Home Blog Page 1435

Dawlada Federaalka oo Shaacisay Qasaaraha Nafeed ee qaraxii shalay

0

Dawlada Federaalka ayaa xaqiijisey in 276 ay u geeriyoodeen qaraxii shalay 14ka October 2017 ka dhacay isgoyska Zope ee KM5 ee magaalada Muqdisho, dhaawacana ilaa 300 oo isbitaalada magaalada la kala geeyey. Weli waxaa lagu guda jiro gurmad qaran oo waxii soo kordha dib laga soo sheegi doono. Meydadkan ayaa 111 ka mid ah ay qoysaskooda aasteean halka inta kale ay Dawlada Federaalka iyo Dawladda Hoose ee Xamar ay si sharaf leh u aaseen, iyadoo loo wada sameyn doono baroordiiq heer Qaran ah iyo duco maalmaha soo socda.

Dawaladda Federaalka ayaa u mahadcelisay shacabka, cidianka, shaqsiyaadka is-xilqaamay, Maamulka Gobolka Benaadir iyo dhammaan dadkii gacanta ka geystay tan iyo shalay markii qaraxa dhaca ilaa iyo hadda oo wada gurmad aan kala go’ laheyn.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, Wasiirka Amniga Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhiigooda ku yaboohay dhaawacii si loogu dabiibo. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqasho rasmi ah oo uu ku tagi lahaa dalka Turkiga baajiyey isagoo kulamo muhiim ah la lahaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga.

Madaxda Qaranka ayaa ku guuleystay inay codsi gurmad ay weysdiisteen waddamada aan saaxiibanada nahay oo qaarkood ay ka soo jawaabeen, sida Dawladda Turkiga oo aqbashay soona direysa diyaarad qaas ah oo dhaawaca lagu qaado. Sidoo kale dawladda Turkiga ayaa soo direysa takhaatiir iyo wafdi heer sare ah oo u imaanaya inay xaalada qiimeeyaan isla markaasna u gurmadaan dhaawacyada. Sidoo kale wadamada deriska ah oo ay ka mid yihiin Djibouti, Kenya iyo Ethiopia ayaa iyagana diyaar u ah inay gurmad takhaatiir iyo daawooyin ah soo diraan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa magacaabay Guddi heer wasiiro ah oo ay ku jiraan xubno ka socda bulshada rayidka iyo culumaa’udiinka. Guddigan ayaa waxaa la shaqeeya dhalinyaro si mutadawacnimo ah u howlgalayey tan iyo shalay oo kormeer ku sameeyey isbitaalada iyo goobta qaraxa ka dhacay. Sidoo kale ciidanka ayaa si xowli ah uga qeybqaadanayey gurmadka oo 400 askari ayaa tan iyo maanta ku howlanaa nadiifinta goobta qaraxa ka dhacay iyadoo si taxadar leh guryaha burburay looga baarayey dad nool iyo meydba. Ugu yaraan labo qof oo nool ayaa laga soo dhex saaray guryahaas kuwa ka mid ah.

Waxaa socda gurmad la isu raadinayo dadka kala maqan ama la la’yahay iyo mid dhaqaale loogu ururinayo dadkii waxyeeladu soo gaartay iyo dhismayaashii burburay. Sidoo kale waxaa socda wacyigelin ballaaran oo bahda warbaahinta iyo culumada ay si xoog leh uga qeybqaadanayaan, loona baahanyahay in la sii joogteeyo.

Waxii soo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiineynaa.

DHAMAAD

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeer ku tagey goobtii uu Qaraxu ka dhacay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa kormeer ku tagey goobihii ay ka dhaceen falkii argagixiso ee shalay. Wuxuna halkaasi kula hadlay Ciidamadda Qaranka ee ka qeyb qaatay gurmadkii loo sameeyey dadkii ay ku dhacday musiibadu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka sida dhiiran ee ay u caawiyeen shacabkooda, dawladduna aysan hilmaami doonin doorkooda qiimaha badan iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday xarunta Gurmadka Qaran, halkaas oo ka socdaan howllo baaxad leh oo lagu caawinayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.’

Magaalada Raqqa ee Syria oo ka sii baxaysa gacanta Daacisho

0

Syria(SONNA) Wararka ka imaanaya dalka Syria ayaa sheegaya in Xoogaga ka dagaalamaya magaalada Raqqa ee mareykanku taageerayo ay duulaankii u dambeeyey ku qaadeen maleeshiyaadka kooxda Daacish ee halkaasi ku sugan.

Waxaa lagu soo waramayaa in koxda Daacish ay isaga bexeen halkaasi markii ay daremeen hujuumaad culus oo kaga imaanaya dhinaca xooggaga ka hor jeeda.

Laakiin tiro aan badneyd ayaa magaalada dhexdeeda baaqi ku ah, kooxaha soo duulayna waxay sheegeen in ay dagaalka wadayaan ilaa ay magaalada ka sifeynayaan maleeeshiyaadka diidan in ay is dhiibaan.

Magaalada Raqqa ayaa ahayd goobta ugu weyn oo fariisinta u ahayd Maleeshiyadaasi,iyadoo talaabadan ay dhabar jab xooggan ay ku noqonayso Daacish.

Muddo sanado ah oo ay socdaan dagaalada ka dhanka ah Daacish ayaa waxaa ay galaafteen nolosha kumanaan ruux iyo barakaca malaayiin kale,qoxootiga Syriyaanka ah ayaa galay qaar kamid ah wadamada dersika ah halka qaar kalena ay gaareen wadamada Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha oo xalay kormeer ku tagey goobtii uu Qaraxu ka dhacay+Sawirro)

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa kormeer ku tagey goobihii ay ka dhaceen falkii argagixiso ee shalay. Wuxuna halkaasi kula hadlay Ciidamadda Qaranka ee ka qeyb qaatay gurmadkii loo sameeyey dadkii ay ku dhacday musiibadu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka sida dhiiran ee ay u caawiyeen shacabkooda, dawladduna aysan hilmaami doonin doorkooda qiimaha badan iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday xarunta Gurmadka Qaran, halkaas oo ka socdaan howllo baaxad leh oo lagu caawinayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

Dowladda Soomaaliya shaacisay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey qarixii Soobe.

0

Mudisho(SONNA) Dawlada Federaalka ayaa xaqiijisey in 276 ay u geeriyoodeen qaraxii 14ka October 2017 ka dhacay isgoyska Zope ee KM5 ee magaalada Muqdisho, dhaawacana ilaa 300 oo isbitaalada magaalada la kala geeyey. Weli waxaa lagu guda jiro gurmad qaran oo waxii soo kordha dib laga soo sheegi doono. Meydadkan ayaa 111 ka mid ah ay qoysaskooda aasteean halka inta kale ay Dawlada Federaalka iyo Dawladda Hoose ee Xamar ay si sharaf leh u aaseen, iyadoo loo wada sameyn doono baroordiiq heer Qaran ah iyo duco maalmaha soo socda.

Dawaladda Federaalka ayaa u mahadcelisay shacabka, cidianka, shaqsiyaadka is-xilqaamay, Maamulka Gobolka Benaadir iyo dhammaan dadkii gacanta ka geystay tan iyo shalay markii qaraxa dhaca ilaa iyo hadda oo wada gurmad aan kala go’ laheyn.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, Wasiirka Amniga Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhiigooda ku yaboohay dhaawacii si loogu dabiibo. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqasho rasmi ah oo uu ku tagi lahaa dalka Turkiga baajiyey isagoo kulamo muhiim ah la lahaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga.

Madaxda Qaranka ayaa ku guuleystay inay codsi gurmad ay weysdiisteen waddamada aan saaxiibanada nahay oo qaarkood ay ka soo jawaabeen, sida Dawladda Turkiga oo aqbashay soona direysa diyaarad qaas ah oo dhaawaca lagu qaado. Sidoo kale dawladda Turkiga ayaa soo direysa takhaatiir iyo wafdi heer sare ah oo u imaanaya inay xaalada qiimeeyaan isla markaasna u gurmadaan dhaawacyada. Sidoo kale wadamada deriska ah oo ay ka mid yihiin Djibouti, Kenya iyo Ethiopia ayaa iyagana diyaar u ah inay gurmad takhaatiir iyo daawooyin ah soo diraan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa magacaabay Guddi heer wasiiro ah oo ay ku jiraan xubno ka socda bulshada rayidka iyo culumaa’udiinka. Guddigan ayaa waxaa la shaqeeya dhalinyaro si mutadawacnimo ah u howlgalayey tan iyo shalay oo kormeer ku sameeyey isbitaalada iyo goobta qaraxa ka dhacay. Sidoo kale ciidanka ayaa si xowli ah uga qeybqaadanayey gurmadka oo 400 askari ayaa tan iyo maanta ku howlanaa nadiifinta goobta qaraxa ka dhacay iyadoo si taxadar leh guryaha burburay looga baarayey dad nool iyo meydba. Ugu yaraan labo qof oo nool ayaa laga soo dhex saaray guryahaas kuwa ka mid ah.

Waxaa socda gurmad la isu raadinayo dadka kala maqan ama la la’yahay iyo mid dhaqaale loogu ururinayo dadkii waxyeeladu soo gaartay iyo dhismayaashii burburay. Sidoo kale waxaa socda wacyigelin ballaaran oo bahda warbaahinta iyo culumada ay si xoog leh uga qeybqaadanayaan, loona baahanyahay in la sii joogteeyo.

Waxii soo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiineynaa.

Guddoomiye Jawaari oo Xildhibaanada goloha Shacabka ugu baaqay inay u gurmadaan dadka Waxyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii shalay

0

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana uu ugu horeyn tacsi u diray shacabkii ay eheladooda ku geeriyoodeen weerarkaasi bahalnimo isaga oo dhinaca kalena Alle uga baryay inta dhaawaca ah in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

“waxaan hor iyo horaan ka codsanayaa Xildhibaannada Golaha  Shacabka iney gurmadaan oo waxa ugu yar oo ay sameynayaan uu yahay iney dhiigooda ugu deeqaan dadka dhaawac ah ee u baahan, sidoo kalena waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa iney gurmadaan dhammaantood, arrintan waa arin anaga oo dhan na saameysa ma ahan Xukuumadda kaliya in laga sugo waa inaan dhammaanteen gurmanaa si loo bad baadiyo dadka dhibaateysan”ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu fariin u diray kooxaha ma naxayaasha ah ee falkan soo maleegay, sidoo kalena shacabka ayuu ugu baaqay iney muujiyaan isku duubni isaga oo dhinaca kale muujiyey in arintan Madaxweyne,Xukuumad,Gole Shacab iyo Aqal Sareba ay ka mideysan yihiin.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu amray guddiyada Amniga,maalliyadda iyo arrimaha dibadda iney kala shaqeeyaan Xukuumadda wax kasta uu gurmad loogu sameyn karo dadka Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu soo gaartay.

Ururka IGAD oo cambaareeyey Weerarkii argagixisinimo ee Shalay Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho (SONNA)  War saxaafadeed kasoo baxay  Urur Goboleedka IGAD oo uu ku saxiixan yahay Xoghayaha guud ee Ururkaasi Maxbuub Macalin, ayaa lagu cambaareeyay Weerarkii aragaxisanimo ee shalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho, kaasi oo lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehelada dadkii ku waxyeelada ay soo gaartay iyo Dowladda Soomaaliyeed, waxaana u rajeynayaa inay caafimaadaan kuwa dhaawacmay” sidaas ayuu yiri Xog hayaha guud ee Urur goboleedka IGAD Maxabuub Macalin.

Warka kasoo baxay IGAD ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ururka uu xaqiijinayo sida ay uga go’aan tahay Taageerada dadka Soomaaliyeed ee ku aadan dagaalka Argagaxisada ee gobolka iyo guud ahaan Qaaradda oo dhan.

“Waxaan ka codsanayaa beesha caalamka in la cusbooneysiiyo ka go’naashaha in laga guuleysto kooxaha Argagaxisada ah, kuwaasi oo ujjeedkooda ugu weyn uu yahay inay abuuraan aragagax, Burburin iyo dhimasho, iyaddoo la xoojinayo taageeradda Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Amisom” sidaasi ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xoghayaha guud ee  Urur goboleedka IGAD.

Ugu dambeyntii waxa uu ugu baaqay Hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay muujiyaan Midnimo, islamarkaana uu ku boorinayo in dhammaan in la xushmeeyo Nidaamka, Dastuurka Sharciga iyo dhaqanka Soomaalida.

Madaxweyne Ordugan oo Amray diyaarado gurmad ah oo Soomaaliya loo soo diro

0

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Turkiga Recep Tayib Erdugon ayaa amray in diyaarado sida gar gaar caafimaad iyo dhaqaatiir ay si deg deg ah ugu ambabaxaan magaalada Muqdisho si ay gurmad ugu sameeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii argigixiso ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Warbaahinta Dalka Turkiga oo soo xiganaya afhayeenka xafiiska Madaxweynaha Turkiga waxa ay shaaciyeen in diyaaradahan ay saacadaha soo socda u ambabixi doonaan magaalada Muqdisho ayagoo sida daawo iyo dhaqaatiir .

Gurmadka waxa ay walaalaha Turkiga uga qeyb qaadan doonaan laba siyaabood oo tan koobaad ay tahay iney gurmad caafimaad oo deg deg ah ugu sameeyaan dadka magaalada Muqdisho iyo tan labaad oo ah in dhaawacyada kuwooda culus loo qaado dalka Turkiga si loogu soo daweeyo ayadoo aanan lagu xireyn dhaawacyadaas wax dal ku gal ah (VISA).

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa balanqaady in dalka dibadiisa loo qaadayo dadkii dhaawacyada culus soo gaaray xli manta uu ku booqday isbitalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo guddi u saaray Qaraxii Isgoyska Zoobe

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi isagu jira Wasiiro , Maamulka Gobolka Banaadir, Culima’udiin iyo Ururada Bulshada rayidka ah, kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah;

Maxamed Abuukar Islow (Ducale) Wasiirka Amniga (Guddoomiye)

Fowziya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaad (Xubin)

Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf Wasiirka Haweenka & Xuquuqal Insaanka (Xubin)

Iimaan C/laahi Cali Wasiirka Diinta iyo Awqaafta (Xubin)

C/rixmaan Cumar Cismaan Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka & Dalxiska 
(Xubin)

Maxamuud Xayir Ibrahim Wasiiru dawlaha Maaliyadda (Xubin)

Maxamed Cali Xagaa Wasiiru dawlaha Gaashaandhigga (Xubin)

Mukhtar Mahad Daa’uud Wasiir K/X Arrimaha Dibedda (Xubin)

Ibrahim Yarow Isaaq W/K Xigeenka Boostada &Isgarsinta (Xubin)

Thaabid Cabdi Max’ed G/miyaha G/ Banaadir Ahna Duqa Muqdisho (Xubin)

Maxamed Aden Koofi Agaasimaha Hay’adda Socdaalka &Jin (Xubin)

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Dalladda Culimada Soomaaliyeed (Xubin)

Sheekh Cali Wajiis Dalladda Culimada Soomaaliyeed (Xubin)

Diini Maxamed Diini Bulshada rayidka (Xubin)
C/laahi Maxamed Jaamac Shirwac Bulshada rayidka (Xubin)

Cabdi Baaruud (Xog-hayn)

Guddigan ayaa bilaabey howlahooda isku dubaridka aaska qaranka, gurmadka dhaawacyada si dibedda loogu qaado kuwooda cul-culus iyo in bulshada lagala qeyb qaato baroordiiq qaran oo socon doonta muddo saddex maalin ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo xubnaha dawladdu inay ka qeyb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay dhibaatooyinku soo gaareen. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay dadka qaba dhaawac yada culus in loo qaadi doono caafimaad dibedda ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinaca ku booqday Isbitaallada Muqdisho dhaawacyadii dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay falkii argagixiso ee 14kii October wuxuna ku caawiyey dhiig, isagoona dhinaca kale booqday goobtii uu qaraxu ka dhacay oo ka muuqday burbur baaxad weyn.

Madaxweynaha Turkiga Oo Amray In Diyaarado Gar gaar Caafimaad Sameeya Loo Diro Muqdisho

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Turkiga Recep Tayib Erdugon ayaa amray in diyaarado sida gar gaar caafimaad iyo dhaqaatiir ay si deg deg ah ugu ambabaxaan magaalada Muqdisho si ay gurmad ugu sameeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii argigixiso ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.