Home Blog Page 1431

Dowladaha Qatar iyo Kenya oo qalab caafimaad iyo dawo soo gaarsiiyay Muqdisho

0

Diyaarad ka timid dowladda Qatar ayaa soo gaartay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaarada ay soo dirtay dowladda Qatar ayaa sidday shixnado isugu jira dawooyin iyo qalab Caafimaad oo loogu talo in lagula tacaalo boqolaalka qof ee ku dhaawacmay qaraxii Sabtidii  ka dhacay Muqdisho kuwaasoo lagu dweeynayo qaar ka mid ah Isbitaallada Muqdisho.

Diyuuradda ka timid dalka Qatar oo ah mid aad u weyn ayaa la filayaa iney horey u sii qaaddo dadka dhaawacyada halista ah qaba si dalkaas loogu soo daweeyo.

Sidoo kale labo dayuuradood oo ay soo dirtay dowladda Kenya ayaa soo gaaray saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kuwaasoo siday qalab caafimaad iyo dawooyin loogu talo galay dadka ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Muqdisho kaasoo lagu xasuuqay boqollaal muwaadiniin abriyo ah oo aan waxba galabsan.

  

Dowladda iyo Shacabka oo iska kaashaday nadiifinta Burburka uu reebay Qaraxii Zoobe

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay Olole nadaafadeed oo Shacabka Muqdisho, Ciidanka iyo Shaqaalaha Dowladda ay ka sameeyeen Isgooyska Zoobe oo Sabtidii lasoo dhaafay uu ka dhacay qaraxa aad u xooggan oo galaaftay Nolosha dad ku dhow 300 oo qof.

Dadka Ololaha Nadaafadda sameynayey oo u badnaa Dhalinyaro isxilqaantay ayaa wajiyadooda laga darreemayey qiiro wadaniyadeed, iyagoo si hagar la’aan ah u waday ololaha Nadaafadda, waxayna qaarkood oo aan lahadlay ay ila wadaageen sida ay uga xun yihiin Musiibadii Halkaasi ka dhacday.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Maamulkiisa oo kaashanaya Bulshada Gobolka Banaadir ku nool ay wadaan Nadiifinta  burburka ka dhashay qaraxa, waxaana uu u mahada celiyey Dadka  si iskaa wax u qabso ah u wado Ololaha nadaafadeed.

“Waxaan u mahadcelinayaa dhalinyaro boqolaal ah oo isugu yimid goobta masiibada ka dhacday oo olole nadaafadeed & taxadar baaritaan ah kawada” Guddoomiye Taabit ayaa sidaasi yiri.

Talaabadan ayaa muujineysa sida Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay isku duuban yihiin, hadii wada shaqeynta nuucaan oo kale ah la joogteeyana si fudud dalka oo dhan looga ciribtiri karo cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab.

Dowladaha Turkiga, Jabuuti, Qatar, Kenya iyo Mareykanka ayaa dhamaantood Diyaarado sida Deeq dawo oo lagu dabiibayo dadka waxyeelada soo gaartay waxay keeneen magaalada Muqdisho, iyadoo Dowlada Turkiga ay dhaawacyada ugu daran ku dabiibeyso dalka Turkiga, waana dowladii ugu horeysay ee garab istaaga u muujisa umadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Gurmad Qaran ayaa soo bandhigay Xogtii ugu dambeysay khasaaraha ka dhashay qaraxa, wuxuuna sheegay in ay korortay Tirada dhimashada oo hada mareysa 281, halka dhaawaca ku dhawaad uu marayo 300, Wuxuuna sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay bixisay lacag gaareysa Hal Milyan oo Dollar oo lagu caawinayo dadkii dhibaatada ka soo gaartay qaraxaasi.

Guddiga Taakuleynta Ciidamada Qaranka oo Deeq lacageed ku warreejiyey Guddiga Gurmadka Qaranka

0

Guddiga Taakuleynta Ciidamada Qalabka sida, ayaa Deeq lacageed oo dhan 2.000$ oo iyaga dhexdooda ay iska soo arruuriyeen ku wareejiyey Guddiga Gurmadka qaranka, waxaana ka guddoomay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisoow.

Guddooomiyaha Guddiga Taakuleynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed Axmed Jaamac Muuse  ayaa sheegay in ay ka xun yihiin Musiibadii ka dhacday Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, isagoo kuwa dhaawacyada culus qaba eebe uga baryey Caafimaad deg deg ah.

” Lacagta maanta aan ku wareejinay Guddiga Gurmadka Qaranka waa lacag innaga dhexdeena aan iska arruurinayey, mushaaradkeena ayaa iska jarnay si ugu gurmano dhibaatada soo gaartay dadkeena, runtii waan la xanuunsaneynaa dadkaasi” ayuu yiri Guddoomiye Axmed Jaamac.

Dowlada Mareykanka oo Cambaareysay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (SONNA) Bayaan ka soo baxay Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa si weyn loogu Cambaareeyay Qaraxii musiibada ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo Khasaare naf iyo maal uu ka dhashay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay dad aanan waxba galabsan oo isugu jira rag, dumar iyo carruur, iyadoo Aqalka Cad uu sheegay in dadka ku dhintay weerarka ay ku jireen muwaadiniin u dhashay Mareykanka.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay inay garab taagan tahay Dowlada Soomaaliya iyo Shacabkeeda, si loo xaqiijiyo Amniga guud iyo Dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Madaxda dowlada Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu gurmanaya dad dhibaatada ay ka soo gaartay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale kaalin lama iloobaan ah ka qaatay Dowladaha aan walaalanahay ee Turkiga iyo Jabuuti, iyadoo sidoo kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka uu sheegay in Dowlada Qatar ay diyaar u tahay inay Diyaarad gurmad ah u soo dirto magaalada Muqdisho, waxaana intaas dheer Dalal badan oo si weyn ula qeybsaday murugada dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wadamada Faransiiska iyo Canada iyo Dalal kale oo looga boroordiiqayo dadkii Soomalaiyeed oo qarixii Soobe ku wxayeeloobay

0

Magaalooyin badan oo kamid ah dalalka Caalamka ayaa waxaa ka dhacaya boroordiiq loo sameynayo shacabkii Soomaaliyeed oo ku dhintay Qarixii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Faransiiska oo kamid ah wadamada Codka Vetoga ku leh Golaha Ammmaanka ee QM ayaa amartay in la demiyo nalkii taalada Taariikhiga ah ee Baariiss ee caasimadda Dalkaasi Faransiiska.

Taallada Tour Eiffel ee Paris ayaa la damiyay si loogu murugoodo dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Soobe,waxaana la arkayay dadweyne farabadan,kuwaasi oo shucuurtodi muujinayay.

Duqa Magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa sheegtay in walaalahood Soomaaliya ay la qeybsanayaan xannuunka iyo Murugada.

Dhanka kale wadanka Canada oo kamid ah wadamada dhaca Waqooyiga Ameerika ayaa looga boroor diiqey shacabka Soomaaliyeed,waxaana mas’uuliyiinta Dowladda Canadda ay sheegeen in shacabnka iyo Dowladda Soomaaliya ay murugada la qeybsanayaan.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Canada Justin Trudeau ayaa muujiyay sida Dowladda Canada iyo shacabkeeda ay uga xun yihiin dhibaatadii soo gaartay shacabka Soomaaliyeed.

Mr Trudeau ayaa sheegay in ay la qeybsanayaan murugada shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna ku tilmaamay falkaasi fal wuxuushnimo ah.

 

Xisbiyada siyaasadda Koonfur Afrika oo taageero u muujiyey Soomaaliya

0

Xisbiyada siyaasadda dalka Koofur Africa ayaa ku biiray saaxiibada caalamka ee cambaareynayey qaraxii waxuushnimada ahaa ee lagu gummaaday shacabka Soomaaliyeed 14-kii bishaan kaa oo kooxaha argagaxisada ah ay la beegsadeen shacabka masaakiinta ah.

Xisbiga DA oo ka mid ah saddexda xisbi ee ugu waa weyn dhanka siyaasadda  dalka Koofur Africa ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in qaraxa uu ahaa mid kooxaha argagasida ay ku doonayaan in ay ku aamusiyeen bulshada Soomaaliyeed balse loo baahan yahay in si wadajir ah loola dagaallamayo,waxaana ay tacsi u direen ehalada iyo dadkii ku dhintay qaraxaasi.

Xisbiga Labaad ee EFF ayaa isagana war qoraal ah kasoo saaray arrintaan waxaa ayna sheegeen in ay aad uga xun yihiin falkaan lagu laayay shacabka Soomaaliyeed  “waxaan tacsi u direynaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo dowladooda, waxaan u rajeyneynaa familadeena iyo walaaladeen Soomaaliyeed in ay ka gudbaan arrintan annaga si toos ah ayaan u garab taaganahay mar walba”

Xisbiga ayaa ugu baaqay in dowlada South Africa ay si dag dag dadka Soomaaliyeed gurmad ugu diraan gaar ahaan shaqaale cafimaad iyo wali kaalmo daawooyin ah si walba oo loo garab istaagi karno ay shacabka Soomaaliyeed garab taagan yihiin.

Taallada Tour Eiffel ee Paris oo la damiyay si loogu murugoodo Qaraxii Soobe

0

Paris(SONNA)–Duqda Magaalada Paris, Anne Hidalgo ayaa amar ku bixisay in la demiyo taallada Tour Eiffel ee ay Paris caanka ku tahay Axadda si loogu murugoodo Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhintay qaraxii Sabtida la soo dhaafay ka dhacay Isgooyska Zope ee Magaalada Muqdisho.

Taallada ay caanka ku tahay Magaalada Paris ee Cariga Faransiiska ayaa la damiyay Nalalkii ka shidnaa, taasi oo loogu boroor-diiqayo dhacdadii ugu xumeed ee ka dhacda guud ahaan Dalka Soomaaliya 14-kii bishan , waxaana ku naf waayay Dad aad badan, islmarkaana waxaa bur-buray hanti aad u fara badan.

Duqa Magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa sheegtay in la dami doono Nalalka ka shidan Taalladaasi , si loola qeybsado dadka Magaalada Muqdisho dhibaatadii ku dhacday.

Dowlada Turkiga ayaa iyana Daartay Iftiin Buluug ah, si ay u Muujiyaan sida ay uga xun yihiin dhibkii loo geystay Dadka Muqdisho Sabtidii.

Dowladda Soomaaliya ayaa u aqoonsatay dhacdadaasi mid ah nasiibo Qaran, waxaana hoos loo dhigay Calanka Soomaaliya muddo 3 cisho ah.

Dhanka kale wadanka Canada oo kamid ah wadamada dhaca Waqooyiga Ameerika ayaa looga boroor diiqey shacabka Soomaaliyeed,waxaana mas’uuliyiinta Dowladda Canadda ay sheegeen in shacabnka iyo Dowladda Soomaaliya ay murugada la qeybsanayaan.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Canada Justin Trudeau ayaa muujiyay sida Dowladda Canada iyo shacabkeeda ay uga xun yihiin dhibaatadii soo gaartay shacabka Soomaaliyeed.

Mr Trudeau ayaa sheegay in ay la qeybsanayaan murugada shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna ku tilmaamay falkaasi fal wuxuushnimo ah.

kulan baroordiiq ah oo xalay lagu qabtay Magaalada Minneapolis

0

Muqdisho (SONNA) Kulan loogu baroordiiqayay dadkii Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay Qaraxaii 14 bishaan ka dhacay Isgoyska zoobe ee magaalada muqdisho ayaa lagu qabtay Magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka  waxaana kasoo qablay jaaliyadda Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan Dowladda maraykanka.

Kulankaan baroordiiqda ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan laga soo doorto gobolka Minnesota iyadoo dareenkeeda la qeybsatay Bulshada Soomaaliyeed  sheegtayna inay ka go an tahay Caawinta Soomaaliya.

Bulshada Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ayaa wada didaalo lagu Caawinaayo Muwaadiniintii ay dhibaatadu ka soo gaartay Weerarkii bahalnimo ee dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulankaan  xalay lagu qabtay Magaaladda miniyaabulis ayaa qeyb ka ah baroodiiqda loo sameynaayo dadkii ku dhibaatadu kasoo gaartay qaraxii 14 bishaan ka dhacay magaalada muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Deeq Dawo ah oo ka timid Mareykanka oo soo gaartay Muqdisho

0

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa goordhow soo gaaray Diyaarad sida Deeq dawo ah oo Dowlada Mareykanka ay ugu soo gurmatay dadka dhibaatada ka soo gaartay Qaraxii Sabtidii ka dhacay Isgoyska Soobe, waxaana soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Siihaya Safiirka Dowlada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa deeqdan ku wareejiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi, waxaana la gaarsiin doonaa dadka dhaawacyada ee ku jira Isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Diyaarado kale oo wada Gurmad caafimaad ah kuwaas oo ay balanqaadeen dowlado Saaxiib la ah Soomaaliya.

Shirkada Hormuud oo deeq lacageed gaarsiisay dhaawacyada ku jira Isbitaalada Madiina iyo EX-Degfeer

0

Muqdisho (SONNA) Hay,adda Hormuud foundation ayaa deeq lacageed oo 50 kun oo dollar gaareysisay  Isbitaalada Madiina iyo  EX-Degfeer oo ay ku jiraan dadkii waxyeelada kaso gaartay masiibadii ka dhacday iskooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayagoo sinayay qofkii 100$ waxaana ay sheegeen in ay ka mid tahay ka qeyb qaadasha gurmadka loo fidinaayo dadkaas.

Agaasime ku Xigeenka Hay,adda Hormuud foundation C.raxmaan Ibraahin Cilmi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan aheyn tii ugu dambeysa oo ay si wadi doonan ugurmashada shacabka soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay iskooska zoobe maalintii sabtida aheed.

Dr. maxamed Yuuuf Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Madiina ayaa uga mahadciliyay deeqda gurmadka ah oo ay soo gaarsiyeen Hay,adda Hormmud foundation iyo sida ay marwalbo uga qeyb qataan samata bixinta Bulshada.

C.raxmaan Ibraahin Cilmi  Agaasime ku xigeenka Hay,adda Hormuud foundation  ayaa sidoo kale  sheegay in ay waajib tahay in laga qeyb qaato gurmadka si loo dabiibo dadka ku dhaawcmay qaraxii bahalnimada ahaa ee ka dhacay iskooska zoobe.

Shirkadda Hormuud ayaa ka mid ah Xarumaha Ganacsi ee Dalka ka shaqeeya taasoo ay xusid mudan tahay in ay ka mid tahay Xaruumaha inta badan Caawiya bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan marka ay dhacaan fatahaada Wabiga shabeele,Abaarta iyo dhibaatooyin kale oo soo wajaha bulshada Soomaaliyeed.