Home Blog Page 1434

Qaar kamid ah Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Isgoyska Zoobe oo Turkiga loo qaaday(SAWIRRO)

0

Muqdisho (SONNA):–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay 34 ruux oo shacab Soomaaliyeed ah kuwaa soo qabay dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaaray qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho 14-kii October , isla markaana xaaladooda caafimaad aan dalka wax looga qaban karin ayaa loo qaaday dalka Jamhuuriyadda Turkiya.

Dhaawacyada ayaa lagu qaaday diyaarad qaas ah oo ay leeyihiin Ciidamadda Turkigu, waxaana ka hor inta aan la qaadin dhaawacyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la kulmay Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo ay wehliyaan Dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo u yimid dalka iney ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dhaawacyada shacabka Soomaaliyeed ee xasuuqa ba’an u geysteen kooxaha shar-wadayaasha ah.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Turkiga uga mahadceliyey gacantooda walaaltinimo ee mar walba ay soo gaarto Soomaaliya, xili dadku u baahan yihiin gurmad. Wuxuna tilmaamay in ay ka go’antahay daryeel u fidinta shacabka ku soo dhaawacmay Qaraxii 14-kii October.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo guddiga qaran ee gurmadka deg-degga ah. Waxana ay dawladdu sheegtay saacadaha soo socda in la qaadi doono dhaawacyo dheeraad ah oo xaaladdooda caafimaad ay liidato.

Sacuudiga  oo lagu soo gabagabeeyay shirkii Wakaaladaha wararka islaamka(SAWIRRO)

0

Jiddah-(SONNA)- Gabgabadii shirweynihii 5-aad ee Wakaaladaha wararka Islaamka oo lagu qabtay xarunta iskaashiga Islaamka ee magaalada Jiddah ayaa waxaa laga soo saaray mahadnaq ay xubnihii lka qeyb galaya shirkaasi u jeedinayeen Boqorka sacuudiga, ahna u adeegaha labada xaram ee sahriifka ah malik Salmaan bin C/casiis  martagelinta uu shirweynahaasi u fidiyay Wakaalaha wararka Islaamka.

Dhambaal mahahnaq ah oo ay ka qeyb galayaashii shirweynahaasi gabagabadii shirka u direen Boqorka ayaa waxay ku amaaneen dowrka wax ku oolka ee boqorku ka qaatay taaba gelinya shirkaaasi oo ay ka soo baxeen qodobo muhim u ah iskaashiga iyo horumarinta howlaha wakaladaha wararka islaamka.

Waxay kaloo ka qeyb galayaasha shirka mahad aan la soo koobin Karin u direen Madaxada kale ee Boqortooyada sacuudiga iyo kuwa iskaashiga islaamka sidii habsamida laheyd oo ay u aagaasimeen ka gun gaaridda shirka iyo waliba martigelinta xubnihii ka qeyb galay shirka, waxayna u rajeeyeen Boqorka iyo guud ahaan shacabka sacuudiga horumar iyo baraare.

Shirweynahaasi mudadii uu socda waxaa waxaa Waakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA  ay ku guuleysatay in ay xubin ka noqotoGuddigga Maaliyadda ee Wakaaladaha Wararka Islaamka.

Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho oo loo qaadayo Turkiga-Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Qaar kamid ah dhaawacyadii ayaa loo qaadayaa dalka Turkiga ka dib markii saaka ay timid diyaarad ay leeyihiin militiriga dalka Turkiga, Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada gaar ahaan guddigii loo xil saaray isku duba ridka gargaarka loo fidinayo dadkii waxyeelada soo gaartay ayaa garoonka Aadan Cadde ku sugan.

Ambulance-yo ayaa dadka dhaawacyada ah looga soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaana lagu qaadayaa diyaarad ambulance ah oo aad u weyn, wasiirka warfaafinta Soomaaliya mudane C/raxmaan Yariisow oo kamid ah guddiga ra’iisul wasaaraha magacaabay ayaa sheegay in maanta dalka Turkiga loo qaadi doono in ka badan 40 kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

Qaar kamid ah Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Isgoyska Zoobe oo Turkiga loo qaaday

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay 34 ruux oo shacab Soomaaliyeed ah kuwaa soo qabay dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaaray qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho 14-kii October , isla markaana xaaladooda caafimaad aan dalka wax looga qaban karin ayaa loo qaaday dalka Jamhuuriyadda Turkiya.

Dhaawacyada ayaa lagu qaaday diyaarad qaas ah oo ay leeyihiin Ciidamadda Turkigu, waxaana ka hor inta aan la qaadin dhaawacyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la kulmay Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo ay wehliyaan Dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo u yimid dalka iney ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dhaawacyada shacabka Soomaaliyeed ee xasuuqa ba’an u geysteen kooxaha shar-wadayaasha ah.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Turkiga uga mahadceliyey gacantooda walaaltinimo ee mar walba ay soo gaarto Soomaaliya, xili dadku u baahan yihiin gurmad. Wuxuna tilmaamay in ay ka go’antahay daryeel u fidinta shacabka ku soo dhaawacmay Qaraxii 14-kii October.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo guddiga qaran ee gurmadka deg-degga ah. Waxana ay dawladdu sheegtay saacadaha soo socda in la qaadi doono dhaawacyo dheeraad ah oo xaaladdooda caafimaad ay liidato.

—DHAMMAAD—- 

Dowladda Imaaraadka Carabta oo Tacsi u diray Ehelada dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

0

Anigoo ku hadlayo magaceyga iyo kan Diplomasiyinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaskii
eheladooda ku dhintey Qaraxii wuxuushnimada ahaa ee arxanlaawiyaasha oo shalay xasuuqa ugu geeysteen cadawga Magaalada moqdishu gaarahaan aga gaarka Zoobe KM5, kaasoo ku nafwaayay boqolaal Shacabka Soomaaliyeed oo
aan waxba galabsan, kuna dhawaceen boqolaalkale, wuxuu ahaa fal argagax badan kana fog diinteena suuban iyo damiirka bani adanimo, waxaan ilaaheey uga baryeeynaa intii dhimatey in janadiisa fardawsa ilaaheey kawarabiyo intii dhaawacanteyna ilaaheey siiyo Caafimaad deg deg ah.

 Allah u naxariistee Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan masiibadaasi qaran, ayaa waxaan laqeybsaneeynaa xanuunka iyo damqashada umadda soomaaliyeed ilaaheeyna waxaan uga baryeynaa in uu naxariistiisa jano kawaraabiyo, qabrigoodana waasac uga dhigo intii ku dhimatey, qoysas kii ehelladooda iyo asxaabtii ay ku waxyeeloobeena samir iyo iimaan ka siiyo intii dhawac ahna ilaaheey boqsiiyo.

Aamiin.

Qeyb qaar kamid ah dhaawacyadii oo loo qaadayo Turkiga

0

Qaar kamid ah dhaawacyadii ayaa loo qaadayaa dalka Turkiga ka dib markii saaka ay timid diyaarad ay leeyihiin militiriga dalka Turkiga, ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada gaar ahaan guddigii loo xil saaray isku duba ridka gargaarka loo fidinayo dadkii waxyeelada soo gaartay ayaa garoonka Aadan Cadde ku sugan.

Ambulance-yo ayaa dadka dhaawacyada ah looga soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaana lagu qaadayaa diyaarad ambulance ah oo aad u weyn, wasiirka warfaafinta Soomaaliya mudane C/raxmaan Yariisow oo kamid ah guddiga ra’iisul wasaaraha magacaabay ayaa sheegay in maanta dala Turkiga loo qaadi doono in ka badan 40 kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa Facebookiisa ku soo qorey in dowladda Turkiga ay noqotay Dowladdii ugu horreysay ee daawo ugu deeqda Soomaaliya qaraxii Sabtida.

“Waxay keentay oo kale 27 isugu jira Dhakhaatiir, kalkaaliyaal iyo shaqaale kale oo caafimaad. Dayaaradda intaa sidday waxay ahayd dayaarad militeri oo kuwa xamuulka ah. Isla dayaaraddaas ayaa hadda waxaa la saarayaa afartameeyo dhaawac ah oo mid kasta uu la socdo qof ehelkiisa ah,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Turkigu sidoo kale soo dirtay Wasiirka Caafimaadka oo isagu hadda indhihiisa ku soo arkaya dhaawaca yaalla Isbitaallada si uu warbixin ugu celiyo Dowladdiisa.

Wasiirka caafimaadka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

0

Goor dhoweyd, waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad sida wefdi uu hoggaaminayo wasiirka caafimaadka Turkiga oo ay kamid yihiin dhakhaatiir ayaa soo gaartay magaalada Muqdisho, waxaaana xiga oo daqiiqado ka dib la filayaa diyaarad kale kuwaas oo ah gurmadka dowladda Turkiga ugu talagashay dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku habsatay.

Wasiirka caafimaadka Turkiga oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha Turkiga uu ka sido salaan iyo tacsi isla markaana guud ahaan dadka Turkiga ah ay la xanuunsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Wariyaha warbaahinta qaranka, Nasra Bashiir oo garoonka Aadan Cadde ku sugan ayaa soo sheegaysa in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khaye uu kamid yahay mas’uuliyiinta soo dhaweeyay wefdiga ka imid dalka Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee ka soo jawaaba codsiga dowladda Soomaaliya u jeedisay oo ahaa in gurmad lala soo gaaro dadka dhaawacyada ka soo gaareen qaraxii bahalnimo ee ka dhacay isgoyska mashquulka badan ee Zoobe.

Wasiirka caafimaadka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

0

Muqdisho (SONNA) Goor dhoweyd, waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad sida wefdi uu hoggaaminayo wasiirka caafimaadka Turkiga oo ay kamid yihiin dhakhaatiir, waxaaana xiga oo daqiiqado ka dib la filayaa diyaarado kale kuwaas oo ah gurmadka dowladda Turkiga ugu talagashay dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku habsatay.

Wasiirka caafimaadka Turkiga oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha Turkiga uu ka sido salaan iyo tacsi isla markaana guud ahaan dadka Turkiga ah ay la xanuunsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Wariyaha warbaahinta qaranka, Nasra Bashiir oo garoonka Aadan Cadde ku sugan ayaa soo sheegaysa in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khaye uu kamid yahay mas’uuliyiinta soo dhaweeyay wefdiga ka yimid dalka Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee ka soo jawaaba codsiga dowladda Soomaaliya u jeedisay oo ahaa in gurmad lala soo gaaro dadka dhaawacyada ka soo gaareen qaraxii bahalnimo ee ka dhacay isgoyska mashquulka badan ee Zoobe.

Wafdi Turki ah oo la filayo in ay soo gaaraan Muqdisho

0

Muqdisho (SONNA) Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kuwaas oo soo dhaweynaya dhakhaatiir iyo wafdi ka imaanaya dalka Turkiga oo la socda diyaarad Ambulance ah oo sida dawo iyo qalab kale ee caafimaad oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku habsatay.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow oo kamid ah mas’uuliyiinta garoonka ku sugan ayaa sheegay in Turkiga uu noqday wadankii ugu horeeyay ee ka jawaaba codsiga dowladda Soomaaliya u jeedisay ka dib qaraxii Zoobe gelinkii dambe ee Sabtida.

Wasiir yariisow, ayaa intaa ku daray in diyaaradda ka imaanaysa Turkiga ay la socdaan dhakhaatiir takhasus ah si dadka dhaawacyada qaba qaarkooda halkan loogu daweeyo islamarkaana sida uu qorshuhu yahay in ka badan 40 bukaan maanta loo duulin doono Turkiga si halkaas daweyn dheeraad ah loogu sameeyo.

Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan, wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dalalka Jabuuti, Kenya, Ethiopia iyo qaar kamid ah wadamada Khaliijka ay soo diri doonaan dawo iyo qalab caafimaad oo loogu talagalaydadka dhaawacmay.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa bartiisa Facebook-ga ku soo qorey in dowladda ugu mahadcelineyso dalalka muujiyay in ay garab istaagan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Wefdi Turki ah oo la filayo in ay soo gaaraan Muqdisho

0

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kuwaas oo soo dhaweynaya dhakhaatiir iyo wefdi ka imaanaya dalka Turkiga oo la socda diyaarad Ambulance ah oo sida dawo iyo qalab kale ee caafimaad oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku habsatay.