Home Blog Page 1436

Wasiirka Maxamed Cabdulaahi Salaad oo Soomaaliya Ku Matalayaha Shirka Jaamacadda Carabta ayaa ka Warbixiyay Ajndaha Shirka

0

Shirkaan ayaa ka  dhacay xarunta jaamacadda carabta ee magaalada Qaahira ee dalka  Masar waxaa looga hadlayay Faragelin ay sheegeen in Wadanka Iiran uu ku hayo wadamada Carabta,iyo in sidoo kalana Dawlahadaha Carabta ay meel uga soo jeestaan qadiyadda Iiraan.

Xarunta jaamacadda carabta waxa marti u ah wariyayaal xog doon ah si mug lehna isha ugu haya shirkan dagdaga ee ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada Carabta oo dowladda sacuudi carabiya ay codsatay in shirkaan uu dhaco. Dowladda soomaaliya ayaa  qeyb ka ahayd dowladdaha so dhaweyay inu qabsoomo shirkan

Soomaaliya waxa shirka ku matalayay Wasiir maxamed c.laahi salaad oo ay wehlinayaan agaasimaha waaxda carabta ee wasaarada arrimaha dibada Mustafa adam dagaal, safiir ku xigeenka safaarada soomaaliyeed ee masar ilyaas sheeq cumar iyo diblumaasiyiinta ka tirsan safaarada soomaaliya ee masar.

Kalmadda soomaaliya ay ku lahayd shirka oo u aqriyay wasiirka waxay ahayd mid ay u wada riyaaqeen madaxda kala duwan ee isugu yimid shirka waxana ay ka tarjumaysay siyaasad miisaaman oo xirfad iyo xeeladi  ay ku dheehan tahay.

Wasiir maxamed cabdullahi salaad ayaa warbahahinta uga warbixiyay ajandaha shirka iyo aragtida ay soomaaliya ka dhiibatay shirka aya yiri.”

“shirkan waxa uu aha shir aan caadi ahayn oo jaamacadda carabta ay qabatay si dag dag ahna lagu qabtay, shirkan waxa so codsatay dowladda sacuudi carabiya, dowladda soomaaliya

wan ku faraxsanahay inan dowladda soomaaliya ku matalo, u jeedada waxay ahayd gantaal lagu soo tuuray dowladda sacuudi carabiya oo  ay kusoo tuureen qoladda xuutiyiinta oo iiraan ay dabo socoto,

marka dowladaha carabta halkaan ayay ku kulmeen iyago walaac ka mujiinaya  amniga iyo faragalinta dowladda iiraan iyo xuutiyiinta ay ku hayaan amniga wadanka sacuudiga iyo Bahreen, wadanka Bahreen tubooyinka shidaalka qaadayay oo kalle  in la qarxiyay dhowr jeer,

marka wan ka xunahay waxyaabaha faragalinta ee lagu hayo wadamada muslimiinta ah,

sidoo kalle waxan shir gooni ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda sucuudi carabiya oo ay dowladda soo codsatay shirka uguna ahmiyada badneed ayan si gooni ula kulmay iyo wasiiro kalle.waxana kawada hadalnay ariimo kusabsan xiriirka labad dhan ”

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo Kigali ugu qeyb galay kulanka Guddiyada Maareeya Doorashooyinka+Sawiro

0

Kigali(SONNA) Kulanki afaraad ee sanadlaha ah ee qaaradda ee ay yeeshaan Guddiyada Maareeya Doorashooyinka ayaa usbuuc ka hor ku soo idlaaday Magaalada Kigaali ee caasimadda Rwanda ,iyadoo lagu aqoonsaday in dhalinyaradu ay kaalin lixaad leh ku leeyihiin geeddi-socodka doorashooyinka ee Afrika.
Kulanka oo labo maalin socday ayaa lagu lafaguray dhaqamada iyo xalka ugu wanaagsan ee loo heli karo caqabadaha maareynta doorashooyinka qaaradda.

 
“Doorashooyinkani waxaa ay sida muuqata fursado weyn u fidinayaan dhallinyarada Afrika si ay u yeeshaan awoodda ay saameyn ugu yeelan karaan geeddi-socodka dowladnimo. ka qayb qaadashada dhallinyarada ee geeddi-socodka dimuqraaddiyadda waxaa uu kaliya ku yahay codaynta xilliga doorashooyinka,” ayay Danjire Minata Samate Cessouma oo ah Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda ee Midowga Afrika ee fadhigiisu yahay Addis Ababa ayuu shirka oo Khamiistii furmay sidaa ka sheegtay.

 
“Xaaladaha noocaasi xitaa, ka qayb qaadashada dhallinyarada ee hannaanka siyaasadda  waa mid aad u hooseysaa, xitaa waa mid ka hooseysa midda dadka da’da ah,” ayay raacisayDanjire Minata Samate Cessouma .

 

Xubno ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay hoggaaminayso guddoomiso, Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa kulanku ku tilmaamtay mid wax ku ool u ah arrimaha doorashooyinka.

Guddiga oo ay ka qaybgalkooda Kigaali u fududeysay Howgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa casharro muhiim ah ka soo qaatay khibradda doorashooyinka ee waddamada kale xilli ay Soomaaliya isku diyaarinayo in ay doorasho qabato 2020/2021 oo ah doorasho qof iyo codkiisa.
“Sanadka 2016-kii waxaan qabannay doorasho dadban. Ma ahayn doorasho qof iyo codkiisa ah. Hase yeeshee waxaa ay ahayd mid afgarad iyo heshiis lagu dhisay. Waxaa ay ahayd doorasho noocaasi ah. Run ahaantiina haweenka iyo dhallinyarada waa ay is abaabuleen, bulshada rayidka ah iyo xubnaha kale ee bulshadana way na taageereen. Waana aragnay natiijooyinka sababtoo ah 275 xubno ee baarlamaanka hadda, 74 ka mid ah waa dhallinyaro Marka qayb ayay ka yihiin,” ayay tiri Marwo Xaliima iyadoo carrabka ku adkeeysay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ka qayb-qaadashada dhallinyarada ee geeddi-socodka talada waddanka.

 
Marwo Xaliimo ayaa Midowga Afrika ugu baaqday in Guddiga Doorashooyinka (NIEC) ay ka taageerto hirgelinta qorshaha istaraatijiyadeed ee shanta sano ah ee guddiga; iyo tababaridda mas’uuliyiinta guddiga ka hor inta aan la gaarin doorashada heer caalamiga ah ee la qorsheeyey.

 
Diktoor Daahir Jibriil oo ah Xog-Hayaha Guud ee Guddiga Doorashooyinka, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay ka qayb qaadashada dhallinyarada geedi-socodka doorashooyinka Afrika, si loo yareeyo kacdoonka. Wuxuu sharraxaad ka bixiyay in Soomaaliya, qayb dhallinyarada ka mid ah ay kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ay u adeegsato sida  qalab loogu talagalay rabshadaha.

 
“‘Al-Shabaab’ afka Carabiga waxaa loola jeedaa ‘dhallinyaro’. Markii dhallinyarada aysan ku mashquulsaneyn waxyaabaha waxtarka leh, marka dhallinyarada aysan qayb ka ahayn geeddi-socodka, marka dhallinyarada aan la shaqaalaysiinin, marka dhallinyarada aysan ku jirin dugsiyo wanaagsan, tani ayaa ah waxa dhici kara,” ayuu yiri Diktoor Daahir.

 
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in marka la eego xaaladda Soomaaliya in ay muhiim tahay in ay dhallinyarada ka qayb qaataan siyaasadda, doorashooyinka, shaqooyinka, fursadaha”.
Ku lug lahaanshahaas ballaaran oo kale ee dhalliyaradu wuxuu u baahan yahay waxbarasho madani oo heer sare ah sida uu qabo Diktoor Daahir. “Dhibaato culus ayay ku tahay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Sidoo kalena dhibaato culus ayay ku tahay guud ahaan Soomaaliya, in la xaqiijiyo in dhallinyaradani ay ku lug lahaadaan doorashooyinka 2020.

 

Maadaama dadweynaha badankoodu ay yihiin dhallinyaro, Midowga Afrika wuxuu aqoonsan yahay dowrka dhallinyarada ay ka ciyaari karaan in ay gacan ka geystaan geedi-socodka doorashooyinka iyo siyaasadda Afrika. Waqtigan xaadirka ah, in ka badan 65% oo ka mid ah tirada guud ee 1.2 bilyan ee dadweynaha Afrika da’doodu waxaa ay ka hooseysaa 35 sano. Intaa waxaa dheer, sanadka 2020, waxaa la qiyaasay in 3 ka mid ah 4 qof oo walba oo Afrikaan ah ay da’doodu noqon doonto 20 sano jir.

 
Midowga Afrika sidaa darteed wuxuu dhiirigelinayaa ka qayb qaadashada dhallinyarada hannaanka go’aan qaadashada iyo kuwa kale, in dhallinyarada ay isku soo sharraxaan boosaaska iyo in meesha laga saaro caqabadaha nugleyn karo dhallinyarada inta lagu jiro doorashooyinka.
Prof. Attahiru Jega oo ah Guddoomiyihii hore ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Nigeria, oo hadal muhiim ah ka jeediyay madasha, ayaa xusay in dhallinyarada Afrikaanka ah loo baahan yahay in kobciyo, oo caqabadaha haysta sida waxbarasho la’aanta, shaqo la’aanta baahsan iyo ka takooridda in ay ka qayb qaataan geedi-socodka siyaasadeed wax laga qabto.

 
“Waxaa aan ognahay in ay jiraan shaqo badan oo loo baahan yahay in laga qabto Soomaaliya sababta oo ah dalka waxaa uu weli ku jiraa wejiyada hore ee dhismaha dimuqraaddiyadiisa, Guddiga Doorasha waa mid weli tabar daran una baahan taageero badan, Midowga Afrikana waxaa uu leeyahay mas’uuliyad ku xusan Qodobka 18-aad ee Heshiiska Afrika ee dhinaca Dimuqraaddiyadda, Doorashooyinka iyo Maamulka si loo bixiyo taageerradan iyo in xubnaha ka tirsan Midowga oo ay Soomaaliya ka mid tahay loo fidiyo fursado in ay codsan karaan nooc waliba oo kaalmo dhinaca doorashooyinka,” ayuu yiri Mudane Gerenge.

Kulanka Kigali waxaa uu ka duulayey mowduuca ah “Ka faa’iideysiga qaybaha kala duwan ee bulshada iyada oo loo marayo sare u qaadista ka qaybgalka dhallinyarada ee geeddi-socodka doorashooyinka ee Afrika”.

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay+Sawiro

0

Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay 10 – 15 November 2017.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

Madaxweynaha Oo Daah Furay Shir Wareegga Nabadgelyada Muqdisho

10/11/2017- Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha shacabka, Aqalka sare, Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay xaflad lagu daah furayay Ololaha Nabad gelyada Gobolka Benaadir, kaasi oo lagu qabtay xarunta dugsiga tababbarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Ujeedada ayaa aheyd sidii shacabka Muqdisho ay mas’uuliyad gaar ah isaga saari lahaayeen amniga caasimada.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Shir-Guddoomiyey Shirka Amniga Oo Beesha Caalamka Ay Goob Joog Ahaayeen

11/11/2017- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa 11kii November guddoomiyey shir looga hadlayey howlgalka ciidamada ee Shabeelooyinka ka socda iyadoo beesha caalamka ay goob joog ahaayeen.

Shirkan muhiimka u ah amniga ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Francisco Madiera, Safiirka Midowga Yurub Veronica Lorenzo, Safiirada UK, US, Uganda, Ethiopia, Italy, China, Kenya iyo Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiiro iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Golaha Shacabka Mudane Xuseen Carab Ciise iyo marti sharaf kale.

Shirkan ayaa lagu go’aamiyey dar-dargelinta howlgalada ciidamada si kooxaha argagaxisada ah looga sifeeyo dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Meelmariyay Hindise Sharciyeedka Biyaha

11/11/2017- Kalfadiga 2-aad kulankiisa 28-aad ee mudanayaasha Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ugu horeyn warbixin looga dhageystay guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah kuwaas oo u faahfaahiyey golaha dib u eegista ay ku sameeyeen sharciga Biyaha iyo muhiimada uu u leeyahay dalka.

Dood dheer ka dib, Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay ayaa Xildhibaanada Golaha u jeediyay in ay cod geliyaan Hindise Sharciyeedka biyaha oo ay Xildhibaanada horey uga doodeen waxaana ogolaatay 147, mudane, iyadoo saddex Mudane ay diideen.

Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sidoo kale ka codsaday gudiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee golaha in uu ku lifaaqo warbixintiisa oo uu u gudbiyo Golaha Aqalka Sare si ay uga gutaan waajibkooda.

Boliiska Soomaaliya oo soo bandhigay baaritaanno lagu hayo Dawooyin qaab Daraagis ah loo isticmaalay

12/11/2017- Taliska Ciidammada Boliiska Soomaaliya ayaa soo Bandhiggay baaritaanno ay ku wadaan Daawooyin Si Daraagis ah loo Isticmaalay oo ay cabashooyin ka soo gudbiyeen qaar ka mid ah dadkii sida qaldan loogu gudbiyey, waxaana lagu soo bandhigay xarunta taliska Boliiska Soomaaliya. Cabashooyinkan ayaa waxaa Boliiska u soo gudbiyey Haween dhowr ah oo si qaldan loo siiyey. Xarunta Dembi Baarista iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa wada baaritaano dheeri ah si xal loogu helo cabashooyinka bulshada.

Wasaaradda Warfaafinta oo diyaarineysa Istraatejiyada Qorshaha Wasaarada

13/11/2017- 15/11/2017 Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa muddo 3 cisho ah qaatay tababar ay ku diyaarinayeen Istraatejiyada Qorshaha Wasaarada iyadoo hay’ada UNDP iyo Wasaarada Qorsheynta ay bixinayeen daruusta tababarka. Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa furay shirka 13kii November, halka uu Wasiirka Warfaafinta soo xiray 15kii November 2017.

Wasaarada Warfaafinta ayaa fursad siinaysa shaqaalaha inay iyagu diyaariyaan Istraatejiyada Qorshaha Wasaarada si ay dhaqangelintiisa u sahlanaato.

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuqa Iyo Xisaab Xirka Miisaaniyada 2015 Iyo 2016

13/11/2017- Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Mudanayaasha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa ay kaga doodeen arrimaha Xisaabxirka Miisaaniyadii Dowladda ee 2015, 2016 iyo Hindise Sharciyeedka ladagaalanka Musuq Maasuqa. Kulankan oo ay yeesheen xildhibaanada waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Dood dheer ka dib ayaa Golaha Shacabku ansixiyey Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuq Maasuqa oo ahmiyad gaar ah u leh sidii loo dhisi lahaa hay’ada la dagaalanka musuqmaasuqa. Sidoo kale Golaha Shacabka ayaa ansixiyey xisaab xirka Miisaaniyada 2015 iyo 2016.

Ciidamada Xoogga Dalka Oo La Wareegay Deegaano Ku Dhow Magaalada Baraawe.

14/11/2017- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sii balaariyay dagaalada ay kaga sifeynayaan cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al Shabaab deegaanada ay kaga dhuumeeleysanayaan Gobolka Shabeelaha hoose, iyagoo la wareegay deegaano ku dhow degmada Baraawe oo xarun u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Saraakiisha hogaamineysa dagaalka ka socda Shabeelaha hoose ayaa sheegay in la dardar galiyay dagaalka lagula jiro Argagaxisada Al Shabaab, iyadoo guulo laga gaaray Howlgaladii ugu dambeeyay, waxaana deegaanada ay gacanta ku dhigeen ciidamada xoogga dalka si weyn ugu soo dhaweeyay shacabka ku nool deegaanaadaaasi oo sheegay in Nabad diidka Al Shabaab ay dhibaato ku hayeen.

Wasiirka Warfaafinta oo Hortagay Guddiga Arrimaha Bulshada ee Aqalka Sare

14/11/2017- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa hortagay Guddiga Arimaha Bulshada ee Aqalka Sare. Waxyaabahii wax laga weydiinayey wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa Qorshaha guud ee Wasaaradda, Xeerka Saxaafada Soomaaliya, Xiriirka wasaaradda kala dhaxeeya kuwa warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada iyo waxyaabaha u qabsoomay mudada uu xilka hayay. Kulanka ayaa ahaa mid lagu xoojinayey isla xisaabtanka hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirada Oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda 2018

14/11/2017- Kulan deg deg ah oo ay 14kii November yeesheen Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2018. Shirka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa lagu gorfeeyey miisaaniyadda Dolwadda ee 2018 taasi oo tiro ahaan gaaraysa 274, 640,191 Milyen oo dollar taasi oo ka badan miisaaniyaddii hore.

Sidoo kale waxaa markii ugu horeysay miisaaniyada diirada lagu saaray adeegyada bulshada sida dhismaha iskuulada, goobaha caafimaadka, warshada dharka cidiamada, iyo dhismaha Akedemiyada Horumarinta Afka Soomaaliga.

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Daah Furay Mashruuc Shaqo Loogu Abuurayo Dhalinyaradda Soomaaliyeed

14/11/2017- R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre oo uu wehliyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo masuuliyiin kale, ayaa daah furay Mashruuc shaqo abuur ah oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Aduunka.

Mashruucaan oo lagu magacaabo SCORE, waa mashruuc lagu maalgalinayo Ganisiga yar yar ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa shaqo la’aanta ay ku heyso. Lacagta Mashuucaan ku baxeyso, ayaa lagu sheegay $28 Milyan, Maaligalinta ugu badani waa $150,000 kun, kiisa ugu yarna waa $5,000 kun, iyadoo ilaa iyo hada maaligalin loo sameeyay 70 Ganacsiyo yar yar ah.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga dib-u-eegista la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa-banaan ee Dastuurka oo gaaray heshiis is faham iyo wada shaqeyn

14/11/2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed, ayaa ka qeyb galay kulan heshiis ay ku saxiixanayeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la socodka dib-u-eegista ee Baarlamaaka iyo Guddiga Madaxa-banaan ee dib-u-eegista Dastuurka, iyadoo ay gaareen heshiis is af-faham oo la xiriira wada shaqeyn iyo hirgelinta geeddi-socodka dib-u-eegista arrimaha Dastuurka KMG. Heshiiskan ayaa muhiim ah dardargelinta dib u eegista dastuurka.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Diinta Iyo Awqaafta Oo Kulan La Qaatay Imaamyada Masaajidda Muqdisho

15/11/2017- Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa 15kii November kulan u qabatay Imaamyada Masaajidda ee magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaarada Arrimaha Diinta iyo Awaqaafta, xoghayaha joogatada ah ee wasaaraddaasi iyo agaasimaha waaxda Diinta iyo ku dhaqqanka sharaceeda islaamka, iyadoo looga hadlay la dagaallanka argagaxisada iyo dhaqan xumada oo waayadan ku soo badanaysay dalka.

R/Wasaare Khayrre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey Baraawe

15/11/2017- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Xilidhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa 15kii November booqasho ku tagay degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona loo sameeyey soo dhaweyn aad u ballaaran.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa safarradii uu ugu kuur galayey xaaladaha ka jirta Maamullada dalka, si uu u ogaado nolasha dadka ee dhanka nolosha iyo amniga. Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka ku dhaqan degmada Baraawe oo aad uga waramay dhibaatooyinka ka jira gobolka.
DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska

Madaxweyne Roberta Mogaabe oo ka soo horjeestay baaqa iscasilaadda

0

Zimbabwe(SONNA) Waxaa sii kordhaya jahwareerka siyaasadeed ee kataagan dalka Zimbabwe,iyadoo Madaxwayne Robert Mugabe uu wacad ku maray in uu awoodda sii hayn doono dhowr todobaad ,iyada oo uu sii kordhayo cadaadiska lagu hayo ee ku aadan in xilka uu ka dago.

Madaxweynaha wadanka Zimbabawe Mr Mogabe ayaa Khudbad uu si toos ah uga jeediyay TV-ga qaranka waxaa uu ku sheegay in uu shir guddoomin doono kulanka golaha xisbiga ay yeelanayaan bisha December ee soo socota.

Waxaa xiligaasi hareer fadhiyay Robert Mugabe markii uu khudbadda jeedinayay saraakiisha sarsare ee militariga dalkaasi iyo madax kale.

Shacabka reer Zimbabawe ayaa siweyn u sugayay in Khudbadda madaxwayne Mugabe ay noqoto mid uu kaga dhawaaqo iscasilaadiisa,balse uu madaxweyne Mogaabe ayaa ku adkaysatay in uusan marna xilka ka degi doonain.

Hadalka Madaxweyne Mogaabe ayaa ku soo beegmaya xili Xubnaha xisbiga Zanu-PF ay ka cayriyeen Mugabe xilka hoggaamiyaha xisbigaasi oo Madaxwayne Mugabe u qabteen in muddo 24 saac gudahood ah uu isku casilo haddii kale ay xil ka qaadis ku samayn doonaan.

Waxaa la sugayaa go’aanka uu qaadan doono baarlamaanka Dalka ZImbabawe kuwaasi oo ku hanjabay in hadii Mr Mogaabe uu xilka wareejin waayo ay xilka ka xayuubin doonaan.

Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay Dib-U-Eegista Dastuurka

0

Muqdisho (SONNA)-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii dib-u-eegis loogu sameeyn lahaa Dastuurka qabyo-qoraalka ah.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyay kulanka islamarkaana sheegay in taladooda ay tahay mid muhiimad wayn leh.

“Odayaasha dhaqanka waxa ay door muhiim ah ka soo qaateen Geedi-socodyadii lagu soo dhisay dawladnimada Soomaaliya kadib burburkii dalka, kaalinta odayaasha ay ku leeyihiin dib-u-eegista Dastuurka waa mid aad u ballaaran oo aan dooneyno in aad naga la shaqeeysaan” ayuu yiri Wasiir Ku-Xigeenka.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan, Proff Maxamed Daahir Afrax, iyo Gudoomiyaha Guddigga Baarlamaanka, Senator Cabdi Qaybdiid, ayaa si wadajir ah u tilmaameen muuhimadda odoyaasha dhaqanku u leeyihiin ololaha dib-u-eegista Dastuurka, waxa ayna odayaasha ka codsadeen in ay ku gacansiiyaan hawsha ay wadaan hay’adaha u xilsaaran dhameeystirka Dastuurka.

Ugu dambayn, odayaasha dhaqanka ee kulanka ka soo qaybgalay ayaa talooyin soo jeediyay, sidoo kale waxa ay bogaadiyeen wadashaqaynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Guddiyada.

—–DHAMAAD—-

Madaxweynaha JFS oo siweyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Abu-Dubai+Sawiro

0

Abu-Dubai(SONNA) Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Abu-Dibai ee Caasimadda halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Sida ay SONNA u xaqiijiyeen saraakiil katirsan Madaxtooyada Soomaaliya,Waxaa ku wehliya safarka Madaxweynaha Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda C/qaadir Axad Khayr,xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya,talayaal iyo xubno kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmi doona madaxda Isutaga Imaaraadka Carabta,waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan waxaa kamid ah xoojinta xiriirka labada dal,iskaashiga dhinacyada Ammaanka,dhaqaalaha iyo ladagaalanka arggagixisada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Waa markii labaad ee uu socdaal ugu ambabaxo dalka Imaaraadka Carabta tan iyo markii la doortay.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiligaan wada dadaal xoogan oo dalka looga xoreynayo Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana taasi ay keentay in ciidamada xoogga ay howlgalo ka bilaabaan meelaha lagu tuhmayo in ay ku dhuumaaleysanayaan Maleeshiyaadkaasi.

 

Madxweyne Mogabe oo xilkii hoggaaminta Xisbiga Zanu PF laga qaaday

0

Zimbabwe(SONNA) Kadib kulan ballaaran oo ka dhacay magaalada Haraare ee xaryunta Dalka Zimbabwe,ayaa Xisbiga maamula dalka Zimbabwe ee Zanu-PF xilka hoggaaminta xisbiga ka qaaday madaxweyne Robert Mugabe  .

Hogaamiyaha xisbigaasi ayaa loo magacaabay Emmerson Mnangagwa oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii Dalka Zimbabwe,kaasi oo horey uu xilkii uga qaaday Roberta Mogaabe.

Sidoo kale Wakaaladda Wararka Reuters ayaa baahisay in Grace Mugabe lagala noqday dhammaan shaqooyiinkii ay ka haysay xisbiga Zanu-PF.

Magaalada Haraare ee xarunta Dalka Zimbabwe ayaa waxaa ka soconaya kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya Mr Mugabe iyo ciidamada Militariga,waxaa la arkayaay gaadiid Militari oo ka soo baxaysa aqalka uu ka degan yahay magaaladaasi.

Talaabadii shaqada looga ereyey Mr Mnangagwa ayaa keentay qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaasi ka jira, taas oo dhalisay in militariga uu maamulka dalka la wareego si ay 93-sano jirka Zimbabwe hoggaaminayay 37-sano, uga hor istaagaan in xaaskiisa Grace ka dhigo madaxweynaha dalka.

Tobannaan kun oo qof ayaa shalay oo Sabti ahayd ka qeybgalay dibadbaxyo ka dhan ahaa qoyska Mugabe,kuwaasi oo da dalbaday in uu xilka ka dego

Baarlamaanka Dalkaasi Zimbabwe ayaa ku hanjabay in hadii madaxwyen Mogabe oo diido in uu xilka wareejiyo ay xil ka qaadis ku sameyndoonaan.

Qaahiro oo shir uga furmay Wasiirada Arrimaha dibadda Carabta

0

Wasiirada arrimaha dibadda wadamada Carabta ayaa isugu yimid shir deg deg ah oo ay ku baaqdey Dowladda Sucuudi Carabiya,balse Wasiirka arrimaha dibadda ee Liibiya ayaa ka baaqsaday shirkaasi sababo aan la shaacin.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Sucuudiga,shirkan Wasiirada arrimaha dibadda wadamada Carabta uga furmay xaruntooda ay ku leeyihiin magaalada Qaahira ee Dalka Masar waxaa looga hadlayaaFaragelinta ay sheegeen in Wadanka Iiran uu ku hayo wadamada Carabta,sidoo kalana Dawlahadaha Carabtu ay meel uga soo jeestaan qadiyadda Iiraan.

Wakaaladdu waxay intaa ku dartay in wadamada isutaga imaaraadka Carabta,baxrayn iyo kuwayd ay ku taageereen dawladda Sucuudi Carabiya qabashada shirkan

Dhanka kale Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtay mas’uul sare oo u Hadley Wadanka Lubnaan uu sheegay in Wasiirka Arimaha dibada Lubnaan  Gibran Basil uusan ka soo qayb galin shirka Wasiirada Wadamada Carabta.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa sii kordhayay xiisada u dhaxaysa Iiran iyo Sucuudi Carabiya taasi oo keeni karta in labada dawladood dhib ka dhex dhaco.

Qadiyadda Lubnaan ayaa kamid ah waxyaabaha ay isku khilaafsan yihiin,waxaana Ra’iisul Wasaarihii Lubnaan Saacad Alxariiri uu 4tii bishan  November Sucudiga kaga dhawaaqay inuu xilkii iska casilay

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiinta Imaaraadka ay ka wada hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah in lagu tixgaliyo Soomaaliya go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka, Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka iyo in Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Waa markii labaad ee uu socdaal ugu ambabaxo dalka Imaaraadka Carabta tan iyo markii la doortay.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiligaan wada dadaal xoogan oo dalka looga xoreynayo Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana taasi ay keentay in ciidamada xoogga ay howlgalo ka bilaabaan meelaha lagu tuhmayo in ay ku dhuumaaleysanayaan Maleeshiyaadkaasi.

 

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiinta Imaaraadka ay ka wada hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah in lagu tixgaliyo Soomaaliya go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka, Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka iyo in Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Waa markii labaad ee uu socdaal ugu ambabaxo dalka Imaaraadka Carabta tan iyo markii la doortay.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiligaan wada dadaal xoogan oo dalka looga xoreynayo Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana taasi ay keentay in ciidamada xoogga ay howlgalo ka bilaabaan meelaha lagu tuhmayo in ay ku dhuumaaleysanayaan Maleeshiyaadkaasi.