Bannaan baxyo ka dhacaya Zimbabwe

Date:

Zimbabwe(SONNA) Iyadooweli madaxweyne Roberta Mogabe uu diidan yahay in uu xilka ka dego,ayaa hadana madaxda Xisbiga talada dalka Zimbabwe haya ee ZANU-PF sare u qaaday cadaadiska uu ku hayo Madaxweyne Robert Mugabe,waxaaan ay ugu yeereen in uu xilka baneeyo.

Saraakiisha sar sare ee  Hoogamisa  xisbiga ZANU-PF ayaa Mugabe ka dalbanaya in uu xilka iska casilo kadib markii maalintii arbacada ay ciidamada Militariga la waregeen awodda dalkaasi.

Balse Madaxwayne Robert Mugabe wuxuu doonayaa in uu xilkasi ssii hayo ilaa xisbiga uu ku yeelanayo shirka qara ee la filayo in bisha soo socota lagu qabtay Dalkaasi.

Banaan bax ballaaran oo ay taageerayaan militariga Zimbabwe iyo Saraakiisha xisbiga ZANU-PF ayaa lafilayaa in maanta uu ka dhoco magaalada Haraare ee Caasimadda Dalka Zimbabwe.

Hogaamiyayaasha ururka ay ku bahoobeen galbeedka Afrika ayaa wada dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro,iyadoo Madaxwayne Robert Mugabe uu shalay markii ugu horreysay tan iyo arbacadii ka soo muuqda goob fagaara ah isaga oo ka qaybgalay xaflad qalinjabin ahayd.

Madaxweyne Mugaabe ayaa saran cadaadis xoogan oo dhankasta kaga imaanaya,kaasi oo ah in uu talada wareejiyo maadaama muddo 40 sano ah uu soo maamulayay dalkaasi,tan iyo 1988kii

Militariga Dalkaasi ayaa waxaa ay sheegayaan in ay wada hadal kula jiraan balse ay soo sheegi doonaan natiijada ka soo baxda wadahadaladaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...