Khilaaf ka dhashey shirkadda Kuwait Arilines oo in ay qaado muwaadiniin Israel u dhashey

Date:

Sida ay baahinayaan warbaahinada caalamka qaarkood,Maxkamad ku taaalla Jermalka ayaa go’aan ku gaartay in shirkadda diyaaradaha ee Kuwait airline ay xaq u lahayd in ay diido in aysan qaadin muwaadin Israa’iil u dhashay,taasi oo keentay kala tuhun oo kala dhexgala labada dal.

Maamulka Yuhuudda ayaa lagu soo waramayaa in ay u arkaan go’aankaasi mid aan wanaagsanayn islamarkaana ay caro xoog leh ka muujiyeen,kadib markii Shirkadda Kuwait Airways ay diiday in ay qaado macmiil ka goostay tigid oo ka bixi lahaa Frankfurt isaga oo u socday magaalada Bangkok ee ee xarunta Dalka Thailand,waxaana Maxkamad ku taalla Frankfurt ay sheegtay in shirkadda diyaaraddu ay ixtiraamaysay shuruucda dalka Kuwayd oo aan aqoonsanayn dalka Israa’iil.

Waxay sheegtay Maxkamaddu in aysan awoodin in ay meesha ka saarto sharciga dalka Kuwayd, Sharciga dalka Jermalkuna uu qeexayo faquuqa ku salaysan, midabka, qawmiyadda ama diinta balse aysan ku jirin muwaaddinnimada.

Qareenkii u doodayay rakaabka oo lagu magacabo Nathan Gelbart ayaa go’aanka maxkamadda ku tilmaamay “mid laga xumaado marka si guud loo fiiriyo dimuqraadiyadda iyo ka Jermal ahaanba,isagoo yiri“Go’aankaasi ma sii taagnaankaro, rakaabkuna racfaan ayuu ka qaadan doonaa xukunka ayuu yiri.

Waxaa sidoo kale arrintani aad uga soo horjeestay Guddiga dhexe ee Yuhuudda Jermalka oo sheegay “in ay tahay wax aan la aqbali karin in shirkad ajnabi ah loo ogolaado in ay Jermalka ka dhex shaqayso iyadoo ku dhaqmaysay arrin caalamka looga arko in ay Yuhuudda liddu ku tahay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...