagixisada. Waxaan ayaga ugu baaqayaa inay taageeraan nabadda iyo isku soo dhaweynta bulshada” ayuu yiri.

Shirka Dhallinyarada Adduunka oo ujeedkiisu yahay helitaanka nabadda, barwaaqada, isdhexgalka iyo horumarka adduunka oo dhan ayaa la qabtaa sanadkiiba mar, waxana sanadkan ka qeyb galaya 3,200 qof oo ka kala socda 113 waddan oo ay weheliyaan Madaxweynaha Masar, Madaxweynaha Chad, Ra’iisul Wasaaraha Equatorial Gunnie iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.