Home Blog Page 1440

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyey heshiiska isu celinta Maxaabiista ee Soomaaliya iyo Hindiya

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir Guddoominayay ayaa ugu horeyn tacsi u diray Xildhibaan Maryan Macalin oo Hooyadeed ay ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Shariif Sheekhuna Maye ayaa mudanayaasha Golaha ka codsaday in ay ansixiyaan heshiiska isu celinta maxaabiista ee Soomaaliya iyo India.

Ansixinta heshiiskan oo cod la geliyay ayaa waxaa u codeeyay 161 mudane sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sheegay in sharcigan uu yahay mid ansax ah.

Intaasi ka dib Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa golaha ka hor akhriyay qaraarka heshiiskan lagu ogolanaayo.

waxaa la guda galay warbixinta kooban ee Xildhibaanadii soo kormeeray maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dalka Uganda, waxaana golaha ka hor akhrisay Xildhibaan Raabaca Sheekh Nuur oo ka mid ah guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka tilmaamtay in maxaabiista ay dhibatooyin ku heysato xabsiyada dalka Uganda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Guddiga Arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka in iyagoo kaashanaya Wasaaradda Arimaha dibadda ay dib warbixin ugu soo celiyaan Golaha oo faah faahsan.

Intaasi kadib Guddiga Madax banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo afartii bilba mar hor yimaada Golaha Shacabka ayaa golaha ka hor jeediyay warbixin ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay iyo waxyaabaha hadda u qorsheysan.

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa  sheegay in kulanka kan xiga ee dhici doona maalinta Isniinta ah laga sii amba qaadi doono ajendayaasha kale ee Golaha horyaalla.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo heshiis iskaashi la saxiixatay ITU

0

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa heshiis iskaashi kula saxiixatay Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) caasimadda dalka Arjaniin oo uu ka socdo shirka horumarinta Isgaarsiinta.

Heshiiskan ayaa qeexaya dhinacyada ay ka wada shaqeyn doonaan Wasaaradda iyo ITU, Ujeeddada heshiiskan ayaa ah sidii loo jaan-goyn lahaa qeybaha ay ITU ka caawineyso Wasaaradda, sida ay dhigayaan qaraaradii ka soo baxay ururkaas, kuwaas oo faraya Xoghayaha Guud ee ITU inuu kaalmo u fidiyo Soomaaliya maadaama ay ka mid tahay dalalka saboolka ah.

Heshiiskan ayaa ka dambeeyay kaddib markii Wasiir Cabdi Cashuur uu baaq toos ah ugu jeediyay Xoghayaha Guud iyo Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee hay’addaas mar uu dhowr bilood ka hor booqday xarunta ITU ee Geneva, iyadoo diyaarinta heshiiskan ay Wasaaradda kala shaqeysay Xafiiska ITU ee Carabta oo Soomaaliya qaabilsan.

Heshiiskan ayaa dhigaya in ITU ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada ay ka mid yihiin: diyaarinta kaabayaasha iyo sharciyada Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada (ICT), kor-u-qaadista aqoonta ICT, dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, dhismaha Machadka Isgaarsiinta Qaranka iyo in sare loo qaado sidii teknoolojiyada loogu adeegsan lahaa waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale, iyadoo tixgelin gaar ah la siinayo qeybaha bulshada ee nugul.

Heshiiskan waxaa dalkeena u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, halka dhinaca ITU uu u saxiixay Agaasimaha Xafiiska Horumarinta Isgaarsiinta ee ITU, Brahima Sanou.

DHAMMAAD

Wasiirka Howlaha Guud oo sharxay dhismaha guryaha uu Turkiga balanqaaday

0

Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saadiq Cabdullaahi Cabdi oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey Wasiir ku-xigenka Wasaaradda, Xildhibaan Jamaal Xasan Cusmaan, ku-simaha Agaasimaha guud iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Wasaaaradda.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay garoonka Diyaaradaha ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo uu dalka Turkiga uu kula soo yeeshey mas’uuliyiin kala duwan, waxaana ugu muhiimsan dabagalka qorshihii dhismaha toban kun ee guryo oo dowladda Turkigu ay balanqaaday oo uu sheegay in ay meel fiican marayaan.

“Safarkeena waxaa uu ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan arrimaha dib u dhiska, waxaan tagnay magaalooyinka Ankara iyo Antalya, waxaana la kulanay mas’uuliyiin iyo ganacsato si fiican ayay inoo soo dhaweeyeen, waxaana kala hadalnay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dib u dhiska dalka, gaar ahaan arrrintii dhismaha toban kun ee guryo, ayaana kala hadalnay meel fiican ayay marayaan, dhawaan ayaana si faah faahsan uga hadli doonaa howlaha Wasaaradda”. Ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud.

Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa guud ahaan dalka gaar ahaan kaabayaasha ugu muhiimsan wadanka oo in muddo ah burbursan.

Diblomaasiyiin Soomaaliyeed oo tababbar loogu soo gabo gabeeyay Dalka Qatar

0

Diblomaasiyiin ka socday Dawladda Soomaaliya ayaa tababbar loogu soo xiray magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qatar, waxaana intii uu tababbarku socday ka faa’iidaysteen casharo kala duwan oo la xiriira siyaasadda arimaha dibedda iyo sida Dalalka horumaray ay u maareeyaan.

Tababbarkan ayaa sidoo kale waxaa ka faa’iideystay diblomaasiyiin ka socday Dalka Suuriya iyo Masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar.

Waxaa munaasibad shahaadooyin lagu guddoonsiiyey diblomaasiyiintan loogu qabtay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Qatar, waxaana ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Qatar, kuwaasi oo sheegay inay ka go’antahay inay caawiyaan oo barbar istaagaan walaalahooda kale.

Intii uu kulanku socday waxaa Dawladda Soomaaliya lagu ammaanay tallaabooyinka wanaagsan ee ay u qaaday dhinaca Dawladnimada iyo horumarka, waxaana la xusay inay taasi muujinayso inay Soomaaliya soo ceshato doorkii ay ku lahayd caalamka, waxaana sidoo kale lagu ammaanay Xukuumadda Soomaliya doorkii dhex-dhexaadnimada  ahaa ee ay ka qaadatay xiisadda Khaliijka ka taagan.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar Mukhtaar Cali Yuusuf   ayaa sheegay in dhallinyaradu si wanaagsan uga faa’iidaysteen tababbarka, Isla markaana ay yihiin kuwa oo waciygoodu sareeyo, wuxuuna u mahad celiyey Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo dhamaan howlwadeenada Wasaaradda.

Sidoo kale  Qunsulka ayaa Dawladda Qatar uga mahadceliyey taageerada ay Soomaaliya la garab taagan tahay.

W/D: Ahmed Darwiish

Milateriga Turkiga oo gudaha u galay Suuriya

0

Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in ciidamadeeda ay gudaha u galeen dalka Suuriya si ay ula dagaallamaan Kooxda Daacish ee ku sugan meello badan oo ka mid ah dalka Suuriya.

Askarta Turkiga oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa ka gudbay xudduudda Suuriya, waxayna Ankara sheegtay inay arrintaas qayb ka tahay hawlgal looga gol leeyahay in lagu joojiyo dagaalka Idlib.

Waxa ay sheegtay dowladda Turkiga in ay ka go’an tahay in tilaabo adag laga qaado Kooxda Al-qaacidda.

War kasoo baxay Ciidamada Milatariga ayaa lagu sheegay in ciidanku ay samaynayaan xarun ay kala socdaan “aagga dagaalka ka caaggan” oo qayb ka ahaa heshiis dhex maray Ruushka iyo Iiraan.

Idlib badankeed waxaa gacanta ku haya Hayat Tahrir al-Sham, oo ah isbahaysi jihaad-doon ah oo gacan saar la leh Al Qaacida.

Waxay kaloo xudduud la leedahay deegaanaka Afrin ooTurkigu doonayo inuu xasiliyo.

Turkigu wuxuu taageeraa mucaaradka madaxweynaha Suuriya Bashaar Al Asad, sannadkii horena waxay taageereen duullaan ay fallaagadu ku qaadeen kooxda la magac baxday dawladda islaamiga ama IS, meel u dhow xudduudda, dhinaca magaalada Xalab.

Golaha Shacabka oo maanta yeelanyo kulan ay kaga hadlayaan heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista Soomaaliya iyo Hindiya.

0

Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanayo  kulan ka mid ah kulamadooda caadiga ah waxaana ay kulanka ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka  ayaa maanta cod u qaadaya heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista ee dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya, Heeshkan ayaa waxaa Soomaaliya uu soo saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Yuusuf Garaad.

Heshiiska is dhaafsiga maxaabiista ayaa qeexaya in dowladda Hindiya ay Soomaaliya ku soo wareejiso maxaabiista xukunka ku dhacay ee ku jira xabsiyada dalkaas, si ay xukunkooda ugu dhameystaan dalkooda.

Sidoo kale  Heshiis kan la mid ah ayaa waxaa horay loola galay Dowladda Itoobiya kaas oo sabab u noqday in Soomaaliya lagu soo wareejiyo in ka badan 100 qof oo ku xirnaa Xabsiyadda Dalka Itoobiya.

Golaha Shacabka oo maanta yeelanyo kulan ay kaga hadlayaan heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista Soomaaliya iyo Hindiya.

0

Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanayo  kulan ka mid ah kulamadooda caadiga ah waxaana ay kulanka ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka  ayaa maanta cod u qaadaya heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista ee dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya, Heeshkan ayaa waxaa Soomaaliya uu soo saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Yuusuf Garaad.

Heshiiska is dhaafsiga maxaabiista ayaa qeexaya in dowladda Hindiya ay Soomaaliya ku soo wareejiso maxaabiista xukunka ku dhacay ee ku jira xabsiyada dalkaas, si ay xukunkooda ugu dhameystaan dalkooda.

Sidoo kale  Heshiis kan la mid ah ayaa waxaa horay loola galay Dowladda Itoobiya kaas oo sabab u noqday in Soomaaliya lagu soo wareejiyo in ka badan 100 qof oo ku xirnaa Xabsiyadda Dalka Itoobiya.

Xildhibaanno dhagax dhigay xarun Caafimaad oo laga hirgelinayo Deegaanka Goobweyn

0

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dhagax dhigay goob caafimaad oo loogu talo galay dadka ku nool deegaan Goobweyn ee gobolka Jubbada Hoose.

Xildhibaan Maryan Maxamed Duuliye oo ka tirsa Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Xildhibaanno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay xarun loogu talagalay Hooyada iyo Dhallaanka, kaasi oo loogu adeegayo bulshada Deegaanka Goobweyn oo ka mid ah meelaha dhawaan laga saaray maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Xildhibaan Qureesho oo ka mid ah Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegtay in Xildhibaan Maryan ay ku soo dhaweysay deegaanka Goobweyn, isla markaana ay u yimaadeen inay dhagax dhigaan xarun caafimaad.

Xildhibaan Maryan Maxamed Duuliye ayaa sheegtay in xarunta caafimaad loogu talagalay in loogu adeego bulshada deegaanka, waxaana ay intaa ku dartay inay qorsheyneyso sidii ay deegaankaasi uga hirgelin lahayd mashaariic kala duwan.

Maryan Maxamed Duuliye ayaa ugu baaqday Qurbo joogta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaannada Jubbooyinka inay gacan ku siiyaan sidii adeegyada bulshada looga hirgelin lahaa deegaanka Goobweyne ee Gobolka Jubbada Hoose.

Xildhibaan Maryan Maxamed Duuliye ayaa sanadkii 2014-ka xarunta Hooyada iyo Dhallaanka ka hirgelisay xaafadda Faanoole ee magaalada Kismaayo, kaasi oo wax badan u taray bulshada xaafadaasi ku nool.

Bandhig Carweedka Dhaqanka iyo Farshaxanka oo la soo gabo gabeeyay

0

Bandhigaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Benaadir oo maalgaliyay Haweenka 17-ka Degmo ee Gobolka si ay usoo bandhigaan wax soo saarkooda.

Mashruucaan oo socday labo maalin ayaa Maamulka gobolka Benaadir waxa uu sheegay in ujeeddada laga leeyahay ay tahay dhiiragelinta, kobcinta, horumarinta Haweenka iyo dhaqanka.

Barnaamijkaan oo lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxa ay ku soo bandhigeen Haweenka oo kala matalayay Degmooyinka agab, dhar iyo cunooyinka Hidaha iyo Dhaqanka ay u leedahay Soomaalida, iyada oo hal ku dhigyada ay isticmaalayeen ay ka mid tahay “Badbaadi deegaanka oo jooji isticmaalka bacda, taa badalkeedna qaado dambiisha”

Waxybaaha lasoo bandhigay, waxaa ka mid ahaa farshaxanka, Xeerada iyo fandhaalka lagu cuno cuntada,  dirimo ka sameysan cow, dambiil, dhiisha caanaha, Haamo, dharka dhaqanka iyo kuwa kale oo muhiim u ah nolosha oo dhammaantooda lagu sameeyay dalka.

Sidoo kale waxa ay ahayd carwo furan oo loogu tala galay in Dadka ay iibsadaan waxyaaabaha lagu soo bandhigay halkaasi, iyada oo qaar badan oo ka mid ahaa kasoo qeybgalayaasha oo isugu jiray Madax iyo shacab ay gateen waxii ay u arkeen in ay u  baahan yihiin.

Qaar ka mid ahaa Haweenkii lahaa farsamada waxyaabaha lagu soo bandhigay ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid dhiiri gelin u ah waxsoo saarkooda.

Dadka madasha joogay ee wax ka iibsaday waxyaabaha lasoo bandhigay, waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi, Wasiirka Ammniga Mudane Maxamed Abuukar Isloow, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabid Cabdi Maxamed iyo Xildhibaanno ka tirsan Barlamanka Federaalka.

Mas’uuliyiintii ka hadashay madasha waxa ay sheegeen in Haweenka ay yihiin awood muuqata oo u baahan in la gacan siiyo, iyaga oo dhiiragaliyay mashaariicda noocaan ah ee lagu soo nooleynayo dhaqanka Soomaalida.

Bandhigaan waxa uu yimid, iyada oo ay sii yaraanayaan wax soo saarka iyo adeegsiga waxyaabihii ay Hidaha iyo Dhaqanka u lahaan jireen Soomaalida.

Qaadista canshuurta Gobolka Shabeellaha Hoose oo dib loo bilaabay

0

Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegtey in bilaabay qaadista cashuuraha Gobalka Shabeelada Hoose.

Sagaalkii bisha 5aad ayaa hakad la geliyay qaadista canshuuraha Gobolka Shabellaha Hoose si loo saxo qaladaad ka jiray habka loo qaado canshuuraha,

Wasirka Maaliyadda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Wasiir dowlaha arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed,  Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose iyo maamulka Degmada Afgooye  aya kulan ay ku yeeshen Degmada Afgooye waxa ay ku gorfeeyeen habka ugu wanaagsan  ee canshuuraha loo qaadi karo.

Guddoomiyah Degmada Afgoye Cabdinaasir Caalim Ibraahim ayaa sheegay in qaadista canshuurta horay loo joojiyay ay ugu gol lahaayen in dib loo saxo nidaamka qaadista canshuraha, waxaana uu intaa ku daray in hadda la isku afgaray hanaankii loo mari lahaa.

Guddoomiyaha Gobolka  Shabellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax aya  tilmaamaty  in wadatashi dheer kaddib dib loo bilaabay qaadista canshurta, waxaana uu shacabka ka codsaday inay u hogaansamaan awaamiirta dadka ku shaqada leh qaadista canshuuraha.

Wasiir Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdullahai Maxamed Aadan ayaa sheegay in canshuurta laga qaado ganacsatada iyo gaadidka dib loogu celin doono bulshada inteeda kale.

Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed Mudane Cabdiraxmaan Aadan Sate ayaa sheegay in shacabka Gobolka Shabellaha Hoose looga baahanyhay in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay, ayna la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si loo xaqoojiyo nabad gelyada Gobolka.