Home Blog Page 1440

Soomaaliland oo ka digtay rabshado salka ku haya doorashooyinka

0

Hargeysa-(SONNA)-Maamulka Soomaaliland ayaa digniin adag u jeediyay Dad la sheegay inay halkaasi ka abaabulayaan rabshado ay kaga soo horjeedaan howsha tirinta codadka ee doorshooyinkii dhacay dhawaan.

Jeneral Cabdillaahi Fadal Iimaan,Taliayaha ciidanka Booliska Soomaaliland ayaa sheegay in Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ay ka dhaceen rabshado, isagoo ku baaqay in la joojiyo wixii wax u dhimaya ammaanka.

Gen;Fdal ayaa intaa raaciyay inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii nabad-galyada wax u dhinta, ayna gacan adag ku qaban doonaan amniga oo uu sheegay in lagula xisaabtami doono Dadka ka dambeeya.

Guddiga doorashooyinka Soomaaliland ayaa horay u shaaciyay inayan jirin wax is daba marin, markii uu xisbiga Waddani sheegay inay ku gacan sayreen qaabka ay u socoto tirinta codadkii la dhiibtay.

Boqorka Sacuudiga oo dhawaan xilka ku wareejinaya Wiilkiisa

0

Riyadh-(SONNA)-Jariiradda Daily Mail ayaa daabacday in Boqorka Dalka Sacudiga, Boqor Salmaan Bin C/casiis Al-Sa’ud uu xilka ku wareejinayo wiilkiisa 32 jirka ah ee Amiir Maxamed bin Salmaam.

Hadalkan oo ay Jariiraddu kasoo xigatay Qof ku dhow qoyska reer Boqor ayaa intaa ku daraya in Todobaadka soo socdo laga yaabo inuu talada Dalka si buuxda ula wareego Amiir Maxamed haddii aysan arrintu is beddelin.

Boqor Salmaan ayaa la sheegay inuu noqon doono shaqsi sharafeed maamula oo keliya Xaramaynka, balse awoodda kale uu u gacan gelin doono wiilkiisa, kaasoo haatanba saamayn weyn ku talada Waddanka Sacuudiga.

Amiir Maxamed oo lagu naaneyso MBS ayaa in dhowaalaba u gogol xaaranayay la wareegidda maamulka Dalka, markii uu xabsiga dhigay wasiirro,Amiirro iyo Rag magac ku leh Dalka Sacuudi Carabiya, isagoo ku eedeeyay musuqmaasuq baahsan.

Xigasho: Daily Mail

Wasaaradda Amniga XFS oo digniin ka soo saartay falalka lidiga ku ah amniga

0

Muqdisho(SONNA) Maxamed Abuukar Isloow Ducaale Wasiirka amniga Xukumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa digniin u diray dadka ka shaqeeya faafinta wararka been abuurka ah.

Wasiirka amniga oo ka qeybgalay shirkii Golaha Wasiirada ayaaa ka warbixiyay howlgaladii ugu dambeyeey oo ciiidamadu ay ka sameeyeen degmada Afgooye,kuwaasi oo lagu soo qab qabtay ilaa 29 qof oo isugu jira horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aysan aqbali doonin in la qal qal geliyo ammaanka dalka iyo in been laga sheego Hay’ddaha ammaanka Dowladda Soomaaliya,isagoo xusay in ay ka shaqeynayaan xasilinta degaanada laga saaro Al-Shabaab ee gobolada dalka.

C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Wasiirka amniga uu Golaha Wasiirada ka hor sheegay in si adag loola xisaabtamayo dadka ka shaqeeya faafinta wararka been abuurka ah iyo kuwa amniga dalka lagu qal qal gelinaya.

Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo shalay ku yeesheey magaalada Muqdisho waxaa ay kaga hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta ammaanka Dalka.

Boqorka Sacuudiga oo dhawaan xilka ku wareejinaya Wiilkiisa

0

Jariiradda Daily Mail ayaa daabacday in Boqorka Dalka Sacudiga, Boqor Salmaan Bin C/casiis Al-Sa’ud uu xilka ku wareejinayo wiilkiisa 32 jirka ah ee Amiir Maxamed bin Salmaam.

Hadalkan oo ay Jariiraddu kasoo xigatay Qof ku dhow qoyska reer Boqor ayaa intaa ku daraya in Todobaadka soo socdo laga yaabo inuu talada Dalka si buuxda ula wareego Amiir Maxamed haddii aysan arrintu is beddelin.

Boqor Salmaan ayaa la sheegay inuu noqon doono shaqsi sharafeed maamula oo keliya Xaramaynka, balse awoodda kale uu u gacan gelin doono wiilkiisa, kaasoo haatanba saamayn weyn ku talada Waddanka Sacuudiga.

Amiir Maxamed oo lagu naaneyso MBS ayaa in dhowaalaba u gogol xaaranayay la wareegidda maamulka Dalka, markii uu xabsiga dhigay wasiirro,Amiirro iyo Rag magac ku leh Dalka Sacuudi Carabiya, isagoo ku eedeeyay musuqmaasuq baahsan.

Wasaaradda Amniga XFS oo digniin ka soo saartay falalka lidiga ku ah amniga

0

Maxamed Abuukar Isloow Ducaale Wasiirka amniga Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin u diray dadka ka shaqeeya faafinta wararka been abuurka ah.
Wasiirka amniga oo ka qeybgalay shirkii Golaha Wasiirada ayaaa ka warbixiyay howlgaladii ugu dambeyeey oo ciiidamadu ay ka sameeyeen degmada Afgooye,kuwaasi oo lagu soo qab qabtay ilaa 29 qof oo isugu jira horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aysan aqbali doonin in la qal qal geliyo ammaanka dalka iyo in been laga sheego Hay’ddaha ammaanka Dowladda Soomaaliya,isagoo xusay in ay ka shaqeynayaan xasilinta degaanada laga saaro Al-Shabaab ee gobolada dalka.

C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Wasiirka amniga uu Golaha Wasiirada ka hor sheegay in si adag loola xisaabtamayo dadka ka shaqeeya faafinta wararka been abuurka ah iyo kuwa amniga dalka lagu qal qal gelinaya.

Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo shalay ku yeesheey magaalada Muqdisho waxaa ay kaga hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta ammaanka Dalka.

Guddig doorashooyinka Soomaaliland”Majiraan wax is dabamarin

0

Waxaa weli soconaya tirinta codadka doorashadii Soomaaliland,iyadoo laga filayo guddiga in dhawaan uu soo saaro natiijadii rasmiga ahayd ee doorashada.

C/qaadir Iimaan Warsame oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa beeniyay wararka sheegaya Doorashadii Isniintii ka dhacday Somaliland in ay noqotay mid lagu shubtay.

Guddoomiye C/qaadir Wuxuu sidoo kale sheegay in ay qalad tahay dadka qaar in ay baraha bulshada soo dhigaan in ku shubasho ay dhacday, wuxuuna tilmaamay muhiim in ay tahay natiijada in looga dambeeyo Guddiga Doorashada.

Guddiga doorashooyinka ayaa xusay in ay diyaar u yihiin qancinta xisbi kasta oo wax ka tabanaya habka tirinta iyo qaab doorasheedka,balse ku baaqey in laga fogaado wararka been abuurka ah.

Mas’uuliyiintani ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliland in ay is dejiyaan islamarkaan ka dhursugaan guddiga ilaa uu soo saaro natiijada rasmiga ah ee doorashadaasi.

Madaxweyne Robert Mogabe oo diiday in uu iscasilo

0

Zimbabwe(SONNA) Tan iyo markii afgembiga uu ka dhacay Dalka Zimbabwe waxaa walaac laga muujinaya mustqbalka dalkaasi oo weli uu jahwareer ka taagan yahay.

Bulshada  reer Zimbabwe ayaa rajo ka qaba in xal deg deg ah laga gaaro qalalaasaha siyaasadeed ee uu dalkooda ku jiro, xilli ay mucaaradka, ururada bulshada rayidka ah iyo hogaamiyaasha diinta ku cadaadinayaan madaxweyne Robert Mugabe inuu xilka iska cazilo.

Balse madaxweynaha Dalkaasi Roberta Mogabe ayaa Warar soo baxay  sheegayay in  uu ka biyo diiday inuu xakunka wareejiyo,taasi oo aan la saadaalin Karin halka ay u biyo shuban doonto

Madaxweynaha South Africa Jacob Zuma oo ay Dowladiisu dhexdhexaadinayso Milatariga dalka afganbiyay iyo Robert Mugabe ayaa sheegay inaysan muuqan xal deg deg ah oo laga gaaro xaaladda Zimbabwe.

Dhanka kale hoggaamiayah mucaaradka adlkaasi Moran Tvangraye ayaa ugu baaqay madaxweyen Mogabe in uu xilka wareejiyo,six al looga gaaromushkiladaha kataagan dalkaasi.

Dadka odoroosa arrimaha siyaasadda dalkaasi ayaa tilmaamaya in hogaamiyahan oo 93 jir ah ee Mogabe uu ugu dambeyn xilka ka degi doono maadaama uu yahay qof da’ah,balse uu doonayo qura in xaaskiisa Grace Mogabe uu u meel deyayo.

Milatariga Zimbabwe ayaa talada dalka la wareegay Talaadadi, waxana ay u muuqataa in ay soo afjarayaan ku dhawaad 40 sano oo uu dalkaasi xakumayay madaxweyne Robert Mugabe oo hadda ah 93 jir.

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimaha amniga, Shirwynaha Culumada iyo mashaariic la fulinayo

0

Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre ) ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Shirwynaha Culumada iyo mashaariic la fulinayo.

Ugu horreyn, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin la xiriirta amniga, isagoo sheegay in ay hay’adaha amniga wadaan howlgalo qorsheysan oo kuwii ugu danbeeyey ee laga fuliyey degmada Afgooye lagu soo qabqabtay 29 oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ka mid ahaayeen,
1. Aweys Khadar Ahmed, oo ahaa Amiirka u qaabilsaanaa howlgalada Afgooye
2. Abdullahi Mohamud Mukhtaar (Ileey), farsamoyaqaanada qaraxyada,
3. Salah Abdulkadir Abdulle, Madaxa lacagaha Sakawaatka
4. Mohamed Aweys Ali, oo ka tirsanaa amniyaatka
5. Mohamed Hussein Salad (Yemeni), oo ka tirsanaa amniyaatka
6. Mohamed Ali Hassan – Amniyaatka
7. Bakar Mohamed Yaqub – Miiniiste ahaan tashkiiliyaha dhalinyarada
8. Sakariya Salad Mohamed – Amniyaatka
9. Aweys Kamal Muhiadin – Amniyaatka

Sidoo kale waxaa la soo qabtay gacan ku dhiigle Cabdiweli Cabdi Daauud oo ka tirsanaa Booliiska Laanta Canshuuraha oo horey u baxsaday ka dib dil uu u geystey marxuum Guled Abdulkadir Muse.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystey Faduma Osman Farah, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ee ku aadan horumarka maamulka iyo maareynta maaliyada. Faduma ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu diyaariyey nidaamkii loo baahnaa oo ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Maaliyada, Bankiga Dhexe, Bankiga Aduunka iyo Hay’ada Lacagta Adduunka (IMF).

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha ayaa golaha wasiiradda siiyey warbixin mashaariicda dhowaan la bilaabi doono, oo ay ka mid yihiin waddooyinka dalka qaarkood iyo hay’adaha dowliga ah si loo hirgeliyo maamul wanaag. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hoosta ka xariiqey muhiimada dib u dhiska dalka si shaqo loogu abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Diinta & Awqaafta ayaa ka warbixiyey shirweynaha Culumada Soomaaliyeed oo la filayo in la qabto bisha December ahna shir wadatashi ah bacdamaa culumadu ay yihiin hormuudka bulshada. Wasiirada ayaa dood dheer ka yeeshay sida ugu habboon ee loo qaban karo shirweynaha oo ay tallooyin ku biiriyeen.

Wasiirka Howlaha Guud & Guriyeynta ayaa golaha uga warbixiyey Hindise Sharciyeedka Nidaaminaya Naqshadeynta magaalooyinka, Horumarinta dhismaha iyo maamulka Dhulka. Dood dheer ka dib, waxaa lagu ballamay in usbuucyada danbe la ansixiyo.

Wasiirka Dastuurka ayaa ka warbixiyey shir ay wada shir guddoominayeen isaga iyo wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay ka soo qeybgaleen dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka oo looga hadlayey dardargelinta dib u eegista dastuurka, xasilinta dalka, iyo dardargelinta doorashooyinka halka cod iyo halka qof ee 2020ka.

–DHAMMAAD—-

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya oo maanta tababar loogu qaaday dalka Sacuudiga “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA), Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo gaaraya ilaa 5 sargaal,  ayaa maanta tababar lagu baranayo habka hubinta dukumintiyada dhoofka  loogu qaaday dalka Sacuudiga, waxaana tababarka waxa uu usocon doonaa muddo 10 cisho ah.

Ku simaha Agaasimaha Guud  ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Cabdulahi Xaaji Bashiir Shiine, ayaa sagootiyey saraakiisha, waxaana uu kula dardaarmay in ay si wanagsan u soo qaatan tababarka maanta loo diray, isla markaana ay wax badan ka soo faa’iidaan habka ay u shaqeeyan Saraakiisha Socdaalka qaabilsan ee Dalka Sacuudiga.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa dadaalo badan ugu jirta siddii shaqaalaha hay’addaasi ay u heli lahaayeen tababaro xirfadooda lagu dhisayo, waxaana  horay sidaan oo kale tababaro kala duwan  dalka dibadiisa ah u aaday qaar kamid ah Shaqaalaha HSJ.

 

 

 

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gacanta ku dhigay deegaano kale oo gobolka Baay ka tirsan

0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgal amniga lagu Xaqiijinayo  ka Bilaabay  Waddada isku xirta Degmadda Buurhakaba iyo Deegaanka Deeynuunaay, halkaasi oo ay ka baadi goobayaan firxadka Maleeshiyada kooxda Alshabaab ee laga itaalka roonaaday.

Ciidamada, ayaa howlgalka ka sameeyey Goobo ay Fariisan u aheyd Nabad diidka  Al shabaab, kuna dhibaateen jiray dadka shacabka ah, islamarkaana uga qaadi jiray Lacago baad ah, intaas ayaana dheereed in dadka kuwooda waxgalka ay ku dilaan, si inta kale ee soo hartay loo cabsi galiyo,  una waayaan qof ka dhiidhiya ficilada arxanka darran ee ay sameynayaan.

Guddoomiyaha Degmadda Buurhakaba ee gobolka Baay, Maxamed ibraahim Nuur,  ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA uga  warbixyey Howl galada ka socda Deegaanada Hoostaga Degmadda Buurhakaba, waxaana uu sheegay in ay dhexda u xirteen siddii ay ula dagaalami lahayeen kooxda Alshabaab, isagoo xusay in laga qabsaday goobo hor leh oo ay fariisin u aheyd.