Wasiir ku xiggeenka Maaliyadda Soomaaliya oo G/mudug ka dhagax dhigay dhismayaal addeegyada bulshada loogu talo galay “Sawirro”

Date:

 

Gaalkacyo (SONNA), Wasiir ku xiggeenka wasaaradda Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane C/llaahi sheekh Cali Qaloocoow Iyo wasiiru dowlaha wasaarada Arimaha Gudaha iyo dowladdaha hoose ee Galmudug, Cumar Maxamed Diiriye oo ay wehliyeen masuuliyiinta maamulka Gobolka mudug,  ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay xarunta maamulka deegaanka Bandiiradleey iyo xarunta garsoorka deegaankaasi.

Wasii C/llaahi, ayaa sheegay in mashruucaan laga hirgalinayo deegaanka Bandiiradleey uu qeyb ka yahay mashaariic ay wado dowladda federaalka Soomaaliya oo qaarkood laga hirgaliayay deegaano fara badan oo ka tirsan dalka, sidoo kalana laga bilaabi doono kuwa kale oo aan lahayn xarumaha adeegyada bulshada.

Wasiir ku xiggeenka Wasaarada Maaliyada dowladda Soomaaliya, ayaa xusay  inay ka muuqato deegaanka bandiiradleey horumar xowli ku socda, isagoo  ka dhawaajiyay in labaatan sano ka hor ay ugu danbeysay, balse ay aheyd meel cidlo ah, maantana isku tashiga bulshada reer Bandiiradleey uu gaarsiiyay in magaalada ay noqato mid la tar tami karta deegaanada waa weeyn ee dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...