Home Blog Page 1430

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka qeyb galay Ololaha taageerada Haweenka ee Howlgalka ciidamada Qalabka Sida

0

Muqdisho (SONNA) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Xildhibaano iyo xubno kala ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu weyneynayay ololaha taageerada Haweenka ee howlgalka ciidamada Qalabka sida.

Munaasabadda waxaa kaloo ka soo qeyb galay qeybaha bulshada waxaana xafladda lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumayso gubaabinta iyo garab istaaga ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, kuwaasi oo dagaal kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.

Xildhibaanada Haweenka ee Golaha shacabka oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin dhiiri gelinta ciidamada qalabka sida, ayna soo dhaweynayaan cidkasta oo gacan ku siineysa howsha.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in haweenku ay mar waliba diyaar u yihiin garab istaaga ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isla markaana aysan ka daali doonin guubaabinta ciidamada qalabka sida.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo soo xiray xafladda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay casuumadda ay ka muuqato wadaniyad.

“Waxaan isugu nimid inaan ka wada hadalno Mustaqbalka Soomaaliya, waxaad halkan iigu yeertaan inaan arko doorka haweenka Soomaaliyeed, doorka ay haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dalkan iyo jiritaankiisa waxaa tusaale inoogu filan qeybti ay ka soo qaateen laga soo bilaabo markii aan xornimada qaadanay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Maanta waxaan u baahanahay kumaan Xaawo Taako, waxaa la hubaa oo la ogyahay in hooyooyinka Soomaaliyeed ay yihiin ayna ahaan doonaan badbaadiyeyaasha Qaranka, waxaa la ogyahay inay Nabadda jecelyihiin, waxaa la ogyahay in cadaaladda jecelyihiin, waxaa la ogyahay in raggu ka wadaniyadsanyihiin”.

“Waxaan ku faraxsanahay in 30% haweenku ay Baarlamaanka qeyb ku leeyihiin, balse waxaa la idinka rabaa inaad diidaan wixii hadda ka dambeeya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hadalkiisa ku daray “Waxaan idin sheegaya in dalalka dunida ugu horumarsan iyo dalalka ugu dhaqaalaha badan ee adduunka aad aragtaan, waxaa lagu gaaray ilaalinta xaquuqda haweenka, marka waxaan rabaa in raggu ay ogaadaan sirta nolosha oo la dhowro xaquuqda dumarka”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haweenkii ka qeyb galay kulanka ku guubaabiyay inaysan dhex dhexaad ka noqon in cadowga uu degaan ka dhigto Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan caawa idin sheego waxa aan ka hadlayno ma ahan, hal qof iyo hal gobol, waxaan ka hadleynaa masiirka Ummadda Soomaaliyeed, waxa laga hadlayo waa idinka mustaqbalkiina, waxaana la idinka rabaa inaad cod dheer ku taageertaan sidii dalka looga xoreyn lahaa cadowga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

“Waxaan la dagaallameynaa caddowga Ummadda Soomaaliyeed oo ah Al-Shabaab, Shabaabku calan ma wadaagi karno waayo waxa ay gubaan calanka baluugga ah oo dad badani u soo dhinteen, Shabaabku dhul lama wadaadi karno, waayo waxa ay aaminsanyihiin in dhulka ay nala leeyihiin ajaanib dooneyso inay Ummaddan xasuuqdo, marka ma jirto wax aan wadaagi karno argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u baahanyihiin Qaranimo iyo inay cadowga ka sifeeyaan dalkooda, isagoo intaa ku daray in dowladdu ay u baahantahay shacab garab taagan oo ka qeyb qaata howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xusay in Madaxda Qaranka ay ka soo bixi doonaan kaalinta looga baahanyahay, shacabkuna laga rabo inay dhankooda ka qeyb qaataan kaalinta uga aadan horumarinta dalka.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowlad diidka iyo Shabaabku aysan wax farqi ah u dhexeyn, waxaana uu taliyaha Xoogga dalka ku amray in uu xafiiskiisa u furo haweenka sidii ay u garab istaagi lahaayeen ciidamada qalabka sida.

“Ka daalimeyno inaan cadowga iska difaacno, maka niyad jabeyno inaan ilaalino sharafta iyo Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed” ayuu Ra’iisul Wasaaruhu hadalkiisa ku soo xiray.

 

 

 

 

 

R/Wasaare Khayre oo ka qeyb-galaya Munaasabadda Ololaha Haweenku ay ku taageerayan Ciidanka XD oo Muqdisho ka oscota

0

Muqdisho(SONNA) Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ka bilaabatay Munaasabad ku saabsan Ololaha Haweenka Soomaaliyeed ee taageeridda howlgalada ciidanka Xoogga Dalka ay wadaan ayaa haatan si toos ah uga soconaysa magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeyb-galaya  munaasabadani Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,Wasiiro katirsan Xukuumadda,xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Sooomaaliya,haween saraakiil iyo qeybaha bulshada.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigaya suugaan ka tarjumaysaa gubaabinta iyo garab istaaga ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya,kuwaasi oo dagaal kula jira maleeshiyada Alshabaab.

Waxaa lafilayaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu khudbad ka jeediyomunaasabadda,isagoo ka hadlidoona muhiimadda ay leedahay in la garab istaago ciidamada,islamarkaana ka hadlidoona dagaalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Alshabaab.

Wasiirka amniga gudaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo “SAWIRRO”

0

Kismaayo (SONNA) Wasiirka Wasaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane  Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa caawa fiidkii gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wasiirka iyo Wafdiga la socday waxaa si haboon ugu soo dhaweeyey garoonka magalada Kismaayo Wasiirka Wasarada Amniga ee dawlada Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur iyo mas’uliyiin ka tirsan labada gole ee Dawlad Goboledka Jubbaland.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu garoonka ku soo dhaweeyo Wasiirka Amniga  Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducale Islow ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Amniga iyo mas’uuliyiinta kale soo dhawayntiisa ka qeyb qaatay, waxaana uu tilmaamay in uu Kismaayo u yimid sidii meel looga soo wada jeesan lahaa  cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

Socdaalka Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ku soo beegmaya xilli maanta uu ka furmay magaalada Kismaayo shir ay ka qayb galayaan Wasiirada Wasaaradaha Amniga ee dawlad Goboleedyada dalka, kaasi oo maal maha soo socda lasoo gbo gabayn doono.

Dowlada Hoose ee Galkacyo oo bilowday bur burinta dhismayaal sharci darro ah “SAWIRRO”

0

 

Howl galkaan oo ah mid lagu bur burinayay dhismayaal si sharci dara ah looga dhistay wadooyin iyo meelo biyo bareeno horay u ahaa ayaa waxaa maanta maamulka Degmada Galkacyo ee Galmudug waxa uu ka bilaabay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug

Dhismayaasha maanta la bur buriyay oo ahaa kuwa caqabad ku ahaa wax ka qabadkja bilicda magaalada iyo isu socodka bulshada ayaa waxaa ugu horeyn dareenkooda ka hadlay qaar ka mida milkilayaashii dhismayaasha  la bur buriyay kuwaasi oo sheegay in ay soo dhaweynayay talaabada uu maamulku ku doonayo hagaajinta bilicada iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka kale ee ka yira magaalada Galkacyo.

Duqa Dagmada Galkacyo xirsi yuusuf barre oo isna warbaahinta la hadlay ayaa ka dhawaajiyay in maaulku uusan ogalaan doonin in si sharci dara ah lagu daganaado meelaha bulshada ka dhaxeeya howlgalka maanta uu qeyb ka yahay qorshahooda la dagaalanka dhismayaasha sharci darada looga dhistay wadooyinka iyo meelaha kale ee bulshada ka dhaxeeysa isagoona xusay in howlgalkoodu uu socan doona tan iyo inta lagu guulaysanayo in ay furaan wadooyin far badan oo si sharciga aan wafaaqsanayn looga sameeystay dhismayaal iyo guryo sharci dara ah ciddiim ka hor timaadana ay talaabo ka qaadi doonaan.

Talaabadaan ayaa ah mid muujineysa nidaamka wanaagsan ee Dowladnimo ee ka jira Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug

Sawir Qaade:- Cabdirisaaq Maxamed Axmed Gaalkacyo

R/Wasaare Khayre oo ka qeybgalay kulan loogu duceynayay Jenaraal Calishariif

0

Kulankan loogu ducaynayay Allaha u naxriistee Taliyihii Hoggaanka ciidamada Nabad Galiuada Waddooyinka ee Taraafikada Cali Maxamuud Cali (Cali SHariif) oo dhawaaan geeriyooday ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeybgalay kulankaasi Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Xasan Cali Khayre,Siihayaha taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Soomaaliya.

Dhamaan mas’uuliyiintii ka hadashey kulanka ayaa Eebe uga baryay marxuumka in uu janadii Fardowsa uu ka waraabiyo,eheladii iyo Umadda Soomaaliyeed uu ka geeriyoodayna samir iyo Iimaan uu ka siiyo.

 

Shirweyne looga hadlayo Amniga dalka oo kismaayo ka furmay”Sawirro”

0

Kismaayo(SONNA)-Shirkaan  oo ay kaqeyb galeen Wasiiru Dowlayaasha Wasaaradaha Amniga Dowlad goboleedyada Dalka,Guddoomiye kuxigeenka amniga gobolka Banaadir iyo Agaasimaha guud ee Wasaradda amniga gudaha dalka,saraakiil booliska ah,QM UN-ka iyo AMISOM ayaa ka furmay magaalada kismaayo.

Shirkaan ayaa looga hadli doonaa arrimaha amniga dalka tayeynta Ciidanka booliiska,wada shaqeynta hay’aha amniga dowlad gboleedyada dalka iyo kuwa qaranka.

Wasiiru Dowlayaasha Wasaaradaha amniga Dowlad goboleedyada Dalka ayaa shirkaan ku tilmaamay mid lagu xoojinayo amniga, wada shaqeynta Dowladda Federaalka  iyo Maamul goboleedyada.

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur ayaa sharaxad ka bixiyay ahmiyada uu leeyahay  shirkaan maanta kismaayo ka furmay,waxaana uu Wasiirku sheegay in xooga lagu saari doono tayeynta Ciidanka booliiska dalka iyo xoojinta Amniga dalka.

Shirkaan ayaa socon doona mudo labo casha ah,waxaana diirada lagu saari doona xasiloonida dalka iyo wada shaqeynta lamaaha Amniga.

Golaha Shacabka oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka la dagaalanka musuqa iyo xisaab xirkla 2015 iyo 2016

0

Muqdisho(SONNA) Kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Mudanayaasha Golaha SHacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya,ayaa waxaa ay kaga doodeen arrimaha Xisaabxirka Miisaaniyadii Dowladda ee 2015,2016 iyo Hindise Sharciyeedka ladagaalanka Musuq Maasuqa.

Kulankan oo ay yeesheen xildhibaanada waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalak Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Dood kadib ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka waxaa ay ansixiyeen Xisaab Xirka miisaaniyadaha 2015,2016, iyo sidoo kale Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq maasuqa.

Baarlamaanka Soomaaliya aya waxaa horyaala hindise Sharciyeedyo dhowr ah,kuwaasi oo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u gudbisay Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana kamid ah sharciyo muhiim u ah dalka

Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada oo soo saaray go’aan la xiriira diiwaan-gelinta iyo bixinta rukhsadaha

0

Muqdisho (SONNA) Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada ayaa go’aamiyay in dhammaan wasaaradaha xukuumaddu ay faraan shirkadaha iyo hay’adaha is-diiwaangelinaya ama cusbooneysiinaya rukhsadaha ay la yimaadaan caddeyn muujineysa inay leeyihiin sanduuq boosto.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Md. Mahdi Maxamed Guuleed, waxaa la isku af gartay in wasaaraduhu ay gacan weyn ka geysan karaan sidii loo dardar-gelin lahaa boostada dalka, iyagoo sameynaya tallaabooyin lagu dhiirri-gelinayo isticmaalka boostada.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in guddi gaar ah oo uu madax u yahay Wasiiru-dawlaha uu u xilsaaray sidii ay u dardar-gelin lahaayeen Boostada Dalka, una beddeli lahaayeen qaabka ay hadda u shaqeyso oo caqabado badan ay ka hor yimaadeen.

Wasiiru dawladaha, Mudane C/laahi Bile Nuur, oo soo jeediyay qorshaha Wasaaradda ee dhinaca boostada ayaa sheegay in dhawaan la billaabi doono in boostada dalka loo diri karo dalka dibeddiisa, ka dib markii bishii Luulyo ee sanadkan ay Wasaaraddu la soo saxiixatay Boostada Jabuuti heshiis wada-shaqeyn ah oo dhex maraya Boostada Soomaaliya iyo midda Jabuuti. Sanadkii 2013-kii ayaa la billaabay in la keeno boostada ka imanaysa dibedda, hase yeeshee ma suurtogelin in dibedda loo diro boostada ka baxaysa dalka.

“Ciwaanka kaliya ee Soomaaliya ka jira waa sanduuq boosto, waxaana u baahan shirkadaha, macaamiisha bankiyada, jaamacadaha iyo xafiis kasta. Waxaan dooneynaa inaan isbeddel weyn ku sameyno qaabka ay u shaqeyso Boostadu, waayo waxay astaan u tahay dawladnimada iyo ilbaxnimada, waxayna fududeysaa adeegyada ganacsiga iyo dawladdaba. Haddaba waxaan dadweynaha ku wargelineynaa inay u diyaar garoobaan isbeddelada cusub ee lagu sameyn doono Boostada Qaranka” ayuu hadalkiisii ku soo gagabeeyay wasiir Bile.

Ciidamada Xoogga dalka oo Xorreeyey deegaano horleh  oo  Gobolka Sh/hoose katirsan

0

Muqdisho (SONNA), Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, ayaa howlgallo ka dhan ah maleeyshiyada argagixisada ah ee Al-shabaab ka wada qeybo ka mid ah Gobolka shabellaha hoose, iyaggoo ku xorreeyey deegaano hor leh oo gobolkaaasi katirsan.

Degaano hoos yimaada degmadda Kuntunwaareey ayey ciidamada xoogga ka xorreeyeen Nabad diidka Alshabaab, waxaana  deegaanadaas argagixisada ay ku dhibaateen jireen dadka shacabka ah, waxayna ku  qasbi jireen  inay keenaan dhalinyaro u dagaalanta kooxda iyo in aysan jari Karin geedka Soomaalida ay u taqaan cali garoobka oo wadooyinka deegaanada la xorreeyey xiray, dhibaatana bulshada ay ku qabeen.

Taliyaha ururka 26 aad ee  guutada seddaxaad Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle sare Xasan Maxamed Abuukar (Jaamici) oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa u sheegay in gacanta Nabad diidka Alshabaab ay ka bixiyeen deegaano hoos yimaada  degmadda Kuntunwaareey ee Gobolka shabellaha hoose, islamarkaana ay qabteen tiro Maleeshiyaad oo Kooxda u dagaalameysay.

Col Xasan Jaamici, ayaa sheegay in howlgalada Nabad diidka lagula dagaalamayo ee gobolka Sh/hoose ka socda ay noqon doonaan kuwa joogta ah, dhowaanna lasoo afjari doonno howlgaladaasi,  isagoo shacabka ugu baaqay in Ciidamada ay kala shaqeeyaan siddii Alshabaab looga xoreyn lahaa deegaaanada tirada yare ee hadda ay ku dhuumanayaan.

 

Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada oo soo saaray go’aan la xiriira diiwaan-gelinta iyo bixinta rukhsadaha

0

(Muqdisho, 13 Nofeembar, 2017) Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada ayaa go’aamiyay in dhammaan wasaaradaha xukuumaddu ay faraan shirkadaha iyo hay’adaha is-diiwaangelinaya ama cusbooneysiinaya rukhsadaha ay la yimaadaan caddeyn muujineysa inay leeyihiin sanduuq boosto.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Md. Mahdi Maxamed Guuleed, waxaa la isku af gartay in wasaaraduhu ay gacan weyn ka geysan karaan sidii loo dardar-gelin lahaa boostada dalka, iyagoo sameynaya tallaabooyin lagu dhiirri-gelinayo isticmaalka boostada.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in guddi gaar ah oo uu madax u yahay Wasiiru-dawlaha uu u xilsaaray sidii ay u dardar-gelin lahaayeen Boostada Dalka, una beddeli lahaayeen qaabka ay hadda u shaqeyso oo caqabado badan ay ka hor yimaadeen.

Wasaaru dawladaha, Mudane C/laahi Bile Nuur, oo soo jeediyay qorshaha Wasaaradda ee dhinaca boostada ayaa sheegay in dhowaan la billaabi doono in boostada dalka loo diri karo dalka dibeddiisa, ka dib markii bishii Luulyo ee sanadkan ay Wasaaraddu la soo saxiixatay Boostada Jabuuti heshiis wada-shaqeyn ah oo dhex maraya Boostada Soomaaliya iyo midda Jabuuti. Sanadkii 2013-kii ayaa la billaabay in la keeno boostada ka imanaysa dibedda, hase yeeshee ma suurtogelin in dibedda loo diro boostada ka baxaysa dalka.

“Ciwaanka kaliya ee Soomaaliya ka jira waa sanduuq boosto, waxaana u baahan shirkadaha, macaamiisha bankiyada, jaamacadaha iyo xafiis kasta. Waxaan dooneynaa inaan isbeddel weyn ka sameyno qaabka ay u shaqeyso Boostadu, waayo waxay astaan u tahay dawladnimada iyo ilbaxnimada, waxayna fududeysaa adeegyada ganacsiga iyo dawladdaba. Haddaba waxaan dadweynaha ku wargelineynaa inay u diyaar garoobaan isbeddelada cusub ee lagu sameyn doono Boostada Qaranka” ayuu hadalkiisii ku soo gagabeeyay wasiir Bile.

                    —DHAMMAAD—-