Home Blog Page 1436

Guddoonka Aqalka sare falkani dhacay waa mid aan loo dulqaadan karin”

0

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa booqday isbitaalka Madiina si uu tacsida iyo dhibaatadii dhacday ula qaybsado shacabka Soomaaliyeed.

Markii uu gaaray Isbitaalka Madiina waxa uu warbixin ka dhageystay maamulka Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ka dib wuxuu socod ku maray qeybaha isbitalka uu ka kooban yahay,isagoo u kuur galayay dhimashada iyo dhaawaca shacabka soo gaaray.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda ugu baaqey in ay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka iyo gumaadka ay ku hayaan maleeshiyada Shabaab bulshada.

“Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Ayaa ayaa yiri”Waxaan uga tacsiyeynayaan shacabka Soomaaliyeed dadkii ku dhintay mashaqadii dhacday,Arintani waa mid aan loo dulqaadan Karin,waxaan ugu baaqayaa shacabku in ay kala shaqeeyaan laamaha ammaanka sidii looga hortagi lahaa dhagaraha Shabaab.

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ayaa gaaraya boqolaal,waxaana weli meydad la garan la’yahay ay yaaliin isbitaalada magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku booqdeen mas’uuliyiin kaladuwan oo katirsan Dowladda Soomaaliya,inta badan waxaa lagu guuleystay in nadaafad laga waday goobtii mashaqadu ay ka dhacday,waxaana jirta in dad nool oo dhismayaal ay ku soo dumeen laga heley halkaasi.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo guddi u saaray Qaraxii Isgoyska Zoobe

0

Muqdisho, 15 October 2017….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi isagu jira Wasiiro , Maamulka Gobolka Banaadir, Culima’udiin iyo Ururada Bulshada rayidka ah, kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah;

Maxamed Abuukar Islow (Ducale) Wasiirka Amniga (Guddoomiye)

Fowziya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaad (Xubin)

Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf Wasiirka Haweenka & Xuquuqal Insaanka (Xubin)

Iimaan C/laahi Cali Wasiirka Diinta iyo Awqaafta (Xubin)

C/rixmaan Cumar Cismaan Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka & Dalxiska
(Xubin)

Maxamuud Xayir Ibrahim Wasiiru dawlaha Maaliyadda (Xubin)

Maxamed Cali Xagaa Wasiiru dawlaha Gaashaandhigga (Xubin)

Mukhtar Mahad Daa’uud Wasiir K/X Arrimaha Dibedda (Xubin)

Ibraahim Isaaq Yarow W/K Xigeenka Boostada &Isgarsinta (Xubin)

Taabid Cabdi Max’ed G/miyaha G/ Banaadir Ahna Duqa Muqdisho (Xubin)

Maxamed Aden Koofi Agaasimaha Hay’adda Socdaalka &Jin (Xubin)

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Dalladda Culimada Soomaaliyeed (Xubin)

Sheekh Cali Wajiis Dalladda Culimada Soomaaliyeed (Xubin)

Diini Maxamed Diini Bulshada rayidka (Xubin)
C/laahi Maxamed Jaamac Shirwac Bulshada rayidka (Xubin)

Cabdi Baaruud (Xog-hayn)

Guddigan ayaa bilaabey howlahooda isku dubaridka aaska qaranka, gurmadka dhaawacyada si dibedda loogu qaado kuwooda cul-culus iyo in bulshada lagala qeyb qaato baroordiiq qaran oo socon doonta muddo saddex maalin ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo xubnaha dawladdu inay ka qeyb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay dhibaatooyinku soo gaareen. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay dadka qaba dhaawac yada culus in loo qaadi doono caafimaad dibedda ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinaca ku booqday Isbitaallada Muqdisho dhaawacyadii dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay falkii argagixiso ee 14kii October wuxuna ku caawiyey dhiig, isagoona dhinaca kale booqday goobtii uu qaraxu ka dhacay oo ka muuqday burbur baaxad weyn.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka baaqday safar dalka Turkiga ah

0

Muqdisho, 15 October 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka baaqday safar rasmi ah oo uu ugu kicitami lahaa dalka Turkiga ka dib masiibadii shalay ka dhacday Muqdisho si uu shacabka Soomaaliyeed baroordiiqda ula wadaago.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqasho rasmi ah oo uu ugu socday dalka aan wallaalaha nahay ee Turkiga ka baaqday. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo rasmi ah la lahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Rejab Dayib Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qadka telefoonka kula hadlay Madaxda Turkiga si uu uga cudur daarto, weyna ka aqbaleen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la hadlay dalal aan wallaalo nahay oo uu ka codsaday inay gurmad deg-deg ah u soo fidiyaan dadka dhaawaca ah, dhowaana waxaa bilaabaneysa in dadka dhaawacyadoodu culus yahay loo qaado dalka dibeddiisa.

Jaamacadda Carabta oo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay ka taageerayaan ladagaalanka Argagixisada

0

Qaahira (SONNA)  Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta  Axmed Abuu Geyd, ayaa ka hadlay Qaraxii argagixisinimo ee Cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab ay ka geeysteen Shalay gelinki Dambe Magaaldda Muqdisho, isagoo falkaasi ku tilmaamay mid naxariis darro iyo cadaawad muujinayo.

Axmed Abuu Geyd, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa sheegay in uu cambaareynayo Qaraxaasi, uuna ka xunyahay Xasuuqii ka dhashay, waxaana uu tacsi u diray dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.

Xoghaye Geyd ayaa sheegay in falkaan lagu xasuuqay Shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan uu ku tusinayo in Awoodii Argagixisada la wiiqay, Dowladda ayuuna sheegay in ay kala shaqeyn doonaan Dagaalka ay kula jirto Nabad iyo Nolol diidka Alshabaab, ayna laba jibaari doonaan taageerada ay siiyaan Hay’addaha amniga ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waan cambaareynayaa waxyeelada uu geystay Qaraxa ka dhacay Caasimadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho, qasaaraha baaxada leh ee uu geeystay waan ka xumahay, falkaan waa mid bini-aadanimada ka baxsan oo ku tusinaya in Argagixisada awoodoodii waa la wiiqay, Dolwadda Soomaaliya waxaan kala shaqeyneynaa la dagaalanka Nabad diidka, innagoo ka taageeri doonno qalabeynta Hay’addaha kala duwan ee amniga ku shaqada leh” ayuu yiri Axmed Abuu Geyd, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta.

 

 

R/wasaare kheyre oo Guddi u xilsaaray gurmadka dadka qaraxii shalay waxyeelada ay kasoo gaartay

0

Muqdisho (SONNA)  Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa Magacaabay Guddiga isku xirka gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay galab kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen Isgooyska Soobe ee Magaaladda Muqdisho, kaasi oo waxyeelo xooggan ay kasoo gaartay Shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Guddiga uu Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa kooban Wasiiro iyo Ururada Bulshada, waxaana ay ka shaqeyn doonaan sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadka dhaawacyada culus  qaraxii Shalay Muqdisho ka dhacay ay kasoo gaareen.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa ku baaqay in dhammaan xubnaha Golaha Wasiirada in ay ka qeyb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay dhibaatooyinka ka soo gaareen qaraxii maalinimadii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho, isagoo xusay in dadka dhaawacyada culus qaba ee dalka gudahiisa waxba looga qaban karin Xukuumadda ay u qaadi doonto Caafimaad Dibada ah.

R/wasaae Kheyre, ayaa xusay in ay lagama maarmaan ay tahay in dadka Soomaaliyeed lala qeybsado murugada iyo dhibaatooyinka kale ee ay dareemeen, kadib qaraxii maalinimadii shalay ka dhacay isgoyska Soobe, kaas oo geystay dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanta.

Mudane Kheyre, waxa uu ku booriyay xubnaa Golaha Wasiirada in ay dadka walaalohood ah  ee ay soo gaartay dhibaatooyinka ay ugu deeqaan dhiig iyo kaalmooyin dhaqaale   oo wax u tara dadkaas, isla markaana ay ku yaboohaan dhaqaale kaaalmo ah.

 

 

 

 

Madaxweynaha Hir/Shabeelle oo Ku Baaqay In Loo Midoobo Ciribtirka Kooxaha Argagaxisada

0

Jowhar-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiskiisa ayaa tacsi tiiraanyo leh u Diray ehelada,Asxaabta, qaraabada, iyo Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed, dadkii u waxyeeloobay mashaqadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho taasi oo ay Ku nafwaayeen dad aad u fara badan oo waxba aan galabsan, waxaana dadkii Ku dhintay  uu eebe uga baryay  In naxariista jano uu ka waraabiyo kuwa dhaawaca ahna uu caafimaad taam ah uu siiyo.

Madaxweyne Waare oo sii hadlay ayaa sheegay in mar walbo loo baahanyahay  Dowlad Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay muujiyaan midnimo meelna uga soo wada jeestaan Cadowgani maalin walba  caadeystay leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaaliyeed sidii loo ciribtiri lahaa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in gurmad ay u fidiyaan walaalaha Ku waxyeeloobay weerarkaasi baahalnimada ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka baaqday safar dalka Turkiga ah

0

Muqdisho, 15 October 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka baaqday safar rasmi ah oo uu ugu kicitami lahaa dalka Turkiga ka dib masiibadii shalay ka dhacday Muqdisho si uu shacabka Soomaaliyeed baroordiiqda ula wadaago.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqasho rasmi ah oo uu ugu socday dalka aan wallaalaha nahay ee Turkiga ka baaqday. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo rasmi ah la lahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Rejab Dayib Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qadka telefoonka kula hadlay Madaxda Turkiga si uu uga cudur daarto, weyna ka aqbaleen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la hadlay dalal aan wallaalo nahay oo uu ka codsaday inay gurmad deg-deg ah u soo fidiyaan dadka dhaawaca ah, dhowaana waxaa bilaabaneysa in dadka dhaawacyadoodu culus yahay loo qaado dalka dibeddiisa.

—DHAMMAAD—- 

Madaxweyne Farmaajo” waa in aan dareensiinaa in ay leeyihiin dad iyo dal jecel oo dhibaatada la qaybsanaaya”

0

Muqdisho, (Sonna) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku booqday cisbataalka Ordogaan dadkii rayidka ahaa ee ku dhawaacmay qaraxii argagixisada ahaa ee lagu bartilmaamsaday isgooyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo qof qof u dul istaagay dadka dhaawacyadu soo gaareen ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan walaalahooda waxyeeladu ay ka soo gaartay falkaan wuxuushnimada ah ee ay soo maleegeen argagixisadu.

“Carruurta, haweenka, dhallinyarada, iyo odoyaasha halkan lagu daawaynaayo iyo goobaha kale ee ku waxyeeloobay qaraxii argagixisada ahaa waxa ay u baahanyihiin hiilkeenna. Waa in aan dareensiinaa in ay leeyihiin dad iyo dal jecel oo dhibaatada la qaybsanaaya.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale booqday isgooyska Soobe oo ah halka uu ka dhacay qaraxu, waxa uuna kormeeray baaxadda uu le egtahay khasaaraha iyo dhibaatada soo gaartay dadka maatada ah ee ganacsiga iyo deegaanka kulahaa halkaas.

“Argagixisadu waxa ay higsanaayaan in ay damiyaan ilayska dowladnimo ee inoo iftiimaaya, taasina ma ahan mid u suurta galaysa, sababtoo ah maanta waxa aan haynaa waddada aan kaga guulaysan lahayn oo aan ku cirib tiri lahayn dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan dadkeena iyo dalkeena, waddadaasina waa in aan midownaa oo si wada jir ah aan uga soo horjeesanaa cadawgaas.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeerkiisa ku soo gaba-gabeeyey Xarunta Keydka Dhiigga ee Cisbitaalka Ordogaan, halkaas oo uu dhiig u shubay muwaadiniinta dhaawacan, isagoona dhammaan ugu baaqay in si deg deg ah loo tago goobaha dhiig bixinta si gurmad dhiig loogu fidiyo dadka dhiigga u baahan.

 

Shirkii Wakaaladaha Wararka Islaamka oo maanta la soo gabagabeyn doono +SAWIRRO

0

Jeddeh(SONNA)–Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Cabdullaahi Shiikh Cabdiraxmaan Heybe iyo Ibaraahim Maxamuud Axmed oo kamid ah Shaqaalaha SONNA ayaa ka qeybgalaya shirka Wakaaladaha Wararka ee Dunida Muslimka kaasoo la filayo in Maanta lagu soo gabagabeeyay Magaalada Jiddeh ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.

Shirkaasi oo ahaa kii 25-aad ee Wakaaladaha Wararka Dunida Islaamka iyo Carabta, kaasi oo ka furmay 14-kii bishan Oktoober ayaa wuxuu uu socday muddo Labo Maalin ah, waxaana looga hadlay sidii loo xoojin lahaa Wada shaqeynta Wakaaladaha, horumarinta, Qadiyada Falastiin iyo ka wacyi galinta bulshada fekerka Xagjirnimada iyo qodobo kale oo muhiim, iyadoo Golaha Fulinta Wakaaladaha ay u doorteen in uu noqdo Agaasimaha guud ee Wakaaladaha Wararaka Dowladaha Islaamka Mudane Ciise Kheyre Rooble 4-ta sano ee soo socota, kaasi oo u dhashay Dalka Jabuuti.

Waa markii ugu horeysay oo Wafdi ka socda Wakaalada SONNA ay ka qeyb galaan shirkaasi tan iyo intii uu Dalku burburay sanadkii 1991-kii, waxayna dib u soo celineysa wada shaqeynta ay la laheyd Wakaaladaha caalamka.

Agaasime Heybe iyo Ibraahim Azhari intii ay joogeen Magaaladaasi, waxay booqasho ku tageen Xarunta Wakaaladda Wararka Islaamka ee IINA, oo iyadu soo qabanqaabisey Shirka caalamiga ah ee ka dhacayay Magaaladda Jeddah ee Boqortooyada Saudi Arabia, waxaana ka soo qeybgalay dhammaan Wakaaladaha Wararka Dowladaha Islaamka, islmarkaana kulan isbarasho ah kula qaatay Wakaaladaha dhiggooda ah.

Maxaad Ka Taqaan Taariikhda Kaamerada Masawirka.

0

Inta aysan soo ifbixin kaamerooyinka Masawirka Negative-ka,Cddeybta, nadiifinta ,dhaqidda iyo jarjaridda,daabacaadda iyo dhinacyada kale,waxaa dunida hormuud u ahaa Farshaxnka,kaas oo loo maleynayo in uu bilowday xilligii fufka.

Farshaxanku wuxuu ahaa mid isticmaalkiisa ku koobnaa  qoysaska boqortooyada ah iyo maalqabeenada oo keliya, hasa yeeshee, hindisaha sawirku wuxuu bilowday qarnigii 15-aad  waxaana si buuxda loo dhameystiray sanadkii 1839-kii.

Sanadkaasi oo loo aqoonsaday qarnigii dhalashada dahabka,sababtoo ah waqtigaasi wixii ka horeeyay waxaa lagu sawiri jiray farshaxan oo ay awood u lahaayeen dadka sare.

Guulihii laga gaaray sawirka ma aheyn mid ku yimid si kedis ah ama si  fudud,ee wuxuu ahaa mid isi soo  tarayey oo soo maray heerar kala duwan.

Inta aan u gallin taariikhda kaamerooyinka masawirka,waxaan isku dayeynaa in aan jawaab u helno waa maxay masawir?

Kalmadda masaawirka asalkeedu wuxuu ka yimid afka Giriigga qarnigii 13-aad ,waxaana ereyga loo macneeyaa photo oo ah if iyo Graph-eyn oo ah duubis ,sidaa daraadeed waxaa si joogto ah loo bilaabay hindisaha sawirka qarnigii 15-aad .

Tusaale ahaan qolka mugdiga ah (Camera Obscure)wuxuu ahaa mid aqoon fiican loo lahaa xilliyadii Giriiggii hore.Qaabkii uu lahaa ee ugu horeeyay wuxuu ahaa mid fudud oo ah duleel yar iyo iskiriim wax lagu arko.

Haddaba, sanadku markuu ahaa 1822-kii ayaa nin u dhashay wadanka Faransiiska laguna magacaabo Nisafoore Niibsi,wuxuu hundisay dhameystireyna siyaabaha Iftiinku u qabto Negative-ka

Sanadkaasina waxaa loogu magic daray snadkii dhalashada sawirka maanta ,waxaana si buuxda loo dhameystiray hindisaha sawirka sanadkii 1839-kii

Sanadkaasi waxaa la sameeyay habka positifka waraaqadaha Lagu caddeeyo,kaas oo la magac baxay habka Luwis Daguweero.

BIloWGII SAWIR QAADISTA

Markii ay farshaxanadu bilaabeen adeegsiga sawir gacmeedii soo hanaqaaday xilligii Fufka ayeey  heleen qolka madow (Camera Obscure,Waxaana la rumeysan yahay in ikhtiraacyadii Carabta ee qarnigii 10-aad ay qolka madow u adeegsan jireen ama ay ku fiirin jireen Qorax madoobaadla.

Wuxuuna ku koobnaa qol mugdi ah oo leh dalool aad u yar oo uu ileysku ka soo galo ,kuna aadan meel derbigu ku dhacayo muqqalka isagoo rogan,kana imaanayo dhinaca ka soo horjeedda ee dibadda.

Arintaasina waxaa sii buun-buuniyay Abul Xasan Bin Al-heysam,sanadkii 1030-kii,wuxuuna ku min guuriyay qoraaladiisa oo yaalla matxafka magaalada London,sidaa daraadeed wuxuuu hindisaha sawirka si joogto ah u bilowday qarnigii 15-aad,iyadoo la bilaabay hindisaha oranaya muuqaalku wuxuu ku habeysmaa qol yar oo mugdi ah.

Arintaasina waxaa si joogto ah u macneeyay Lenardo Davinji oo ka mid ahaa farshaxanadii dalka Talyaaniga isagoo yiri’haddii qol yar oo mugdi ah afartiisa dhinac mid ka mid ah duleel yar iftiin ka so galo waxaa ka dhasha muuqaal yar oo caadi ah ,run ah ,midab leh oo foorarsan.

Haddaba,Nisafoore Niibsi ayuu ahaa ninkii ugu horeeyay sawir ka qaada dabeecadda,isagoo humaag ku dul sameeyay saxan dushiis,isticmaalayana qol mugdi ah ,kaas ayuuna ahaa sawirkii ugu horeeyay ee dhabta ahaa ee waara illaa iyo markii ugu horeysay ee la bilaabay sawir qaadista.

SOO IFBIXII NEGATIVE-KA

Nicefoore Niibsi ayuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee soo saaray Negative-ka,laakiin wax soo saarkaasi ma aheyn mid horumarsan,sidaa aawadeed ,sawir qaade Ameerikaan ah oo lagu magacaabo  Goerge Estman ayaa ku  guuleystay in uu soo saaro filimka duuban ee jilicsan sanadku markuu ahaa 1884-tii,filimkaasina wuxuu ahaa mid warqad taageersan .

Muddo ka dib waxaa u suurtagashay in uu soo saaro filimka loo isticmaalo kaamerada ,wuxuuna siiyay magaca ah Kodak.

Filimkii ugu wanaagsanaa xagga If gudbinta,waxaa soo saaray Rev.Hannibal Goodwin ,wuxuuna ku guuleystay in uu hormariyo habka ah ku dahaaridda Beys(celulos Naytareyt ),isagoo raacsiinaya xeydh.

Sidoo kale qarnigii 19-aad bilowgiisii Tomas Weogwood,ayaaa wuxuu sameeyay Negativ-ka ,isagoo warqad ku dhaqaya isku dhis Silver Nayterayt ah ,una dhigaya sawir gacmeed warqad ka sareyso ,ka dibna u dhigaya qoraxda.

Wedgwood ,wuxuu ogaaday in qeyb ka mid ah muuqaalka sida lagu heli karo ay tahay sawirka caddaanka iyo madowga ah .

Ordinary Filis ayuu ahaa filimaadkii ugu horeeyay ee uu soo saaro .Filimadaasi waxaa xasaasiyadoodu aheyd mid xoog u leh ileyska Buluugga ah,waxaana loo isticmaali jiray filimada mararka la sawirayo meelaha ay ku badan yihiin ileyska ka sareeya Infarared.filimadaasuna xasaasiyadoodu weey ku yareyd midabada kale.

NUUCYADA KAAMEROOYINKA

Inkastoo Kaamerooyinka loo kaala saari karo kooxo fara badan marka loo eego xajmiga sawirka ama dabeecadaha shaqadooda ,hadddana Kaamerooyinka guud ahaan waa isku mid ,haddana waxay wadaagaan qeybahaan soo socdsa:-

1-Lenis.

2-Lenis Diaphram.

3-Shulter.

4-View Finder.

Intaas waxaa dheer in dhammaan Kaamerooyinka marka laga reebo kuwa ugu sahlan ay leeyihiin qaab lagu bad-baddallo fogaanshaha u dhaxeeya Lensiska iyo filin Plane  ,taasoo ku xiran fokaska muuqaalka filinka ku dhacaya

Kaamerooyinka waxay u kala baxaan sidatan:-

1-kaamerooyinka  autofocus

2-kaamerooyinka qaabka yar

3-kaamerooyinka qaabka dhexe

4-kaamerooyinka qaabka waaweyn

5-kaamerooyinka  poloraid-ka

IFTIINKA

Iftiinku waa ahmiyadda ugu weyn marka wax la sawirayo ama lagu shaqeynayo Kaamerada Masawirka  ,wuxuuna muujiyaa isbadallada nolosha

Iftiinku wuxuu u kala baxaa mid dabiici ah sida qoraxda iyo dayaxa (itfiinka maalinimo iyo kan habeenimo) iyo mid Aartifishal ah.

Iftiinka maalinimo(daylight) ,qoraxda waa halka uu ka yimaado iftiinka kolka la sawirayo dabeecadda.ama haddii ay ku qarsan tahay daruur.

Iftiinka dayuxu waa mid dabiici ah,hasa yeeshee wuxuu u baahan yahay in Lagu xoojiyo Falaash(iftiin koronto)iyo in marka wax la sawirayo la adeegsado Negative gaar ah

Aartifishalka waxa uu ka abuurma ama ka dhasha korontada ,ileyskaasina waa mid sanaaci ah ,ama dad same ah,waxaana  loo isticmaalaa meelaha iftiinku ku yar yahay,marka wax la sawirayo.

 

Qallinka u qaatay  Shire Xasan Kulmiye