Ururka Haweenka Qaranka oo sahay fudud gaarsiiyay C.X.D ee furinta hore dagaalka ku jira

Date:

Muqdisho(SONNA) Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sahay fudud oo isugu jira Biyo,caano,Buskud iyo Timir gaarsiiyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Aaga hore ee dagaalka deegaano duleedka ka ah degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan Gobolada Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada Xooga dalka ayaa aagaasi kula dagaalamaya dagaalyahanada Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ee Shacabka Soomaaliyeed u diidan iney nabad iyo xasilooni ku noolaadaan.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Axmed Sheikh Gaballe oo hogaamineysa Haweenka deeqda sahayda fudud ah gaarsiiyay Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan aagga hore ee dagaalka deegaano hoos yimaada degmooyinka Balcad iyo Afgooye ayaa sheegtay in sahayda fudud loogu talagalay Ciidamada Qalabka sida si loogu dhiira geliyo dar dar gelinta dagaalka ka dhan ah Kooxda Nabadiidka Al-Shabaab.

Talaabadaan ay qaadeen Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed waxaa soo dhoweeyay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida ee aagaga hore dagaalka oo ku tilmaamay mid niyad dhis u ah Ciidamada Qalabka sida ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Taliyaha Aaga koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Generaal Ibaarhim Yuusuf,Taliyaha Guutada Labaad Corneyl Cali Calasow iyo Taliyaha Guutada seddexaad Generaal Labo Afle ayaa si isku mid u soo dhoweeyay sahayda fudud ee ka soo gaartay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed,islamarkaana ku micneeyay mid tilmaameysa sida loogu qanacsan yahay howlgalka safka balaaran ee lagu qaadayo Kooxda Nabadiidka Al-Shabaab.

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka jawaabay codsigii Ra’iisal wasaaraha ee ahaa in la dhiira geliyo Ciidamada Qalab sida ee doonaya iney xoreeyaan dalka.

Sidoo kale,Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa Xaflad ka dhacday Muqdisho waxay Taliyaha Ciidanka Militariga kula wareejiyeen Taakuleyn sahay fudud ah oo ay ugu talagaleen Ciidamada Qalabka sida,kuwaasoo laga soo uruuriyay Haweenka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...