Wasiirka Dhallinyarada oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Radio Muqdisho iyo SNTV

Date:

Wasiirka dhallinyarada iyo Isbootiga ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadlay munaasabad lagu abaalmarinayay dhallinyaro tababbar loogu soo xiray Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday in Wasaaraddu ay dhiiri gelineyso dhallinta Soomaaliyeed.

Wasiir Khadiijo ayaa tiri “Wasaaradda dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay xoogga saareysaa hirgelinta siyaasadda Qaran ee dhallinyarada, iyadoo laga wada tali gelinayo dhamaan bulshada intooda muhiimka ah”.

Wasiir Khadiijo ayaa shaacisay in dhawaan ay bilaabeyanaan diyaarinta siyaasadda isboortiga Qaranka,

“Waxaan horey u balan qaaday urur kasta oo ka shaqeynaya danaha arrimaha dhallinyarada inaan lacag laga qaadin marka la diiwaan gelinayo, waxaana ku guuleysanay inaan si lacag la’aan ah lagu diiwaan geliyo 75 urur iyo 5 urur Jaamacadeed.

“Tababbarka caawa aan soo xireyo waxa uu furmay 12-ka bishi October, kaasi oo socday muddo bil ah, waxaana caawa u fadhinaa inaan abaalmarinayo 765 ka mid ah dhallinyarada nasiibka u yeeshay in ay ka qeyb qaataan tababbarka”ayay tiri Wasiir Khadiijo.

Sidoo kale intii ay socotay munaasabadda waxaa shahaado sharaf la guddoonsiiyay Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifatax Daahir Jeyte oo ku muteystay wada shaqeynta kaalinta uu Raadiyaha ka qaatay wacyigelinta dhallinta Sooamaliyeed iyo la shaqeynta Wasaaradda dhallinyarada.

Si taa la mid ah Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed waxaa la guddoonsiiyay shahaado sharaf oo uu u qaaday Mudane Fu’aad Muxudiin oo ka mid ah howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta kuwooda ugu howlkarsan, isla marakaana suurta geliyay in barnaamijyada intooda badan ay ku baxaan tebin toos ah.

“30 -ka bishan Muqdisho waxaa ka furmaya shirweyne Qaran oo looga hadlayo arrimaha dhallinyarada, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan dhallinyarada Soomaaliyeed” ayay tiri Wasiir Khadiijo.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa sheegay in dhallinyarada ay door weyn ka qaateen horumark dalka, gaar ahaan u gurmashada dadkii wax ku noqday qaraxii 14-ka October ka dhacay Muqdisho.

“Waxaa jirta qaswadayaal diidan in wadankan uu horumar gaaro, runtiina kuwaasi waa argagixisada Al-Shabaab, marka waxaa la idinka rabaa inaad doorkiina ka qaadataan sidii dalka oo dhan looga xoreyn lahaa argagixisada Al-Shabaab”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in Xukuumadda ay xoogga saareyso sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaamka axsaabta, isla markaana dib  u eegis lagu sameynayo qabyo qoraalka Dastuurka dalka, si dalka loo gaarsiiyo hal qof iyo hal cod.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...