Ururka Haweenka Qaranka oo sahay fudud gaarsiiyay C.X.D ee furinta hore dagaalka ku jira

Date:

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sahay fudud oo isugu jira Biyo,caano,Buskud iyo Timir gaarsiiyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Aaga hore ee dagaalka deegaano duleedka ka ah degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan Gobolada Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada Xooga dalka ayaa aagaasi kula dagaalamaya dagaalyahanada Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ee Shacabka Soomaaliyeed u diidan iney nabad iyo xasilooni ku noolaadaan.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Axmed Sheikh Gaballe oo hogaamineysa Haweenka deeqda sahayda fudud ah gaarsiiyay Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan aagga hore ee dagaalka deegaano hoos yimaada degmooyinka Balcad iyo Afgooye ayaa sheegtay in sahayda fudud loogu talagalay Ciidamada Qalabka sida si loogu dhiira geliyo dar dar gelinta dagaalka ka dhan ah Kooxda Nabadiidka Al-Shabaab.

Talaabadaan ay qaadeen Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed waxaa soo dhoweeyay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida ee aagaga hore dagaalka oo ku tilmaamay mid niyad dhis u ah Ciidamada Qalabka sida ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Taliyaha Aaga koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Generaal Ibaarhim Yuusuf,Taliyaha Guutada Labaad Corneyl Cali Calasow iyo Taliyaha Guutada seddexaad Generaal Labo Afle ayaa si isku mid u soo dhoweeyay sahayda fudud ee ka soo gaartay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed,islamarkaana ku micneeyay mid tilmaameysa sida loogu qanacsan yahay howlgalka safka balaaran ee lagu qaadayo Kooxda Nabadiidka Al-Shabaab.

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka jawaabay codsigii Ra’iisal wasaaraha ee ahaa in la dhiira geliyo Ciidamada Qalab sida ee doonaya iney xoreeyaan dalka.

Sidoo kale,Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa Xaflad ka dhacday Muqdisho waxay Taliyaha Ciidanka Militariga kula wareejiyeen Taakuleyn sahay fudud ah oo ay ugu talagaleen Ciidamada Qalabka sida,kuwaasoo laga soo uruuriyay Haweenka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...