Home Blog Page 1432

Dowlada Mareykanka oo Cambaareysay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Bayaan ka soo baxay Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa si weyn loogu Cambaareeyay Qaraxii musiibada ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo Khasaare naf iyo maal uu ka dhashay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay dad aanan waxba galabsan oo isugu jira rag, dumar iyo carruur, iyadoo Aqalka Cad uu sheegay in dadka ku dhintay weerarka ay ku jireen muwaadiniin u dhashay Mareykanka.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay inay garab taagan tahay Dowlada Soomaaliya iyo Shacabkeeda, si loo xaqiijiyo Amniga guud iyo Dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Madaxda dowlada Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu gurmanaya dad dhibaatada ay ka soo gaartay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale kaalin lama iloobaan ah ka qaatay Dowladaha aan walaalanahay ee Turkiga iyo Jabuuti, iyadoo sidoo kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka uu sheegay in Dowlada Qatar ay diyaar u tahay inay Diyaarad gurmad ah u soo dirto magaalada Muqdisho, waxaana intaas dheer Dalal badan oo si weyn ula qeybsaday murugada dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

kulan baroordiiq ah oo xalay lagu qabtay Magaalada Miniyaabulis

0

Kulan loogu barordiiqayay dadkii Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay Qaraxaii 14 bishaan ka dhacay Isgoyska zoobe ee magaalada muqdisho ayaa lagu qabtay Magaalada miniyaabulis  ee dalka maraykanka  waxaana kasoo qablay jaaliyadda Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan Dowladda maraykanka.

Kulankaan baroordiiqda ah ayaa waxaa soo qaban qaabiayya Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan laga soo doorto gobolka minisoota iyadoo dareenkeeda la qeybsatay Bulshada Soomaaliyeed  sheegtayna inay ka go an tahay Caawinta Soomaaliya.

Bulshada Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ayaa wada didaalo lagu Caawinaayo Muwaadiniintii ay dhibaatadu ka soo gaartay Weerarkii bahalnimo ee dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulankaan  xalay lagu qabtay Magaaladda miniyaabulis ayaa qeyb ka ah baroodiiqda loo sameynaayo dadkii ku dhibaatadu kasoo gaartay qaraxii 14 bishaan ka dhacay magaalada muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Taallada Tour Eiffel ee Paris oo la damiyay si loogu murugoodo Qaraxii Zope

0

Duqda Magaalada Paris, Anne Hidalgo ayaa amar ku bixisay in la demiyo taallada Tour Eiffel ee ay Paris caanka ku tahay Axadda si loogu murugoodo Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhintay qaraxii Sabtida la soo dhaafay ka dhacay Isgooyska Zope ee Magaalada Muqdisho.

Taallada ay caanka ku tahay Magaalada Paris ee Cariga Faransiiska ayaa la damiyay Nalalkii ka shidnaa, taasi oo loogu boroor-diiqayo dhacdadii ugu xumeed ee ka dhacda guud ahaan Dalka Soomaaliya 14-kii bishan , waxaana ku naf waayay Dad aad badan, islmarkaana waxaa bur-buray hanti aad u fara badan.

Duqa Magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa sheegtay in la dami doono Nalalka ka shidan Taalladaasi , si loola qeybsado dadka Magaalada Muqdisho dhibaatadii ku dhacday.

Dowlada Turkiga ayaa iyana Daartay Iftiin Buluug ah, si ay u Muujiyaan sida ay uga xun yihiin dhibkii loo geystay Dadka Muqdisho Sabtidii.

Dowladda Soomaaliya ayaa u aqoonsatay dhacdadaasi mid ah nasiibo Qaran, waxaana hoos loo dhigay Calanka Soomaaliya muddo 3 cisho ah.

Koonfur Afrika oo si Kulul u Cambaareysay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (SONNA) Dowladda Koonfur Afrika ayaa cambaareyneysa Qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho, Sabtidii, 14 October 2017, taas oo keentay in dad badan oo shacab ah ay ku dhintaan boqolaal kalane ay ku dhaawacmeen

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarada arimaha dibada koonfur afrika ayaa lagu yiri ” Koonfur Afrika ayaa dib u soo celinaysa cambaareynta dhammaan noocyada argagixisanimada iyo xagjirnimada gacan ka hadalka. Waxaa si gaar ah loola jeedaa in weerarka loo geystay si aan kala sooc lahayn dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan lagu laayay taasi oo tirada dhimashada ay 200 oo qof kor u dhaaftay

“Dawladda Koonfur Afrika waxay mar waliba garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed ee xilligan ku sugan xaaladda adag

Madaxweynaha koonfur afrika Jacob Zuma  ayaa dhambaal tacsi ah u diray madaxweynaha jamhuuriyadda soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ehelada dadkii ku naf waayay qarixii 14 bishan ka dhacay magalada muqdisho waxaana dadka dhaawaca ah uu u rajeeyay caafimaad deg deg ah in eeba siiyo

Ugu danbeeyntii warsaxaafadeedkan kasoo baxay wasaaradda arimaha dibada Koonfur Afrika ayaa waxaalagu sheegay in dowladda koonfur Afrika sii wadi doonta inay la shaqeyso dalalka kale ee ka tirsan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay si ay u sahamiyaan xalalada amni ee muddada dheer ka taagan soomaaliya gaar ahaan la dagaallanka argagaxisada iyo xagjirnimada.

Wadamada Faransiiska iyo Canada iyo Dalal kale oo looga boroordiiqayo Qarixii Soobe

0

Magaalooyin badan oo kamid ah dalalka Caalamka ayaa waxaa ka dhacaya boroordiiq loo sameynayo shacabkii Soomaaliyeed oo ku dhintay Qarixii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Faransiiska oo kamid ah wadamada Codka Vetoga ku leh Golaha Ammmaanka ee QM ayaa amartay in la demiyo nalkii taalada Taariikhiga ah ee Baariiss ee caasimadda Dalkaasi Faransiiska.

Taallada Tour Eiffel ee Paris ayaa la damiyay si loogu murugoodo dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Soobe,waxaana la arkayay dadweyne farabadan,kuwaasi oo shucuurtodi muujinayay.

Duqa Magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa sheegtay in walaalahood Soomaaliya ay la qeybsanayaan xannuunka iyo Murugada.

Dhanka kale wadanka Canada oo kamid ah wadamada dhaca Waqooyiga Ameerika ayaa looga boroor diiqey shacabka Soomaaliyeed,waxaana mas’uuliyiinta Dowladda Canadda ay sheegeen in shacabnka iyo Dowladda Soomaaliya ay murugada la qeybsanayaan.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Canada Justin Trudeau ayaa muujiyay sida Dowladda Canada iyo shacabkeeda ay uga xun yihiin dhibaatadii soo gaartay shacabka Soomaaliyeed.

Mr Trudeau ayaa sheegay in ay la qeybsanayaan murugada shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna ku tilmaamay falkaasi fal wuxushnimo ah.

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Sudan oo furtay buugga Tacsida Qaran “SAWIRRO”

0

Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Koonfur Sudan ayaa furtay Buugga tacsida Qaran Sida uu xaqiijiyay Sii-hayaha ahna Xog-hayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya magaalada Juba ee caasimadda Koonfur Sudan Mudane Maxamed Cali Maxamed waxaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Safaaradda buugga tacsida Qaran, waxaana saxiixay Danjireyaasha wadamada Turkey, South Africa, UK, Eritrea, Denmark, Norway iyo Nigeria,  kuwaasi tacsi u diray dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed xasuuqii 14-kii bishan ka dhacday caasimadda.

Safaarada Soomaaliya ee Juba ayaa noqotay safaaradi ugu horeysay ee furtay Buuga Tacsida Qaran ee Safaaradaha waxeyna Diblumaasiyiintaas la qaybsadeen umada Soomaaliyeed dhibaatadii ka dhacday Zoobe 14 kii Bishaan.

 

Madaxweyne Jahmhuuriyadda oo dhambaallo tacsi ah ka helay qaar ka mid ah dalalka Caalamka

0

 

Muqdisho (SONNA), 16 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaallo tacsi ah waxaa soo gaarsiiyey hoggaamiyaasha qaar ka mid ah waddamada dariska iyo kuwa caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni iyo Boqorka Urdun Cabdalla Binu Xuseen ayaa khadka teleefanka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo, iyaga oo u muujiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ula murugeysanyihiin.

Sidoo kale, waxaa dhambaallo tacsi ah u soo diray Madaxweynaha, Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdi Casiis, Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Binu Salmaan, Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad iyo Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordugan.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey madaxda la soo xiriirtay sida ay Soomaaliya ula qeyb-sanaayaan dareenkooda walaaltinimo iyo kan saaxiibtinimo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu u sheegay Madaxdii la soo xiriirtay, in dagaalka lagula jiro argagixisadu uu yahay mid caalami ah sidaas daraadeedna ay tahay in si wada jir ah loo wajaho.

-DHAMMAAD-

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho soo gaaray “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA)  Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay  ee  Jabuuti, Dr jaamac Cilmi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhaqaatiir ay qeyb ka yihiin  ayaa soo gaaray Magaaladda Muqdisho, waxayna la kulmeen Madaxda ugu sareysa dalka.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha ayaana uga mahad celiyey howlaha Gargaar ee ay wadaan iyo doorka ay ka qaateen u gurmashada dadkii Musiibadii Zoobe ee Muqdisho waxyeelada kasoo gaartay.

intaasi kadib Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa qaabilay Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti uu horkacayo, isagoo ku ammaanay doorkii  gurmadka walaalnimo ee ay u sameeyeen Bulshada Soomaaliyeed ee Waxyeelada ay soo gaartay, xilli Soomaaliya ay garab istaag u baahnadeen ayuuna u sheegay  in ay usoo gurmadeen.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay  ee  Jabuuti, Dr jaamac Cilmi iyo wafdigiii uu hoggaaminayey, ayaa booqday xarunta Gurmadka Qaran, halkaasi oo ay kula kulmeen Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, iyagoo warbixin ku saabsan qaabka gurmadka loo wado ka dhageystay R/wasaare ku xiggeenka.

Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuriyada Jabuuti Mudane Jaamac Cilmi Cokane, ayaa sheegay in dhaqaatiirtan ay u yimaadeen inay baxnaaniyaan dhaawacyadii qaraxii ka dhacay Muqdisho, waxaana uu xusay Wasiirku inay in wadaan daawooyin loogu talagalay dadka qaba dhaawacyada.

Wafdigan oo ay soo dhaweyeen Wasiirada Arimahada dibadda iyo Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uga mahadceliyey gurmadka  Jamhuuriyadda Jabuuti ee ku aadan garab istaaga Walaalahood Soomaaliyeed.

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa  ah dowladii ugu horeysay  ee ciidamadeeda ku jiraan kuwa AMISOM gaar ahaan Hiil walaal ee gurmad muuqda u soo dirtay Soomaaliya marka laga reebo dowladda Turkiga oo daabushay dhaawacyadii ku dhawaad 40 ruux oo ku waxyeeloobay qaraxii aragagaxisdu ku gumaadeen shacabka Soomaaliyeed 14-kii bishan.

Agaasimaha SONNA oo Sacuudiga kulan kula qaatay Madaxda qaar kamid ah Wakaaladdaha Wararka Dalalka Islaamka “Sawirro”

0

Jiddah (SONNA) Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Cabdulaahi Sheekh Cabdiraxman Heybe iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee ku sugnaa Magaaladda Jiddah ee Dalka Sacuudiga, halkaasi oo ay uga qeyb galeen shirweynihii 25-aad ee Wakaaladaha wararka Islaamka ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda Wakaaladdaha Wararka Islaamka ee Shirkaasi kasoo qeyb galay.

Madaxda ay la kulmeen Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo wafdigiisa waxaa kamid ah Wakaaladaha Pakistan, Tunisia, Aljeria, Jordan, Imaaraadka Carabta, sucuudiga iyo maleysia, waxayna kala hadleyn Xoojinta xiriirka kala dhaxeeya, Iskaashi iyo Wadashaqeyn, siddii ay isku dhaafsan lahaayeen Khibradaha iyo in Mustaqbalka dhow ay galaan Hishiisyo wax ku ool ah.

Agaasimaha Wakaaladad Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Mudane Cabdulaahi Sheekh Cabdiraxman Heybe,  ayaa sheegay in Madaxda Wakaaladdihii ay la kulmeen uu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan sidii dib loogu soo celin lahaa Maqaamkii Wakaaladda SONNA ay ku laheyd Caalamka, ayna u balan qaadeen Fulinta Codsigii uu ujeediyey.


 

 

Madaxweyne Farmaajo “waxa aad noqoteen dalkii ugu horreeyey ee si dhaw noola qaybsada musiibada dhacday”

0

Muqdisho, 16 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Xarunta Gurmad Qaran oo ay ka socdaan hawlaha gurmadka iyo baadigoobka dadka lagu la’yahay qaraxii argagixisanimada ahaa ee Soobe.

Madaxweynaha ayaa khadka teleefanka kula hadlay dad la soo wacay xarunta oo baadi goobaaya dad ay ilaa haatan ku la’yihiin qarixii, waxa uuna u sheegay Madaxweynuhu in dowladdu ay samaynayso dadaal kasta oo wax loogu qabanaayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay dhallinyarada iskood isu xilqaamay ee howl-wadeenada ka ah barnaamijka Gurmad Qaran, waxa uuna ku bogaadiyey wadaniyadda ay muujiyeen iyo sida hagrasho la’aanta ah ee ay isu abaabuleen si ay dhibka ula qaybsadaan dadkooda.

Dhinaca kale, Madaxweynahu waxa uu tagay garoonka diyaardaha ee Aadan Cade halkaas oo uu ku saagootiyey qaar ka mid ah dhaawacyada oo loo qaadaay dalka Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu halkaas kaga guddoomay Wasiirka caafimaadka Dalka Turkiga Mudane Axmed Demirkaan tacsi uu ka siday Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha dalkiisa.

Wasiirka ayaa yiri “Mudane Madaxweyne, waxa aan dhambaal tacsi ah idiin ka sidaa Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan iyo Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Bin Cali Yildirim. Waxa aan halkan u imaanay si aan idiin la qaybsanno murugada, markastana waa idiin muujinnaa in aan idin garab taagannahay.”

Madaxwyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay garab istaagga Turkiga ay u sameeyeen Soomaaliya mid ay ka filaayeen, maadaama labada dal ay ka dhaxeeyso xirriir qoto dheer iyo iskaashi walaaltinimo.

“Turkiya shacab iyo dowlad, waa ku mahadsantihiin sida aad ugu damqateen walaalihiina Soomaaliyeed, waxa aad noqoteen dalkii ugu horreeyey ee si dhaw noola qaybsada musiibada dhacday.”