Qaar ka mid ah Dhaawacyadii Qaraxii Soobe oo maanta dib loogu celiyay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA) 13 ka mid ah dhaawacyadii bishii October loo soo qaaday Dalka Suudaan ayaa maanta dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho kuwaasooo xaaladooda Caafimaad ay soo wanaagsanaatay.

Bukaanadani ayaa ka bogsaday dhaawacyadii ka soo gaaray Qaraxii Isgoyska Zoobe ka dhacay 14-kii bishii hore, ayaa waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Khartuum ka sagootiyay Jaaliyadda, Ganacsato, Arday iyo madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan uu horkacayo Danjiraha Safaaradda Maxamed C/llaahi Ugaas.

Mid ka mid  dadkii la socoday bukaanada oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa uga mahad celiyay sida ay Soomaalida reer Suudaan u garab istaageen mudadii ay joogeen Suudaan.

Dhanka kale Cabdifataax Maxamed Barqadle oo ka mid ah gudiga gurmadka Suudaan ayaa u mahad celiyay cid walba oo ka qeyb qaadatay gurmadka loo fadiyay Walaalahood asigana inta dhiman u rajeeyay Caafimaad.

Gabagabadii Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan Maxamed C/llaahi Ugaas ayaa asigana mahad celin aan la soo koobi Karin u jeediyay Dowladdaha Qadar iyo Suudaan kaalinta weynn ay ka qaateen gargaarka iyo gurmadka loo fidiyay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

“Waxaa u mahadcelineynaa Dowladda Suudaan iyo Dowladda Qadar oo u gurmaday shacabka Soomaaliyeed, waxaan u mahadcelineyaa sido kale dhamaan Jaaliyadda iyo Ardayda reer Suudaan ee gacan ka geystay in qaar ka mid ah walaalahood ay bogsadaan”ayuu yiir Danjire Maxamed C/llaahi Ugaas.

Dowladaha Qadar iyo Suudaan ayaa si walalatinimo ah ugu soo gurmaday dadkii ku dhawaacmay qaraxii Zoobe ee 14-kii bisii hore ka dhacay Magaalada Muqdihso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...